Ilaah baa mahad leh.
Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Cinwaanka maqaalku waa: in
muslim la gargaarsado iyo in gaalo la gargaarsado kee mudan?! SUBXAANALLAAH.
Goormaa Soomaali sidan u ba’day oo loo gaaray in la isweydiiyo su’aal
noocaas ah? Jawaabtu waxay iila muuqataa haddii qabiilada kale gargaarsadaan
gaalo waa khaldanyihiin oo waa arrin diinta lid ku ah laakiin haddii
qabiilladeennu gaalo gargaarsato waxaan helaynaa daliil. Dadkii ugu
horreeyey ee daliilkaas keenay waxay ahaayeen reer Waqooyiga. Waatii Cali
Jaamac lahaa mar uu sayid Maxamed ka soo horjeeday:
-
muslinnimo ninkaan kugula socon muuminnimo khaas ah
-
gaal maxasta kuu korinayoo magansataa dhaama
Reer Puntland iyaguna
markey dowladdii Kacaanka la dagaalayeen waxay ku halqabsadeen gabaygaas
Cali Jaamac oo waatii Khaliif Sh. Maxamuud lahaa:
-
Haddaan mu’alifiinteennii hore uga mulaax diiro
-
Cali Jaamac maraxuu ka tagay waa mid qaaliyahe
-
Haddaan maansadii laga dhaxloo mabala’ kuu taabto
-
Munaaqisho abwaan leeyahaad meyrac ka heshaaye
-
Su’aal la isu wada meeriyoo muran ka seeraaray
-
Isagoo munaasibad fadhiya mar aannu weydiinnay
-
Waxa uu maqdaraddii ka yiri talaba moogeede
-
Muslinnimo nimaan kugula socon muuminnimo khaas ah
-
Gaal maxasta kuu korinayaad magansataa dhaama.
Qolyahan Xamar qaarkood
waxay hadda leeyihiin: dhib ma leh haddii dagaal-oogaheennu Xabashi iyo
gaalo kale gargaarsato! Sidee suurtogal ku tahay in qof ka soo jeeda
qabiilkuu udhashay halyeey Maxamed Cabdulle Xalane uu yiraaho Xabashi baan
Xamar ku soo dhoweyn si ay qabiil kale ula dagaasho? Sidee ku dhici kartaa
in dadkii diinta jeclaa ee markii dhib la simayo, Faataxada ka dooranjiray
shilimaadka in maanta dagaal-oogahoodu dhaho na keenna aan diinta Islaamka
iyo dadkeeda la dagaalnee! Marka laga reebo shakhsiyaad yar, anigu ma
aamminsani in qabiilooyinkaas laga helidoono dad Xabashi u adeega.
Hal waxaan ku leeyahay
qabiilooyinka ay dagaal-oogayaashu ka dhasheen. Hal kalana waxaan ku
leeyahay Soomaaliweyn. Diinta Islaamka waxba ka ma tegin oo wixii loo baahdo
waa laga helaa. Waxaa jirta qaaciddo Rabbaani ah oo markii la arko hogaamiye
kooxeed la dagaashan qof kale isagoo ku heysta diin sax iyo kheyr. Ninkey
Fircoon isku qolada ahaayeen markii Fircoon iyo dadkiisu ay u
farobaxsanayeen nabi Muuse (CS) waa isagii si geesinimo leh ku lahaa: war
ninka miyaad ku dileysaan inuu yiraahdo Rabbigey waa Allaah? Abuu Bakar (RC)
ayaa isna Qureysh ku yiri hadalkaas oo kale mar ay nabiga (SCW) dhibayeen.
Anigu ma lihi cid baa gaalo ah laakiin daliilka waxaa loo soo qaataa markii
qof uu dhib la rabo qof kale oo xaq ku taagan. Nabaddoon iyo kaabbo-qabiil
kasta oo ay ka soo jeedaan nimanka la baxay “argagixiso la dagaal” waa iney
saas oo kale ku dhahaan oo dhahaan war cagaha dhulka dhiga oo naga fariista
.
