SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKA MAARSO 28, 2006

  • Cabdullaahi Yuusuf “Muqdisho waan tagaynaa, waxaana tagaynaa annagoo is difaaci karna”

  • Xubin  ka mid ah Guddigii dhex dhexaadinta kooxihii ku dagaalamay Muqdisho oo isaga baxay guddigaasi..

  • C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo maanta saxiixaya heshiis dhex maraya dowladdiisa iyo Midowga Yurub…

  • Wasiir ka tirsan Dowladda Federalka oo loo dhacay gaarigiisii Magaalada .

  • Dugsiga Tababarka Carmo oo loo soo rarayo Magaalada..

  • AVV. C/raxmaan Abuu Xamza “Dagaalada ka socda Muqdisho waxay argagax geliyeen Qurba jooga...”

  • 300 oo Askari oo loo tababarayo ilaalinta C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi ...

  • Buula Ajuuraan ee Boosaaso oo dab qabsaday...

  • Kulan Madaxeedka Jaamacada Carabta oo Beri Furmaya...


Cabdullaahi Yuusuf “Muqdisho waan tagaynaa, waxaana tagaynaa annagoo is difaaci karna”
“Raggii qabqableyaasha ahaa ee Xamar waxa maquuniyey ma ahayn wadaado ee dadweynaha ayay ahaayeen”
 
Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Bruxelles, Belgium
Email: Ingiriis@yahoo.com

Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Professor Cabdulqaadir Ruumi Abuukar iyo Dr Cali Maxamed Xuseen (Cali Atam) oo ka mid ah madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Birmingham ee dalka Britain ayaa galabta ka dhacay hotel Sofitel ee magaalada Brussels oo ay ku soo degeen Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Madaxweynaha FKMG ah ee Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.


Dadweynaha ka soo qayb galay

Prof Ruumi Dr Ali Atom iyo qabanqaabiyaasha

Shirkan oo uu xiriirinayey Dr Cali Atam, waxaa ugu horreyntiiba lagu soo dhoweeyey inuu ka hadlo Maxamuud Yuusuf (Muuro) oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii gobonimada Soomaaliya dhaliyey ee SYL. Waxa uu ka sheekeeyey dhibaatooyinkii laga soo maray xorriyadda Soomaaliya, isagoo xusuustay inuu u soo joogay Soomaaliya oo ku hoos jirta addoonsi.

Muuro, waxa uu ahaa ninkii isu ekeysiiyey halyeygii weynaa, Cabdullaahi Ciise Maxamuud ee isku dhuftay cirbad tallaal ah oo la duri lahaa halgamaaga oo markaa ku sii jeedisay xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Muuro iyo xubnihii kale ee SYL oo ka shakisanaa gumeysiga Talyaaniga ayaa rumeysnaa in cirbaddu ay tahay sun la doonayo in lagu mudo oo lagu dilo Cabdullaahi Ciise.


Muuro

Muuro oo buug guddoonsiinaya Madaxweynaha

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay ku nool yihiin dad dowlad-doon ah iyo kuwo dowlad-diid ah, laakiin ay dibadda ku nool yihiin dad dowlad-doon ah oo shucuurtooda laga dareemayo sida ay dowladda u doonayaan. Waxa uu tilmaamay in xukuumaddiisu leedahay cadow shisheeye ah iyo mid sokeeye ahba, hase ahaatee ay nasiib wanaag tahay iyadoo turaanturooyin badan loo dhigay haddii dowladdu ay maanta nooshahay.

“Waxaa jira kuwo aniga iyo Madaxweynuhu aan u bixinnay maquusteyaal iyo iimaanlaaweyaal, hase yeeshee waxaan ku howlannahay in ciidanka Qaranka la soo nooleeyo si loo soo sugo nabadgelyada iyo ammaanka, caalamkuna waa arkaan inaan nahay mintid, taageeradoodana waa haynaa, shirkii Baydhabo kaddibna waa is beddelay muuqaalkii caalamku naga haystay” ayuu yiri.

