SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII MAARSO 20, 2006

  • Max’ed Dheere oo toban ku noqday 9-kii xubnoodee horey ugu dhawaaqay Isbahaysigaasi..

  • Shiikh Aadan Max’ed Deer “ in ciidamo shisheeye la keeno dalka waxay ku xiran tahay..

  • Iska hor imaad ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Kismaayo..

  • Xildhibaan Cismaan Miirow “Dib u heshiisiinta haatan ayay bilaabatay...

  • C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geeddi oo shir ku yeelanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya..

  • Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku dhigay 12 nin oo ahaa maleeshiyo ka qowleysaneysay xeebaha ...

  • Shirkii Madaxda IGAD oo maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ..

  • Khilaafka u dhexeeya Col. Jalaafo iyo Daahir Carabeey...


Shirkii Madaxda IGAD oo maanta ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ..


Ka bilow bidix: Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka qayb gelaya kulankii 11aad ee Madaxda dalalka ku bahoobey ururka IGAD oo kafurmay Nairobi, March 20, 2006. (isha Sawirka: Yahoo/Reuters)


Eeg bidix: C/laahi Yuusuf iyo Mels Zenawi oo isla faqaya

Maanta ayaa Magaalada Nairobi waxaa ka furmay shirka Madaxda Wadamada IGAD kaasoo la filayo in uu socon doono mudo labo maalmood ah.

Shirkaan oo uu Soomaaliya uga qaybgalayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadalyo yihiin arrimaha Suudaan iyo Soomaaliya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo la filayo in uu khudbad ka jeediyo shirkaasi ayaa waxa uu xoogga saari doonaa sidii wadamada IGAD ay Qaramada Midoobey uga dhaadhicin lahaayeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabteyna hubka si ay u fududaato sin Soomaaliya la keeno Ciidamo shisheeye oo Dowladda kala qayb-qaata amniga iyo kala dambeynta.

Kulankaan oo ay ka qaybgali doonaan Wadamada Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Uganda Suudaan iyo Ereteriya iyo Soomaaliya ayaa waxaa kalloo goob joog ka noqon doona Hay’adaha caalamiga ah ee ka jira adduunka.



Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

Sawirkan Xamar waxaalaga qaaday 1984, waxaana laga sawiray dhanka Xeebta badweynta Hindiya, waxaana sawirka ka muuqda Hotel Curuba | Isha saiwkan: www.swan.ac.uk

Max’ed Dheere oo toban ku noqday 9-kii xubnoodee horey ugu dhawaaqay Isbahaysigaasi..

Maalintii shalay ahayd ayaa kulan balaartan waxa uu ka dhacay guriga Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare AFrax ee Deegaanka Deyniile, waxaana kulankaasi isugu yimid xubnihii aasaasay isbahaysiga waxa loogu yeeray la dagaalanka "Argagixisada".

Kulankaan oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay arrimo la xiriira xaaladda dalka iyo waxa uu isbahaysigaasi mustaqbalka uu qaban doono, iyadoo isbahaysigu uu sheegay in ay gacan bulshada ka siin doonaan arrimaha ay ka mid yihiin waxbarashada, caafamaadka, Biyaha iyo dib u dhiska Wadooyinka, hase yeeshee ma aysan faahfaahin qaabka ay wax u qabanayaan.

Kulankaan ayaa waxaa shalay looga dhawaaqay Max’ed Dheere oo ah Guddoomiyaha Gobalka sh/dhexe uu ku biiray isbahaysigaasi uuna ku noqday taban xubnood, sidoo kale waxaa halkaas lagu magacaabay Afhayeenka isbahaysiga waxaana loo magacaabay Xuseen Guutaale Raage oo ahaa maareeyihiin Garoonka Diyaaradaha ee Deyniile oo isagu xiran mudo bil ah, waa Garoonka'e. Max’ed Dheere oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in sababaha uu ugu biiray isbahaysiga uu yahay sidii si wadajir ah uga hortagi lahaayeen waxa loogu yeeray "Argagixisada".

Shiikh Aadan Max’ed Deer “ in ciidamo shisheeye la keeno dalka waxay ku xiran tahay..

