SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

 Nolosha wiil Aabihiis Ingiriis ahaa oo kirishbooy ka ah Hargeysa.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
farahblue_545@hotmail.com


C/raxmaan Shariif Maxamed (Taysiir)
Taysiir55@hotmail.com
 

Magaciisa oo saddexan waa Nimcaan Ibraahiim Bowdan, waxaa uu ku dhashay magaalada Hargeysa 10-kii bishii Octobar ee sannadkii 1988-kii, waxaa iska dhalay Aabbe ingiriis ah iyo hooyo Soomaali ah, Aabihii waxaa la odhan jiray Bowdan Erick Pascal, waxana uu aabihiis markiisii hore ahaa nin haysta diinta Kirishtaankam hase yeeshee wuu soo Islaamay inta uusan guursan xaasas saddex ah oo Soomaali ah, wuxuu noqday markii dambe Injineer ka shaqeeya wakaaladda biyaha ee Hargeysa, markii dambena wuxuu ku soo biiray diinta Islaamka, waxaana loo bixiyey magaca Ibraahiim.

Nimcaan Hooyadiis waxaa iyana la odhan jiray Ruun Aw-Daahir Max’ed, waxey aheyd xaaskii ugu dambeeyey ee Ibraahiim, iyadoo udhashay laba wiil oo kala ah Nimcaan iyo Nimcaale, waxeyna labadaasi wiil oo ku soo biiray qoyska Ibaraahim iyo Ruun, ahaayeen kuwo farxad galiyey nolosha reerkooda, Aabahood waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho sannadkii 1992-ki xilligaas oo ay bilow ahaayeen dagaalada sokeeyey isla mar ahaantaana la bar tilmaalmeedsanayey dadka ajaanibta ah. Hooyadoodna waxey geeriyootay Nimcaan oo 7-sano jir ah, sannadkii 1995-kii.

Nimcaan intii aaney hooyadii dhiman waxey geysay Dugsiga H/Dhexe ee Sh. Bashiir oo ku yaalla magaalada Hargeysa, lix bilood ka dibna waa uu isaga tagey kaddib markii ay hooyadii geeriyootay, reer abtigii ayaa waxey u wadeen Nimcaan miyiga, halkaasoo uu la qabsan waayey nolosha adag ee dadka miyiga, wuxuuna muddo gaaban kaddib ku soo laabtay waddooyinka magaalada Hargeysa, halkaasoo ka bilaabay noloshiisii iskoriska aheyd.

Nimcaan waxaa uu ka mid noqday caruurta darbiya jiifka ah, {Street child}, ”Waxaan meel la seexan jiray caruurta isticmaasha xabagta, xashiiska, qaadka, iyo maandooriyaalka kale, waligeyna xabag {Koollo} ma isticmaalin” ayuu yiri, Nimcaan oo ka sheekeynayey bilowgii noloshiisa dhibka iyo silica badan, Nimcaan wuxuu baranayey muddo sideed bilood ah hawlaha dhismaha, isagoo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin Baalash, {Caseeye} hawlaha dhismaha iyo Kirishbooy, kuwaasi oo uu dhib badan kala soo kulmay.

”Nolosheyda waxaa iigu dhib badnaa markii habeen uu jiray qabow ba’an uu nin waalan naga qaatay buste dhaxameed uskak badan oo aan wada huwaneynay aniga iyo saaxiibkey kale oo darbi jiif ahaa, waxaana anagoo in badan wada hardameynay markii dambe nooga qaaday niman kale oo ku soo baxay cabaadkeena” Nimcaan oo noloshiisa adag kasii warbixinaya ayaa wuxuu leeyahay, ”Saddex jeer ayaa waxaan helay fursado aan ku aadi karay dalka dibaddiisa hase ahaatee waxaa fursadahaa idhaafiyey dad aan nolosheyda rabin, laba jeer waxaa i wadi rabay hay’adaha Qaramada Midoobey, marna dalxiisayaal Jarmal ah balse maxey kuugu taallaa garoonka ayaa la iga soo celinayey iyadoo la lahaa {kan yari wuu Gaaloobayaa}, aniguse waan jeclahay Diintayda Islaamka oo ma gaaloobeen.

Nimcaale Ibraahim Bowdan oo ah wiilka kaliya ee ka weyn Nimcaan, wuxuu dhashay sannadkii 1986-kii, waxaana koriimadiisa dusha u ridatay ayeydiis oo la odhan jiray Aamina Aw Daahir Qaalib, oo xiligaa ku nooleyd magaalada Muqdisho, waxaana u suura gashay iney geyso Kuleej waxbarasho oo Talyaanigu gacanta ku hayey, waxaana uu nasiibkiisu noqday in markii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya uu sii xoogeystay uu ka mid noqdo dadkii ajnabiga ahaa ee safaaradda Talyaaniga ay ka daadgureysay Xamar, iyadoo sidaana Nimcaale lagu geeyey Talyaaniga.

Nimcaan waxaa noloshiisa qodax ku soo taagnaatay muddo ku noqday nin hooyadiis ay qaraabo ahaayeen oo aad u cadaadin jiray sida uu isagu sheegay, ”Waxaa uu ibaday in aan dhib badan maro” ayuu Nimcaan si muruga leh u yiri, waxaa kale oo uu xusay in nin seedigii ah oo qabay walaashiis oo Ingiriiska ku nool uu kala kulmay cadaadis aanu ka fileyn, ”Waxaan kula kulmay Hargeysa, wuxuuna ila hadashiiyey walaashey, iyadana waxey kula dardaarantay inuu i ogaado, waxaan joojiyey markaa kaddib, kirishboynimadii oo waxaan is iri markan waxaad la mid tahay asaagaa, hase ahaatee, seedigey wuxuu la yimid isbedel isagoo canaan aanan galabsan ii joogteeyey, isla markaana walaashey ka dhaadhiciyey in aan ahay wax iskuma fale isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, markaas kaddib waxaan bilaabay inaan cuno qaadka, anigoo isla galabkaaba markii ugu horreysay soo qaatay qaad lana soo ag fariistay guriga hortiisa, dibna waxaan ugu laabtay noloshii aan lahaa waad ka baxday iyo riyadii beenowday ee aan runta u haystay.

Nimcaan mar ayuu safar ku tagay dalka Jabuuti xiligaasi oo uu raacay gaari xamuul oo ku sii jeeday magaalada Jabuuti, wuxuu joogay halkaasi bilo aan tiro badneyn, balse waxaa uu dib markii dambe ugu soo laabtay magaaladii Hargeysa, kaddib markii uu la soo qabsan waayey nolosha dalkaasi Jabuuti.

Inanka yar ee Nimcaan waa wiil sheeko badan oo furfuran jecelna had iyo jeer inuu la sheekeysto dadka ikhyaarta ah, wuxuuna daneeyaa inuu dadka u baahiyo akhbaarta noloshiisa iyo xaaladihii uu soo maray, waa wiil bulsho ah, ”Waxaan jeclahay in Soomaaliya ay midowdo oo Illaahay nabad ku soo dabaalo gobolada ay colaadaha ka jiraan."

Wiilkan Nimcaan ah wuxuu leeyahay hiwaayado kala gadisan, ”Waxaan ku fikiraa in aan sameeyo hees luqadda Ingiriiska ah oo aan ugu magacdaray I am alone! oo macnaheedu yahay Waan cidloonayaa! taasoo aan uga hadlayo nolosha aan soo maray iyo tan aan haatan ku jiro, waxeyna qeexi doontaa heestaan waayihii aan soo maray” balse layaabka jira ayaa wuxuu yahay Nimcaan inuusan garaneyn luqadda Ingiriiska, marka laga reebo xoogaa yar oo badbaado, ”Aad baan u calool xumaadaa markaan is ogaado inaanan garanayen luqaddii aan u dhashay iyo markaan arko dad aan u dhalan Britain oo ugu hadlaya sidii dadkeena oo kale” ayuu yiri Nimcaan oo aad ka dareemayso sida uu uga xunyahay inaanu garnayen luqadda reer aabbihii, waxaase uu sheegay inuu ku talo jiro barashada af Ingiriisiga, ”Haddii aan helo maalinkii laba saac oo firaaqo ah muddo lix bilood ah waxaan ugu hadli doonaa luqadda Ingiriiska si isdaba joog ah oo cidna aysan cid kale iiga tarjumin” ayuu yiri Nimcaan oo nagula sii kaftamay ”Safarkiina dambe ee Hargeysa waxaad ii imaan doontaan aniga oo Tarjubaan ah”.

Waxaa jira laba hablood oo ku aabbe ah oo ku nool dalka Ingiriiska kuwaas oo lagu kala magacaabo Shukri Ibraahim Bowdan iyo Iimaan Ibraahim Bowdan, in kastoo aanu la laheyn sida uu sheegay wax xiriir ah, Nimcaan waxa uu dareemaa inuu kaligii yahay mararka qaar, ”Marka la gaaro ciidaha oo aan arko ilmo waalidkood la socda oo suuqyada imaanaya, waxey ugu sii daran tahay marka aan maqlo iyagoo hooyooyinkood ku dhahay dharkaan ma rabo ee kuwaa kale ii iibi, runtii waxaan is iraahdaa haddii hooyadaa ay noolaan laheyd silacan iyo murugadaan subax noolba kuma waabariisateen” sidaa Nimcaan ayaa yiri isagoo sharaxaad ka bixinaya sida dareenkiisa isku badalo xilliyada qaar, waxaana uu gabdhaha la dhashay ka codsanayaa iney garab siiyaan oo ay la soo xiriiraan xaaladdiisana wax ka ogaadaan.

Nimcaan waxaa uu ku riyoodaa inuu noqdo saddex midood, tan hore wuxuu jecel yahay inuu noqdo darawal dowladeed, midda labaad wuxuu aad u daneeyaa inuu ka mid noqdo ilaalada wasiirada iyo tan saddexaad oo ah inuu noqdo Duuliye si saraaxad leh ku mara hawada meelo kala gadisan oo caalamka ah.

”Waxaa jira dad aan abaal weyn u hayo oo gacan weyn ka geystay nolosheyda”

Hadda Nimcaan wuxuu la nool yahay nin la yiraahdo Cali oo ah wade gaari Koostar ah oo ka shaqeeya xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa, waxaana habeenkii uu ku baryaa kursi ka mid ah gaariga uu ka shaqeeyo, iyadoo maalintii oo dhanna uu isla gaarigaa ka shaqeeyo habeenkiina uu waardiye ka qabto, ”Waxaa uu i siiyaa Sh. Cali khery Alle ha siiyee qado, quraac iyo gunno yar oo ah 16,000 Sh Sl, iyadoo aan ka cunteeyo maalinkii gurigiisa habeenkiina aan is dabaro” ayuu yiri Nimcaan oo aad ugu rajo weyn inuu tago dalka Ingiriiska nolosha haatan uu ku nool yahay wuxuu rajeeyaa nolol ka heer sareysa.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
farahblue_545@hotmail.com


C/raxmaan Shariif Maxamed (Taysiir)
Taysiir55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2006

Boosaaso: Caruurta ku Dayacan Waddooyinka oo soo Kordhaya.

Waxaa ku soo badanayay guud ahaan Soomaaliya Caruurta Wadooyinka ee Jiifata Darbiyada ama wax ka cunta meelaha Qashinka lagu soo qubo oo qaarkood aad arkayso iyagoo isticmaalaya daroogooyin ka tan badan sida Koolada 99-ka layiraahdo oo ay Nuugahayaan, xashiishada nooca Murjuwaanka la yiraahdo oo sida Sigaarka loo isticmaalo, qaarkoodna markaan wax ka waydiiyay in ay Cabaan Qamriga ayay ii sheegeen hadii ay helaan Lacag ku filan ay fursad u helaan..
Guji...


Xaggee ayuu ku Dambeeyey Madhoodhow
Sannadkii 2004, Xasan Abeyle waxa uu ku Qadeynjirey Qaadka, waxa uu ku Casheynjirey Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeysanjirey. Hadaba xagee ayuu hadda ku dambeeyey.. Akhri Jawaabta


Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"...