Cali Geeddi, waxaa kaloo uu xusay inay Brussels u yimaaddeen inay Midowga Yurub la galaan heshiis, si gacan loogu siiyo inay wax ka qabtaan dhibaatada ka jirta Soomaaliya. “Dhudhunkasho Dhallaan ma korisee, Dhiil ayaa caano loogu shubaa ayay Soomaalidu dhahaan, waxaan u baahannahay kaalmo dhinac walba ah, waxaana jaaliyadihiinna dibadda idinkaga baahannahay taageero ” ayuu yiri.

Waxaa kaddib microphone-ka lagu wareejiyey Madaxweynaha KMG ah, Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxa uu xusay in dowladdiisu ay muddo isku haysay Muqdisho ha la dego iyo maya ee Jowhar iyo Baydhabo ha la dego iyo ciidamo ha la keeno iyo yaan la keenin, taasoo macnaha ka dambeeya uu ahaa ayuu yiri dowladdu ha hirgasho iyo hirgeli mayso.

“Waxaa la doonayey in dowladda Muqdisho lagu cunaqabateeyo oo cunaha lagu dhego, loona fashiliyo sidii loo fashiliyey kuwii hore, sidii loo galay tii Cabdiqaasim, Caydiid isaga meesha ayaaba lagu dilay, Cali Mahdina waa la rabbisiiyey” ayuu yiri.


Col Cabdullaahi, Dr Geeddi iyo xaaskiisa

Madaxweynuhu, waxa uu farta ku fiiqay inay jireen dowlado waaweyn oo ku qalqaalinayey dowladdiisu inay tagto Muqdisho oo lahaa meel aan Muqdisho ahayn ma ahan in la dego oo kooxda Muqdisho doonaysa waa idinka jid leeyahay, dalkuna waa dalkiiniiye aada, kuwaasoo la tashanayey ayuu yiri koox gaar ah.

“Mar walba waxaa nala lahaa Xamar soo gala meesha waxba kuma haysaane, hase yeeshee in nala qiyaamayo ayaan ogeyn, waxaana joognay 85km meel Xamar u jirta, buunkii laga afuufana waan maqleynay, intaas dad baa noo imanayey, instruction baan bixinaynay, waxba naguma gaarin annaga, Xamarna waan tagi doonaa, waxaana tagaynaa annagoo is difaaci karna ” ayuu yiri.

Col. Cabdullaahi Yuusuf, waxa uu sheegay inaysan dowladdu si rasmi ah uga soo guurin magaalada Jowhar oo xarun u ahayd muddo sannad ku dhow dhow. Waxa uu daboolka ka qaaday in qorshahoodu yahay in dowladdu is qeybiso oo ay meel walba degto.

Waxa uu carrabaabay in gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya guud ahaan loo dhisi doono maamullo la mid ah kuwa Somaliland iyo Puntland. “Sidii gobolladaas looga shaqeeyey oo kale ayaa looga shaqeynayaa” ayuu yiri, isagoo sheegay in durba ay billaabatay sameynta maamullada meelaha qaarkood.

Mar uu soo hadal-qaaday dagaalladii toddobaadkii dhammaaday ka jiray Muqdisho, waxa uu yiri, “Muqdisho belaayo ayay la aamusnayd, waadna aragtaan waxa ka socda, qolo leh Muslim baan nahay inta kale waa gaalo iyo qolo leh argagixiso ayaan la diriraynaa, labadoodaba dan siyaasadeed oo xukundoon ah iyo xoolo-doon ayay leeyihiin iyo in isbaaro la dhigto oo lagu baado dadka.”

Waxa uu intaa ku daray, “Waa laga yaabaa in argagixiso ay dalka joogto, laakiin farsamo kale ayay argagixisu rabtaa in loola diriro, waxay rabtaa intelligence, kaddibna meelahooda loogu tago oo lagu weeraro, balse in suuqii Bakaaraha iyo xaafado madaafiic iyo mortar lala dhaco oo dadka lagu laayo uma aragno argagixiso la dirir.”