Wasiirka dib u heshiisiinta Sh. Aadan Max’ed Deer oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ka waramey arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin halka ay marayaan arrimaha dibu heshiisiinta, caqabadaha hor taagan in maamul loo dhiso gobolada dalka, gaar ahaan lixdii gobol ee ay dowladdu sheegtay in maamul loo dhisi doono, maleeshiyooyinkii dib uga soo laabtay xerada Daynuunaay iyo waxa dhici kara haddii ciidamada Koongo ay soo galaan gobolada Baay iyo Bakool, ugu horreyntii wasiirka waxa uu sheegay in arrimaha dib u heshiisiinta ay meel wanaagsan marayaan waxa uuna sheegay in gobolada kala ah Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay, Gedo iyo Jubada dhexe dhawaan laga bilaabayo sidii maamul loo dhisi lahaa, waxa uu sheegay in barnaamijkaas ay maal galineyso dowladda Talyaaniga isla markaana ay fulineyso Hay’ad hoos timaada Qaramada Midoobey oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano, UNOPS, dhawaanna ay ka bilaaban doonto goboladaasi. Wuxuu sidoo kale ka hadlay maamul u sameynta gobolka Baay, oo uu sheegay in baahi weyn ay ka taagan tahay maadaama ay deggan tahay dowladda, waxa uuna sheegay in 61-ka xildhibaan ee Digil iyo Mirifle ay ku heshiiyeen in si deg deg ah maamul looga dhiso. Wuxuu sidoo kale ka hadlay maleeshiyooyinka khalqaliyey magaalada Baydhabo ee ka soo gadooday Daynuunaay wuxuuna yiri, “Maleeshiyo madax ma lahan, haddey leeyihiinna kama amar qaataan, qoryahooda ayagaa iska leh waxey rabaan ayeyna ku sameynayaan illaa laga nidaamiyo qoryahana laga aruuriyo” wuxuuna intaasi sii raaciyey in taasi lagu hawlan yahay, “Inkastoo aysan jirin barnaamij dhaqaale oo ay ugu talagashay dowladda” waxaa la weydiiyey wasiirka in haddii ciidamada Koongo ay soo gaaraan gobolka Baay ay ciidamo kale ka imaan karaan magaalada Muqdisho, waxa uuna ku jawaabay, “Baydhabo dowladda ayaa deggen ciddii u dan leh iney burburiso oo ku soo duushana dowladda ciidan ayey sameysatay ayadaana laga rabaa iney difaacato, “In ciidamo shisheeye la keeno dalka siyaasadda guud ee dalka ayey ku xiran tahay baarlamaanka ayeyna u taallaa iney go’aan ka gaaraan” ayuu yiri wasiirka dib u heshiisiinta. Sh. Aadan Max’ed Deer, oo u waramayey wariyaheena Baydhabo.

Muran xoogan oo ka dhashay qaabka loo qaybsanayo guddiyada Baarlamaanka.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd oo la filayay in Guddiyadii 14-ka ahaa ay soo magacowdaan Guddoomiya-hooda, ku xigeenkiisa iyo Xogheynta guddiga ayaa dib u dhac ku yimid kaddib markii ay beeluhu si wey isugu qabsadeen cidda loo magacaabayo.

Guddoomiyaha Baarla-maanka oo shir guddoominayay kulankaasi ayaa maalin ugu daray guddiyada is haysta si ay u soo xaliyaan khilaafkooda, maanta ayaana la filayaa in la soo dhameystiro magacyada guddigaas iyadoo afarta beedlood ee waaweyn qaateen saddex Guddoomiye, saddex Guddoomiye ku xigeeni iyo Xogheyn halka Beelaha Isbahaysiga ay qaateen labo guddoomiye, labo ku xigeen iyo labo xogheyn.

Iska hor imaad ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Kismaayo..

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd saldhiga booliiska ee Magaalada Kismaayo uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay labo kooxood oo maleeshiyo ah, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay saddex ruux, waxaana ku dhaawacmay labo kale.

Iska hor imaadkaan oo u dhexeeyay maleeshiyooyin kala taageersanaa rag magacyadooda lagu kala sheegay Daahir Carabeey iyo Korneel Jalaafo, ilaa iyo haddana lama garanayo sababihii uu dagaalkaan ku bilowday balse warar aya waxay sheegayaan in maleeshiada Daahir Carabeey ay soo weerareen Saldhiga Booliiska. [Warar faahfaahsan oo kusaabsan Kismaayo ka akhri hoos...]

Xildhibaan Cismaan Miirow “Dib u heshiisiinta haatan ayay bilaabatay...

