SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKA MAARSO 27, 2006

  • Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi oo booqasho ku jooga waddanka Belgium
  • KEEROW AADAN EEDAN WAA MID KA MID AH DADKA KA SOO BARAKACAY ABAARAHA EE SOO GAAREY MUQDISHO.. 

  • Kulan Looga hadlayay Dagaalada ka soconaya Caasimada Mogdisho oo lagu qabtay Colombus,Ohio.

  • Shiikh Shariif Shiikh Muxiyadiin “Maanta ayaa la kulansiinayaa kooxihii ku dagaalamay Muqdisho”..

  • Guddoomiyihii Diinsoor oo xilkii laga qaaday kaddib lagu eedeeyay in uu gudan waayay waajibaadkii ka saarnaa..

  • Guddi uu soo magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo soo gaaray Magaalada Muqdisho..

  • Idaacadda Baydhabo oo dib loo furay kaddib markii ay xirneyd mudo..

  • Nin Suudaaneys ah oo lagu qabtay hotel ku yaala Magaalada Baydhabo..

  • Jidka isku xira Dekedaha Ceel-Macaan iyo Ceel-Cadde oo mar kale shalay dib loo furay..

  • Bootaan Ciise “Wax heshiis ah oo aan la gaarnay Maxaakiimta Islaamiga ah ma jiraan”..

  • Mas’uuliyiinta Hay’ada  Sanduuqa Caafimaadka Dunida (WHF) oo kula kulmay Ra’iisul Wasaare Geedi magaalada Brussels ee dalka Belgium.

  • Waxaa Axadii shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa oo ku yaala degmada Hodan ee agagaarka kaasa babalaare gudoomiyaha kacdoonka shacabka iyo difaaca diinta iyo dalka axmed maxamed cabdule (axmed qare) .


Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi oo booqasho ku jooga waddanka Belgium

Madaxweyne C/Laahi Yuusuf & Maxamed Xaaji

Ra'iisul wasaare Cali Geeddi & Maxamed Ingriisi
Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Bruxelles, Belgium
Email: Ingiriis@yahoo.com

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Cali Maxamed Geeddi iyo xaasaskooda ayaa Axadii aroortii yimid magaalada Brussels ee waddanka Belgium, kaddib markii ay martiqaad ka heleen Ururka Midowga Yurub. Waxaa socdaalkooda ku wehliya Wasiiru-Dowlaha xafiiska Madaxweynaha, Khaalid Cumar Cali.

Dad badan oo Soomaali ah oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo ku yaalla waddanka Belgium iyo wadammada u dhow dhow sida Britain iyo the Netherlands  ayaa maanta buuxiyey hoteelkii wafdigu ay ku soo degeen oo ku yaalla faras-magaalaha Brussels, iyagoo doonayey inay la kulmaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo u sheegay inay la shiri doonaan Soomaalida ka timid Europe berri gelinka dambe.

Maalinta Talaadada ah ayaa Cabdullaahi Yuusuf iyo wafdigiisu waxa ay kulamo la billaabi doonaan madaxda Midowga Yurub, iyagoo kula shiri doona xarunta EU-da ee Brussels, waxaana lagu wadaa inay la kulmaan Madaxa Midowga Yurub, Jose Manuel Barroso iyo Javier Solana oo u qaabilsan Yurub dhinaca siyaasadda dibadda iyo Lois Michel oo ah Madaxa qaybta horumarka European Commission.

Waxaa iiga muuqday Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisaba inay daneynayaan inay la kulmaan Madaxda dalka Belgium oo uu ugu horreeyo Ra’iisal Wasaare Guy Verhofstad, hase ahaatee ma cadda inay is arki doonaan iyo in kale. Xoghaynta Madaxweynaha ayaa ii sheegay in madaxda Belgium loo gudbiyey codsi lagu weydiisanayo inay arkaan madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, welina ay ka war-sugayaan.

Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi oo aan gooni gooni ula kulmay waxa ay muujiyeen inay ku faraxsan yihiin casuumadda ay ka heleen Midowga Yurub oo dhowr mar ka ballan-qaaday dowladda KMG ah inay ka caawin doonaan sidii Soomaaliya ay ugu soo celin lahaayeen dhinaca nabadda iyo ammaanka.

Waxaa kale oo ay ka rajeynayaan inay ka helaan kaalmo dhaqaale oo iyaga toos loogu wareejiyo, gaar ahaan in loo fasaxo xisaabaadkii lacageed ee horey loogu caawin jiray dalka Soomaaliya oo xayirnaa illaa iyo markii ay dhacday dowladdii hore. Lacagtan oo u ururtay Soomaaliya, illaa iyo hadda lama oga inta ay le’eg tahay.

Waxaa sidii lacagtaas loo fasixi lahaa door weyn ka ciyaaraya Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee dowladda KMG, Cabdirisaaq Cusmaan Jurille oo wax badan ku noolaa dalka Talyaaniga, gacan-saar dheerna la leh dowladda Rome. Jurille, waxa uu ku jiray raggii u qalqaaliyey dowladdii Maxamed Siyaad in Talyaanigu siiyo kaalmo lacageed oo malaayiin dollar ka badan oo weli la garan la’ yahay halka la mariyey.

Kulan uu Ra’iisal Wasaare Geeddi la yeeshay bishii November ee sannadkii tagay 25-ka wakiil ee wadammada Midowga Yurub ayaa wakiilkii metelayey dowladda Ingiriisku waxa uu ku canaantay Geeddi in dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay doonayso inay xoog adeegsato oo ay diyaarinayso ciidamo, taasoo uu sheegay Ra’iisal Wasaaruhuna inuu carrabka ku adkeeyey in xukuumaddiisu aysan xoog waxba ku doonaynin.


Madaxweyne C/laahi Yuusuf

Cali Maxamed Geeddi

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa markii aan la kulmay waxa uu aniga i weydiiyey sida aan u arko dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho, taasoon isaga ku celiyey bal inuu ii sheego sida uu dagaalku isaga ula muuqdo, waxaana uu ku celiyey in dagaalkaas uu yahay mid macna-darro ah in lix iyo toban sano kaddib uu dhiig ku daato Soomaaliya.

“Dadkoo dhami waxay qabaan in dagaalka Xamar ka socda uusan caqli ku dhisnayn, labada dhinac ee diriraya waxay sheegayaanna waa waxba kama jiraan, been bey sheegayaan” ayuu yiri. Waxa uu farta ku fiiqay in hoggaamiye kooxeedyada ku jira dowladdiisa ay yihiin niman baayac-mushtar ah oo dagaalka doonaya, isla markaana aan marna oggoleyn dowladdu inay shaqeyso.


Weriye Ingiriis iyo Sawir-qaade Cabdullaahi Afey

Waxaan weydiiyey waxa ka jira inay heshiis qarsoodi ah wada galeen isaga iyo hoggaamiye kooxeedka Maxamed Qanyare mar ay ku kulmeen magaalada Nairobi dhowr bilood ka hor. Isagoo taas ka jawaabaya, waxa uu yiri, “Waan kulannay waa sax, waxaanu isku aragnay Kenya, waa in la is arkaa ileyn siyaasad baa lagu jiraaye, laakiin waxba kuma aanan heshiin, ninkaasina Qarannimo iyo nabad iyo waxaas nin doonaya ma ahan, siduu hadda yahay inuu ahaado ayuu doonayaa.”


Dr Cali Geeddi iyo qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Belgium

Cabdullaahi Yuusuf muddadii aan la fadhiyey waxaa la joogtay xaaskiisa Xaawo Cabdi Samatar oo loo yaqaanno Xaawo Cirrid Yaambo oo iyadu ka jawaabeysay su’aalaha qaar ee aan weydiinayey, mana aysan iiga muuqan carcartii iyo dhiirranaantii uu lahaan jiray.

Madaxweynaha oo aanan is arag muddo laba sano ka badan waxa uu i su’aalay waxa aan ku hayo Belgium, waxaanan u sheegay inaan ka barto Philosophy, isagoo markaa kaddib igala sheekeystay qaar ka mid ah raggii seeska u dhigay falsafadda reer galbeedka (Western Philosophy), sida Socrates, Plato iyo Aristotle. Waxa uu ku kaftamay nin bartay falsafad in maskaxdiisu la amakaagayso waxa ka socda Soomaaliya.

Booqashada Belgium kaddib, Cabdullaahi Yuusuf iyo wafdigiisu waxa ay tegi doonaan dalka Suudaan, halkaasoo ay uga qayb geli doonaan shirweynaha wadammada Carabta, waxaana ay Brussels joogayaan muddo saddex cisho ah oo ka billaabatay maanta oo Axad ah.

