SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 18, 2006

  • Caasha Axmed Cabdala “17-kii Maarso waxay ahayd maalin murugo leh laakiin wixii i gaaray..
  • C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo maanta u kala ambabaxaya Nairobi iyo Qaahira …
  • Guddoomiyaha Baarla-maanka oo maanta Shir gudoominaya kulanka Baarlamaanka kaddibna ...
  • Beelihii ku dagaalamay deegaanka Yamaarugle oo gaaray heshiis rasmi ah…
  • Ra’isul Wasaare Geeddi oo Nairobi kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Hay’adaha samafalka iyo ..
  • Hayadda GOGWO oo qabatey dood ku saabsan Xaalada nabadgelyo ee Muqdisho ...
  • Saraakiil Itoobiyaan ah oo soo gaartay Magaalada Jowhar..
  • Saddex carruur ah iyo Haweenay uur leh oo ku geeryooday Kaddib markii....
  • Xaflad  lagu soo gabagabeeyey howlihii indho fiiqista ee ka socotay isbitaalka carafaad ee magaalada muqdisho ….
  • Waftigii JWXO oo la kulmay wasaarada arrimaha dibada ee Denmark. 
    Odayaal Maraykanka iyo Yurub loo kala dirayo. 
    Baabuurtii shacabka oo loo diiday inay qaadaan raashiinka gargaarka. 
    Golaha Amaanka ee Q.M oo ka fiirsanayo ka qaadista cunaqabataynta hubka ee saran Soomaaliya. 

NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN


Burburka Bangigii Ganacsiga ee Soomaaliya ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Muqdisho sannadihii soddonkii (1930)

Muqdisho: 1930's | Isha sawirkan: http://www.swan.ac.uk

SHIRKA WASIIRADA ARRIMAHA DIBADA IGAD OO KA FURMAY NAIROBI 

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya| canabmumtaz@yahoo.com

Wasiirada arrimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD ayaa maanta magaalada Nairobi waxaa uga furmey kulan ay kaga arrin sanayaan arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan,Kulankan oo socon doona muddo laba cisha ah ayaa waxaa lagu eegayaa xaalada amaan ee Soomaaliya, iyo waliba horumarka laga gaarey hanaanka nabadda ee wadanka Suudaan.

Waxaa sidoo kale lagu eegi doonaa kulankani dadaalada lagu doonayo in ciidamo nabad ilaalineed lagu  geeyo dalka Soomaaliya, iyadoo arrin kaasna muddo sanado kahor ay IGAD go’aan satey. waxaa la rajaynayaa in go’aanada ay wasiirada kasoo saraan kulankani la hor dhigo kulanka  ay madaxweynayaasha IGAD isugu imaan doonaan magaalada Nairobi todobaadka soo socda.

Waxaa dhanka Dowlada Soomaaliya uga qeyb galaya kulankan wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Abdullahi Sheik Ismail.shirkan u furmey wasiirada IGAD,Kulamadan ayaa qabsoomaya  xili xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay ku shir san yihiin magaalada Baydhab, iyadoo sanad uu kasoo wareegay markii baarlamaanka Soomaaliya ay isku khilaafeen keenista ciidamo amaanka sugaya..Sidoo kale, kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili uu kuguda jiro  Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey dadaal uu kaga barandagayo suura galnimada in laga qaado soomaliya  cuna qabateynta xaga hubka..Si kastaba ha ahaatee dadaalada iyo kulamada soconaya ayaa ansixin tooda waxaa iskaleh baarlamaanka Soomaaliyeed ee fadhigiisu haatan yahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

Caasha Axmed Cabdala “17-kii Maarso waxay ahayd maalin murugo leh laakiin wixii i gaaray..

W/.D: Amiin Yuusuf | E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

17-kii Maarso waa sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii uu gacan ka hadalku dhex maray Xubnaha Baarlamaanka iyagoo xiligaasi ku shirsanaa Hotel Grand Regancy ee Magaalada Nairobi waxayna xiligaas ay ka doodayeen xildhibaanada Baarlamaanka ha la keeno Ciidamo ka socda safaka hore iyo yaan la keenin, waxayna gacan ka hadalkaasi ay dhaawacyo ka soo gaareen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo qaarkood loola cararay Isbitaalka. Caasha Axmed Cabdala waxay ka mid ahayd Xildhibaanadii uu gacan ka hadalku ka soo gaaray gacan ka hadalkaasi ayaa mar ay weriyaasheena ku sugan Magaalada Baydhbo uga waramayay dhacdadaan ayaa waxay tiri “17-ka Maarso waa maalin murugo leh, waana maalin fool xumo ku ah Baarlamaanka Soomaaliyeed, waxay intaas sii raacisay “inkastoo dhaawac iga soo gaaray xiligaas haddana maanta cid aan u haysto falkaasi ma jirto, waayo waxaan xiligaas u dagaalamayay sidii aan u badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed” waxay kalloo intaa ku dartay “raggii i dilay waa garanayay, waayo haddaan tagi lahaa safaaradda dalka aan deganahay oo aan oran lahaa rag baa sidaan ii galay waa la xiri lahaa, balse Ilaah dartii iyo Soomaalinimo ayaan ku daayay”, waxaa kalloo ka mid ahaa dadkii dagaaalkaasi galay Macallin Maxamuud oo loo yaqaano “Macalin Jiis” oo isagu bakooraddii uu watay maalintaasi ahayd mid ka qayb-qaadatay dagaalkaasi ayaa isna waxa uu yiri “aad baan uga xumahay wixii dhacay maalinkaas waxaana rajeynaa in aysan dib dambe noogu soo noqon, waa dhacdo naxdin leh oo loo baahan yahay in mar kasta laga feyjignaado”. Xubnihii kale oo iyana dagaalkaasi dhaawacu ka soo gaaray waxaa ka mid ahaa Wasiirka horumarinta reer Miyiga Max’ed Shiikh Max’ed Guuleed (Gacma Dheere) oo isna dhacdadaan ku tilmaamay mid aad u fool xun, “waxay ahayd dhacdo si fudud inta cod loogu qaado lagu kala bixi karay ee ma ahayn in gacan ka hadal la sameeyo” ayuu yiri Gacma Dheere oo ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay is cafiyaan oo iska hilmaamaan wixii horey u dhacay. Dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhacdadaasi waxay ku tilmaameen mid laga murugoodo balse waxay sheegeen in wixii haatan ka dambeeya loo howlgalo sidii shacabka Soomaaliyeed dhibaatada looga saari lahaa waayo iyagan aaya na soo doortay

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo maanta u kala ambabaxaya Nairobi iyo Qaahira …

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ay maanta u kala ambabixi doonaan dalalka Kenya iyo Masar.

Madaxweynaha ayaa ka qaybgeli doona kulanka Madaxda Wadamada IGAD oo bishan ka furmi doona Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa isna ka qaybgali doona shirka madaxda Baarlamaanada ee Jaamacadda Carabta oo isna ka furmi doona Magaalada Qaahir.

Waxaa Magaalada Nairobi ka socda kulan hor dhac ah oo ay leeyihiin Wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD waxaana Soomaaliya uga qaybgalay wasiirka Arrimaha Dibadda C/llaahi Shiikh Ismaaciil, waxaana looga hadlayaa kulankii wixii la hor dhigi ahaa shirka madaxda IGAD

Guddoomiyaha Baarla-maanka oo maanta Shir gudoominaya kulanka Baarlamaanka kaddibna ...

Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh ayaa maanta la filayaa in uu shir gudoomiyo kulanka Baarlamaanka oo lagu ballansanaa qabashadiisa maanta.

Guddoomiyaha ayaa markii uu kulankaasi furo ayaa waxa u ambabixi doonaan Magaalada Qaahir ee dalka Masar halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka Madaxda Baarlamaanada Jaamacadda Carabta.

Saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka ayaa ka maqnaan doona Magaalada Baydhabo xili uu Golaha Baarlamaanku uu leeyahay kulamo xasaasi ah, iyadoo Ra’isul Wasaaraha uu horey u gaaray Magaalada Nairobi halka uu maanta la filayo in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u amababaxo Nairobi.

Beelihii ku dagaalamay deegaanka Yamaarugle oo gaaray heshiis rasmi ah…

Waxaa dhawaan Magaalada Wardheer ee Soonka shanaad ee dalka Itoobiya lagu soo gebagabeeyay shir dib u heshiisiin ah oo u dhexeeyay beelihii ku dagaalamay deegaanka Yamaarugle waxaana kulankaan soo qaban-qaabiyay waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Labada Beelood ee dirirtu u dhexeysay.

Kulankaan oo lagu soo afjaray wixii khilaaf ah ayaa labada beelood ku heshiiyeen in si siman loo qaybsado dhulka daaqsinka oo ay isku haystaan labada beelood, in si wadajir ah loo cabo ceelasha u dhexeeya labada beeldoo, in wixii dil ah iyo wixii khilaaf ahba lagu xaliyo shareecadda Islaamka.

Labadaan beelood dagaalkoodii ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan, waxaana ku barakacay boqolaal qoys oo deganaa halkii uu dagaalku ka bilowday, waxaana heshiiska labadaan beelood ka soo shaqeeyay waxgarad ka tirsan beelaha la degan.

Ra’isul Wasaare Geeddi oo Nairobi kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Hay’adaha samafalka iyo ..

Maalintii khamiista ahayd ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ka ambabaxay wafdi uu hogaaminayay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi kuwaasoo gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Isla shalay ayaa Magaalada Nairobi waxay kulan kula yeesheen mas’uuliyii ka socotay wadamada deeqda bixiya iyo Hay’adaha samafalka waxana la iskula soo qaaday kulankaasi sidii ay Hay’adahaasi uga qayb-qaadan lahaayeen taageerida dowladda iyo ka qaybqaadashada dhibaatada abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta qaar ka mid ah Gobalada dalka.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaruhu uu doonayo in uu dib u heshiisiin dhex dhigo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere kaddib markii uu Max’ed Dheere sheegay in uu dowladda ku leeyahay 9-Milyan oo Doolar.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo wafdigiisa ay gaari doonaan dalka Biljim halkaas oo uu kula kulmi doono madax ka socota midowga Yurub, iyadoo kal hore Midowga Yurub uu ballanqaaday in uu bixinayo kaalmada iyo dib u dhiska Dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa in uu gaaro Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaa soo uu kaga qaybali doono kulanka Madaxda wadamada IGAD.

Hayadda GOGWO oo qabatey dood ku saabsan Xaalada nabadgelyo ee Muqdisho ...

Dalladda Haweenka ee GOGWo ayaa maalintii khamiista ahayd waxa ay dood ku saabsan xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho ku qabtay hotel Naasa Hablood, waxaana doodaasi ka qagbgalay siyaasiyiin, Odey dhaqameedyo, Saraakiil, Aqoonyahano, Haween, hay’adaha NGO-da iyo Saxafiyiin.

Raggii ugu cadcadaa ee ka hadlay doodaasi waxaa ka mid ahaa Max’ed Faarax Jimcaale oo sheegay in xaaladda nabadgelyo xumo ee ka jirta Magaalada Muqdisho ay ugu wacan tahay iyadoo bulshadu aysan isku tiirsaneyn, waxa uuna sheegay in looga bixi karo iyadoo la helo dowlad loo dhan yahay, waxaa kalloo ka hadlay Macallin Haaruun oo isna sheegay in xaaladda nabadgelyo xumo ee ka jirta Magaalada Muqdisho ama dalka ay ugu wacan tahay iyadoo shacabka Soomaaliyeed aysan u bisleyn waxa la yiraahdo nidaam iyo kala dambeyn.

Xafladaan oo ay xiriirinayeen AVV. Cumar Dhageey iyo Prof. Yaxye Caamir ayaa waxaa kalloo ka hadlay Maryan Daqare oo iyaduna ku eedeeysay xaaladda nabadgelyo ee Muqdisoh qaar ka mid ah beelaha Soomaalieed ee dega magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay in looga bixi karo in la helo Nidaam Dowladeed oo dalka oo dhan gaara, waxaa kalloo ka hadlay Danjire Cali Liibaan oo isna ku eedeeyay beelaha Hiraab iyo Murusade in ay mas’uul ka yihiin xaalada nabadgelyo xumo ee ka jirta Magaalada Muqdisho, waxaa kalloo ka hadlay Zamsam C/llaahi oo sheegtay in dagaalkii Qabiilka uu isku bedelay mid diineed, waxayna sheegtay in kooxahaasi ay yihiin kuwo is diray, aysanna jirin cid u xilsaartay waxa ay sheeganayaan, waxayna ugu baaqday shacabka in ay in kooxahaasi ku cadaadiyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Gebi gabadii xubnihii ka qaybgalay kulankaasi oo loo qaybiyay 8 kooxood ayaa waxay soo saareen dhowr qodob oo xal loogu heli karo dhibaatada Soomaaliya, waxayna intooda badani isku raaceen in looga bixi karo iyadoo lagu dhaqmo shareecadda Islaamka, in la helo dowlad, in wacyigelin loo sameeyo bulshada oo la xiriirta dhinaca nabadgelyada, waxayna xafladdaasi ku soo gebagabowday sidii loogu talagalay mar aan wareysanay Batuulo Maxamed Mursal oo ka mid ah saraakiisha GOGWO waxay noo sheegtay in ay doodaha noocaan oo kale ah dalladdoodu GOGWO ay ku balaarin doonto dalka, si loo helo xal dhab ah oo looga saaro dhibaatada Shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiil Itoobiyaan ah oo soo gaartay Magaalada Jowhar..

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd magaaladaas ay soo gaareen saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Itoobiyaa kuwasoo watay Diyaar qaas ah oo laga leeyahay dalka Itoobiya.

Markiiba waxay kulan uu albaabadu u xirnaa la qaateen Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere inkastoo aan faahfaahin wixii ay ka wada hadleen haddana warar ayaa waxay sheegayaan in saraakiishaasi ay halkaasi ku yimaadeen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ma’xed Dheere, maadaama ay labadoodu yihiin kuwo si aad ah ugu dhow Dowladda Itoobiya.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Max’ed Dheere loo keenay warqad martiqaad ah oo uu ku tagayo dalka Itoobiya si uu halkaasi ugula kulmo Madaxweynaha Dowladda Federalaka marka uu dhameysto kulanka Wadamada IGAD ee dhawaan ka dhacaya Magaalada Nairobi.

Hay’adda HURCOS oo u xuub siibatay Naadiga Qurba jooga Soomaaliyeed (SODIF)..

Guddiga u dooda xaquuqda xaqootiga Soomaali-yeed ee HURCOS ayaa u xuub siibtay Naadiga Qurba joogta Soomaaliyeed ee Somali Diaspora Fourm in the World (SODIF).

“Isbedelkaas oo keenay waxqabadkii tabankii sano iyo khibaradihii laga helay iyo waxa la hiigsanayo Mustaqbalka in lagu dhaqaaqo” sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha HURCOS AVV. C/raxmaan Xuseen Abuu Xamza oo ka hadlayay manaasabad lagu qabtay hortelka Naasa Hablood.

Hay’adda SODIF waxa ay ugu baaqday Maamulada ka jira dalka iyo beesha caalamka in ay gacan ka gaystaan sidii loo daryeeli lahaa dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dibadda.

Guddoomiyaha Abuu Xamza waxa uu shacabka Soomaaliyeed Ilaah uga baryay in uu ka saaro dhibaatada sidoo kalana waxa uu u soo jeediyay in ay midoobaan oo ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadgelyada taasoo uu sheegay in lagu hakin karo dhibaatada haysata qaxootiga Soomaaliyeed ee ku noool dibadaha.

Saddex carruur ah iyo Haweenay uur leh oo ku geeryooday Kaddib markii....

Maalintii shalay ahayd ayaa Gaari Koostar ah oo koox burcad ah ka soo dhaceen agagaarka Black Sea ayna marayeen wadada Shiirkole aya gaarigii halkaas uga halaabay.

Kooxdii Burcadda ahayd waxay ogaatay in goobta ay tahay goob ay ka dhow yihiin Maxkamadaha Islaamiga ah, markiiba si halhaleel ah ayay uga baxeen gaarigii una baxsadeen.

Gaarigii oo ay ku hareersanayeen dad fara badan una badnaa Carruur iyo Haween kuwaasoo ku hadaaqayay “Alla gaarigaan waa la soo dhacay” “Alla gaariga shidaaluu sii deynayaa” ayaa waxaa dhacday in Cabdi-Bilaa oo uu saaran yahay qoriga Dhashiiaha ayaa waxa uu kaga yimid Dhinaca Al-Baraka ayaa isagoo aan waxba hubsan ayuu markiiba ooda ka qaaday rasaas waxayna rasaastii isku martay Saddex carruur ah iyo Haweenay uur lahayd oo goobtii ku geeryooday.

