Haddii
aad noolaato maalinba maalinta ka dambeysa, waxaad la kulmeysaa
ayaado waaweyn oo uu ku cimro qaato, qofkii Illaahay uu siiyey cilmi
ama caqli saliim ah, aayadahaasi ha noqdeen kuwa ku farax galiya,
ama kaa nixiya, 18/3/2006, waxaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho,
isbaheysi la magac baxay, Ashahaado la dirir, ragga hormuudka ka ah
isbaheysiga, Ashahaado la dirirka ah, waxay ka mid yihiin nimankii
shacabka Soomaaliyeed dhiigooda sarifan jiray, waxay ka mid yihiin
maxishoodayaalkii, Soomaaliya halkaan gaarsiiyeym waxay ka mid
yihiin, ma baqayaashii xumaanta ku dhiiran jiray, waxay ka mid
yihiin ma turayaashii cadowgooda garabsan jiray.
Waxay ahaayeen
kuwa ka ganacsada, dadka dhiigiisa sida aan horey ku soo sheegnay,
inta badanna waxay ka ganacsan jireen dhiigga shacabka, xilliga
habeenimada, kaddib, waxay isweydiiyeen ganacsiga habeenkii iyo kan
maalintii midka wanaagsan, waxayna isku raaceen, ganacsigu inuu
maalintii ku wanaagsan yahay, intaas kaddib, waxay isku afgarteen,
iney meediyaha ka sheegaan, dadka iney iibinayaan maalintii.
Towfiiqdu ruuxay
ka lumi talo san loo diidye, tubta toosan Eebbow I mari taa’ibbaan
ahaye,
Ashahaado la dirirku waxay is tuseen, ineysan jirin
cid jac ka oraneysa, wax kasta oo ay isku dayaan.
Sharkii ay
yeesheen iyaga iyo Shaydaanka weyn ee Indho-Xamil, waxaa ka soo
baxay saddex qodob.
1-
Si
aan u cabburino, siyaasiyiinta koonfurta Soomaaliya oo ay Muqdisho
saldhig u tahay, waa inaan sameynaa, urur la yiraahdo, Ashahaado la
dirir, oo ka amar qaata, ciidamada Mareykanka, ee jooga Geeska
Afrika, arrintaasina waxay inaga caawineysaa, maxaakimta Islaamiga
ahi, ineysan madax kor u qaadin, sidoo kale, waxay naga caawineysaa,
siyaasiyiinta Koonfurta oo ay ugu horreyso magaalada Muqdisho,
ciddii isku dayda iney na dhinac marto inaan il iyo goon dharbaaxo
ku fujino, taasina ay u noqoto, qab jabin, isaga, midka ka
dambeeyana ay u noqoto aayaad, kaddibna ay gacan saaraan kuwa inagu
daba faylsan ee siyaasiyiinta ah.
2-
Waa
inaan gacanta ku dhignaa dhaqaalaha koonfurta Soomaaliya oo ay
saldhig u tahay magaalada Muqdisho, waxayna ku suurtagali kartaa
arrintaasi inaan qabsano dakadda Ceel-Macaan, shirkadda Banaadir iyo
Abuukar Cumar Caddaanina aan duufka cunsiino,
taasi waa rabitaankooda ee Alle ma dhihin.
3-
Haddii aan ku guuleysano labadan qodob, waxaa noo suurta gali doonta
inaan gacan togaaleyno culimada muuqata ee aan u dhalan beelaha
Hawiye, qabqabashada culimadaas aan ka dhalan beelaha Hawiye waxay
ku abuureysaa wadaadada dhexdooda kala shaki, kalsooni darro,
tafaraaruq iyo is naceyb, markaas kaddibna, qoladuu doonaba ha u
dhashee, waxaan ku guuleysaneynaa, inaan soo qabqabano, ninkii aan
doonno, meeshii aan doonana aan u beec geyno, sidoo kale, waxaa
gacanta noo galaya, dowladda C/llaahi Yuusuf, oo ku qasban, iney
yeesho wax kasta oo aan ka codsano, haddii kale, waxaan ka dhigeynaa
daad xoor.