Maxamed Xaaji (Ingiriis) | Bruxelles, Belgium

KEEROW AADAN EEDAN WAA MID KA MID AH DADKA KA SOO BARAKACAY ABAARAHA EE SOO GAAREY MUQDISHO.. 

Wararka ka imaanaaya Baardhere ayaa sheegaaya in dad badan ay ugu geeri yoodeen oon iyo gaajo la soo gud boonaatay abaartii ugu xumeed ee soomarta Soomaaliya in dhoweyd. Maamulka odayaasha iyo garab ka mid ah ha’adaha  samafalka ee ku sugan baardheere ayaa qeeyla dhaan ka soo saaray abaaro baahsan oo ku dhuftay deegaano ka tirsan degmooyin aad u farabadan  oo ay xoolo badan iyo daba u dhinteen.

Deegaanada oo abaarta iyo biya la aantu ay ka taaganyihiin waxaa ka mid yihii deegaanada  xera koowaad iyo  dooryaanleey halbo iyo golweeyn iyo haanooy iyo shaatileey iyo ku wakale oo dhamaantood hoos taga deegaankaasi. shir ay maalin tii shalay ay ku yeesheen xarunta degmada luuq waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa waxa qeyla dhaan loogu soo jeediyay baaq caalami ah oo ku wajahan hayadaha deeqa bixiya iyo gurmadka abaaraha in ay la soo gaaraan gurtmad deg deg ah kumanaan ruux oo isugu jira xaalo iyo dadba oo ku dhibaateeysan halkaasi. 

Waxaa noo suura gashey in aan lakulano qaar ka tirsan dad ay abaruhu waxyeelada u geysteen , keerow adan eedan waxaa laga keenay moolmood oo u dhaxeyso baydhabo iyo labaatan jirow wuxuuna noo sheegay in ay  saan u gashey baad la,aan iyo biyo la,aan .

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com

Muqdisho somaliya


Kulan Looga hadlayay Dagaalada ka soconaya Caasimada Mogdisho oo lagu qabtay Colombus,Ohio.
C/risaaq Cali Adam(Jeesteeye)
abdirizak12@hotmail.com
Colombus,Ohio,USA
 
Kulan balaaran oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala gadisan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan gobalka Ohio ayaa shalay oy tariiqdu ahayd(March-25-06) lagu qabtay xarunta Jaaliyada Soomaalida magaalada Colombus ee gobalka Ohio ee dalka Mareykanka.Kulankaani oo ay soo qabanqabiyeen ururka jaaliyada Soomaalidda Colombus ee Somali Community Assoication(SCA) ayaa ujeedadiisu ahayd in jaaliyadda Soomaalidda ay ka qaybqaataan joojinta dagaaladda kasoconayo qaybo ka mid ah magaalada Mogdisho ee wadanka Soomaaliya.


Dadka ka sooqayb galay kulanka

Kulaani oo si heer sare ah loo soo agaasimay siweyna looga soo qaybgalay ayaa waxaa ka hadlay waxgarad,culumaa`udiin,aqoonyahano,ganacsato iyo siyaasiyiin oo dhamaantood ku dheeraday dhibaatooyinka faraha badan ee ka dhasho dagaalada macna darada ah ee soo noqnoqda ee Soomaalidda dhexdeeda ka dhex dhaca.

 
Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalidda magaalada Colombus Xassan Cali Cumar oo kulanka furay ayaa hadalkiisa ku bilaabay baaq uu u dirayo kooxaha ku dagaalamaya magaalada Mogdisho oo uu ka codsaday inay u naxaan shcabka tabarta daran oo ay ku-dul dagalamayaan."Mar walba oo uu dagaal dhaco waxaa dhasho qabqable cusub waxaana dhinta dad aan waxba galabsan iyadoo boqolaal masakiin ah guryahoodii ay ku nolayeen laga barkiciyo,wayeelka,caruurta iyo inta tabarta daran ee guryaha ku haro madafiic habow ah ay ku habsadaan.Muddo intee le`eg ayay dagaaladaan macna darrada ah sii soconyaan?"Ayuu Xassan Dheere isweydiiyay.Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inaysan fiirsan dhibaatooyinka haysta ummadda Soomaaliyeed isagoo codsaday in talabo deg deg ah oo dadka Soomaaliyeed lagu badbaadinayo la qaado.Wuxuu dhanka kale Soomaalidda nabad jecel ugu baaqay inay diidaan qabqablayaasha iyo tageerayashooda hortaagan in la midoobo oo dagaaladu dhamaado. 
 