Xildhibaan Cismaan Mukhtaar Max’ed {Cismaan Miirow} oo ka mid ah guddiga warfaafinta iyo wacyigalinta Bulshada ee dhawaan uu dhisay golaha Baarlamaanka ayaa ka warramay hawlaha hor yaalla guddigaas iyo wax hortaagan in maamul loo dhiso, magaalada Baydhabo.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dhibaatadaasi ay sabab u tahay, dadka oo muddo kala maqnaa, deegaanka oo burbursan iyo dib u heshiisiintii oo uu sheegay iney hadda bilaabaneyso, isagoo intaasi raaciyey in 61-ka xildhibaan ee beelaha Digil iyo Mirifle ee ay arrintaasi quseyso ay intooda badani ku sugan yihiin magaalada Baydhabo, ayna u fadhiyaan sidii maamul loogu dhisi lahaa gobolka Baay gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Xildhibaanku waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka ka taagan magaalada Baydhabo ee ay geysanayaan ciidamadii dhawaan lagu xareeyey xerada Daynuunaay ee dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, waxa uuna sheegay in taasi ay qeyb ka tahay dhaqanka maleeshiyooyinka Soomaaliyeed haatanna lagu guda jiro sidii aysan dib ugu soo laaban laheyn, sidoo kale wuxuu ka hadlay arrinta muranka weyn ka dhex dhalisay mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle ee ku saabsan ciidamadii dhawaan ka soo guuray Xerada Koongo ee gobolka Sh/dhexe wuxuuna sheegay in arrintaasi ay u taallo dhamaan beelaha Digil iyo Mirifle.

C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geeddi oo shir ku yeelanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomi-yaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa shaly gaaray Magaalad Nairobi, iyadoo Madaxweynaha uu ka qaybgali doono kulanka madaxda IGAD oo galabta ka furmaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Intii uusan Madaxweynuhu ka qaybgali kulankaan ayaa waxaa la filayaa in ay kulan isugu yimaadaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi waxaana isla meel dhigi doonaan qaabka ugu haboon ee gargaar loo weydiisan karo Hay’adaha samafalka iyo sida Soomaaliya looga qaadi karo cunaqabateynta hubka, iyadoo Madaxweynuhu uu wato ajande uu hor dhigi doono Madaxda Wadamada IGAD oo ah in ay gacan ka gaystaan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka si ay u fududaato in Soomaaliya ay yimaadaan Ciidamo shisheeye.

Guddoomiyaha Baarla-maanka oo isagu si aad ah uga soo horjeeda in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ayaa haatan waxaa laga yabaa in uu ku mowqif noqdo labada mas’uul ee kale isagoo kaddibna u kicitimi doonaa dalka Masar uu kaga qaybgeli doono shirka Baarlamaanada Jaamacadda Carabta.

Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku dhigay 12 nin oo ahaa maleeshiyo ka qowleysaneysay xeebaha ...

Ciidamada Mareykanka oo maalmahan ilaalo ka hayay xeebaha Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay 12 maleeshiyo ah oo maalmahan ka qowleysanayay xeebaha Soomaaliya.

12-kan qof oo watay labo doonyood kana tagay xeebaha Xarardheere ayaa waxaa la sheegay in uu dagaal dhex maray labo markab oo uu ayu leeyihiin Ciidamada Mareykanku, iyadoo kooxihii maleeshiyada ahaa uu ka dhintay hal ruux uuna ka dhaawacmay mid kale.

Ciidamada Mareykanka ayaa Doontii iyo 12 ka mid ah kooxahaasi ula dhaqaaqay dhinaca Wadanka Jabuuti, waxaana la sheegay in ay ku biiri doonaan Taban maleeshiyo ah oo horey ciidamada Mareykanku ugu qabteen Xeebaha Soomaaliya kuwaasoo haatan ku sugan xabsi ku yaala Magaalada Mombassa ee dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay kooxaha Badda ka qowlasata oo ku sugan Degmada Xarardheere ayaa waxa uu sheegay in Mareykankuu uu ku soo xadgudub xeebaha Soomaaliya, isagoo sheegay in kooxaha meeleeshiyada ahi ay badda ka ilaalinayeen kooxaha burcadda ah ee ka Kalluumeysanaya Xeebaha Soomaaliya, isagoo ku hanjabay in ay mar un ka aarsan doonaan Ciidanka Mareykanku haddii aysan si dhaqsi ah u sii deyn raggaasi oo uu sheegay in ay ku sugnaayeen dalkooda Hooyo.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro | E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Kismaayo
  •  Khilaafka u dhexeeya Col. Jalaafo iyo Daahir Carabeey...

Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Kismayo ayaa sababay dhimasho iyo Dhaawac.

Ilaalada Gudoomiye K/xigeenka nabadgalada maamulka degmada Kismaayo Col. Cabdi Nuurre Kheyre iyo Ilaalada Gudoomiyaha degmada Daahir Maxamed Cilmi ayaa subaxnimadii Axada rasaas kulul isku weydaarsaday bartamaha xarunta degmada, xiligaasi oo aheyd waqti dad badan halkaasi ay dhoobnaayeen , isla goobtaasina ay ku dhinteen 3 ruux halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo ka wada tirsanaa ilaalada Gud. K.xigeenka arimaha nabadgalayada degmada Kismaayo.

Warar lagu kalsoon yahay waxa ay xaqiijiyeen in maalmahaan uu jirey muran xoogan oo u dhaxeeyay  Cabdi nuure khayre oo ku magac dheer Col. Jalaafo iyo Gudoomiyaha degmada Daahir carabeey, inkastoo aan la ogeyn waxa dhabta ah ee uu yahay muranka u dhaxeeyay mas’uuliyiintaasi.

Ciidamnada isbaheysiga D/jubba oo qaba amar, soona gaaray goobta iska horimaadka uu ka dhacay ayaa xabsiga u taxaabay labada mas’uul, inkastoo la sheegayo in loola dhaqmay si wanaagsan.

Sidoo kale ciidamada amaanka isbaheysiga ayaa isku gadaamay xaruntii maamulka degmada, iyagoo sidoo kale hakad galiyay howlmaalmeedkii shaqo ee xaruntaasi.

Dhinaca kale amaanka gudaha magaalada Kismaayo ayaa sii xumaanaya , iyadoo maalmahaan ay ka jireen falal ay ku kacayaan kooxo hubeysan oo dhibaatooyin u geysanaya dadka rayidka ah. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2006

Max’ed Dheere oo Daneynaya in la kala dhex Galo isaga iyo C/llaahi Yuusuf Axmed...
»Nin Ganacsade ah oo lagu dilay Magalada Baydhabo.
»Aadan Saransoor: ciidamada Puntland in cag soo dhigi karin..
»Xubnaha Beesha Sade oo isaga baxay kal fadhigii Baarlam..
»Iska hor imaad ka dhacay degmada B/Barde oo u dhexeeyay
»Naadiga Ardayda ka qalinjabisay Jamaacadda Badweynta
»Golaha Baarlamaanka oo ansixiyay guddi hoosaadkii..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 19

Taageerida Nabada & Kaladanbaynta Puntland
Waxaa soo tebiyey: Axmed Maxamed Warsame (AxmedGurbe)


Ugaas Max’ed Wali “C/llaahi hadduu ka tanaasulo saddex qodob waxaan oran lahaa
»Wafdi ka socda Talyaaniga oo ku soo fool leh Baydhabo ..
»Gacma Dheere oo ka warbixiyay howlihii nabadeynta G/Dhexe
»C/llaahi Tarabi “Haddii aad i doorataan mudo lix bilood ah
»Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Baydhabo soo gaaray
»Max’ed Dheere oo xirxiray Ganacsato reer Jowhar ah
»60-qof oo Soomaali tahriibayaal oo maydkooda laga xeebaha
»Geedi oo hambalyo u diray xuska Maalinta 8-da Maarso..
»Baaq Abaaraha Soomaaliya Heysta
»Kulan dhexmaray Cabdulaahi Yusuf iyo Ururka Al-Islaax
»Dad rayad ah oo gumaysiga Itoobiya laayay...
iyo Warar GooGoos ah ka akhi halkan.... Guji... March 8

Max’ed Dheere oo Warqad ka helay Madaxweyne C/laahi Yuusuf..
»Guddigii taakuleynta oo beeniyay hadalkii Muuse Suudi...
»Garoowe oo lagu daadiyay waraaqo golaha wakiilada looga..
»Ciidamadii ku xareysnaa Xerada Kongo oo kusii jeeda Waajid
»Kulankii Baarlamaanka oo looga dooday ajandayaal dhawr ah
»Beelihii ku dagaalamay Yamaarugle oo isa soo horfariistey
»Beelaha Faarax Garaad oo Dib u eegaya hoggaanka PL
»Baaq Nabadeed: Beelihii ku dagaalamay Yamaarugle...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Mar 7


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD