DUQII DOONA DUCANA UGU DARA
YUSUF
SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com
March 20, 2006
Maxamed
Siyaad Barre waxa uu ku dhashay magaalada Ganaane sannadkii 1919 (in
kastoo taariikhdu meelaha qaar ay ku xusto in uu dhashay 1921), waxana
uu ku dhintay magaalada Lagos ee dalka Nigeria markey taariikhdu ahayd
Janaayo 2, 1995. Oct 1969 ayuu
xuskunka Soomaaliya la wareegey kadib markii ladiley madaxweyne C/Rashiid
Cali Sharmaarke, waxana uu siyaad Barre Soomaaliya xakumayey 21 sanadood..
Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii | Mingeste.... |
Ugu horeen mayo, ugumana dambeeynayo dadka wax qora ee
inta ay si deggen u miisaamaan dawladnimadii Maxamed
Siyaad Barre dabadeedna wax ka qora. Laga soo bilaabo
maalinkii uu bad-baadiyey dawladnimadii Soomaaliya oo
uu madaafiic soo dhigey Muqdisho, oo uu amray in la
duugo madaxweynaha, lana hirgeliyo qorsha-yaashii
qaranka oo ay dejiyeen Baarlamaankii la soo doortey.
Illaa maalinkii ugu dambeysay oo uu ka soo baxay
caasimaddii uu aadka u jeclaa ee Muqdisho waxa
maankiisa ku weynaa Ummadda Soomaaliyeed.
Inta uusan la wareegin xukunka waxa ay
Dimoqoraadiyaddii Soomaaliya noqotay “Tribal
Democracy” Xukun shacbi oo ku dhisan qabyaalad.
Madaxdii la soo doortey ee ka kala yimi deegaanada
dalka oo dhan, waxa ay shaqadooda ku kooban tay murun
aan meel fog jirin, in la ansixiyo miisaaniyadda
qaranka iyo qorshe-yaal qurux badan. Qorsheyaashaas oo
aan marna laga wel-walayn sidii loo horumarin lahaa.
Waxa qorsheyaashaas ka mid ahaa bacaad celinta
shalanbood iyo qoridda farta Soomaaliga.
Habeenkii ugu horeysay ee uu Maxamed Siyaad la kulmay
Maxamed Ibraahim Cigaal oo maxbuus ah, waxa ugu
horeeyey oo uu weydiiyey waxa ay ahaayeen;
Cunsuriyadaha halista ku ah Amniga Ummadda, Deyn lagu
leeyahay qaranka, heshiisyadii aan la galney
dawladihii inoo roonaa, waxa kale oo isla habeenkaas
uu weydiiyey qorsheyaashii ay dejiyeen baarlamaankii
la xaliyey iyo mudadii loogu talo galay in lagu
fuliyo. Maxamed Ibraahim oo markaa isu arkey in uu wax
badan ka horeeyo Maxamed Siyaad wuxuu ka digay in aan
lagu qasbin Ummadda Soomaaliyeed oo dawlad cusub ah
qorshe-yaal loo qoondeeyey in ay sii jiitamaan
labaatan sano. Toddobo sano ka dib waxa uu Maxamed
Siyaad hergeliyey qorshe kasta oo ay ansixiyeen
baarlamaankii la xaliyey.
Intaa ka dib, dadkii jeclaa iyo kuwii necbaa waxa ay
ogaadeen in uu yahay Madaxweyne caqli badan, aftahan
ah, waayo arag ah, geesi birta calashaday ah, iyo
weliba nin rag yaqaan ah. Mar aan waraysi la yeeshay
madaxweyne ku xigeenkii hore Maxamed Cali Samatar,
waxa uu ii sheegay wixii ugu horeeyey ee Maxamed
Siyaad calool xumeeyey in ay ahaayeen Soomaalidii lagu
xasuuqey Garisa Kenya, nimankii ku qabsaday kursiga ee
uu amray in la laayo. Waxa laabtiisa si weyn u taabtay
markii ay wasaaradda arimaha dibadda ay u sheegeen in
askartii Itoobiyaanka ee ka baxsaday dalkooda ay
diideen in ay Itoobiya la dagaalamaan mucaarad ahaan,
oo waxa ay yiraahdeen; inagu lama dagaalsanin Itoobiya
ee Mingistaanu la dagaalney. Xaaskii madaxweynaha
(hooyo Khadiijo) waxa ay u sheegtey dadkii waraystey
in uu Maxamed Siyaad u arkey Soomaaliya ammaano lo
ohayo jiilasha soo koraya, oo waxa uu yiri, “Nina
ugama dhinto caruurtiisa deen aysan iska rogi karin”
sidaa awgeed waxa uu habeen walba seexan jiray isaga
oo ay aad u dhibayso deemankii qaranka. Iyo deemanka
lagu qasbanaa in la soo amaahdo si lookala wado
dawladda.
Si uu korsigiisa uu usii hayo, waxa uu ku qasbanaadey,
in uu laayo raga qaar, kuwana in uu sasabto oo kuraas
iyo darajo uu siiyo, oo waxa laga hayaa in uu
isticmaaley falsafaddii Sujesko oo ahayd isku ilaali
oo misana iska ilaali, taas oo ay macneheedu ahayd,
“qofka inta uu wanaag gali karo ayuu misana shar gali
karaa” sidaa awgeed in qofka wax yaqaan lasoo
dhoweysto shartiisana layska dhowro. Wuxuu yiri nebiga
CSW, “itaqi shara ilaa man axsanta ileyhi” iska dhowr
sharta kaaga iman karta kuwa aad u ixsaan falayso.
Waxa aan mar dhow dhameeyey buug uu qoray Daniel
Mcormick oo ku saabsan Africa, qoraagani waxa uu ku
tilmaamey Maxamed Siyaad madaxweynihii ugu fiicnaa
madaxweyne-yaashii kala taliska ahaa ee soo maray
dunida. Oo waxa uu arintaa uu ku xaqiijiyey, “In aysan
jirin waddo uu codsaday Maxamed Siyaad in isaga la
siiyo magaciisa, Maxamed Siyaad weligiis ma codsan in
lacagta Soomaaliya lagu soo daabaco wajigiisa. Waxa
kale oo uu aad u diiday in loo dhiso taalo” Waxa uu
qoraagani yiri, labadii dawladood ee soo maray
soomaray Soomaaliya middii rayidka ahayd iyo tii
caskariga ahaydba waxa ay Soomaaliya galiyeen deeman
fara badan, laakin waxaa aad iiga yaabshey buu yiri,
in dawladdii rayidka ahayd ee jirtay sagaal sano ay
amaahatay lacag wax badan ka weyn lacagihii ay
amaahdeen dawladdii Maxamed Siyaad oo jirtey kow iyo
labaatan sano.
YUSUF SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan.
Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2006
Waqooyiga Ameerika iyo Wadida Baabuurta
Waaweyn: Qaybtii Labaad: W.D: Yuusuf Shabac...
XAMAR CAASIMADA HALAGA
BEDELO |