SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GARGAAR


WAJIGII LABAAD EE GARGAARKA AY ‘MUSLIM AID’ U FIDINAYSO DADKA SOOMALIYEED EE ABAARUHU AY KU DHUFTEEN.

Intii ay hawlwadeennada Muslim Aid ee goobaha abaaruhu ku jireen gurmadkii ugu horreeyay ee ka koobnaa waraabinta, quudinta, gabbaad gelinta iyo isu keenidda dadkaas tabalaysan, waxay kooxdayada maamulku diyaarinaysay WEJIGA LABAAD ee  gargaarka oo ka kooban RAASHIN iyo DAAWAYN. 

Si looga kaaftoomo daahid dhimashooyin badan keenta loona kobciyo dakhliga ganacsatada yaryar ee Soomaaliyeed iyo dhaqaalaha guud ee dalka, dhammaan agabka ay Muslim Aid ugu gurmatay dadka ay abaaruhu waxyeeleen waxaa laga iibiyay suuqyada dalka.

Wejigaan Labaad oo socon doona muddo aan saas u dheerayn, waxaa looga gudbayaa Wejiga Saddexaad oo ah dib u dejinta iyo dib u qalabaynta dadkaas oo runtii ah midka ugu adag maadaama yoolkiisu yahay mid dheer oo ah in dadkaasi ay iyagu quudkooda gacantooda ku soo saarsadaan oo ka kaaftoomaan deeqaha dibadda uga yimaada.    

Haddaba Muslim Aid oo ka duulaysa ujeddadeeda Banu’aadamnimo waxay dadkaas u fidisay wixii karaankeed ah oo RAASHIN iyo DAAWAYN la xiriira, iyadoo dhammaan maamulka iyo hawlwadeennada Muslim Aid (sida aad masawirrada ka arki kartaan) aysan u kala harin gurmadka ay walaalohood uga dabcinayaan dhibaatada RABBAANIGA ee la soo deristay. 

Muslim Aid waxay mahad ballaaran u celinaysaa cid kasta oo ku gargaartaya gudashada hawlahaas waajibka ah, gargaarkasi ha noqdo mid gacanta ama afka  ama qalbiga ka yimid.  

Ciddii rabta inay Muslim Aid ka caawiso ama iskaashi kala samayso hawlaha gurmadka iyo guud ahaan hawlaha samafalkaba, fadlan ha kala soo xiriireen telefoonka 44 (0)20 7377 4200 ama mail@muslimaid.org  ama ha daalacdeen boggayaga internetka http://www.muslimaid.org/    

Mahadsanidin | ali@muslimaid.org


Warbixin kooban oo ku saabsan gargaarkii ay Muslim Aid u fidisay dadkii Soomaaliyeed ee ku tabaaloobay duufaan-badeedkii “Tsunami”.   

 MUSLIM AID OO SANNAD KA DIB, WELI SOOMAALIDA KA TAAGEERAYSA SIDII AY UGA SOO KABAN LAHAAYEEN DUUFFAN BADEEDKII “TSUNAMI” 

TAARIIKHDA WARBIXINTA: ISNIIN 16KA JANUARY 2006   

Soomaaliya oo ku taal geeska Afrika, waa waddan lagu illoobay dhibaatadii ka soo gaartay duufaan badeedkii “Tsunami” ee ku habsatay. Mawjadahaas baaxadda wayni waxay khasaare ballaarn u geysteen dal uu horay u soo curyaamiyay dagaal sokeeye oo muddo 15 sano ah socday. 

Markii ay duufaanta tsunamidu dhacdayba kooxdayada gurmadka oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa socdaal ku tegay meelaha ay waxyeelladu soo gaartay, iyagoo dadkii waxyeellada ka badbaaday u fidiyay gargaar isugu jira cunto, daawo iyo bustayaal qiimohoodu gaarayaan £10,000.    

Tsunamida ka dib waxaa la sheegay in Soomaaliya ay ku dhinteen 289, halka ay in ka badan 800 oo guri  ku burbureen, 600 oo doonyaha kalluumeysiga ahna la waayay. Meeshii soomaaliya oo dhan ugu khasaaraha badnayd waxay ahayd gacanka Xaafuun, halkaasoo hadda laga dhisay magaalo cusub oo markaan badda ka soo durugsan ilaa 500 oo mitir.  