Xaaladdu markay
halkaas mareyso, waxay wareysatay idaacadda BBC-du Bashiir Raage
Shiiraar, isaguna wuxuu u hadlay sidii uu doono, wareysigaas ka
hor-na waxaa la taabtay hawlihii horey loogu heshiiyey qeyb ka mid
aheyd, oo waxaa la fara saaray, shirkadda Banaadir, arrimahan
dhawrka ah ee isku xig xiga, markii ay ka dhageysteen meediyaha
dadweynaha Muqdisho ku nool, waxaa bilowday kacdoon iyo guux, sidoo
kale, waxaa baraarugay oo waxyar un dhinaca dhulka ka qaaday
maxaakimta Islaamiga ah, Allow sahal libaax seexday bey niman
salaaxeene, 22/3/2006, waxaa qarxay dagaalkii afarta maalmood,
ee nasriga huwanaa, Macal-asaf, dad badan oo shacab ah, oo
aan awoodi karin iney soo xasiliyaan quutul-yoonkooda maalinkaas
ayaa ku dhintay, kuna dhaawacmay, isla markaana, ku barakacay,
Illaahay fadligiis, waxaa duruus loogu dhigay lama iloowaana, ma
naxayaashii, ma naxariistayaasha ahaa, wuxuuna ku dhammaaday,
dagaalkii afar maalmood kaddib, 5 – 0 (Shan iyo eber), oo ay guushu
ku raacday shirkadda Banaadir iyo maxaakimta Islaamiga ah, mahaddaas
waxaan u celinayaa Allaha ay mahad dhammaanteed u sugnaatay.
Ragga masiibadaan
ka dambeeyey, sida xidigaha oo kalena uga dhex muuqday isbaheysiga
ashahaado la dirirka, awoodna isbiday, waxaa ka mid ahaa:
1-
Bashiir Raage Shiiraar, ganacsade dantiisa aqoon waayey.
2-
Muuse Suudi Yalaxow, wasiir mas’uuliyaddiisa garan waayey.
3-
Cumar Max’ed Max’ud Finish, wasiir waajibkiisa gudan waayey.
4-
Max’ed Cumar Xabeeb, doqon nasiibkiisii ka faa’ideysan waayey.
5-
Bootaan Ciise Caalim, wasiir waajibkiisii gudan waayey.
6-
Maxe’d Qanyare Afrax, wasiir waajibkiisii gudan waayey.
Haddaba waxaan
ku tala bixinayaa sida soo socota:
1)
Waxaa caddaatay Illaahay fadligiis inta ay la egtahay awooddii ay ku
faani jireen hoggaamiye kooxeedyada, sidoo kale, waxaa caddaatay
awooddii maxaakimta Islaamiga ah oo uu Illaahay quweeyey, sidaas
darteed, dagaal oogayaasha waxaan kula talinayaa, intaysan marada ka
dhicin, inay is daba qabtaan, Illaahayna u towbad keenaan, shacabkii
ay dhibaateeyeenna ay cafis weydiistaan, Soomaalidu waxey ku
maahmaahdaa, Ilko Doofaar sahansan, sidoo kale, xikmad
Soomaali ah ayaa waxey oraneysaa, {Ninkii soo joog laga waayo,
soo jiifo ayaa laga helaa}. Waxaa Illaahay mahaddiis ah,
hoggaamiye kooxeedyadii meel kasta taagnaa ee xattaa isku dayey inay
kala dhex galaan gacanta iyo afka, in maanta aysan dhex mari karin
magaalada Muqdisho, taasi waxay ku tuseysaa, qof kasta oo dulmi wade
ah, sida uu u hereereynayo dulmigiisa muddo yar kaddib.
2)
Maxaakiimta Islaamiga ah waxaan kula talinayaa Illaahay inay ka
baqaan, awooddoodana mideeyaan, isla markaana ay shacabka wacyi
galiyaan, si loo helo wada shaqeyn joogto ah iyo midnimo, si looga
baxo dhibaatada 16-sano jirsatay.
3)
Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, shacabyahow aan Illaahay ka
baqno, wixii nasoo marayna aan wax ka qaadano, xikmad Soomaali ah
ayaa waxey leedahay, Taariikhdu waxbay saxdaa dadkuna wuu
tiigsadaa, dhinac kasta shacabka Soomaaliyeed, dhibaato kasta
wuu la kulmay dhinac kastana waa loogu guuray, waa inaan kala garano,
cadowgeena iyo saaxiibkeen, waa inaan kala garano xaqa iyo baadilka,
xaqana aan garab istaagno.
Saadaashii
rabitaankeyga iyo su’aashii Rabbigeyga
Waxaan jecleystay
inaan saadaal ka bixiyo kuhaan ku saabsan, xaaladda Max’ed Dheere
waxa ay ku dambeyneyso, xaqiiqdana Allaa og.
Sida aan ognahay,
saadaashu waa wax banaan, marka laga fiiriyo dhinaca sharciga,
waxayna ku bannaan tahay laba arrimood oo kaliya, qof muslim ah, ama
dad muslimiin ah inaad u saadaaliso wax wanaagsan oo ay suurtagal
tahay in Illahay u aqbalo iyo dad cadow ku ah Islaamka iyo ehelkiisa
in aad la jeclaato dhibaato inay ku dhacdo oo aad saadaal xun u
saadaaliso, taas oo ay suurtagal tahay in Illaahay u aqbalo.
Saadaasha
wanaagsani, waxay la mid tahay duco wanaagsan oo qofka loogu
duceeyey, saadaasha xunna waxay la mid tahay habaar iyo kuhaan lagu
habaarayo qofkaa isaga ah ee dulmilowga ah.
Sida aan ognahay,
bini’aadamku waa meelna kuma same, guushiisana ma hariyo, guul
darradiisana uma adkeysto, marka laga reebo, waxyar oo Alle u
naxariistay, arrintaasi waa dabeecad lagu yaqaano bini’aadamka.
Max’ed Dheere,
wuxuu ka mid ahaa qabqablayaashii, soo baxay xilligii ururkii USC uu
awoodda lahaa, kaddib wuxuu xildhibaan ka noqday, dowladdii Carta,
muddo yar kaddibna, wuu ka falaagoobay, wuxuuna qabsaday, gobolka
Sh.dhexe, magaalo madaxdiisa Jowhar, isla markiina wuxuu xiriir la
yeeshay Itoobiyaanka, wuxuuna helay dhaqaale badan oo uu si xoog ah
uga qaatay, shacabkii wareersanaa ee tiihu ku dhacay, sidoo kale,
wuxuu helay saanad rasaaseed, oo tiro badan, taasoo uga imaaneysay
dhinaca Itoobiya.
Max’ed Dheere
wuxuu bilaabay inuu la diriro, diinta Islaamka iyo ehelkeeda. Kaddib
wuxuu qeyb galay isagoo ka mid ah 25-kii nin ee saxiixa lahaa
Embagathi oo lagu soo dhoob dhoobay, wax leh magac dowladeed, isagoo
nasiib u yeeshay inuu noqdo xildhibaan, kaddib wuxuu booskii u
baneeyey Cali Max’ed Geeddi, kaddib, markii uu buuxin waayey
shuruudihii looga baahnaa ra’isul wasaaraha.
Max’ed Dheere
wuxuu ku guuleystay, dowladda inuu dajisto magaalada Jowhar, hase
yeeshee, wuxuu ku guul darreystay inuu hanto kalsoonidii
madaxweynaha, iyo labada gole, dhibaato badan kaddib, C/llaahi
Yuusuf wuxuu ka fakaday gacantii qalafsaneyd ee darada ku haysay, ee
Max’ed Dheere, wuxuuna bilaabay C/llaahi Yuusuf si deg deg ah inuu
ugu daldasho dhinaca magaalada Baydhabo Janaay. Max’ed Dheere,
markii ay u caddaatay C/llaahi Yuusuf inuu ka guuray magaalada
Jowhar, waxaa ku dhacay cudur wata xumadda neeftuurka, wuxuuna u
qeyliyey, sida qof waalan oo kale.
