SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII MARCH 24, 2006

  • Nin Ganacsade ah iyo Sarkaal Boolis ah oo Lagu Dhex Diley Gaari Bas ah oo at Saarnaayeen Dad Rakaab ah...
  • Xiriirka Khadka taleefanka ku dhexmaray Max’ed dheere & Barre Hiiraale
  • Wasiirka Qorsheynta Qaranka DFKMG oo Brussels uga qayb galaaya aqoon is waydaarsi



Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

Sawirkan Xamar waxaalaga qaaday 1984, waxaana laga sawiray dhanka Xeebta badweynta Hindiya, waxaana sawirka ka muuqda Hotel Curuba | Isha saiwkan: www.swan.ac.uk

NIN GANACSADE AH IYO SARKAAL BOLICE AH AYAA LAGU DHEXDILAY GAARI PL AH OO AY SAARNAAYEEN DAD RAKAAB AH

Labo nin oo la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa sarkaal, kan kalena uu ahaa ganacsade ayaa lagu dhex dilay baabuur nooca Koostarka ah oo ka yimid dhinaca suuqa xoolaha  una socday dhinaca suuqa bakaaraha  xilli uu baabuurkaasi marayey waddada warshada meel u dhow saraha Ceymiska.

Gaarigii oo sodo ayey Labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa labada nin ka mid ah madaxa ka toogtay, kadibna iska dhaqaaqeen, iyadoo aanan la ogeyn sababaha loo dilay raggaasi, waxaana la keenay meydkooda Isbitaalka Shifa, waxaana falkaasi xusuuqa ah walaac ka muujiyey dadka waxgaradka ah oo ku tilmaamay in falkaasi uu yahay fal wuxuushnimo ah.  

Dilak noocaan ah ayaa waayadaan danbe ku so badanayo dalka oo dhan iyada todobaadkaan mee;o ay ka mid yihiin baydhabo.garawe.hargeysa sidaan oo kale dadloogu dilay wallow gacan ku dhiiglihii baydhao la sheegay in goordanbe la soo qabtey  , 

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya

Xiriirka Khadka taleefanka ku dhexmaray Max’ed dheere & Barre Hiiraale

Warar lagu kalsoon yahay oo aan u ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in uu jiro xiriir khadka taleefanka ay ku wada yeesheen guddoomiyaha guddiga siyaasadda maamulka gobolka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere) & wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), waxaana ay warar ku dhow dhow xiriirka labada nin sheegayaan in ay ka wada-hadleen dhacdooyinkii u danbeeyey ee dalka gaar ahaan dagaalka haatan ka socda magaalada muqdisho iyo waliba kulanka dowlada oga socda magaalada beydhabo oo sida la wada ogsoonyahyaba aysan taagersanayn labadoduba.

Max’ed dheere oo horay si weyn ugu taageeri jiray dowladda federaalka ayaa mar qura la soo baxay mucaaradnimo xoogan oo uu kala hor-yimid madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana muddooyinkii u danbeeyey uu billaabay in uu xiriiro la sameeyo hogaamiyeyaasha hubeysan oo horay dagaalo afka ah ay u dhexmareen.

ilaa iyo hada lama garanayo waxaa ay isku waafaqeen labadaan hogaamiye ee khadka telfoonka ku wada hadlay balse waxaa ay meel gooni haatan oga soo wada jeedaan dowlada FKG ah ee somaliiyeed taasoo ay qilaafsanyahiin.

cabdi khadar Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com


Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Jurile oo Brussels uga qayb galaaya aqoon is waydaarsi loo furey Wasiiro ka socda 14 dal iyo Madaxwayne Yusuf iyo Ra’iisulwasaare Geedi oo dhowaan laga sugaayo Brussels, iyagoo ku saxiixi doona heshiis taariikhi ah
 

 Aqoon is waydaarsi laba maalmood soconaya oo ka furmay magaalada Brussels ayaa waxaa ka qayb galaya Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dowlada Soomaaliya Mudane Cabdi Risaaq Jurile oo isagu uga qayb galaayay DFKMG ah.
Seminaarkaan ayaa waxaa uu ahaa mid heer wasiir ah oo loo furey wasiiro ka socda 14 dal marka laga reebo dalka Malawi oo uu uga soo qayb galay ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, halka 13 dal ay uga soo qayb galeen Wasiiro.
Seminaarkaan ayaa wuxuu ku saabsaan yahay Barnaamijka Horumar Wadaaga Midoowga Yurub  iyo dalalka Bariga,Waqooyiga  iyo Indean ocean ka, waxaana lagu qaadaa dhigaayaa qorshaha horumarinta shanta sano ee soo socota.

Furitaanka seminaarka ayaa waxaa ka hadlay Madaxa Horumarinta Gudiga Midoowga Yurub Mudane Louis Michel, oo halkaasi kaga dhawaajiyey qorshaha Yurub iyo barnaamijka horumarinta,.

Aqoon swaardisaagan dhinaca Soomaaliya markii laga eego waa markii ugu horeysey muddo 15 sano ah uu wasiir ka socda Soomaaliya kasoo qayb galo seminaar ama aqoon is waydaarsi heer caalami ah oo arrimahaan looga hadlaayo.
Mudane Jurile oo iiga warbixiyay dareenkiisa ku aadan seminaarkan ayaa ku tilmaamay ka qayb galka seminaarkaan inuu yahay guul usoo hoyatey shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada Soomaaliyaba.

Imaatinka Mudane Juriile ayaa kusoo beegmay xilli uu magaalada Brussels ka socdo shir waynaha Midoowga Yurub oo ay Brussels ku sugan yihiin dhamaan madaxda iyo ra’iisulwasaareyaasha Midoowga Yurub.

Dhinaca kale waxaa maalmaha fooda nagu soo haaya la filaayaa in ay magaalada Brussels soo gaaraan Madaxwaynaha Dowlada ku meel gaarka ah Mudane Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Geedi oo kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda Midoowga Yurub iyo madaxda dowlada Belgium.

Maalinta talaadada ah ayaa lagu wada in ay hishiis wada saxiixdaan Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Madaxa Gudiga Midoowga Yurub Mr. Barroso, heshiiskaan oo ah mid u ogolaan doona dowlada Soomaaliya in la siiyo deeqo iyo dhaqaalo loogu talo galay dib u dhiska Somaaliya oo ka gaar ah midka gargaarka ah, heshiiskaani ayaa ah mid dabo socda kulan ay bishii November 2005ta wada yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Geedi iyo Madaxa Horumarinta Gudiga Midoowga Yurub Mudane Michel oo uu ku balan qaaday inuu gaarsiin doono Soomaaliya dhaqaalo kala duwan oo iskugu jira gargaar bini’aadanimo iyo mid dib u dhis intaba.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Yuusuf ayaa maalinta talaadada soo socota ah wuxuu la kulmi doonaa Ra’iisul wasaaraha dalka Belgium Mr. Verhofstadt.

Saida Sheikh Ahmed (VIP)
EU Press Section
Brussels Belgium
saidavip1@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 23, 2006



Axmed Cawed Casharo

Jeneral Cadde muuse xirsi

Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay Muranka "Shirkadaha Macdanta" ee ka Taagan Puntland...

"Madaxweynaha Puntland haka soo Dego Faraska Cad ee uu ku joogo..."

Madaxweynaha DGPL oo u ambabaxay Dalka Yemen...

Boosaaso: Waxaa Arbacadii dalka Yemen u ambabaxay madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, waxana uu ka duulay garoonka diyaaradaha ee magalada Boosaaso.

Lama faahfaahin ujeedada Safarka Yemen ee xilligan iyadoo Puntland ay hadda ka jiraan xaalado muran oo la xiriira Shirkad asalkeeda ka diiwaan gashan Jasiirada Maldvis, laakiin sheegata in ay tahay Australian, taas oo rabta in ay Macdan ka qotado Puntland. Arrintaas oo aysan Dawlada Dhexe iyo DGPL isku waafaqsanayn, isla mar ahaantasna aan Baarlamaanka Puntland xeer ka soo saarin.

Idaacad ka hadasha Dalka Australia oo la yiraado SBS ayaa Arbacadii arrinta shirkadaas iyo xaalada Puntland waraysi kala yeelatay Xildhibaan Axmed Cawed Casharo oo Jooga Baydhabo.

Waraysigaas waxa uu Casharo kaga hadlay shirkada sheegata in ay tahay Australia, laakiin ka diiwaan Gashan Jasiirada Maldavis, taas oo uu ku tilmaamay shirkad cashuur ka carar ah.

Cawed Casharo waxa uu muujiyey sida uu walaaca uga qabo shirkadaas ay wataan maamulka DGPL. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu u garab dhiibiyey oo uu maqli waayey oo uu labaatan Tekniko ah geeyey halkaan. Waxana uu Casharo sheegay in sharcigu uu dhigayo in arrin dawlada dhexe ay sharci u leedahay in aan Dawlad Goboleedku geli karin. Waxana uu intaas ku daray in shariikadaas la siiyey Puntland oo dhan aysan ahayn shirkad jirta, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay shirkad u dhaqmeysa sidii burcadii. Waxana uu digniin cad siiyey shirkadaas si ay uga laabtan Puntland.

Xildhiban Casharo waxa uu baq u diray Dawlada Australia, Suuqa Ganacsiga Austria iyo Jaaliyada Soomaaliyeed sidii arrintaas wax looga qaban lahaa. Waxana uu sheegay in barlamaanka Dawlada Dhexe ay soo wadaan qorshe ama Mooshan looga hadli doono xaalada iyo arrimaha ka jira Puntland.

"Dibitaatiyasha (Xildhibaanada) ayaan la hadleynaa, Wasiirada ayaan la hadleynaa, Madaxwene ku xigeenka ayaan la hadleynaa si loogu caqli celiyo Maxaxweynaha Puntland (Cadde Muuse), faraska cad ee uu ku joogona ka soo dego, Gartona dantu in ay ku jirto nabad iyo xasiloonaan in meeshaas laga helo." ayuu yiri Xildhibaan Casharo.

Waraysigaas oo uu qaaday Ciise Maxamuud Dhoolawaa ka dhegeyso halkan.... (Australia SBS)

Si aad wax badan ug aogatid Muranka Macdanta Puntlan, Akhri qoraaladii taxanaha ahaa ee: PUNTLAND vs TERRY::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 |


Buugga Cusub ee Jidka Nabadda 

Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay Muranka "Shirkada Macdanta" ee ka Taagan Puntland
»Hay'ado Islaami ah oo Gargaar Gaarsiiyey Kismaayo
»Cadde Muuse oo u ambabaxay dalka Yemen...
»Maxkamadaha Islaamka oo soo saaray Baaq Nabadeed
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Mar 23

Baxreyn oo uu ka furmay shir looga magacdaray Gargaarka Nabi Muxamed NNKH

ABAARAHA KA TAAGAN W/BARI KENYA OO MEEL HALIS AH MARAYA... Warbixin... Akhri

Ogeysiis Minnesota: Xafal Mucaawino Loogu Ururinayo Dadka ku wax yeeloobey Abaaraha Soomaaliya