Waxaa sidoo kale madashii shalay ka hadlay Suldaan siciid oo loo yaqaano Xoolo-nool oo ka codsaday kooxaha ku dagaalamayo magaalada Mogdisho inay si shuruud la`aan ah ku joojiyaan dagaalada.Wuxuu ku dhaliilay qabqablayaasha dagaalka oo loo yaqaano hogaamiyayasha ciidamada inay yihiin kuwa aan horay looga baran inay u danqadaan shacabka Soomaaliyeed.Wuxuu ugu baaqay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan inay si hagar la`aan uga qaybqataan joojinta colaadaha marwalba kasoo cusboonaanaya gudaha wadanka Soomaaliya isagoo xusay colaadaha wadanka ka dhacaya in intooda laga tageera dibadaha taasi badalkeedana loo weeciyo tageeridda wanaaga iyo ka shaqaynta dhinaca nabada.

Waxaa sidoo kale goobtaasi ka hadlay wakiilka ugaaska beesha Sade Aadam Axmed Seed(Aadan Barre) oo ugu horayntii tacsi u diray dhamaan eheladii iyo qarabadii ay ka baxeen dadkii ku dhintay dagaalada ka dhacaya Mogdisho."kalsooni kuma qabno wanaagna uma hayno qabqablayaasha dagaalka,waxa dhimanaya waa awladeenii iyo odayasheenii,waxa gablamaya waa hooyooyinkii,ma maqalno qabqable dhimanaya wey soo taaganyihiin waxay gadanayaa dhiiga shacabka Soomaaliyeed.Waxaan ugu baqaynaa qabqablayaasha inay dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ka joojiyaan haddii ay ka tanasuli wayanana waxaan balanqadaynaa inaan aduunak tusno wixii maanta ka bilowdana inaan dhibaatadooda iyo wax ka qabashadooda ka shaqayn doono."Ayuu yiri ugaas Adan Barre.

 
Waxaa isna markiisa qaatay siyaasiga lagu magacaabo Nuur Cali Xassan oo loo yaqaano Nuur Gaab oo ka sheekeeyay dhitooyinaka ka dhashay dagaaladaan aan ujeedada ku salaysnayn wuxuuna tusaale u soo qaatay dagaalkii ka dhacay Yamarugleey oo ka tirsan Killinka Shanaad Itoobiya oo ay horay ugu dagaalameen laba qabiil oo Soomaaliyeed oo oodwadaag ah oo uu sheegay inuu nin taleefan u soo diray kaasoo u sheegay in aabihii,walaalkiis,abtigiis hal goob ay ku dhinteen iyagoo iska soo horjeeda oo dagaalamaya.Nasiib darrada Soomaalidda haysata ayay dhibaatooyinkaas ka mid yihiin,aduunka dagaalo sokeeya waa ka dhacaa ujeedooyinkooda waa la fahmi karaa balse hadaan Soomaali nahay midka nahaysta waa midaan ujeedo lahayn ayuu yiri Nuur Gaab.


Sawirka: Ka bilow midig Ayaanle Maxamed Siyad Barre(ookiyaalaha ninka qabo), Caaqil Gacmadheere, Gudoomiye jaliyada Xassan dheere(ninka taagan), Suldaan Siciid Xoolo-nool.

Guud ahaan kulankii shalay dadkii kasoo qaybgalay ayaa ahaa kuwa muujinayay dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin dagaalada kasoconaya magaalada Mogdisho ee wadanka Soomaaliya.

Intii ay dagaalada sokeeye bilowdeen Soomaaliya oo gashay marxalad dowlad la`aan ah ayaa in-ka badan 450,000 oo ruux ay daagaalada ku dhinteen,in kabadan Hal Malyuun oo ruuxna guryahoodii ayay ka barakaceen iyadoo Seddax Malyuun oo ruuxna ay qarka u saaran yihiin macluul.Waxaa intaasi dheer nabaad guurka joogtada ah ee lagu hayo dhirtii qaranka ay sii kordhayso,badihiina ay isbaaro dhigteen burcad badeed halka shirkada shisheeyana ay sun ku qubaan biyaheenii.

 
C/risaaq Cali Adam(Jeesteeye)
abdirizak12@hotmail.com
Colombus,Ohio,USA

Shiikh Shariif Shiikh Muxiyadiin “Maanta ayaa la kulansiinayaa kooxihii ku dagaalamay Muqdisho”..

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Waxaa maalintii shalay ahayd dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho ku waabareysteen xabad la’aan kaddib markii mudo afar maalmood ah dagaal qaraar uu ka socday W/bari ee Magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Maleeshiyooyin kala taabacsan Bashiir Raage iyo Abuukar Cumar Caddaani, kuwaasoo gacan ka kala helayay Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, iyadoo dagaalkaan ay ku dhinteen dad aad u fara badan, waana dagaalkii ugu qaraaraa ee mudooyinkaan laga maqlay Magaalada Muqdisho.

Guddi is xil-qaamay oo ka tirsan beesha Mudulood ayaa iyagu dadaal u galay joojinta dagaalkaasi, waxayna maalintii shalay ahayd kulan ku yeesheen Mowlacaha Shiikh Muxiyadiin, waxayna markii hore u yeereen wakiilo ka socday Bashiir Raage si wanaagsan ayay u soo dhaweeyeen hashiiska ay wadaan guddigaasi, waxayna sheegeen in ay qaadanayaan wax kasta oo loo gooyo, sidoo kale waxay kulan la yeesheen wakiilo ka socday Abuukar Cumar Caddaani iyana si wanaagsan ayay u soo dhaweeyeen heshiiska ay wadaan guddigaasi.

Shiikh Shariif Shiikh Muxiyadiin oo ka mid ah guddigaasi ayaa waxa uu Saxaafadda u sheegay in labada dhinac ay diyaar u yihiin in ay wada hadlaan wixii khilaaf ahna lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad, Shiikh Shariif waxa uu sheegay in manta wakiilo ka socda labada dhinac la isa soo hor fariisin doono si ay uga wada hadlaan wixii dhaliyay dagaalka, sidoo kale guddiga waxay sheegeen in xitaa ay la xiriireen Max’ed Dheere, maadaama uu qayb ka ahaa dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Bashiir Raage iyo Abuukar Cumar Caddaani. Dhinaca kale waxaa shalay si aad ah u socday howlihii dekedaha Ceel-Macaan iyo Ceel-Cadde kaddib markii ay la wareegeen Maleeshiyooyin daacad u ah Abuukar Cumar Caddaani, waxaana la arkayay gawaari fara badan oo ku soo qulqulaya Magaalada Muqdisho kaddib markii ay halkaasi ku xayirnaayeen afartii maalmood ee dagaalku socday.

Guddoomiyihii Diinsoor oo xilkii laga qaaday kaddib lagu eedeeyay in uu gudan waayay waajibaadkii ka saarnaa..

Warqad ay ku saxiix-naayeen 13 xubnood oo ka tirsan Waxgaradka, Culuma’udiinka, Dhallinyarada iyo Haweenka Beesha Dabare ayaa waxay xilkii guddoomiyaha Diinsoor ka qaadeen Dr. C/xafiid Shiikh Xuseen kaddib markii ay ku eedeeyeen in uu gudan waayay waajibaadkiisii ku aadanaa deegaankaasi.

Warqad oo uu na soo gaarsiiyay Siiday Xaaji Max’ed Nuur ayaa waxaa kalloo lagu sheegay in xilkii degmada Diinsoor loo magacaabay Xaaji Ma’xed Ibraahim Macallin Aadan (Gaal-Jeele).

Qoraalka waxaa kalloo ku qornaa in mudo dhowr todobaad ah ay kulamo u socdeen waxgaradkaasi, ayna ku isku afgarteen in xilka laga qaado Guddoomiyaha degmada Diinsoor oo ka mid ah Degmooyinka Gobalka Bay, 140Km u jirta Magaalada Baydhabo.

Guddi uu soo magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo soo gaaray Magaalada Muqdisho..

Waxaa maalintii shalay Ahayd Magaalada Muqdisho soo gaaray Guddi uu soo magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka uuna u xilsaaray in ay dhex dhexaadin ka galaan kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho.

Guddigaan oo ka kooban dhowr xubnood ayaa waxaa ka mid ah Faysal Cumar Guuleed, iyadoo mar uu u waramayay saxaafaddana uu sheegay in maalmaha soo socda ay kulamo la yeelan doonaan kooxihii u dagaalamay Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay ka ambabaxay Magaalada Baydhabo isagoo ku sii jeeda dalka Suudaan caasimaddiisa Khartuum oo uu kaga qaybgalayo shirka Madaxda Jaamacadda Carabta, wuxuuna Guddoomiyuhu shalay ku hakaday Magaalada Nairobi, halkaas oo uu kulamo kula sii heelanayo xubno ka tirsan Dowldda Federaalka oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi.

Idaacadda Baydhabo oo dib loo furay kaddib markii ay xirneyd mudo..

Xaflad si heer sare ah loo agaasimay uuna ka q aybgalay xubno uu hogaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Max’ed Cumar Dhalxa dibna loogu furayay Idaacadda Baydhabo ayaa waxay ka dhacday xarunta idaacaddaasi ee Magalada Baydhabo.

Idaacaddaan oo xoogeedu ku hadli doonta afka Maay Maayga ayaa u jeedada loo aasaasay ay tahay sidii macluumaad kala duwan ay u heli lahaayeen dadka ku nool Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo waliba sidii ay uga qayb-qaadan lahayd dib u heshiisiinta.

Col. Amed Mayow Cabdule (Col. Ruush) oo maamule ka ah Idaacaddaasi ayaa waxa uu sheegay in Idaacaddaani ay gaarsiin doonaan maqalkeeda dadka ku nool Koonfur Galbeed, waxaa kalloo uu sheegay in Idaacaddaan suba hore ay ku hadli doonto afka Maxaa Tiri oo isna looga hadlo gobalo kale oo Soomaaliyeed.

Korneelku waxa uu sheegay in Idaacaddaani ay tahay mid horey oo furay lana furay 2004-tii balse ay hakatay xilgiii ay socdeen dagaalada sokeeye ee Gobalada Bay iyo Bakool.

Nin Suudaaneys ah oo lagu qabtay hotel ku yaala Magaalada Baydhabo..

Ciidanka Nabadgelyada ee Magaalada Baydhabo ayaa habeen hore waxay u dhaceen Hotelka Baydhabo halkaas oo loogu sheegay in uu jiifo nin u dhashay wadanka Suudaan, laguna tilmaamay in uu yahay argagixiso.

Ciidanka nabadgelyada oo ninkaasi dhowr su’aalood weydiiyay ayaa waxaa markii dambe goobtii yimid rag si aad ah u garanayay oo sheegay in ninkaani uu ka tirsan Hay’adaha samafalka ee Gobalada Bay iyo Bakool u yimid wax u qabashada dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta.

Aadan Max’ed Nuur (Saransoor) oo ah guddoomiyaha nabadgelyada magaalada Baydhabo ayaa saxaafadda u sheegay in markii hore ay ku soo duuleen war qalad ah, waxayna raaligareyn u direen ninkaas suudaaneyska ah oo shalayba u ambabaxay goobaha ay abaaruhu ka jiraan .

Jidka isku xira Dekedaha Ceel-Macaan iyo Ceel-Cadde oo mar kale shalay dib loo furay..

Iyadoo afar maalmood uu dagaal ka socday W/bari ee Magaalada Muqdisho, dagaalkaas oo u dhexeeyay ganacsatada kala ah Abuukar Cumar Caddaani iyo Bashiir Raage oo taageero ka kala helayay Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la magacbaxay la dagaalanka argagixisada ayaa jidka isku xira Dekedda Ceel-Macaan iyo Magaalada Muqdisho uu dib u furmay kaddib markii halkaasi ay gacanta ku dhigeen Ciidamo taabacsan Abuukar Cumar Caddaani.

Xaaladda oo shalay aad u dekeneyd ayaa waxaa la arkayay Gawaari fara badan oo sida Shidaal iyo Raashin kala duwan waxaana dekedda ku xiran dhowr Markab oo wada badeecooyin kala duwan iyo Gawaari, sidoo kale Dekedda Ceel-Cadde oo iyana uu ka degayay Shidaal ayaa waxaa gacanta ku haya Shirkadda Banaadir oo hoos tagta Ganacsade Abuukar Cumar Caddaani iyadoo gawaarida ka soo baxda Ceel-Macaan ay Muqdisho imaanayeen isbaaro la’aan.

Bootaan Ciise “Wax heshiis ah oo aan la gaarnay Maxaakiimta Islaamiga ah ma jiraan”..

Bootaan Ciise Caalin oo ah Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Dowladda Federaalka oo u waramayay saxaafadda ayaa waxa uu beeniyay warar sheegayay in beesha Max’ed Hiraab ay heshiis la gaartay Maxkamadaha Islaamiga ah.

“Nin aniga I dilaya sidee ayaan heshiis ula gaarayaa” ayuu si kulul u yiri Bootaan Ciise Caalin oo sheegay in fariisimo ka tirsan maleeshiyooyinkiisa uu sheegay in ay soo weerareen Maxaakiimta Islaamiga ah.

“Anigu waxaan xubin ka ahaa isbahaysiga la dagaalanka argagixisada, waxaana fulinayaa ujeedooyinka Isbahaysigaasi oo ah in la soo qabto kooxaha Argagixisada ajnabiga ah ee ay magangeliyeen shaqsiyaad Soomaaliyeed” ayuu yiri Bootaan.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Mas’uuliyiinta Hay’ada  Sanduuqa Caafimaadka Dunida (WHF) oo kula kulmay Ra’iisul Wasaare Geedi magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Mas’uuliyiinta Hay’ada  Sanduuqa Caafimaadka Dunida (WHF) oo kula kulmay Ra’iisul Wasaare Geedi magaalada Brussels ee dalka Belgium
WHF waa urur caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha la xariira wanaajinta caafimaadka ee beesha caalamka, (Octimal Health) ahmiyad gaar ahna siiya arrimaha la xariira wacyigalinta bulshada ee caafimaadka isla markaana  haatan ku howlan barnaamijyo la xariira  horumarinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya ayaa  ay Mas’uuliyiintiisa  gaar ahaan Gudoomiyaha ururka Prof. Emar Vogalaar iyo kaaliyaha hay’ada ee Soomaaliya Prof. Cabdulqaadir Ruumi ay iyagu hore u tageen booqasho shaqo dalka Soomaaliya magaalada Muqdisho bishii Abril  2005 tii, si ay wada hadal ula yeeshaan howl wadeenada caafimaadka ee ka howl gala magaalada Muqdisho.

Intii ay ma’uuliyiintaasi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho waxay casharo ku saabsan nafaqaynta (Nutrition) ka bixiyeen jaamacada Banaadir ee Muqdisho sidoo kale mas’uuliyiintu waxay booqasho ku tageen qaar ka mid ah cusbitaalada magalaada Muqdisho sida cusbitaalka Madiina, Xayaat, xarunta SOS iyo xarunta caafimaadka indhahah ee Al-Nuur, sidoo kale waxay  mas’uuliyinta hay’ada caafimaadka dunida heshiis la samaysteen jaamacada Banaadir heshiiskaasoo ahaa :Memorendum of Understanding.

Haddaba iyado laga tusmo qaadanaayo qorshaha hay’adda caafimaadka Dunida waxay mas’uuliyiinta hay’ada Prof. Emar Vogalaar iyo Prof. Ruumi booqasho sharaf ugu tageen Ra’iisulwasaaraha DFKMG ah Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Brussels, waxayna kala hadleen arrimo la xariira horumarinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya.
Wuxuuna Ra'iisul Wasaarha Soomaaliya Prof. Geedi soo dhoweeyey howlaha ururka sanduuqa caafimaadka dunida uu ka wado dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Ra'iisul.Wasaaraha wuxuu cadeeyey in maanta lagu howlan yahay dib u dhiska dalka Soomaaliyeed, wuxuu kaloo intaa ku daray in dalka Soomalaiya ay ka jirana abaaro ba’an sidaas darteedna loo baahan yahay in la gargaaro dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Sidoo kale wuxuu Ra'iisul Wasaaraha ahmiyado gaar ah siyey barnaamijyada la xariira nafaqaynta kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay lagama maarmaan u yihiin nolosha biniaadamka. 
Gudoomiyaha Hay’ada Sanduuqa Caafimaadka wuxuu sheegay ama uu xusey in hay’adiisu ka shaqayn doonto howlaha la xariira horumarinta caafimaadka ee Soomaaliya.
Ugu danbayn kulanku wuxuu ku dhamaaday jawi wanaagsan oo is afgarad ah.

Saida Sheikh Ahmed (VIP)
Brussels Belgium        
saidavip1@yahoo.com

Ogaysiis

Dhammaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Yurub waxaa la ogaysiinayaa in berito oo ah maalin Isniin  bishuna tahay 27 Maarso 2006 saacada markay tahay 5 :00 galabnimo lagu qaban doona magaalada Brussels kulan lagu soo dhowaynaayo Madaxwaynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi.

Goobta kulanka
Hotel Sofitel
Adress
Av. Toison D’or 40
1050 Brussels

Faahfaahin dheeraad ah kala soo xariir :
Saida Sheikh Ahmed VIP
Prof. Cabdulqaadir Ruumi
 Dr. Cali Atom
Mobile 0032(0) 495754797

Waxaa Axadii shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa oo ku yaala degmada Hodan ee agagaarka kaasa babalaare gudoomiyaha kacdoonka shacabka iyo difaaca diinta iyo dalka axmed maxamed cabdule (axmed qare) .

Ujeedada war saxaafadeedkan ayaa ahayd marxalada colaadeed ee kasoo cusboonaaday magaalada muqdisho ,waxaa ay ka qabaan bulshada magaalada muqdisho ku dhaqan,waxaana uu ku bilaabay sidan.

Waxaan ugu horayn ku baaqaynaa in la joojiyo xabada waxaana uu sigaara uu farta ugu fiiqay midka xabada ridaya oo qoriga sita iyo kan uu ka amar qaato ,sidoo kale waxuu shacabka magaalada muqdisho ugu baaqay inay colaada ka hor tagaan ,sababta oo ay tahay waqtigan looma baahna colaad hor leh iyadoo ay jiraan abaaro ba,an oo dalka ka jira awgeed , oo malaayiin dad ahi ay ku lee,anayaan waxaanu ugu baaqaynaa hadaanu nahay kuwa ka tarjumnaya bulshada magaalada muqdisho in si shuruud la,aan ah loo joojiyo xabada oo wada hadal lagu dhameeyo wax kasta oo jira.

Sidoo kale waxuu gudoomiyaha kacdoonka shacabka iyo difaaca diinta axmed qare uu sheegay dagaalkan hadaanu nahay shacabka waxaanu ogsoonahay inuu ku wajahan yahay labo qaybood oo kaliya , waxaan ogsoonahay in shacabka soomaaliyeed ay qaar badaha ku baaba,ayaan ,qaar kalena ay colaado wiiqeen iyo qaar ka tuugsanaya kaniisadaha ,taasoo ay ugu wacan tahay dowalad la,aanta ka jirta dalka ,waxuuna carab ku adkeeyey inay labadaasu yihiin kuwa baabinaya waxbarshada yarta ah iyo ganacsiga ay ku tilaabsadeen ,dadyowga reer muqdisho ,marka waxaanu ugu baaqaynaa labada kooxood inay ka joojiyaan xabada dadka shacabka ah .

Si kastaba ha ahaatee axmed qare ayaa war saxaafdeedkiisa ku soo gabagabeeyey in la ayido hadalkii kasoo yeeray shiikh shariif shiikh muxaydiin oo ah culimo udiinka magaalada muqdisho raga ugu caansan ee dhexdhexaadka ah ,ayaa iclaamiyey inuu labada kooxood ee dirirtu ka dhaxayso uu googol u fiudinayo taasina sida ugu wanaagsan ee nabada lagu gaadhi karo waanuna taageer sanahay ayuu hadakiisa kusoo gabagabeeyey .

Muuse Maxamuud Jiisow somali39@hotmail.com
Muqdisho
, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2006

Arday Soomaaliyeed oo Galay kaalinta koowaad Jaamacadda Islaamiga ah ee Uganda
»Warar ku saabsan dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho...
»Hay’adihii Samafalka oo gebi ahaan isaga baxay Jowhar...
»C/llaahi Yuusuf: dagaalka Muqdisho waa mid Umolo-doox ah
»Hay’ado xaquuqda Adaanaha oo walaac ka muujiyay dagaalka
»Xildhibaan Barre Hiiraale baaq u Jeediyay Dhinacyada Ku...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.. Guji... Mar 26