Max’ed Dheere,
wuxuu fiiriyey dhinacyada, wuxuuna dhageystay idaacadaha gudaha ee
magaalada Muqdisho, dhagahiisuna waxay maqleen isbaheysiga Ashahaado
la dirirka oo maalmahaas lagu dhawaaqay iyo dagaal ka dhex qarxay
maxaakimta Islaamiga ah iyo Max’ed Qanyare Afrax, isla maalinaasi
wuxuu ka hadlay dagaalkii u dhaxeeyey maxaakimta Islaamiga iyo
Max’ed Qanyare, galinkii hore, wuxuu u hadlay sidii nin miyir qaba,
galinkii dambena wuxuu u hadlay sidii nin waalan.
Max’ed Dheere,
wuxuu caddeystay inuu ka mid yahay isbaheysiga Ashahaado la dirirka,
wax kasta oo ku yimaadana inuu la qeybsanayo dhib iyo dheefba,
kaddib, wuxuu ka run sheegay, ballanqaadkiisii, ka mid noqoshada
isbaheysiga Ashahaado la dirirka, oo wuxuu ciidamo ku soo xoojiyey
dagaalkii u dhaxeeyey Qanyare iyo maxaakimta Islaamiga ah, asagoo
ciidamadiisu ka safnaayeen dhinaca Qanyare, mar kale haddana waxaa
qarxay, dagaalkii Galgalato ee dhex maray labada ganacsade oo ay
kala taageerayeen, isbaheysiga Ashahaado la dirirka ah iyo
maxaakimta Islaamiga ah, Max’ed Dheere wuxuu ka soo saftay dhinicii
Bashiir Raage, waxaana ka raacay guul darro, aan la soo koobi karin.
Haddaba, waayaha
isdaba markooda iyo sida wacyigu isu baddalaayo, saadaashu waxay na
tuseysaa, Max’ed Dheere sida ay guuldarrada ugu bilaabatay iney ugu
dhammaan doonto Insha Allah, waxaa la weerari doonaa Insha Allah
magaalada Jowhar, waana laga qabsanayaa Insha Allah, hadduu dhimasho
ka badbaado Max’ed Dheere, wuxuu u carari doonaa dhinaca Yuusuf
Dabageed, Yuusuf Dabageedna wuxuu marti galin karaa laba habeen oo
kaliya, kaddib wuxuu la xiriiri doonaa, Sarkaalka xuduudda jooga ee
Itoobiyaanka ah, isaguna wuxuu u sheegi doonaa arrintaasi, sarkaalka
ka sarreeya ee gobolka jooga, kaasina wuxuu u sii gudbin doonaa
taliyaha qeybta, kaasina wuxuu amri doonaa Max’ed Dheere inuu aado
magaalada Baydhabo, haddii uu rabo in wax lala qabto, oo dib loogu
celiyo gobolkiisii. Max’ed Dheere markuu tago magaalada Baydhabo,
waxaa wareysan doona idaacadaha magaalada Muqdisho, ee dalqa
fiiriska ah, kaddibna wuxuu dhihi doonaa, “Hee minaad weydo.. saad
rabto, sidii aan ku hureynaa la yeelaa ma ahoo…”.
Nimanbaa Uluuf iyo
Uluuf Doollar iibsada’e,
Nimanbaa
adduunyada xukuma oon lagu afjaaqeyne
Orodkooda nimanbaa
ku hela duni ideylkeede,
Aniguna nasriga
Eebahay waan u baahnahaye,
Saadaashan Allahow
iga ajiib kuu ergaan ahaye
Qore Ugaaska beesha Mareexaan ahna
afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood
Ugaas Maxamed wali Sheekh Axmednuur
EMail:
kulmiyepress@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan