1922-kii ayuu C/llaahi Ciise Maxamuud ku
dhashay Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose, Allaha u naxariistee,
Aabbihii isaga oo yar ayuu dhintay, waxaana soo korisay Hooyadiis, Alle
ha u naxariistee Mareero Diini, C/llaahi Ciise iyo Hooyadiis Xamar ayay
u soo wareegeen, haljaas oo uu ka bilaabay dugsiga Qur’aanka iyo
waxbarashadiisii H/ Dhexe.
1938-kii, C/llaahi Ciise, isaga oo jira
lix iyo toban sano, ayuu ka qalin jabiyey, dugsiga sare ee Talyaaniga
wuxuuna noqday maamule xafiis.
1943-kii, C/llaahi Ciise, wuxuu ka mid
noqday Golihii Dhexe ee S.Y.L.
1944-kii, C/llaahi Ciise, wuxuu laantii
ugu horreysa ee S.Y.L ka furay Magaalada B/weyne
15-5-1947-kii, sanad-guuradii 4-aad ee
S.Y.C, waxaa la doortay hoggaan cusub, oo ay yeelatay S.Y.C. waxaa
xoghaye cusud loo doortay halgame C/llaahi Ciise Maxamuud.
Mudane C/llaahi Ciise si halganka loo
dardar galiyo waxaa uu keenay qorshe siyaasadeed (Political program)
magacii hore ee SYC waxa uu u beddelay S.Y.L (Somali Youth League) waxa
uu soo saaray barnaamijkiisii siyaasadeed oo ka koobnaa shan qodob oo
kala ahaa.
1. In la raadiyo gobanimadii iyo
xorriyaddii shanta Soomaaliyeed oo midaysan.
2. In lala dagaalamo dhaqanka kala
qaybinta ee qabyaalada ku dhisan
3. In laga taqaluso ciddii ka hortimaada
danta Soomaaliyeed.
4. In waxbarashada lagu baahiyo dalka lana
dhiso aqoonta iyo waxqabadka dhalinyarada.
5. In la qoro afka Soomaaliga.
1947-dii bishii November halgame C/llaahi
Ciise Maxamuud, waxa uu gudoomiyay fadhigii taariikhiga ahaa ee golaha
dhexe ee S.Y.L ku gaareen mudo 10 sano ah ee truteeship-ka ay
gaarsiiyaan guddi ka kooban afartii quwadood ee markaas jiray (Four
power commission) kuwaas oo dalka yimid 7-dii January 1948-kii
11-1-1948 halgame C/llaahi Ciise Maxamuud
oo ku sugnaa Xarunta S.Y.L ayaa Por-Talyaanigii soo weerareen
Xafiisyadii Xarunta S.Y.L,halkaas oo uu ka bilowday dagaalkii Ha
Noolaato oo ay ku geeriyoodeen 52 ruux oo Talyaani ah 15 ruux oo
Por-Tayaani iyo Xaawo Cusmaan ”Xaawo Taako”.
20-1-1948- mudane C/llaahi Ciise Maxamuud
wuxuu qaabilay Four power commission wuxuu u gudbiyey qorshaha
siyaasadeed ee S.Y.L oo ahaa in muddo 10 sano ah Soomaaliya
xorriyaddeeda lagu gaarsiiyo ayna gaarsiiyaan guddi ka kooban Four Power
Commission.
31-10-1948 Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud
iyo Xaaji Ibraahim Cigaal waxay u direen Xoghayihii guud ee Qaramada
Midoobay Mr. Trygve lie warqad (memo) ah oo ay ugu sheegeen in
Soomaalida inteeda badan ay doonayaan in Soomaaliya oo midaysan ay
xorriyadda gaarsiiyaan afartii quwadood ee markaas jiray.
28-10-1948dii wuxuu ka dhoofay dalk si uu
uga qaybgalo shir ka dhacay Baris oo Four Power Commission uga hadlayeen
arrimaha Soomaaliya. Isticmaarkii Ingiriiska wuxuu ugu talagalay in uu
ku mudo Talaal sun ah C/llaahi Ciise Maxamuud. waxaa C/llaahi Ciise iska
dhigay oo run ahaantiina ay isku ekaayeen mudane Maxamed Yuusuf Aadan
”Muuro” C/llaahi ahaan loo talaalay lix biloodna ujiifay sariirta
talaalkaas awgiis.
30/10/1948-dii Halgame C/llaahi Ciise waxa
uu ka degay Magaalada London waxaana soo dhaweeyay Ducaale Max’ed oo
ahaa xoghayihii SYL ee Cardiff iyo Ibraahim Max’ed oo ahaa Xoghayihii ee
Liverpooll.
3/11/1948-dii Halgame C/llaahi Ciise
Maxamuud waxa uu la kulmay Xoghayaha arrimahad dibadda ee dalka
Ingiriiska.
Maarso 1949-kii Halgamaa C/llaahi Ciise
Maxamuud waxa uu tagay xarunta Qaramada Midoobey ee New York halkaas oo
uu ka waday Diplomaasiyaddii uu xoriyadda Soomaaliya ugu raadinayay.
13/6/1949-kii Halgame C/llaahi Ciise
Maxamuud isagoo ku sugan Magaalada New York waxa uu SYL u soo diray
qoraalkii caanka ahaa ee la magacbaxay Appello ai Somali oo ugu sheegay
SYL qatarta uu wato qorshaha Sforza Bevin Plan, arrintaas oo misana
Qaramada Midoobey ku kala jabtay.
21/11/1949-kii Halgame C/llaahi Ciise
Maxamuud waxa uu suurageliyay in Qaramada Midoobey Koonfurta Soomaaliya
xoriyadda lagu gaarsiiyo mudo toban sano ah Trusteeship-kana uu maamulo
Talyaaniga, iyadoo la dhinac dhigay Guddiga Qaramada Midoobey ka socday
oo ka kooban dalalka Masar, Filibiin, Colombia oo ilaalinayay howlaha
xoriyadda gaarsiinta si ay ula socdaan.
18/10/1950-kii Halgame C/llaahi Ciise
Maxamuud dacwad ayuu u qoray Qaramada Midoobey ee uu ku eedeenayo
maamulka AFIS oo uu ka leexday waajibaadkii loo xilsaaray, waxa uuna ka
codsaday Qaramada Midoobey in la sameeyo guddi la tashi (Consultative
Council) oo awood u leh, wuxuu kalloo Qaramada Midoobey ka codsaday in
Soomaaliya laga difaaco Ajnabiga ku soo qulqulaya gaara haan kuwa
Talyaaniga ah.
18/10/1950
Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud dacwad ayuu u qoray Qaramada Midoobey ee
uu ku eedaynayo maamulka AFIS in uu ka leexday waajibkii loo xilsaaray,
wuxuuna ka ka codsaday Qaramada Midoobey in la sameeyo guddi la tashi
“Consultavative Council) oo awood u leh, wuxuu kalloo Qaramada Midoobey
ka codsaday in Soomaaliya laga difaaco ajnabiga ku soo qulqulaya gaar
ahaan kuwa Talyaaniga ah.
1954-kii
Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ku guuleystay siyaasad ahaan in
uu Qaramada Midoobey uu ku qanciyo in la isfeersuro calaamadda Qaramada
Midoobey, Talyaaniga iyo midka Soomaaliya.
1956-1960-kii
Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu ahaa Ra’isul Wasaarihii ugu
horeeyay ee Soomaaliya, waxaana dowladaas lagu dhisay Sharci No=1 ee
7/5/1956-dii.
1959-kii
Halgame C/llaahi Ciise wuxuu mar labaad ku guuleystay xilka Ra’isul
Wasaaraha.
12/4/1960-kii
Halgame C/llaahi Ciise waxa uu abaabulay saxiixayna dekereetadii lagu
dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna darajada Janeraalka u
dalacsiiyay una magacaabay Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed
Da’uud Cabdule Xirsi.
1960-1964-kii
Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu ahaa Wasiirka arrimaha dibadda.
1964-1967-kii
Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ahaa wasiirka Caafimaadka.
1967-1969-kii
Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha.
1969-1973-kii
Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ka mid ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee
kooxdii Militariga ahayd ay inqilaabeen lana xirxiray isagoo oo si
sharci darro ah xabsiga ugu jiray muddo afar sano ah.
1973-1984-kii
Halgame C/llaahi Ciise wuxuu ahaa danjiraha Somaaliya u fadhiya dalka
Sweden, isla markaana wakiil ka ahaa dhamaan waddamada la isku yirahdo
Scandinavia.
24/3/1988-kii
Allaha u naxariistee Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ku geeryooday
Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
29/3/1988-kii
Halgame C/llaahi Ciise maydkiisa ayaa dalka la keenay isla maalintaasna
waa la aasay, waxaa loo aasay si heer Qaran ah, iyada oo halgamaashii
SYL dhamantood ay aaskiisii ka soo qaybgaleen intii markaa nooleyd iyo
guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo Dowladdii JDS oo uu hogaaminayay
Madaxweyne Jaale Max’ed Siyaad Barre, waxaana mudo saddex maalmood ah
hoos loo dhigay calanka Soomaaliya, waxaana dalka oo dhan ka dhacay
baroordiiq Qaran.
Allaha u
naxariistee Halgame C/llaahi Ciise wuxuu guursaday laba Haween ah,
xaaskii ugu horreeyay waxaa la yiraahdaa Faadumo C/lle Max’ed waxa ayna
u dhashay Gabar la yiraahdo Xaawo C/llaahi Ciise, Xaawa iyo hooyadeed
Faadumo C/lle waxa ay hadda ku nool yihiin dalka Sweden Magaalada
Stockholm.
Xaaska labaad
waxaa la yiraahdaa Ruqiyo Shiikh Xuseen Cismaan, waxayna u dhashay
Carruurtan kala ah:
Cali C/llaahi
Ciise, Faadumo C/llaahi Ciise, iyo Xaliima C/llaahi Ciise, waxayna
dhamaantood carruurtaan iyo Hooyadoodba waa Ruqiyo Shiikh Xuseen hadda
ku wada nool yihiin dalka Mareykanka Magaalada Virginia.
Dhinaca kale
waxaa dhawaan Magalada muqdisho lagu qabtay xaflad aad u sareysay lagu
xusayay sanadguuradii 18-aad ee ka soo wareegtay geeridii halgame
C/llaahi Ciise waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu
ku jiray Cali Shidde Cabdi, iyadoo dadkii ka qaybgalay xaflaadaasi ay
isla qireen in C/llaahi Ciise uu ahaa halyay aysan hilmaami doonin
Shacabka Soomaliyeed, waxay kalloo sheegeen in C/llaahi Ciise uu ahaa
nin ay ka go’nayd in Soomaaliya gaarto Midnimo iyo horumar.
Cali Shidde
Cabdi waxa uu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku
dadydaan dariiqii uu falay Halgame C/llaahi Ciise oo uu sheegay in uu
ahaa nin wadani ah oo ka hor jeeday Gumeysiga iyo kalkaalinayay.
Sidoo kale C/
qaadir Ibraahim Gacal Abkow ayaa waxa uu isna sheegay in Halgankii
xoriyadda ee uu horseeda u ahaa C/llaahi Ciise haatan laga dhigay mid
bacaad lagu lisay isagoo sheegay in taasi ay khasaaro u tahay shacabka
Soomaaliyeed oo looga fadhiyay in ay halkii ka sii wadaa dadaalkii loogu
jiray sidii Soomaaliya kor loogu qaadi lahaa si ay wax ula qaybsato
bulsha weynta kale ee Caalamka.
AmiinYuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Maarso 27, 2006