SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - W/BARI


::TB-da & SOOMAALIYA:
Dr. Axmed Yuusuf Guuleed oo sheegay in Cudurka Qaaxadda uu si aad ah ugu fidayo Soomaaliya.. Guji
 

ABAARAHA KA TAAGAN W/BARI KENYA(NDF) OO MEEL HALIS AH MARAYA.
  • Canab Mumtaz
    canabmumtaz@yahoo.com


Carcasses of cows lie on a road near the northern town of Wajir, 492 km (305 miles) from the capital Nairobi, January 12, 2006. Livestock have died of starvation and thirst in the worst drought to hit remote northeastern Kenya in three years. Wajir is among the poorest districts in Kenya with a population of about 350,000 people. Kenya said on Thursday it would waive import duty on relief food to feed millions of people facing famine in the country's worst drought in years. REUTERS Antony Njuguna, courtesy www.alertnet.org Nolosha kummanaan  Soomaalida Kenya ah ayaa helis ku jirta iyagoo aan haysanin gabaad iyo geed midna kadib markii ay abaaro daran ka dhameeyeen xoolihii ay lahaayeen,dhulkuna uu noqday  saxare lama dagaan ah roob la'aanta awgeed,Biya La'aanta ayaa ah tan nolosha dadka hoos u dhigtay wax badan waxaana maalin walba haraad awgiis u naf baxa labaatameeyo xoolo ah,iyadoo dadkuna ay si weyn usoo food saartay haraad iyo gaajo ba'an,ceelasha biyaha ee gobolka ayaa aad u yar,dhowr hay'addo samafal ah qaarkoodna laga leeyahay wadanka ayaan wax badan ka qabanin baahida gobolka ee.

Dadweynaha gobolka ayaa biyaha u gala faylal dhaadheer waabarigii waxa ayna ugu yimaadaan meelo aad uga fog magaalooyinka oo ah tuulooyin aan qabin ceel ama meel kale oo biya laga cabo waxaana ugu dhacda qoraxda sida ay biyaha u sugayaan,Roob La'aanta Gobolka darteed Culumada iyo dadweynaha ayaa dhowr jeer fagaare isku soo baxay Alle bari roob doon ahaa oo ay ku Tukanayeen salaadda Alle bariga ee roobka,dadka deegaanka oo Soomaali ah ayaa waxa ay badankood kuu sheegayaan in Gargaarka Alle ee Xagga cirka ah ay kaga kalsoon yihiin macaawino magac u yaal ah.

 
 
Somalis in NFD (DROUGHT 03.03.06).jpgXoolo badan ayaa lagu quudiyaa guryaha kadib markii ay duurka ka soo waayeen geedo ay daaqaan iyo waro biyaha ay ka cabaan,dadka xoolaha leh ayay ku kaliftay si ay duunyadooda u badbaadiyaan in ay wax ka siiyaan biyaha ay Ugu deeqaan Hay'adaha samafalka ee booyadaha lagu keeno sida Hay'adda Islamic Relief Global Programmes oo gobolka abaaraha ka jira wax  ka qabatay iyadoo warbixinadii ugu dambeeya ee gobolka Soomaalida ee Kenya ka soo saartay warbixino badan laakiin biyahaas inta badan maahan kuwo baahida haraadka ka saara. 

Kenyan mother feeds her child

Caruurta gobolka ayaa qaar badan waxa ay nafaqo dari ku haysaa tuulooyinka ka baxsan magaalada halka kuwa magaaladuna ay Isbitaalada Magaalada buux dhaafiyeen,caruurtan nafaqo darida ay ku dhacday ayaan haysanin raashin iyo cabitaan ku filan,dadka waaweyn ayaa sidoo  kale waxa ay qabaan cuduro kadhashay dadka waaweyn ayaa qaba cuduro ay ka mid yihiin TB-da iyo Maleriyada.
 
Dadka Soomaaliyeed ee gobolkan leh ayaa ah badankood xoola dhaqato,waxa ayna soo saaraan xoolaha laga cunno dalka inta ugu badan,balse maanta xoolo badan oo waliba aad u yar yar ayaa la xabaalayaa kadib markii caano hooyooyinkood looga waayey ama abaaraha dartood ay la geeeriyeedoon.
 
Abdul Qadir burying his dead goat.Xoola dhaqato badan oo gobolka ah ayaa xoolahoodi la aaday gobolo kale sida magaalada xeebta ah ee Mombaasa si ay uga helaan wax ay ku soo quudiyaan xoolahooda oo waraab iyo cuntada xoolaha ay cunaan.Dadka Deegaanka oo aan la soo yeeshay waraysiyo kala duwan ayaa sheegay in aysan helin wax gargaar ah iyagoo ku eedaynaya in guddiyada loo xilsaaro howsha abaaraha ay dhexda ka baxsadaan laakiin mas'uuliyiinta ayaa arrintan diidan lagu eedaynayo.

Canab Mumtaz

canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2006


Ogeysiis Minnesota: Xafal Mucaawino Loogu Ururinayo Dadka ku wax yeeloobey Abaaraha Soomaaliya

 


Ugaas Max’ed Wali “C/llaahi hadduu ka tanaasulo saddex qodob waxaan oran lahaa
»Wafdi ka socda Talyaaniga oo ku soo fool leh Baydhabo ..
»Gacma Dheere oo ka warbixiyay howlihii nabadeynta G/Dhexe
»C/llaahi Tarabi “Haddii aad i doorataan mudo lix bilood ah
»Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Baydhabo soo gaaray
»Max’ed Dheere oo xirxiray Ganacsato reer Jowhar ah
»60-qof oo Soomaali tahriibayaal oo maydkooda laga xeebaha
»Geedi oo hambalyo u diray xuska Maalinta 8-da Maarso..
»Baaq Abaaraha Soomaaliya Heysta
»Kulan dhexmaray Cabdulaahi Yusuf iyo Ururka Al-Islaax
»Dad rayad ah oo gumaysiga Itoobiya laayay...
iyo Warar GooGoos ah ka akhi halkan.... Guji... March 8

Max’ed Dheere oo Warqad ka helay Madaxweyne C/laahi Yuusuf..
»Guddigii taakuleynta oo beeniyay hadalkii Muuse Suudi...
»Garoowe oo lagu daadiyay waraaqo golaha wakiilada looga..
»Ciidamadii ku xareysnaa Xerada Kongo oo kusii jeeda Waajid
»Kulankii Baarlamaanka oo looga dooday ajandayaal dhawr ah
»Beelihii ku dagaalamay Yamaarugle oo isa soo horfariistey
»Beelaha Faarax Garaad oo Dib u eegaya hoggaanka PL
»Baaq Nabadeed: Beelihii ku dagaalamay Yamaarugle...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Mar 7


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD