SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 19, 2006

  • Nin Ganacsade ah oo lagu dilay Magalada Baydhabo.

  • Aadan Saransoor oo sheegay in ciidamada Puntland aysan cag soo dhigi karin..

  • Xubnaha Beesha Sade ee ku jira Baarlamaanka oo shalay isaga baxay kal fadhigii Baarlamaanka ..

  • Max’ed Dheere oo daneynaya in Beesha caalamka soo kala dhex gasho isaga iyo C/llaahi Yuusuf Axmed ...

  • Iska hor imaad ka dhacay degmada B/Barde oo u dhexeeyay...

  • Naadiga Ardayda ka qalinjabisay Jamaacadda Badweynta Hindiya oo cambaareeyay buugaag ay dhawaan soo ..

  • Golaha Baarlamaanka oo shalay ansixiyay guddi hoosaadkii Baarlamaanka ..


NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN


Burburka Bangigii Ganacsiga ee Soomaaliya ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Muqdisho sannadihii soddonkii (1930)

Muqdisho: 1930's | Isha sawirkan: http://www.swan.ac.uk

Nin Ganacsade ah oo lagu dilay Magalada Baydhabo.

Maalinitii shalay ahayd ayaa Bartamaha Magaalada Baydhabo waxaa lagu dilay nin ganacsade ah oo magaciisa la oran jiray Diinow Xuseen.

Ninkaas oo lagu dhex dilay gaarigiisa ayaa waxaa dilkiisa gaystay koox maleeshiyo ah oo waayadaanba qalqal geliyay ammaanka Magaalada Baydhabo, kuwaasoo ah kuwii ku xareysnaa xerada Daynuunaay.

Dilka ninkaan ganacsada ah ayaa waxa uu noqonayaa ninkii ugu horeeyay oo lagu dilo Baydhabo tan iyo markii ay halkaas tagtay Dowladda Federaalka, waxaana dilkiisa welwel ka muujiyay xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Baydhbo. Ninkaan ganacsada ah oo ku sii jeeday Tuulada Goof-Guduud oo dhowr Kiilo Mitir u jirta Magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in kooxdii maleeshiyada ahayd ee dishay ay baxsadeen. 

Max’ed Dheere oo daneynaya in Beesha caalamka soo kala dhex gasho isaga iyo C/llaahi Yuusuf Axmed ...

Iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere isla markaana Max’ed Dheere ay ka soo yeerayaan hanjabaadyo iyo eedeeymo uu jeedinayo Madaxweynaha ayaa haatan waxaa la sheegay in uu aad u doonayo in khilaafkooda ay soo kala dhex galaan beesha caalamka.

“Haddii beesha caalamka ay na soo dhex galaan waxaa laga yabaa in ay wax is bedelaan” ayuu yiri Max’ed Dheere oo sheegay in safaaradihii iyo Hay’adihii Dowliga ahaa ay weli sidii u degan yihiin Magaalada Johwar isagoo sheegay in ay wataan howshoodii caadiga ahayd.

Mar uu ka hadlayay in Jowhar uu imaan karo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa waxa uu yiri “waa nin u dhashay Gobalka cid ka hor taagana ma jirto balse ma ogolin in uu yimaado isagoo magaca dowladeed wata

Aadan Saransoor oo sheegay in ciidamada Puntland aysan cag soo dhigi karin..

Aadan Max’ed Nuur (Aadan Saransoor) oo ka mid ah guddiga Nabadgelyada Gobalada Bay iyo Bakool oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay ama daboolka ka qaaday in Ciidamadii Puntland ee ku xareysnaa xerada Kongo aysan cag soo dhigi karin Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay. “Ciidamadeena ayaa ku filan sugida ammaanka Magaalada Baydhabo” ayuu yiri Aadan Saransoor oo intaa raaciyay “markii aanu shirnay ayaa waxaa isla ogolaanay in ciidamadaas la dejiyo deegaano ka tirsan gobalka Bakool”. Aadan Saransoor waxa uu sheegay in ciidamada beelaha Digil iyo Mirifle ay yihiin kuwo sugi kara ammaanka Gobalada Bay iyo Bakool, mar waxa laga weydiiyay haddii ciidamadaasi ay so degaan Magaalada Baydhabo, waxa uu yiri Aadan Saransoor “Wallaahi arrinaasi waxay u taalaa Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle una maleyn maayo in ciidamadaasi isaga soo degi doonaan Magaalada Baydhabo”. Aadan Saransoor ayaa waxa uu sheegay in siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ay gebi ahaanba isku raacsan yihiin in Ciidamadaasi aan la soo dejin Magaalada Baydhabo. Ciidamadaan oo haatan ku sugan deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan ayaa la filayaa in ay gaaraan Magaalada Waajid ee Gobalka Bakool, halkaas oo la sheegay in looga diyaariyay xero ciidan. Dhinaca kale Max’ed Dheere oo ah guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe ayaa ciidamadaasi ku tilmaamay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo beeleed oo aysan ahayn kuwo qaran, isagoo u soo jeediyay saraakiisha ciidamadaasi wadata in ay dib ugu laabaan goobihii markii hore laga keenay isagoo ku tilmaamay in ay yihiin ciidamo uu soo siray C/llaahi Yuusuf Axmed.

Xubnaha Beesha Sade ee ku jira Baarlamaanka oo shalay isaga baxay kal fadhigii Baarlamaanka ..

Maalintii shalay ahayd ayaa xubnaha Beesha sade ee ku jira Golaha Baarlamaanka isaga baxeen kal fadhigii Golaha Baarlamaanka kaddib markii ay si aad ah uga caroodeen hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa in xubnimadii uu ka geeryooday Max’ed Xaashi Gaani uu sheegay in lagu bedelay C/Waaxid Cilmi.

Wasiirka qalabeynta ee Dowladda Federaalka Maxamuud Sayid Aadan ayaa warka ka soo yeeray Guddoomiyaha ku tilmaamay mid faragelin ku ah beesah isagoo sheegay in xubnimadii uu ka geeryooday Max’ed Xaahi Gaani ay beeshu isku raacday in uu buuxiyo wiilkiisii Sharkaame Max’ed Xaashi Gaani.

Guddoomiyaha Baarla-maanka waxa uu sheegay in C/waaxid Cilmi uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, isagoo sheegay in mar hore loo dhaariyay xilkaasi, haatanna uu ka mid yahay guddiyada Baarlamaanka ee shalay lagu dhawaaqay.

“Sharci baan ku taaganahay waayo waxaa arrintaan horey u soo ogolaaday dhamaan beesha uu ka soo jeedo C/waaxid” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in aan dib looga laaban karin dhaarintaas, wuxuuna sheegay Guddoomiyuhu in beesha ay u furan tahay in ay dacwad gaystaan Maxkamadda sare marka lagu dhawaaqo sameynteeda.

Iska hor imaad ka dhacay degmada B/Barde oo u dhexeeyay...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buula Barde ee Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd halkaas uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay labo kooxood oo maleeshiyo ah oo kala taageersanaa Guddoomiyi-hii hore ee Degmada Buula Barde iyo maamulka Cusub ee uu wato Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dab-Geed).

Iska hor imaadkaan oo socday mudo dhowr daqiiqo ah ayaa waxaa ku dhaawacmay shan qof oo u badnaa dadka deegaanka, iyadoo koox waliba ay sheeganeyso in ay gacanta ku hayaan maamulka Degmada Buula Barde.

Cabdi Iidow Sabriye oo u waramayay saxaafadda ayaa waxa uus sheegay in gebi ahaanba ay ciidamadoodu gacanta ku hayaan degamada Buula Barde halkaas ay ka saareen kuwii Yuusuf Daba-Geed, halka afhayeen u hadlay Yuusuf Daba-Geed uu sheegay in ay la wareegeen guud ahaan maamulka degmada Buula Barde ayna ku hareereesan yihiin Guriga Cabdi Iidow Sabriye oo ku yaal degmada Bartankeeda.

Ilaa iyo hadda ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada qolo waliba ay sheeganeyso in ay gacantooda ku jirto Maamulka Degmada Buula-Barde, hase yeeshee odoyaasha dhaqank ayaa labada dhinac ugu baaqay in ay kala baxaan maleeshiyooyinkooda degmada si ay degmadu uga madax banaanaato is hardanka siyaasadeed ee u dhexeeya kooxaha siyaasadda.

Naadiga Ardayda ka qalinjabisay Jamaacadda Badweynta Hindiya oo cambaareeyay buugaag ay dhawaan soo ..

Naadiga Ardayda ka qalanjabisay Jaamacadda Badweynta Hindiya ayaa si aad ah uga xumaaday sawiro loo ekeysiiyay Nabi Muxumad (NNKH) oo ku jiray Manhad ay dhawaan Hay’adda UNESCO u soo daabacday dugsiyada W/Galbeed ee Soomaaliya (SOMALILAND).

Naadigu waxa uu ku tilmaamay arrintaas mid xadgudub ku ah Nabi Muxumad iyo Diinta Islaamka, sidoo kale Naadigu waxa uu eedeeyn dusha ka saaray Wasaaradda Waxbarashada ee maamulka la magacbaxay Somaliland taasoo ka seexatay howshii ay u xilsaarneed oo ahayd diyaarinta Manhajka iyo dhowrista waxbrashada aasaasiga ah, kuna andacootay in ay ahayd qalad Madbacadeed.