Dhacdadaan ayaa waxaa si aad ah uga xumaaday dadweynaha deegaanka waxayna Maxkamadaha Islaamiga ah ku guuleysteen in gaarigii ay halkaasi ka kaxeeyaan, wuxuuna howlgalkaani ahaa mid ay Maxkamaduhu ku doonayeen in ay ku soo furtaan gaarigaasi balse arrintu sidaas ma noqon oo waxaa dhacay shilkaan ay ku geeryoodeen dadkaasi.

Mas’uuliyiinta Maxkama-daha ayaa waxay shegeen in ay baarayaan sidii uu u dhacay falkaasi, waxayna dadweynaha deegaanku sheegeen in Maxkamadaha Islaamiga ah marka ay galayaan howlgal in ay badiyaan hubsiimada si looga badbaado shil noocaan oo kale ah in uusan dib u soo noqon.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


MUUSE AFAEY " WAXAAN IDIINKAGA MAHAD CELINEYNAA DADAALKA FIICAN IYO AQOONTA AAD MARWALBA UMADDA SOMALYEED AAD UGU DADAALAYSAAN IN AAD INDHAHA UGU FIIQDAAN

Xaflad  lagu soo gabagabeeyey howlihii indho fiiqista ee ka socotay isbitaalka carafaad ee magaalada muqdisho …. 

Waxaa Jimacadii Maarso 17 lagu soo gabagabeeyey isbitaalka carafaad ee magaalada muqdisho howshii  mashruuca ka hortaga indho la,aanta oo socday intii u dhaxaysay 13 maarso ilaa iyo 17ka maarso  oo maanta  ah . 



Waxaa lagu diiwaan geliyey markii ugu horaysay isbitaalka  427 qofood  oo ay  11 caruur yihiin waxaana lagu guulaysatay in indhahooda ay wax ku arkaan 400 oo qofood  sidoo kale waxaan goobta kasoo xaadirin 27qof oo iskood u maqnaaday sida uu noo sheegay agaasimaha isbitaalka carfaad  mud. Muuse xuseen cumar (muuse afey) .

Mashruucan ka hortaga indho la,aanta  ayaa waxaa iska kaashaday isbitaalka kukuuyo oo ka howl gala dalkaasi Kenya , iyo isbitaalka carafaad ,sidoo kale waxaa howl baaxad leh ka qaatay hayada wadaniga zamzam iyadoo aysan meesha aysan ka maqnayn jaamacada muqdisho  oo si tabarucaad ah ula shaqaynayey  isbitaalka carafaad  iyadoo sida aynoo xaqiijiyeen macalimiinta jaamacada muqdisho iyo qaar ka tirsan ardayda jaamacada muqdisho oo goob joogayaal ahaa  ayaa waxay fursad u ahayd habka indho fiiqista oo tababar ay u qaadanayeen . 

Sidoo kale waxaa halkaasi  hadal kooban saxaafada ka  siiyey agaasimaha isbitaalka carfaad mud. Muuse xuseen cumar (muuse afey) inay maanta u tahay maalin farxadeed , isla markaana ay ku guulaysteen markii  shanaad howsha noocan oo kala ah  ay u qabataan bulshada danyarta ah ,sidoo kale waxuu kaloo  mahad celin balaadhan usoo jeediyey  dhaqaatiirta ka timid isbitaalka  kukuuyo ee dalkaasi Kenya  , ardayda jaamacada  muqdisho ,iyo shaqaalaha isbitaalka carafaad oo u kala baxa dhaqaatiir iyo ilaalada isbitaalka  

Sidoo kale waxaa hadal kooban halkaas ka sheegay horjoogaha  dhaqaatiirta isbitaalka kukuuyo dr.mondhia oo mahad celin iyo amaan wanaag ku dheehan yahay  u soo jeediyey agaasimaha isbitaalka carafaad mud.  muuse afeey sida  gacanta looga siiyey gudashada howshooda sidoo kale waxuu kaloo  ka hadlay is xilqaanka laysugu xilqaamay howshooda ay qabteen ,waxuu  kaloo dr. mondhia  amaanay teemka uu horjoogaha u yahay ee ka socda isbitaalka  kukuuyo ee dalkaasi Kenya  

Si kastaba ha ahaatee  mashruucan ka hortaga aafada indho la,aanta ayaa waxaa uu muujiyey wax qabad ku dayasho mudan oo ay ku amaaneen dhamaan waxgaradka iyo aqoon yahanka wadniga ahiba,  mashruucan oo wax qabadkiisa la taaban karo ayaa ah mid kusoo noqnoqda sanadkiiba dhowr jeer  .

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya


Barnaamijkii Radio Xoriyo
17 March 2006 
  • Waftigii JWXO oo la kulmay wasaarada arrimaha dibada ee Denmark.
  •  Odayaal Maraykanka iyo Yurub loo kala dirayo.
  •  Baabuurtii shacabka oo loo diiday inay qaadaan raashiinka gargaarka.
  •  Golaha Amaanka ee Q.M oo ka fiirsanayo ka qaadista cunaqabataynta hubka ee saran Soomaaliya.
 ======================
 
  Maalintii isniinta ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 13/03/06  ayaa waxaa wasaarada arrimaha dibada ee dalka Denmark la kulmay wafti ka socda Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO, kaasoo masuuliyiinta Denmark uga xog-warramay xaaladda Ogaadeenya iyo xadgudubyada uu gumaysiga Itoobiya ku hayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya. Masuuliyiinta Denmark ayaa waftiga JWXO u sheegay in dalka Denmark uu joojiyay gabi ahaanba mucaawanooyinkii uu siin jiray Itoobiya, ka dib markii uu yiqiinsaday in xukuumadda Meles Zenawi ayna ahayn xukuumad ku dhaqanta hannaanka dimuqraadiyada.
 
Waftiga JWXO, oo ka koobnaa guddoomiye ku xigeenka kowaad ee JWXO mudane Maxamed Ismaaciil iyo ku xigeenka hooggaanka arrimaha dibada iyo Jaaliyadaha ee JWXO mudane Maxamed Macalin, wuxuu in ka badan hal toddobaad booqasho ku joogay dalka Denmark.
 
Waftiga JWXO wuxuu la kulmay madaxa qaybta Afrika ee wasaarada arrimaha dibada ee dalka Denmark mudane Birger Fredriksson, waxayna uga warrameen gumaysiga ka jira dalka Ogaadeenya, gumaadka lagu hayo dadwyanaha Soomaalida Ogaadeenya, siyaasada Itoobiya ee ku wajahan macaluulinta dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo sida ay xukuumadda Itoobiya u hortaagan tahay in arrinta Ogaadeenya lagu dhammeeyo qaab nabad ah.
 
Mudane Fredriksson ayaa isaguna dhiniciisa muujiyay in dawlada Denmark ay aad ula socoto xaaladda guud ahaan Itoobiya iyo sida ay ugu tumato xuquuqda aadanaha, isla markaana ay u diiddan tahay ku dhaqanka hannaanka dimuqraadiyada. Masuulkan ayaa waftiga JWXO u sheegay in dawlada Denmark ayna wax caawimo ah siinin xukuumadda Itoobiya, wuxuuna ballanqaaday inuu xukuumadda dalkiisa gaadhsiinayo farriinta waftiga, isla markaana ay dawlada Denmark aad u danaynayso nabadgelyada gobolka Geeska Afrika.
 
Odayaal Maraykanka iyo Yurub loo kala dirayo.
 
Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa baryihii denbe oo dhan ku hawllanayd sidii ay u fulin lahay qorshe cusub oo ay ku doonayso inay iskaga horkeento dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, isla markaana ku jaha-wareeriso dadka maxasta ah ee Soomaalida Ogaadeenya.
 
Waxay wakiillo soomaali ah u soo magacawday safaaradaha ay ku leedahay dalal badan oo Yurub iyo Woqooyiga Ameerika ku yaalla. Dadkaas ayaa loogu talagalay inay ka shaqeeyaan sidii ay u kala qaybin lahaayeen Jaaliyadaha Ogaadeenya ee ka jira dalalka loo soo magacaabay.
 
Waxaa qorshahaas ka mid ah odayaal uu gumaysigu u kala dirayo dalalka Yurub iyo Maraykanka, kuwaasoo  ku horraynaya magaalooyinka Miniapolis ee dalka Maraykanka iyo London ee dalka Britan.
 
Hawsha odayaashan loo diray waxay tahay inay ka qayb qaataan jaha-wareerinta dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo kala qaybintooda. Waxaana ka mid ah arrimaha ay fulinayaan inay dadwaynaha ka dhaadhiciyaan in dalka Ogaadeenya ayna dhibaato gumaysi ka jirin, isla maarkaana loo baahan yahay in dib loogu noqdo, si loo maalgashado oo horumarintiisa looga shaqeeyo.
 
Qorshayaasha kale ee arrintan la xidhiidha ee xukuumadda Itoobiya ay wado waxaa ka mid ah iyadoo go’aansatay in xoogga la saaro sidii loo badin lahaa dadka war-doonka ah ee u shaqeeya. Waxay qoratay dad sidii dharcad ahaan ugu shaqeeya, kuwaasoo lacago badan loo ballanqaaday.
 
Ciidammada xoreynta Ogaadeenya  ayaa arintaas ka warhelay, waxayna ka sameeyeen hawlgallo waawayn, iyagoo gacanta ku dhigay qaar dadkaas ka mid ah. Waxaa jira qaar kale oo iyagu ciidammada xoreynta Ogaadeenya isu soo dhiibay oo fashiliyay qorshihii loo soo diray.
 
Baabuurtii shacabka oo loo diiday inay qaadaan raashiinka gargaarka ah.
 
Xukuumadda Itoobiya ayaa baabuurta shacabku leeyahay ka mamnuucday inay qaadaan raashiinka gargaarka ah ee la gaynayo meelihii loo qoondeeyay, iyagoo ku andacoonaya in raashinka gargaarka ah JWXO gacanta ku dhigto oo dadwaynaha u qaybiso, qaabkaasna ay JWXO sumcad kaga hesho dadwaynaha.
 
Waxay xukuumadda Wayaanuhu askarteeda ku amartay inay baabuurtooda ku qaadaan raashiinka gargaarka ah, hase yeeshee askartii ayaa arrintaas diidday, iyagoo ka cabsanaya in jidadka lagu gumaado.
 
Halkaasna waxaa ku fashilmay qorshihii ay xukuumadda Itoobiya ku doonaysay inay kula wareegto raashiinka Qamandida u badan ee la geeyo meelaha qaarkood.
 
Dhinaca kale waxay xukuumadda gumaysiga Itoobiya kordhinaysaa tirada ciidammadii ka joogay dalka Ogaadeenya, sababtuna waxay tahay iyadoo ay kordheen ciidammadii xoreynta Ogaadeenya ee ka dagaallamayay gobollada kala duwan ee dalka Ogaadeenya.
 
Golaha Amaanka ee Q.M oo ka fiirsanaya ka qaadista cunaqabataynta hubka ee saran Soomaaliya.
 
Warbixin uu soo saaray golaha amaanka ee Q.M ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay inuu goluhu aad uga fiirsanayo ka qaadista cunaqabataynta hubka ee saaray Soomaaliya si dalka loogu soo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo ka kala socda ururka midowga afrika iyo urur goboleedka IGAD.
 
Goluhu wuxuu carrabaabay aadna u cambaareeyey in cunaqabataynta hubka ee la saaran soomaaliya sanadkii 1992 qodobkiisuna ahaa 733 ay ku xadgudbeen dowlado la garanayo lalana xisaabtami doono.
 
Madaxweynaha DFKM ee soomaaliya iyo weliba urur goboleedka  Igad ayaa horaan codsaday in soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saran,arintaasoo ka dhex dhalisay khilaaf xoogan BKM ee soomaaliya oo markii dambana gacan ka hadal isu badashay.

 
Golaha amaanka ee Q.M ma uusan ku dhawaaqin si ramsi in inuu u  qaadi doono cunaqabataynta hubka ee saran soomaaliya balse wuxuu sheegay inay dib u eege doonaan arintaas si loo keeno ciidamo ka qayb qaata soo celinta amniga Soomaaliya

 
Radio Xoriyo
 
 17 March 2006.
C/nuur Sh. Maxamed
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 18, 2006

Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo ku Geeriyoodey Qardho
»Ugaas Max’ed: Itoobiya waxay la kulmi doontaa cawaaqib
»
C/llaahi, Shariif Xasan & Geeddi oo kulan gaar ah yeeshay
»Maxkamadaha Islaamiga ah oo u howlgeli doonaan sidii..
»Wafdi wadamada deeqda bixiya oo kulan yeeshay Baydhabo
»Soomaaliya: Mashruuca Ciribtirka Indho la'aanta
»Shir Jabuuti ku dhexmaray taliska ciidamada Mareykanka iyo
Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Mar 15


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD