Ma Maraykan baa Itoobiya naga Hortaagan

Ilaah baa
mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Ma Maraykan
baa Itoobiya naga hortaagan? Wasiirka amniga, Qanyare wuxuu yiri haa! Laakiin
sida dad kale sheegeen arrintu saas maahane waxaa naga hortaagan Ilaah.
Maaddaama aan rabo inaan soo gudbiyo qeybtii koowaad ee: ka qabiil ku Qur’aan
haddii Ilaah idmo ayaan rabaa keliya inaan xuso dhowr qodob oo cinwaankaas kore
ku saabsan:
-
In uusan
Maraykan Itoobiya naga hortaagneyne ee Ilaah naga hortaaganyahay.
-
Dowladda
la sheegayo oon timahoodu dhan u xiirmin. Wakaas Qanyare leeyahay waxaan
heshiis la soo galay Maraykan si Soomaaliya u badbaaddo halka C/hi leeyahay:
waxa Maraykanku wado waa khalad ee yuusan dagaaloogayaal caawin ee annaga
hanala soo xiriiro.
-
Caqliga
maamulka Maraykanka oo adduunkii oo dhami la yaabbanyahay marba hadduu inta
dagaalooge la shiro leeyahay haddaad saas yeeliweydaan waxaan idin ku soo
deynayaa dowlado kale oo xor ah sida Itoobiya. Marka hadal baa uga furan
wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya iyagoo leh: Maraykan ma adaa
Itoobiya xukuma?
-
Halka
Maraykanku ka taaganyahay shacabka Soomaaliyeed marba hadduu maalinba la
shirayo dhurwaayadii intaas oo sano dadka iyo waddanka baabi’iyey.
-
In
Qanyare oo wasiir sheeganaya uu u gefo Itoobiya isagoo leh: haddaannaan
Maraykana suu rabo u yeelin waxuu waddanka kusoo fasaxayaa Itoobiya. Marka
sidoo kale waa arrin ay Itoobiya ku qabsankarto Qanyare iyagoo sida
Maraykanka dhihi kara: Itoobiya soo ma aha dal xor ah makaad leeyahay
Maraykan baa soo fasaxaya? Waxaana filayaa iney dacwo u qabsandoonaan.
-
Inta
Qanyare iyo waxa la halmaala ay danaha Maraykanka ka hadlayaan meeye koodii
qarannimo? Muxuuse qofka Soomaaliga ah ee tiisii gabay u tarikaraa Maraykan
iyo cid kale toona? Mise Xamar bey ka jirtaa oraah ah: tiisaa daryeeli
waayaa mid kale daryeela?!
-
Isla
wasiirka Qaryare oo ku ceshay hadalkii gefka ahaa ee ahaa: haddaan Maraykan
la raalligelin waxaa Soomaaliya qabsanaya Itoobiya! Bal hadduu cid
raalligelinayo muu Ilaaheygii Maraykan, Itoobiya iyo adduunkoo dhan lahaa
raalligesho. Maxaase shukrigii Ilaah lahaa uu shisheeyaha u siiyey?
-
Waxaa
qabiillooyin iyo dad ugu nasiibdarran kuwa ay nimanka noocaas ahi
hogaamiyaan. Waxaana shaki iiga jirin iney meel daran ku furidoonaan.
Marka
qodobbadaas oo si ahaan qabiilka ula xiriira maaddaama dadka dagaaloogayaasha
taageera ay qabiil ku raaceen intaas baan uga baxayaa waxaana ku xigidoona
haddii Ilaah idmo maqaalkii ahaa: ka qabiil ku Qur’aan.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2006
XABSIGA THAILAND:::
»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland [Dhegeyso]
.Warqado is-Khilaafsan
oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida
.Soomaalida NewZealand oo Baaq u diray Madaxweynaha DFKMG & DGPL
»Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban
(10) Sano ..
»XABSIGA
THAILAND:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09
|
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
Nin dilay Macallin Dugsi Qur’aan oo lagu Qisaasay Muqdisho
»Shariif Xasan “Ra’isul
Wasaare Geeddi wax lagu qanci karo..
»Shiikh Xasan Daahir “Ciidamo
laga keenay gobol gaar ah ma..
»Xuseen Caydiid oo la filayo
in maalinta beri ah uu soo gaaro
»C/llaahi Macallin “Hay’adaha
Caalamiga ah waxaan ugu..
»Iska hor imaad shalay ka
dhacay Magaalada Baydhabo…
»Shir ay London ku yeesheen
Jaaliyadda Digil & Mirifle
»Dagaallo dhex-maray
ciidammada xoreynta & kuwa cadowga
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... May 3
|