SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ma Shariifka Xamar beynnu Taageernaa mise kan Baydhabo 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Sidaan la soconno, Shariif Xasan waxaa doortay 275 xildhibaan oo ay soo xuleen hogaamiye kooxeedyada Soomaaliyeed oo u badan dagaaloogayaasha iyo weliba  IGAD oo gacan weyn ku lahayd. Magaalada uu hadda doortay waa Baydhabo kaddib markuu Xamar ka caalwaayey. 

Meynu maqal cid dagaalooge ah ama shisheeye kalaba oo soo doortay Shariifka maxkamadaha. Shariifka Baydhabo wuxuu ka midyahay 275 qof oo sheegtay iney ilaahyo yihiin. Qofkii la dhaca ilaahnimadoodana waa qof iyaga ilaah ka sii yeeshay. Dadka qaar baa laga yaabaa iney isdhahaan war ninkani goormuu Takfiir noqday?! Soow meynaan maqlin iyagoo dhahaya waxaan nahay golihii “sharci-dejinta”? Haddaba, hadday culumo badan ka gaabsadeen iney arrinta saas u bayaamiyaan; waxaan shakilahayn in qofkii yiraahda waxaan ahay sharcidajiye inuu ilaahnimo sheegtay. 

Maxaa Shariifka maxkamadaha loo taageeriwaayey? Ma mabdi’iisa ah in Islaamka la isku xukumo? Ma qabiilkiisa darteed? Ma Xamarta uu joogo? Mise …? Weli ma fahmin waxa naga khaldan. Tusaale, ka warran qof ka yimid Xamar oo ay Shariifka maxkamadaha isku beelyihiin oo  raba inuu Shariifka Baydhabo iyo Baydhabo dabo ordo! Ma Itoobiya iyo Beesha Caalamkaa shirkii Mbaghati taageertey baa? Mise qaab Ilaah iyo Rasuulkiisu raalli ka yihiin bey ku dabo ordeen? 

Islaamku waa kii Cumar Binu Khidaabkii (RC) oo markuu mushrika ahaa ku jiray jabbaabirada iyo safiirrada ay Qureyshi dirsanjireen. Mana jirin meelo fog fog oo laga yiqiin oon ka ahayn tolkiis dhexdiisa laakiin markuu Islaamka qaatay muxuu noqday? Yaa haya wax arrintaas caksigeed ah? Micnaha qof muslim ahaa oo xukum iyo magac lahaa oo inta Islaamka ka tegay oo gaaloobay reebay magac iyo sharaf? Lama hayo. 

Waxba yeysan na dagin markaan mar mar soo dhoweysanno xildhibaanno dhahaya: waxaan ka soo horjeednaa Itoobiya. Caqligaa keenaya in labo dhib midka sii dhibyar la qaato. Laakiin arrintaasi marna sharaf u keenimeyso qof aamminsan inuu xukun dejin karo. 

Talo: gaalnimo iyo gaalo-dabo-carar wax ku weynaye; qof kastoow isku day annagoo Ilaahay talosaaraneyna sidii waddankeenna iyo dadkeenna loo badbaadinlahaa. Hadda waxaad maqleysaa ciidamadii ku jiray xerada Daynuunaay oo soo gadooday oo ku soo noqday Baydhabo! Waxaa la leeyahay waxay waayey waxay ku noolaan lahaayeen ileyn  waxaynu ku xirannahay waxa ka yimaada xagga UN-ka. Laakiin anigu waxaan arkaa in qof kasta oo Soomaaliya la xiriiro guddigii taakuleynta abaaraha laguna diro lacag xitaa toban toban doolar dabadeedna la yiraahdo u sameeya maamul Xamar iyagoo kaashanaya odayaasha iyo maxkamadaha. Haddii saas la yeelo waxaa dhacaysa inaan loo baahan UN-ka. Marka aan toban tobanka ku aruurinno waddamadaan joogno ama qof kasta markuu dadkiisa la xiriiro ha dhaho tobankaas doolar ama lacagtaas u geeya guddigaas. Dadka qaar baa u arka arrin khiyaali ah. Runtii, ma ahan. Ma inaan toban doolar bixinnaa khiyaali ah? Haddii taasi dhacdo waxaa dhacaysa in guddigaas abaaruhu ay helaan malaayiin lacag ah bil kasta. Ma umaleyneysaa in tobonaanka kun ee UN-ku bixiyo oo hoo oo ku go’da ah loo baahnaanlahaa? Lacagahaas waxaa lagu howlgelinkaraa maamulka Banaadir, in la furo garoonka iyo dekedda weyn, in wax laga qabto iskuullada, isbitaallada, biyaha iyo nadaafadda. 

Sidii aan marar badan sheegay, haddii Xamar hagaagto waxaan Ilaah ka fileynaa in waddanka intiisa kalana hagaagidoono. Laakiin wataas iyadoo ay labo sano  ku dhowdahay waxii la soo dhoodhoobay; waxa keliya oo soo ifbaxayaa waa Itoobiya oo rabta iney labo faras hal mar wada kooreysato. Ileyn wataas la leeyahay: Itoobiyaa safiir ka furatay Hargeysa! Waxaa dad ugu caqli xun nin inta culumadiisii, magaaladiisii iyo qabiilkiisii ka tagay iska dabogalay sheeko ay wataan dagaalooge iyo cadowgii Soomaaliyeed. Anigu waxaan is dhahaa waxay ku fiicantahay in Shariifka maxkamadaha lagu beddelo nin kale oo ka socda mid ka mid ah “4.5” ileyn dadkiisii baa iska raba sidaas e’. Shalay korneylka iyagaa doortay; maantana iyagaa raba iney inta Xamar ka tagaan Baydhabo aadaan. Fiicnaan lahadaa hadday intaas keliya ku ekaan lahayd! Waxay sii rabaan in wixii ka badbaaday dadkii iyo magaaladii Xamar ay inta hay’ado sirdoon lacag ka soo qaataan ay sii baabi’iyaan. Marka caqligeedu waa Xamar aan burburrino; Baydhabo, “Puntland” iyo “Somaliland” ha baraareenne. Dagaaloogayaasha Xamar keliya khaladka ma laha ee waxaa wax ku leh qabiilka halkaas degen oo dhan ileyn iyagaa dagaaloogayaashaas u arka halyeeyo.

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2006


XABSIGA THAILAND:::
»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland
[Dhegeyso]
.Warqado is-Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida

.Soomaalida NewZealand oo Baaq u diray Madaxweynaha DFKMG & DGPL
»
Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

»XABSIGA THAILAND::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |


Nin dilay Macallin Dugsi Qur’aan oo lagu Qisaasay Muqdisho
»Shariif Xasan “Ra’isul Wasaare Geeddi wax lagu qanci karo..
»Shiikh Xasan Daahir “Ciidamo laga keenay gobol gaar ah ma..
»Xuseen Caydiid oo la filayo in maalinta beri ah uu soo gaaro
»C/llaahi Macallin “Hay’adaha Caalamiga ah waxaan ugu..
»Iska hor imaad shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo…
»Shir ay London ku yeesheen Jaaliyadda Digil & Mirifle
»Dagaallo dhex-maray ciidammada xoreynta & kuwa cadowga
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 3