Sidoo kale waxa uu naadigu bogaadin u diray dhamaan ardaydii ka dhiidhisay falkaasa foosha xun, waxa uuna kula taliyay Hay’adaha waxbarashada, Dalladaha waxbrashada ee dalka iyo aqoonyahanadaba in ay fiiro gaar ah u yeeshaan manhajka waxbrasho ee loo soo gudbinayo, qaas ahaanna UNESCO in ay ka fiirsato waxa ay soo gudbineyso.

Ugu dambeyntii Naadigu waxa uu sheegay in ay il gaar ah ku hayn doonaan Manaahijta waxbarasho ee dalka iyagoo sheegay in ay la kaashaan doonaan uruda waxbarasho iyo aqoonyahanada, waxaana ku saxiixnaa qoraalkaan guddoomiyaha Naadiga Xasan C/lle Xasan.

Golaha Baarlamaanka oo shalay ansixiyay guddi hoosaadkii Baarlamaanka ..

Maalintii shalay ahayd ayaa Guddoomiyaha Baarla-maanka waxa uu furay kal fadhigii Baarlamaanka, waxaana soo xaadirtay 190 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarla-maanka waxa xildhibaanada ka codsaday in loo codeeyo guddiyada Baarlamaanka oo ka kooban 14 guddi oo mid waliba uu yeelanayo Guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye.

Markiiba waxaa la galay codeynta guddiyadaasi waxaana Haa yiri 172 xildhibaan, waxaa diiday 12 xubnood, waxaana ka aamusay 6-xubnood, sidaa ayaana lagu ansixiyay Guddiyadii Baarlamaanka oo lagu wado in ay maanta soo doortaan Guddoomiyaashoodii.

Golaha Baarlamaanka waxaa kalloo ansixiyay sadeex Nidaamiye iyo saddex Xogheyn, waxaana xogheyn ka mid ah Xildhibaan Axmed Diiriye Max’ed, Xildhibaan Max’ed Xasan Daryeel iyo Xildhibaan Daahir Cali.

Ilaa iyo 159 xildhibaan ayaa ka mid noqday guddiyadaani, waxaana ku jiray Wasiirada iyo wasiir ku xigeenada Dowladda Federaalka kaddib markii horey Baarlamaanku u ansixiyay in guddiyada la sameynayo aysan ka mid noqon.

Guddiga doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo la sameeyay ..

Waxaa si wadajir ah loo ansixiyay guddiga doorasahda Xiriirka Soomaalieyed ee K/cagta oo ka koobnaan doona 7-xubnood oo min labo xubnood ay ka yimaadeen saddexda dhinac ee isku haysata xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Bashiir Max’ed jaamac oo bishii Fabaraayo ee sanadkii hore ku soo baxay Guddoomi-yaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dhinacooda uu ansixiyay xubnahaas guddiga doorashada, waxaana Bashiir sidoo kale uu sheegay in uu taageersan yahay in cod bixiyayaasha ay noqdaan 25, laguna soo daro kooxda Qodxaaley oo sagaaleyneysa sideeda kooxood ee heerka saddexaad, sidoo kale labada dhinaca ee kale ayaa iyaguna sheegay in guddigaas ay taageersan yihiin, waxana guddiga Doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ay kala yihiin:- Guddoomiye Maxamed Axmed Cali, Isloow Abuukar Isloow, C/raxmaan Axmed Cosoble, Aadan C/lle Mahdi, Xoghaye C/qani Siciid Carab, Xasan Farey, iyo C/llaahi Xasan Cali.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 19, 2006


Saraakiil Itoobiyaan ah oo soo Gaartay Magaalada Jowhar..
»Caasha Axmed “17-kii Maarso waxay ahayd maalin murugo
»C/llaahi iyo Shariif oo u kala ambabaxaya Nairobi & Qaahira
»Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Shir gudoominaya kulanka
»Beelihii ku dagaalamayYamaarugle oo gaaray heshiis rasmi
»Ra’isul Wasaare Geeddi oo Nairobi kulan kula yeeshay..
»Hayadda GOGWO oo qabatey dood ku saabsan Muqdisho..
»Saddex carruur ah iyo Haweenay uur leh oo ku geeryooday
»Xaflad lagu soo gabagabeeyey howlihii indho fiiqista..
»JWXO la kulmay wasaarada arrimaha dibada ee Denmark...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 18

Wajigii labaad ee Gargaarka ay Muslim Aid u fidineyso dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay dhufteen
Intii ay hawlwadeennada Muslim Aid ee goobaha abaaruhu ku jireen gurmadkii ugu horreeyay ee ka... Guji... Mar 17


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD