SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKA MAARSO 30, 2006

  • Golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir oo Cadde Gaabow u doortay Guddoomiyaha...

  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Ururka Midowga Yurub ay ka go’an...

  • Soomaalida ku nool K/Afrika oo intooda badan helay Sharciga wadankaas..

  • Deegaanka Galinsoor oo maanta la isugu keenayo Maleeshiyooyinkii halkaasi ku dagaalamay……

  • Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya u ballan qaaday in ay u fureyso sanduuq dhaqaale..

  • Max’ed Dheere oo si deg deg ah ugu duulay Magaalada Nairobi..

  • Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ku baaqday in la adkeeyo heshiisyada...

  • Ibraahim Shaaweeye “Aniga ayaa ah duqa Magaalada Muqdisho cid xilkaa iga qaadayna ma jirto”...


Golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir oo Cadde Gaabow u doortay Guddoomiyaha...

Maalinnimadii shalay aheyd ayaa xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay, doorashadii guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho ee golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, waxaana shir guddoominayey gudoomiyaha Golaha Deegaanka Max’ud Cumar Tootow.

Waxaa ka soo qeyb gashay 45-xildhibaan oo Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, waxaana u tartamayey guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho, Max’ud Xasan Cali Cadde {Gaabow}, Daahir Hilowle Max’ed, waxaana goob joog ka ahaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen, Xuseen Xaaji Bood, Max’ed Nuur Galaal, Sh. Yuusuf Indhacadde iyo siyaasiyiin kale.

Doorashada oo aheyd cod qarsoodi ah oo lagu ridayay dhalo muuqata ayaa waxaa 35-cod u guuleystay Cadde Gaabow, iyadoo Daahir Hilowle uu helay 10-cod, waxaana Max’ed Cumar Tootow uu ku dhawaaqay in Max’ud Cadde Gaabow uu yahay, Guddoomiyaha gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, waxaana u dhacay sacaba aad u tira badan.

Cadde Gaabow oo ka hadlay xafladdii cod bixinta ayaa u mahadceliyey intii dooratay iyo intii aan dooranba, wuxuuna u soo jeediyey qeybaha kala duwan ee bulshada in lala shaqeeyo, Cadde Gaabow waxaa horey u soo magacaabay, Ra’isul wasaare Geeddi, waxaana doorashadiisa ka hor yimid xubnihii labada gole ee ku sugnaa magaalada Muqdisho, su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxey tahay Ra’isul wasaare Geeddi maku qanci doonaa doorashadaasi mar kale loo doortay goddoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada Cadde Gaabow iyo qaabka uu u shaqeeyo golaha Deegaanka, maadaama dowladdu ay ku hawlan tahay sidii loo dhisi lahaa golayaasha deegaanka ee gobolada, dhinaca kale Max’ed Cismaan Dhagaxtuur oo ku xigeen u ahaa Cadde Gaabow ayaa si aad ah uga soo horjeestay doorashada, iyadoo guddoomiyihii gobolka ee hore C/llaahi Firimbi uu daboolka ka qaaday in uu xilka ku wareejin doono Cadde Gaabow.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Ururka Midowga Yurub ay ka go’an...

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo dhawaan dowladdiisu ay heshiis la gashay ururka midowga Yurub heshiiskaasi oo dhigaya in dowlada laga taageero dhinacyada dib u dhiska iyo adeegyada bulshada, ayaa waxaa uu sheegay in midowga Yurub ay ka go’an tahay in ey gacan siiyaan dowaladda federaalka oo ilaa hadda uu sheegay ineysan helin wax dhaqaale ah oo ay ku shaqeyso. Madaxweynaha waxa uu Midowga Yurub u soo jeediyey in loo dadajiyo hawlaha mashaariicda ee ay ka fulinayaan gudaha dalka Soomaaliya. Waxaa kaloo uu u soo jeediyey in gargaar dag dag ah ay la soo gaaraan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dhibaato ka soo gaartay abaaro iyo biyo la’aan. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu wehliyo Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa waxaa la sheegay inay marti qaad ka heshay dowlada Talyaaniga, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay gaaraan cariga Talyaaniga, iyadoo dowladda Talayaaniga ay aheyd dowladdi horseedka u aheyd heshiiska dhex maray midowga Yurub iyo dowladda fedraalka ah, inta ay joogaan dalka Talyaaniga waxaa lagu wadaa iney saxiixaan heshiisyo la xiriira dib u dhiska dalka oo ay bixineyso dowladda Talyaaniga, oo aheyd dowladihii sida weyn u taageeray dowladda fedraalka ah xiligii ay ku sugneyd magaalada Jowhar. Warar ayaa waxey sheegayaan in guddoomiyaha Baarlamaanka isna uu gaari doono dalka Talyaaniga si uu goob joog ugu noqdo barnaamijyada ay dowladda Talyaaniga ka fulineyso dalka Soomaaliya. Deeqaha uu bixiyo Midowga Yurub waxaa inta badan ay u soo marsiiyaan dowladda Talyaaniga, iyadoo heshiiska dhex maray C/laahi Yuusuf iyo Midowga Yurub uu socon doono ilaa sannadaha soo socda.  

Soomaalida ku nool K/Afrika oo intooda badan helay Sharciga wadankaas..

Wararka ka imaanaya dalka K/Afrika waxey sheegayan in maalintii shalay aheyd boqolaal Soomaaliyeed ay heleen sharciga degenaashaha waddankaasi oo isagu sharcigiisu ahaa mid si adag lagu qaato.

Dad fara badan oo Soomaali ah ayaa sanadahan dambe ku sii qulqulayay waddankaasi, kuwaasi oo halkaasi ka sameystay mehrado kala duwan oo aad u fara badan, iyadoo la sheegay in ay wax ka badaleen ganacsigii waddankaasi, hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed waxaa u dheer dilka, dhaca iyo kufsiga loo geysanayo, waxaa labadii sano ee la soo dhaafay waddankaasi lagu dilay ilaa lixdameyo qofood oo Soomaali ah kuwaas oo loogu dhacay guryahoodii.

Bixinta sharcigan cusub ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, iyagoo ku tilmaamay mid sii xoojinaya xiriirka u dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed iyo reer K/Afrika, waxaana la filayaa in sannadka soo socda iyana ay qaataan sharcigan boqolaal qofood oo Soomaali ah.

Deegaanka Galinsoor oo maanta la isugu keenayo Maleeshiyooyinkii halkaasi ku dagaalamay……

Wararka ka imaanaya gobolada dhexe ayaa waxey sheegayaan in maanta lagu wado in deegaanka Galinsoor la isugu keeno maleeshiyooyinkii ku dagaalamay deegaankaasi, waxaana heshiiskaasi ka soo shaqeeyey wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeynta Cismaan Cali Caato, Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga, Max’ed Max’ud Guuleed Gacmadheere, Wasiiru dowladaha Badda iyo Dekadaha Max’ed Jaamac Furux iyo Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Maanta ayaa deegaanka Galinsoor labada dhinac ay ku hilba qalanayaan kuna faataxeysanayaan, waxaana halkaasi lagu soo gaba gabeynayaa wajigii hore ee heshiiska beelaha Sacad iyo Suleymaan, waxaana kaddib loo gudbi doonaa dhinaca degmada Hobyo oo iyana la gaarsiin doono heshiiska dhex maray labada beelood, kulanka maanta ayaa waxaa hadalo ka jeedin doona mas’uuliyiinta ka socda dowladda federaalka ah iyo odayaasha Dhaqanka labadaasi beelood.

Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya u ballan qaaday in ay u fureyso sanduuq dhaqaale..

Iyadoo maalintii doraad aheyd magaalada Kharduum ee dalka Suudaan lagu soo gaba gabeeyey Shir madaxeedkii Jaamacadda Carabka ee 18-aad ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen Falastiin, Suudaan, Soomaaliya, Ciraaq, iyo waddamo kale oo carbeed oo ay ka jiraan dhibaatooyin.

Mar ay isla soo qaadeen Jaamacadda Carabta arrimaha Soomaaliya ayaa waxey Jaamacadda Carabta ballan qaaday iney Soomaaliya ka taageeri doonto dhinaca dib u heshiisiinta iyo soo celinta kaabayaasha dowladda.

Shirkaani oo uu Soomaaliya uga qeyb galay Guddoomiyah Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa waxaa la filayay iney soo xaadiraan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha balse illaa iyo haatan lama garanayo sababihii ay uga baaqsadeen kulankaasi, hase yeeshee warar ayaa waxey sheegayaan in Jaamacadda Carabta ay Soomaaliya u furi doonto sanduuq dhaqaale oo lagu taakuleeyo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda 

Max’ed Dheere oo si deg deg ah ugu duulay Magaalada Nairobi..

Tan iyo markii uu istaagay dagaalkii u dhaxeeyey kooxihii isku magacaabay la dagaalanka argagixisada iyo midowga maxaakimta Islaamiga ah, iyadoo uu dagaalkaasi qeyb ka ahaa, Max’ed Dheere ayaa wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar waxey sheegayaan in Max’ed Dheere uu si deg deg ah ugu duulay magaalada Nayroobi kaddib markii loo soo diray diyaarad gaar ah oo aan la garaneyn ciddii laheyd.

Inksatoon faahfaahin dheeraad ah laga bixin ambabaxa Max’ed Dheere ee dhinaca Nayroobi ayaa warar waxey sheegayaan in ay u yeertay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Nayroobi, si uu warbixin uga siiyo dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dowladda Mareykanka waxey horey u sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho kuna tilmaantay in uu yahay mid dano dhaqaale ku dhisnaa. 

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ku baaqday in la adkeeyo heshiisyada...

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo inta badan aruurisa xadgudubyada ka dhaca Soomaaliya ayaa waxey soo saartay baaq nabadeed, iyadoo soo dhaweysay gogoshii nabadeed ee la dhigay Mowlaca Sh. Shariif Sheekh Muxuddiin taasoo ah bay tiri xaruntu mas’uuliyad nabadeed oo xal loogu raadinayo dhinacyadii dagaalamay iney xabad joojin ku dhawaaqaan, wadahadal nabadeedna ay yeeshaan, iyadoo xaruntu ay soo dhaweysay dadaalkaasi nabadeed oo ay ku tilmaantay in lagu badbaadinayo shacbiga Soomaaliyeed oo horey ugu noolaa  duruufo qalafsan, intii gacanta ka geysatayna waxey xaruntu ku sheegtay in ay taariikhda xusi doonto.

Xarunta Ismaaaciil Jimcaale waxey wax laga xumaado ku sifeysay in xukuumadda KMG ah aysan qaadin talaaabo muuqata oo ay wax kaga qabaneyso dagaalada galaafanaya nolosha bulshada, waxeyna ugu baaqday xaruntu in dowladdu ay maanka ku hayso in ka hortagga dagaalada qabaa’ilka iyo sugida nabadgalyada ay yihiin waajib saraan iyada, shacabkana waxey ku bogaadisay iney u istaaagaan daminta colaadaha ahliga ah oo ay ku sheegtay kuwo abaabulan, waxaana warsaxaafadeedkaasi ku saxiixnaa guddoonka xarunta Marwo Maryan Awreeye.

Ibraahim Shaaweeye “Aniga ayaa ah duqa Magaalada Muqdisho cid xilkaa iga qaadayna ma jirto”...

Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye oo duq magaalo ka noqday gobolka Banaadir xiligii ay jiray dowladdii Carta ayaa mar wax laga weydiiyey sida uu u arko doorashadii shalay ka dhacday xarunta Xisbiga ee golaha Deegaanka ayaa waxaa uu ku tilmaamay doorashadaasi mid riyo ah, “Aniga ayaa ah duqa magaalada Muqdisho meel xilkaasi la igaga qaadayna ma jirto” ayuu yiri Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye oo sheegay in xilka uu hayo uu wareejin doono markii la helo doorasho sax ah oo ay raalli ka yihiin dadweynaha gobolka Banaadir.

C/llaahi Xasan Ganey Firimbi ayaa soo dhaweeyey doorashada isagoo isla maalintii shalay aheydna ku wareejiyey Cadde Gaabow xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 30, 2006

Midowga Yurub oo heshiis is faham ah la gaaray DFKMG ah ee Soomaaliya
»Midowga Maxkiimta Islaamiga ah oo soo saaray bayaan..
»Shariif Xasan oo ku fariistay kursigii Soomaaliya ee J/Carabta
»Madaxweynaha Suudaan: gargaar ha lala gaaro Soomaaliya
»Wasiir ka tirsan DFKMG oobaaq u diray Wasiirada hubeysan
»Jinni Boqor “Xukumaddu waxay ka meermeerysaa in ay soo..
»Kiplagat “Somaliya looma diri karo ciidan haddii aan..
»Golaha deegaanka oo dooranaya Guddoomiyaha G/Banaadir
»Aqalo ay gubeen ciidanka gumaysiga Itoobiya...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 29