Waxa uu farta ku fiiqay inay dowladdiisa ku jiraan rag xisaabtamaya oo leh bishii meeqaa i soo gasha, haddaan Wasiir sii ahaadana maxaan helayaa, maxaanse hadda haystaa. Waxa uu meesha ka saaray in dowladdiisu ay marnaba hubka kaga beddelanayso dadweynaha lacag, taasoo uu ku sifeeyey inay tahay wax aan macquul noqon karin, laakiin lagu dhigi doono hubka qaab aan xoog ahayn oo ah iskaa wax-u-qabso.

Madaxweynaha KMG, waxa uu qeexay in dowladihii adduunka ee sheegi jiray inay sugayaan xuquuqda bini’aadamka, Dimoqraadiyadda iyo Rule of Law ay billaabeen inay masaajidyada la dhacaan madaafiicda. Ma uusan sheegin dowladahaasi kuwa ay yihiin, hase ahaatee waxaa muuqatay inuu ula jeedo dowladda Mareykanka.

Waxa uu tibaaxay in dadku ay wararka kala socdaan internetka oo aan anigu u bixiyey ayuu yiri golaha xanta. “Internetku waa hadlayaa, raadiyeyaasha Xamarna waa hadlayaan ” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray, “Doqoni meel lagu diriray ayay ogeyde, meel lagu heshiiyey ma oga.”

Markii loo bandhigay ka soo qayb-galaasha kulankaas inay su’aalo weydiiyaan ayaan anigu weydiiyey su’aashii ugu horreysay oo noqotay su’aal uu aad uga carooday, ugana xanaaqay Madaxweynaha, taasoo ahayd:

“Waxaa Soomaalidu ku maahmaahdaa, ‘Hal nin Gurrani dheelmiyey, dhanna uma fayooba.’ Hal sano iyo bar kaddib, waxaa muuqata in dowladdii aad madaxda u ahayd ay la’ dahay meel ay salka dhigato, taasoo keentay in warbaahintu ku tilmaanto dowladdaada ‘A Government in Search of Country’ oo macnaheedu yahay ‘dowlad haybinaysa dal.’ Sidaa awgeed, waxaad horey u tibaaxday inaad hoggaamin doonto daad socda, oo ciddii ka hor timaadda uu dafi doono, kuna durdurin doono. Waxaan maqli jiray ‘Nin daad qaaday, xumbo cuskay.’ Waxaad mooddaa in dadku ay iska mooseen daadkaagii, haddaba ma lagu oran karaa Darandooriyaaba, Naasnaasi?”

Su’aashan ayaa beddeshay dareenkii Madaxweynaha iyo wafdigii la socdayba, waxaana uu si caro leh iigu jawaabay, “Weligaaba su’aalo gurracan ayaad i weydiin jirtay, waxaad iigu timid Garoowe, shirka Kenyana waa isla joognay, dadka aan u sheego inaan ku garanayo oo kugu soo jeediyee ma waxaad doonaysay inaan dowladda Cadaado geeyo? Daadka aan sheegay inuu wax qaadayaa waa dadweynaha, haddeerna waxa xaqiiqo ah haddey kula tahay raggii qabqableyaasha ahaa waxa maquuniyey maalmihii la soo dhaafay inay wadaado yihiin inaysan ahayn, waxay ahaayeen dadweynaha iyo daadkii aan sheegayey, haddii kale habeenkii Jinniyo wax dafaa haddey jiraan ha dafeen.”


Maxamed Ibrow, Maxamed Xaaji iyo Asad Dalmar

Cabdirashiid Iimaan oo ra'yi dhiibanaya

Intii kulanku socday waxaa Madaxweynaha dhinaciisa bidix fadhiyey Gen Axmed Suleymaan Dafle oo ahaa ku-xigeenkii Maxamed Siyaad Barre iyo Taliyihii ciidanka Sirdoonka Soomaaliya. Dafle oo inan-la-yaal u ahaa Maxamed Siyaad, waxa uu ku jiray raggii kula taliyey keligii-taliyihii hore inuu daldalo Gen Salaad Gabeyre Kediye, Gen Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo Col Cabdiqaadir Dheel Xersi iyo inuu xiro Gen Maxamed Faarax Caydiid iyo Col Cabdullaahi Yuusuf laftiisa.


Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Bruxelles, Belgium
Email: Ingiriis@yahoo.com

Xubin  ka mid ah Guddigii dhex dhexaadinta kooxihii ku dagaalamay Muqdisho oo isaga baxay guddigaasi..

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Iyadoo maalintii shalay ahayd subaxnimadeedii loo ballansanaa in heshiis xabad joojin ah la dhex dhigo ganacsatada kala ah Bashiir Raage Shiiraar iyo Abuukar Cumar Caddaani oo gacan ka kala helaya Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa kulan la iskugu imaan lahaa ka baaqday mid ka mid ah guddiyadii loo diray kooxihii dagaalamyay, waxaana la sheegay in 5-tii Subaxnimo ay yimaadeen Mowlaca Shiikh Muxiyadiin Cili oo uu ka socday howlihii dhex dhexaadinta. Waxay sheegeen dhinacaas baaqday in haddana la isugu yimaado galabnimadii shalay ahayd, haddana waxay soo jeediyeen in looga dhigo maanta, waxaase arrintaani si aad ah uga carooday mid ka mid ah guddiga dhex dhexaadinta oo lagu magacaabo Shiikh C/qaadir Shiikh Max’ed Soomow oo isagu saxaafadda u sheegay in uu gebi ahaanba ka baxay kulamadii dhex dhexaadinta ahyd ee uu ka dhex waday labadaasi kooxood ee dirirtu u dhexeysay. “waxaa loo baahan yahay in guddigu uu dhex dhexaad ka noqdo maadaama loo xilsaaray in ay gacan ka gaystaan daminta colaad u dhexeysa dad walaalo ah, balse taasi ma dhicin” ayuu Shiikh Soomow yiri oo intaa raaciyay “Ma ahan in aan dadka u sheegto been iyo wixii la mid ah”. Shiikh Soomow waxa uu sheegay in marka la dhex dhexaadinayo laba kooxood loo baahan yahay in si daacadnimo ah loo kala dhex galo si halkaasi ay uga soo baxdo dib u heshiisiin dhab ah. Waxa uu sheegay Shiikh Soomow in garab ka mid ah guddigii loo xilsaaray kooxihii dagaalamay ay keeneen waxyaabo aan la gaarin, isagoo sheegay in lagu balamay in marka hore heshiis xabad joojin ah la kala dhex dhigo kooxaha dagaalamaya. “Haddii an la helin xabad joojin markahore wax hagaagayaa ma jiraa, wax walbana sidaa ayay u kala horeeyaan” ayuu yiri Soomow  oo sheegay in uusan mar dambe dib ugu soo laaban doonin guddigaasi ilaa ay la yimaadaan is bedel dhab ah. Guddiga dhex dhexaadinta ayaa iyana sheegay mar ay u waramayeen saxaafadda in ay sii wadi doonaan howlaha ay ku dhex dhexaadinayaa kooxihii ku dagaalamay Muqdisho. 

C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo maanta saxiixaya heshiis dhex maraya dowladdiisa iyo Midowga Yurub…

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo haatan ku sugan dalka Bilgium ayaa la filayaa in maanta ay saxiixaan heshiis u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo midowga Yurub kasoo ku kacaya 16-Milyan oo Doolar.

Heshiiskaan ayaa dhowr jeer baaqday, taasoo la sheegay in ay ugu wacneyd khilaafka hareeyay xubnaha dowladda ee iyagu kala degay Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Heshiiskaan ayaa waxa uu dhigayaa in midowga Yurub ay mashaariic dhinaca horumarint aah ay ka fuliso gudaha dalka Soomaaliya sanooyinka soo socda, iyadoo heshiiskaan loo qaybiyay dhowr waji, oo wajiga hore ku baxayso lacaga gaareysa 16-Milyan oo Dooalr.

Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha marka ay soo gebagabeeyaan heshiiskaan waxay si dhaqsi leh ugu soo duuli doonaan dalka Suudaan oo ay kaga qaybgali doonaan kulanka Jaamacadda Carabta oo la filayo in uu bilowda 31-ka bishan waxaana shirkaas si wadajir ah uga qaybgali doona saddaxda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda. 

Wasiir ka tirsan Dowladda Federalka oo loo dhacay gaarigiisii Magaalada .

Wasiir ka tirsan Dowlada Federaalka ahna Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Ibraahim Max’ed Isaaq (Ibrow) ayaa gaarigiisii lagu dhacay Magaalada Baydhabo kaddib markii ay soo weerareen koox dabley ah oo la sheegay in ay ka koobnaayeen lix oo ku hubeysnaa qoryo fudud.

Wasiirka mar uu u waramayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in uusan garaneyn cidda ka dhacday gaarigaasi iyo sababaha loo dhacay, waxa uuna intaasi raaciyay “Guriga Max’ed Ibraahim Xaabsade ayaa waxaa iga soo raacay kooxda dableyda ahayd ee dhacday gaarigeyga waxaana u maleynayaa in Gaarigeyga loo dhacay nin Suuqa Xoolaha Baydhabo looga dhacay dhowr Malyan oo Shillin Soomaaliya ah, isna uu u xareystay saddex gaari”. Ugu dambeyntii waxa uu sheegay  Wasiirku in uu la xiriiray guddiga nabadgelyada ee Magaalada Baydhabo iyagana waa ay ka gaabsadeen in ay wax ka qabtaan arrintasi.

Dugsiga Tababarka Carmo oo loo soo rarayo Magaalada..

Warar aanu ka helnay Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in dugsigii Tababar Ciidanka Booliiska ee Deegaanka Carmo ee Gobalka Bari dhawaan loo soo rari doono Magaalada Baydhabo.

Dugsigaas oo ay ku xareysan yihiin ilaa 600 oo Ciidan ah ayaa waxaa halkasi uga socda tababar, waxaana la filayaa in dhawaan loo soo gebgabeeyo tababarkaasi, kaddibna ciidankaasi loo soo raro Magaalada Baydhabo si ay gacan uga gaystaan arrimaha nabadgelyada Dusigaan oo uu furay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa maalgeliyay Hay’ado samafal oo caalami ah, iyadoo marka loo soo wareejiyo Magaalada Baydhabana howlihii dugsigaasi halkii laga sii wadi doono, waxaana la filayaa in dugsigaasi lagu xareeyo ilaa iyo 1200 oo askari oo laga keeni doono dhamaan Gobalada Koonfureed. 

AVV. C/raxmaan Abuu Xamza “Dagaalada ka socda Muqdisho waxay argagax geliyeen Qurba jooga...”

C/raxmaan Abuu Xamza oo ah Guddoomiyaha Naadiga Qurba Jooga Soomaaliyeed (SODIF) ayaa waxa uu sheegay in naadigiisu uu aad uga xun yahay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho kuna tilmaamay kuwo lagu dubanayo hilibka Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya.

“Waa in ay ogaadaan kuwa dagaalada hurinaya iyo kuwa taageerayaasha ahba in Xabadda Xamar ka dhaceysa ay argagixineyso qof kasta oo Soomaali u dhashay meel kasta dunida ha ka joogee, sidoo kale kuwa xaq darada iyo dulmiga taageeraya way la wadaagayaan mas’uuliyadda ka dhaleysa dhiigga Muslimiinta ee la daadinayo” ayuu yiri Guddoomiyaha oo intaa raaciyay “Waxaa xuus ku dhacaya iyo rajo xumo kuwa ku fekeray in ay maalgashi ku sameeyaan dhulkooda, haddaba waxaa nasiib daro in dunida meel loo carara aysan jirin oo dunidii oo dhan aya albaabada naga xiratay, mana jirto cid hadda kaddib na soo dhaweyneysa”.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha waxa uu u soo jeediyay Culumaa’udiinka, Aqoonyahanada, Hogaami-yaasha dhaqanka iyo Qurba jooga Soomaaliyeed ee dunida in dagaalada si dhaqsi leh loo soo afjaro, waxa uuna ilaah uga baryay in dagaal oogayaasha ummadda hagaalamay uu hanuuniyo ama ka qabto ummadda iyaga iyo waxa taageerayaba.

300 oo Askari oo loo tababarayo ilaalinta C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi ...

Warar aanu ka helnay Madaxtoonyada Madaxweyne Cllaahi Yuusuf waxa ay sheegayaan in dhawaan Magaalada Mombassa ee dalka Kenya 300 oo Askari oo ilaalo u noqon doona Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed  iyo Ra’isul Waxaare Cali Max’ed Geeddi.

Askartaan oo loo tababarayo qaabka loo ilaaliyo madaxda dowladda ayaa waxa uu tababrkoodu socon doonaa mudo labo bilood ah, waxaana haatan socda xulidda ciidamadaasi.

Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa dhawaan guddi u saari doona oo soo xula Ciidamadaasi oo la filayo in maalmaha soo socda loo qaado Magaalada Mombassa.

Mashruucaan lagu tababarayo ciidamada oo la filayay in uu bilowado kal hore  ayaa baaqday kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay xubnaha sar sare ee Dowladda, iyado Hay’adda Maalgelineysa ciidamadaasi ay shuruud uga dhigtay tababarka ciidamadaasi in marka hore ay heshiis gaaraan mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda.

Sanadkii hore ayay ah ayd markii saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska loo qaaday dalka Uganda halkaas oo ay tababar hal bil ah ku soo qaateen, hase yeeshee xulidoodii waxaa ka dhashay muran.

Buula Ajuuraan ee Boosaaso oo dab qabsaday...

Warar ka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd uu dab qabsaday Buula  Ajuuraan oo baria kaga taal magaalada Boosaaso, waxaana dabkaasi la sheegay in ay ku dhaawacmeen shan qofood oo ka mid ahaa dadkii qaxootiga ahaa ee ku jiray xeradaasi.

Dabkaas oo gebi ahaanba baabi’iyay xeradaasi ayaa waxaa markii dambe u soo gurmaday dadweynaha ku nool Magaalada Boosaaso oo ku guuleystay ina y dabkaasi baqtiyaan.

Dadkii ku jiray xeradaasi oo haatan ku sugan meel cidla ah ayaan haysan Raashin, Hoy ay galaan iyo maamulka Gobalka Bari uu ka gaabiyay in dadkaasi ay wax u qabtaan.

Sanadkii hore ayay ahayd markii Xaafadda Buula Eelaay ee Magaalada Boosaaso uu iyana dab baabi’iyay waxaana khasaaro ba’ani ka soo gaartay dadkii halkaasi ku jiray. 

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


KULAN MADAXEEDKA JAAMACADA CARABTA OO BARI FURMAYA.
Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com
 
Madaxda Dalalka ku jira Jaamacada Carabta ayaa bari kulan uga furmayaa Xarunta wadanka Suudaan ee Khartuum,kulanka ayaa ka duwan kuwii hore ay jaamacada carabtu isku imaan jireen waayo xiligan waxaa hor yaala dhowr mushkiladood oo muuqaalo naxdin leh ku soo kordhiyay wadamo badan oo ku jira jaamacada carabta.
 
Xaaladda Dalka Ciraaq ayaa ah mid ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambaysa waxaana ku dhimanaya saacad walba dadka reer ciraaq,dagaalka ay ururka wax iska caabinta reer ciraaq ku hayaan ciidamada isbahaysatada Maraykanka iyo Ingriiska waxaa ugu sii darmay mid dhexdooda ahoo qaab  Diimeed u dhacay kaas oo galaaftay dad badan masaajido kala duwan lagu burburiyay Dalka ciraaqna waxa uu ka mid yahay wadamada jaamacada carabta ugu jira ajandayaasha ay ka wadahadli doonaan
 
Arrinta kale ee hortaala Madaxda Jaamacada Carabta ayaa ah xaaladda siyaasadeed ka taagan dalka falastiin.kadib markii uu doorashooyinkii january ku guulaystay Ururka Xamaas oo si weyn ay u rumaysan yihiin wadamada Maraykanka iyo yurub qaar ka mid ah inuu yahay Urur Argagaxiso.
 
Wadamadan oo horay dhaqaale u siin jiray wadanka ayaa ku dhawaaqay in ay ka goosanayaan dhaqaalaha ay siiyaan  falastiin hadii Ururka Xamaas uu aqoonsan waayo Jiritaanka Israa'iil Balse madaxda Xamaas ayaa sheegay in Aqoonsiga Isra'il uu  la mid yahay in la laga tanaasulo dhulka falastiin ka maqan.
 
                                                                                          Xaaladda Daafuur ee wadanka Suudaan ee shirka martigaliyay oo wajiyo badan leh ayaa ah mushkilada kale ee u baahan in xal laga gaaro kadib xaalado kala duwan oo ka dhacay gobolka ayaa sababtay in ururka Midawga afrika uu geeyo ciidamo suga amaanka gobolka daafuur,sida la rumaysan yahayna dagaalada ka dhacay daafuur waxaa ku geeriyooday in ka badan kumaan dad ah iyadoo ay ku barakaceen dad ka badan 2malyan Waxa ayna mid tahay waxyaabah laga doodi doono kadiba go'aan laga soo saari doono.
 
Wadamada kale ee looga hadli doono shirka Jaamacada Bari waxaa ka mid ah wadamada Suuriya Somaliya iyo kuwo kale,ka sokow Suuriya marka laga hadlayo Soomaaliya waa wadan ay jaamacada carabtu wali siinin fursad ku filan iyadoo aad moodid in xaaladaha kale ee xiligan ururka horyaala in uu ka doorbiday in uu wax badan ka sheego Xaalada Somalia.
Callanka SomaliaSomalia waxaa ka jira Dowlada KMG ah laakiin wali dowladu ma ahan mid awood u leh in ay waxqabato waayo waxaa ku wareegsan dhibaatooyin badanoo u baahan taageero caalami ah,dagaalada badan ee Somaliya ayaa sababay Hubka xad la'aanta ah ee ku jira gamcamaha Maliishiyaadka aan meelna raacsanayn,Iyadoo intaas ay jirto haddana xiligan Jaamacada Carabta Fursado Badan uma hayso Somaliya waayo Qodobada kale ayaa ah kuwo aad uga xasaasisan tan Somaliya,Dabcan waa lagu soo hadal qaadi doonaa Somaliya xaaladda ka taagan laakiin qodobada ka soo baxa ayaan ahayn kuwo loo fuliyo sidii loo balan qaaday.
 
Qore: Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2006

Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi oo booqasho ku jooga waddanka Belgium
»Dad kasoo barakacay Abaaraha oo soo gaarey Muqdisho..
»Columbus, Ohio: Kulan Looga hadlayay Dagaalada Mogdisho..
»Shiikh Muxiyadiin “Maanta ayaa la kulansiinayaa kooxihii..
»Guddoomiyihii Diinsoor oo xilkii laga qaaday kaddib markii..
»Guddi uu soo magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo..
»Nin Suudaaneys ah oo lagu qabtay hotel ku yaala Baydhabo
»Jidka isku xira Ceel-Macaan iyo Ceel-Cadde oo dib loo furay
»Bootaan Ciise “ma jiraan heshiis aan la gaarnay maxaakiimta
iyo Warar GooGoos ah ka akhri.... Mar 27

»Taariikh Nololeedkii  Cabdulaahi Ciise  

Arday Soomaaliyeed oo Galay kaalinta koowaad Jaamacadda Islaamiga ah ee Uganda
»Warar ku saabsan dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho...
»Hay’adihii Samafalka oo gebi ahaan isaga baxay Jowhar...
»C/llaahi Yuusuf: dagaalka Muqdisho waa mid Umolo-doox ah
»Hay’ado xaquuqda Adaanaha oo walaac ka muujiyay dagaalka
»Xildhibaan Barre Hiiraale baaq u Jeediyay Dhinacyada Ku...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.. Guji... Mar 26