SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

HUGUNKA MADAAFIICDA GOOBTA IYO DHAWAAQA RASAASTA OO AY MUQDISHO KU WAABARIISATAY 

Muqdisho Maarso 22, 2006: Iska horimad hubeysan ayaa  saakay waaberigii ka dhacay degaanka Galgalato ee duleedka  magaalada muqdisho kaas oo u dhaxeeyo maleshiyo  kala taabacsan labada ganacsade ee hubka xoogan ku heysto magaalada oo kala ah Bashiir Raage Shiiraar iyo abukar cumar cadaan, Kuwaas oo dhamadkii bishii janayo ku dagaalamay deegaankaas, dadka deegaanka ayaa sheegay in iska horimaadkaan soo noqnoqday uu halis weyn ku yahay. 

Dagaalkaan oo socoda ilaahaatan, markii aan warkan qoreyney, ayaan weli laxaqiijin khasaaraha dhabta ah oo uu geeystay waloo isbitaalada qaarkood oo aan xariir lasameeynay  sida cisbitaalka keysaneey ayaa waxaa uu xaqiijiyay in lasoo gaar siiyay ilaa 11-qof oo dhaawac ah oo ay kujiraan qaar dhaawacooda uu culusyahaya. Markuu ka jawaadaayay shaawacyada lakeenay ma rayadbaa mise, waxaa uu ku jawaabay waxaa ay yihii maleeshiyooninkii dagaalamaayay. 

Dagaalkaan oo gaaray magaalada muqdisho qaarkeed, madaafiicda waaweeyn ee goobta taasoo soogaaraysa sida badan dadka rayidka ah ee ku sugan guryahooda, dagaalkaan oo aan lamid ahayn kii kadhacay agagaarka kuliyada jaale siyaad iyo dayniile waayo dhimashada iyo dhaawaca  waxaa ay u badanyihiin maleeshiyooyinka ku dagaalamaayo halkaaasi.

Dagaalkii waaberigi hore ee saaka ayaa wararka qaar sheegayaan in khasaare xoogleh uu geystey iyada oo dadka deegaanku cabsi weyn ka muujiyeen dhawaaqa hubka nocyadiisa kala duwan kaasoo aan loo meel dayeyn oo si liishaan la,aan ah la iskugu ridayo. 

Dagaaladaan ayaa waxaa ay ku soo beegbeen xili dadaal uu ka soconayey magaalada muqdisho kuwaas oo la xiriirey sidii nabad loogu soo dabaali lahaa magaalada muqdisho ayna wadaan odoyaal wax garad  iyo culumaa'u diin. 

Qeybo ka mid ah dadka magaalada muqdisho ayaa bilaabey in ay ka qaxaan guryahoodii ka dib markii ay soo gaadhay risaas habow  ihi, waxaan ka soo cararnay risaasta wiiftada ah ayuu yiri nin sii cararayey meel wado ah goobaha dagaaladu ay ka socdaan ee duleedka waqooyi ee magaalada muqdisho. 

Xaafadaha ay ka midka yihiin huriwaa ,suuqa xoolaha ,xaafada jamhuuriya dhinaca barri ee deegaanka arjantiin iyo qeybaha waqooyi ee suuqa kaaraan ayaa saaka si aad ah waxaa looga dareemaayey dhawaaqa risaasta noocyadeeda kala duwan  iyo madaafiicda aan loo meel dayin taasoo ay isku ridayaan kooxaha iska soo horjeedo  taasoo sababtey in ay guryahoooda ka barakacaan iyaga oo caruurtooda gacmaha ku jiidayo. 

Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada muqdisho ayaa weli u xiran dagaaladii dhexmarey isbaheysiga la dagaalanka argagixisada iyo maxaakiimta islaamiga ah. 

waxaa si aad ah u soo badaneyso cabsida laga qabo in markale ay dagaal fooda isdaraan dhinacyadi ku dagaalay dhawaan kuliyadii jaale siyaad waxaana la arkayaa raadadkii ay reebeen oo ka mid tahay in laga qaxey deegaanadii dagaaladu ay ku dhex mareen xoogaga sheeganayo mid walbo in uu umada u daneynayo.

weli midna ma qaadan in uu gardaran yahay isla markaane midkood ma muujin in uu ka tanaasulay ujeedadii iyo hadafkii uu xabadaha kula dhacay walaalkiis fikirka ay ku kala duwan yihiin, waxaa socoto isu goodin iyo soosaarida warsaxaafadeed ka dhan ah midka kale ee ka soo horjeedo ,runtii waxey labada dhinac iska indhatirayaan waxa jira oo ah in la barakacay in la qaxey in dad dhintey iyo in ay xiran yihiin wadooyinka qaarkoodna laga argagaxayo marka aad soo gaadho sida wadooyinkaan sawirka ka muuqdo oo lagu dejiyey dhowr kaariko oo caro kaawo ah wadadii laamiga aheyd dhexdeeda waana nasiib daro in shaqsi ama kooxo iscolaadinayo in ay heerkaa isla gaaraan.

Arintu waxey mareysaa hada umaddii ay noqotey kuwo ku tashanayo dagaal mar uu dhacaba waxaadna arkeysaa kuwo leh barri waa dagaal iyo caawa ayaa la filayaa in la isku bilaabo iyada oo aan la garaneyn sababta dhabta ah ee ka danbeysa iyo waxa lagu dagaalayo waxaana igu maqaalo ah in dagaalkaan gebi ahaantiis uu ka bilowday laba maleshiyo oo qoryo laga qaatay taasoo sababtey in intaa oo qof ay ku nafwaayeen ,hanti waayaan, hoy waayaa, caruurwaayaan ,waxbarasho waayeen,w ado waayaan. intaa iyo in kabadan waayaan waxaa la yaableh kuwii ka qeyb qaatey weli waa soo jeedaan waxeyna ku dhexdhaaranayaan in ay sii wadi doonaan inta ay ka gaarayaan hadafkooda kursi jaceeylka ku dhisan hadaba dan ma noo tahay markii waxwalba la cuney inaga oo arkeyna hadane in wadooyinkii sidaa loo galo. 

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya

Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2006

Max’ed Dheere “C/llaahi waxaa la gudboon in uu si deg deg ah isu casilo..
»Buubaa: Ciidamada ka yimdi xerada kongo waa ciidamo qaran
»Xildhibaan libaax “ciidamada laga keeney maaha kuwo qaran
»C/llaahi Yuusuf oo dib ugu soo laabtay Baydhabo..
»Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo Gargaar gaarsiiyey
»Hay’adda CDHR oo qabtay wejigii saddexad ee siminaar..
»Bandow xalay lagu soo rogey magaalada Baydhabo...
»Dagaallo cadowga lagu naafeeyay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.... Mar 22