Dadka iyo Diintooda maxaa
loo kala dhex joogaa?
A.D.
Elmi
adelmi@hotmail.com
Ummadda Soomaaliyeed oo ah dad 100% Muslim
Sunni ah , ayaan weligoodba fursad loo siinin inay ku noolaadaan shareecada
Islaamka oo ay noloshooda oo dhan ku dabakhaan Diinta ay rumaysan yihiin,
tan iyo kolkii la helay xornimada geyiga Soomaaliya waxaa isaga dambeeyey
waddankan dowlado ku dhaqmaya Dastuurro la dejiyey, inkastoo waqtigaas dalka
Soomaaliya uu qayb ka ahaa caalamka Muslimiinta oo ay qarqiyeen mawjadihii
cuslaa ee Calmaaniyadda, oo ay kaxaynayeen reer galbeedka.
Inkastoo Soomaaliya ay
ragaadisay Calmaaniyadda ku dhisan kala fogeynta dadka iyo Diintooda,
haddana dalkani markii uu burburay waxaa fursado helay qeybo ka mid ah
bulshada, in Allaale iyo intii xumaan doonka ahaan jirtay waxay madax
bannaani u heleen inay sii wataan xumahoodii, intii kale ee wanaag iyo Diin
doonka ahaydna waxay fursad u heleen inay bartaan macluumaadka Diintooda,
waxaana soo baxay jiil cusub oo fahmay in Diinta Islaamku aysan ahayn
Masaajidka oo laga addimo ama salaadaha oo la oogo keliya, balse Islaamku uu
yahay nidaam dhamaystiran oo qofka muslimka ahi ku dhex nool yahay dhan
walba.
16kii sanadood ee tegey Soomaaliya waxay la
legdamaysay qabashada shirar isdaba joog ahaa oo ay u fariisan jireen kuwa
ugu sharta badan ummadda, weli ma dhicin shirar ay leeyihiin culumo
Soomaaliyeed oo ay uga arinsanayaan aayaha dalkooda, mana jirin xittaa ka
qayb gal rasmi ah oo dhinaca culimada ah, waxaana laga yaabaa in
Calmaaniyaddu ay si wanaagsan u saameysay xittaa qaar ka mid ah culimada oo
ugu dambayntii u qaatay in iyaga doorkoodu yahay masaajidka, arintaasina
waxay sababtay in marka ay hadlayaan ragga siyaasiyiinta ah ama dagaal
oogayaashu ay yiraahdaan “CULIMADU HA KU EKAADEEN MASAAJIDKA, IYO CULUMO
HEBEL WAA KUWO XUKUN DOON AH” ereyadaas marka aad dhadhamiso waxaad ka
dhuuxi kartaa sida maanka dadka qaar ay uga maqan tahay in dadka
Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in lagu xukumo shareecada Islaamka iyadoo ay
hoggaaminayaan dadka kuwooda ugu khayrka badan oo ah culimada; in hoggaanka
ummad dhan lagu aamini karo oo keliya inta taqaan sida Alle looga cabsado,
waxaad mooddaa inay guulaysteen weeraradii xagga maskaxda na looga soo
qaaday oo ahaa “FASLU DIIN CANI DOWLAH” in Diinta iyo dowladda la kala
saaro.
Dhinaca kale, waxaa la oran karaa waqtigan waa
xilligii ku haboonaa ee dadka loo soo bandhigi lahaa in shareecada Islaamka
la isku xukumo, in la qaato nidaam Islaami ah oo dhamaystiran, maadaama la
soo tijaabiyay oo lagu daalay, nidaamyadii kale oo dhan, waxaana markaas
loo baahnaan doonaa in la helo culumo leh aragti iyo aqoon Islaami ah ee aan
lahayn aragti urur Islaami ah oo xadaysan, sidaas oo kale waxaa loo baahan
yahay in dadka qaarkiis oo cabsida ka qaba ku dhaqmidda Diinta Islaamka in
iyagana la fahansiiyo in Diinta Islaamku aysan khatar ku ahayn hab
nololeedka bulshada casriga ah, balse ay Diintu qaabaynayso ayna kaabayso
isla markaana dhiirigelinayso dhaqaaqa iyo horumarka dhinac walba leh ee
Aadanaha.
Dadka cabsidaas qaba ayaa ah dad aan
macluumaad fara badan ka haysan Diinta Islaamka, oo marka ay maqlaan
Shareecada Islaamka ay xasuusanayaan gacan goyn, karbaash iyo dhagax ku
dilis, dadka caynkaas ah ee muslimiinta ahi waxay u baahan yihiin in la
wacyi geliyo oo la baro Diintooda, si taas loo helana waxaa habboon in marka
hore ay culimadu dhinac isugu luga duwato, iyagoo iska illaawaya
khilaafaadka dhexdooda ah ee ku salaysan mas’allooyin Furuuc ah, maadaama
aan la isku hayn dhinaca Usuusha, waxaadna mooddaa in ay waqtigan si gaar ah
lagama maarmaan u tahay in culimada u istaagto ku hoggaaminta shacabka
Soomaaliyeed danahooda adduun iyo tan aakhiro, maadaama ay haatan si caddaan
ah u soo if baxday dagaalka ballaaran ee lagula jiro Diinta Islaamka (XOOLAHABA
SIDA AY ISU HIRDINAYAAN AMA AY GEESAHA UGU DAGAALAMAYAAN, MARKA WARAABE AMA
LIBAAX SOO WEERARO WAXAY GARTAAN INAY IS DAAYAAN OO DHINAC ISUGU BUURTAAN)
halka ummaddeenuna ay garan weysay inay u midoobaan cadowgooda guud ee
duulanka ku ah Diintooda iyo danahooda adduun intaba.
Dadka iyo Diintooda, maxaa loo kala dhex
joogaa?.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2006
Dagaal ka Dhacay
Deegaanka Waxaracade
»Ugaas Max’ed Weli: C/llaahi
Yuusuf wuxuu xabashi ahaa 30..
»Ra’isul Wasaare Geeddi “Si dhaqsi
leh ayaan ugu soo gudbin
»10 ka mid ah Maleeshiyadii
Mareykanka ku qabteen Xeebaha
»Isqabqabsi ka dhex jira sidii
maamul loogu sameyn lahaa..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Apr 30