Tan dadweynaha
Soomaaliyeed ku jeedda waa iyadoo dadkii dhegaha ka fureysteen waxa xalku ku
jiro. Sidoo kale Qur’aanka ayey ku caddahay waxa laga yeelayo markey
isdagaalaan labo kooxood oo muslim sheegta. Islaamku wuxuu qabaa sidii marar
badan la sheegay in la heshiisiiyo labadooda. Haddii middood ku xadgudubto
tan kale waxaa la rabaa in hal meel looga soo wadajeesto. Haddii dadweynuhu
taas diidaan waxaa dhaceysa in carruurta iyo haweenku noqdaan kuwo la dilo,
dhaawaco ama calaacala. Qofkii dhamiir leh waxuu ka damqanayaa calaacalkii
iyo cabashadii ka yeereysay haween badan oo degenaa goobihii dagaalkii
dhowaa ka dhacay ee Waqooyi-Bari Muqdisho.
Yaa gardaran labada
isbaheysi? Ilaah baa xaqiiqda og laakiin anigu ma hayo cid ka dhib badan
dagaal-oogayaasha Soomaaliyeed ee Xamar iyo meelo kalaba jooga.
Dagaal-oogayaasha ku jira isbaheysigaas iyo kuwa kalaba waxaa lagu yaqaan:
dhac, dil, cadow-la-shirid, daroogo-beerid, diin-naceyb, isbaaro,
dhallinyarada taageerta oo dadka afduuba sidoo kalana dumarka kufsada,
qabiil-isku-dir, dowlad-diid iyo dambiyo kale. Halka Abuukar iyo
Maxkamadaha wanaag laga sheego sida: dugsi-Qur’aan-dhis, masaajiddo-dhis,
iskuulo-dhis, ceelad- qodid iyo dekedda Ceelmacaan oo ay gacanta ku hayaan.
Dekeddaas waa midda Ilaahay Xamar iyo nawaaxigeeda ku badbaadshay. Abuukar
waxaa ammaan u haya qolooyin kale oon jufodiisa aheyn oo leh wuxuu noo
qabtay arrimahaas aan kor ku soo sheegnay.
Maxkamadaha waxaa dhisay
dadweynaha iyo qabiilooyinka ay ka soo jeedaan markii loo adkeysanwaayey
dhibta dagaal-oogaha iyo mooryaantooda. Ma ahan niman ay dhiseen Xabashi iyo
hay’ado sirdoon. Waa la ogaa sidii maxkamadaha, ganacsatada iyo guud ahaan
dadweynaha Banaadir u caawiyeen dadka ku tabaaleysan dhulka ay abaaruhu ku
dhufteeen. Halka dagaal-oogayaashu ku soo guryonoqdeen shacabkii sharfay ee
soo dhoweeyey. Shacabku iyagaa abaal ku leh dagaaloogayaasha halka
maxkamaduhu abaal ku leeyihiin shacabka. Sidee? Akhri meerisyadan gabayga ah
oo uu Ismaaciil Cigaal Bulaale u tiriyey Cali-dhuux Aadan:
- ·
Deyn kale ma sheegine markay,
diiftu kugu tiillay
- ·
Adigoo dullooboo sidii, daabax
lagu moodo
- ·
Dalkayaga markaad timid haddii,
aan ku derejeynnay
- ·
Oo duunyo waa fududdahee, dadab
laguu heelay,
- ·
Aan gabadh daruur u eg aroos,
kuugu dalaq siiyay,
- ·
Uu kuu dabbaaldegay qabiil,
daabbad wada fuulay
- ·
Oo dun iyo shaal heensihii,
laysku wada duubay
- ·
Oo danabka Maadhiin yaruhu,
kugu dinnaahyeeyey
- ·
Oo ay durbaan kuu tumeen, dumar
wixii joogay.
- ·
Meeshaan abaal door ahoo,
debecsan eegaayay
- ·
Haddaad guuto noo soo duntoo,
daabcadde u dhiibtay
- ·
Nabsi daalay baan kula sugiye,
duugga bal an dhowro!
Dagaal-oogayaasha Xamar
oo markey qaarkoodna korneylka soo doorteen sida wasiirka amniga qaarna
korneylka ku sheegay mujaahid sida wasiirka ganacsi ooy haddana isqabteen
korneylka ayaa inta korneylku shirsaday baarlamaanka yiri waxaa loo guurayaa
Jowhar iyo Baydhabo dabadeedna xiray baarlamaankii. Dagaal-oogayaashii oo
cagajiid ah ayaa Xamark ku soo noqday dabadeedna shacabkii Xamar dhaheen: ha
quusanina annagaa idin la jirnee. Shacabku waxay u sameeyeen intaas oo
bannaanbax ilaa adduunkii oo dhami arkey in dadka caasumadda joogaa la
jiraan dagaaloogayaashaas. Marka sidii Ismaaciil haddii meeshii shacabku ka
filayey in ay gole degaan dhisaan ayaa dagaal-oogayaashii soo
labokacleeyeen ooy ka bixiwaayeen isbaaro-dhigasho iyo diin la dirir. Marka
waxaan la sugeynaa in Ilaah ka gooyo wixii ay shacabka ku dhigeen.
Waxaan dadweynaha u
sheegayaa inaan Abuukar Caddaani oo kale la ceyrin. Maalin ayaa Abuu Bakar
Assidiiq (RC) inta u adkeeysanwaayey dhibkii Makkah ayuu heyjad cidla’ ah
afka saaray oo ka guuray Makkah. Waxaa ka horyimid nin mushrik ahaa oo
Quraysh xulufo la ahaa dabadeedna Abuu Bakar weydiiyey halkuu u socdo.
Ninkii mushrika ahaa wuxuu yiri: Abuu Bakaroow adoo kale tolkiis kama
dhexbaxo. Wuxuu abuu Bakar (RC) ku sheegay sifooyinkii ay hooyadeen Khadiijo
(RC) ku sheegtay nabiga (SCW) ee ahaa inuu u gargaaro masaakiinta, inuu
qaraabada xiriiriyo, iyo sifooyinka kale oo fiican. Mushrikii wuxuu yiri soo
noqo anaa magangelyo kaa siina Qureyshe. Waxaan uga danleeyahay, suurtogal
ma tahay iyadoo Mudulood heysto Abuukar Caddaani oo kale iney u
hanqaltaagaan nimanka dagaaloogayaasha ah ee haddii hebel iyo hebel la dhaho
dadkoo dhami wadaqoslayaan?
Abuukar wuu ku
saxsanyahay inuu maxkamadaha gargaarsado intuu Xabashi gargaarsan lahaa.
Sidoo kale dadkii iyo qabiilooyinkii gargaaray Abuukar iyagaa saxsan cidday
rabaan ha ahaadeene. Waxaad hadda arkeysaa dad leh: qabiil hebel oo horay
dhulkaas u qabsaday baa hadda raba iney dhulkaas kale qabsadaan! Oo haddaan
dagaal-oogayaashu karti ay wax ku qabsadaan lahayn oo ay rabaan iney Zenawi
u qabtaan waddanka, maxaad ka rabtaan haddii qolo kale oo Soomaaliyeed
qabsato?
Qodobka ugu dambeeya oon
Mudulood ku xasuusinayo iney Abuukar ka dambeeyaan waa arrintii hadda uu
sameeyey madaxweynaha, korneyl C/hi. Korneylka markuu safarka galayey wuxuu
soo salaamay maleeshiyadiisii uu Puntland ka keenay halka Geeddi oo
jufadiisu isdagaalayso uu Yurub iskaga baqoolay isagoon tegin Xamar oo kala
dhexgelin labadii nin ee dad ugu sokeeyey!
Haddii ragga
Soomaaliyeed ay doorkooda gabaan oo qoladii edeb-darro la timaadda meel
looga soo wadajeesanwaayo waxaa dhaceysa in dumarka iyo ciyaalku nagu
bulaamaan. Ilaa hadda wax kaalintoodii ka soo baxay waxaa jira maxkamadaha
Islaamigaa. Waa arrintii awalba shacabku u doortay. Sidoo kale inta
nabaddoonada kheyrka leh ee qaarkood aan idaacadaha ka maqalney nagu
dhexjiraan oo ay xaqa u doodayaan waxaan qabnaa rajo fiican.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2006