Xaafuun, oo ku taal gobolka Bari ee woqooyi bari Soomaaliya, waxaa dhulka la sintay duufaan badeedka tsunamida loo yaqaan. Muddo hadda sannad laga joogo oo  Xaafuun iyo agagaarkeedaba uu burbur wayni soo gaaray, gargaarka iyo dib u dhiska ay Muslim Aid bulshadaas u fidisay wuxuu ahaa mid aad u ballaaran oo gaarsiisan heer  dib loogu soo nooleeynayo meheradihii ay horay u lahaayeen dadkii kalluumeysatada ahaa ee dhibaatadu ay soo gaartay.  

Annagoo kaashanayna hay’adda Oxfam iyo Guddiga Gurmadka Musiibooyinka ‘Disaster Emergency Committee (DEC)’, ayay Muslim Aid ku bixisay lacag gaaraysa ilaa £370,000 meelaha musiibadu ku dhacday ee Soomaliya. 40 guri oo aan Xaafuun ka dhisnay iyo 20 aan Garacad ka dhisnay ayaa waxay ahaayeen wejigii koowaad ee barnaamijka dib-u-dhiska oo aan ugu talogalnay inay si toos ah uga faaiideystaan dad gaaraya ilaa 700 oo qof.   

BURBURKII AY TSUNAMIDU U GEYSATAY XAAFUUN

Wefdiga Muslim Aid oo Xaafuun kula shiraya Gudoomiyaha gobolka, Duqa magaalada iyo ku xigeenkiisa, Madaxa Hafun Development, Madaxa Booliska iyo mas’uuliyiin kale .

Munaasabaddii Dhagax-dhigista guryaha Xaafuun  

 XAAFUUNTA CUSUB

Munaasabaddii qaybinta Guryaha 

Sannadguuradii koowaad ee Tsunamida ayaa guryaha lagu wareejiyay dadkii ugu baahida badnaa ee ay soo xuleen guddi uu madax u yahay oday 90 jir ah oo Xaafuun ku dhashay ayna ku jiraan ururro haween iyo kuwo dhallinyaro iyadoo ay kor-joogayaal ka ahaayeen Duqa magaalada, ku xigeenkiisa iyo Muslim Aid. Guryaha la dhisay oo dhammi waxay ka kooban yihiin 2 qol oo hurdo, 1 jiko, 1 musqul iyo barando siyaabo badan loo adeegsan karo. Dheefta guryuhu  kuma koobna dadka la siiyay oo kaliya ee waxaa jira boqolaal qof oo kale oo siyaabo kala duduwan faaiidadu ay u gaarayso, iyagoo si aan toos ahayn ula deggan milkiilayaasha inta ay sugayaan guryo cusub oo dhowaan la dhisi doono.     

GURI KA MID AH GURYIHII AY MUSLIM AID DHISTAY OO LAGU WAREEJINAYO QOYSKII XAQA U HELAY. 

Guryihii Muslim Aid ay ka dhistay magaalada Garacad  

Duqa magaalada Garacad oo ka qaybqaadanaya olole nadaafadeed oo laga fulinayo agagaarka guryihii ay Muslim Aid UK ka dhistay magaalada Garacad (20 guri ayay Muslim Aid UK Garacad ka dhistay).    

Wejiga labaad ee qorshaha  

·    1,000 shabaagta kalluumeysiga ah ayaa la soo gadayaa oo kalluumeysatada loo  qaybinayaa. 

·    Siddeetan (80) doonyood oo dhererkoodu yahay 9 GRP ayaa loo qaybinayaa 80 qoys oo kalluumeysato ah (qorshihii hore wuxuu ahaa 80 doonyood oo 6.5 mitir ah, hase yeeshee Wasaaradda Kalluumeysiga ee Puntland ayaa mamnuucday doonyaha noocaas ah)   

Tilmaamaha doonyaha & matoorrada

  • Nooca doonta                     waxaa loo yaqaan (Afdheer)

  • Samayska                           GPR

  • Dhererka                             9m

  • ballarka                               1.4

  • Joogga                                 0.9m

  • Xamuulka kalluunka           1.5ton

  • Tirada shaqaalaha                4 kalluumeysato

  • Matoorka                              Yamaha HP 25 matoor dibad yaal ah

Muslim Aid hawleheedu kuma koobna mashaariicda dib-u-dhiska ee laga wado Puntland oo kaliya. Annagoo kaashanayna xafiisyadayada waawayn iyo wakiillada noo jooga gobollada dalka oo dhan (Hargeysa ilaa Kismaayo), ayaan dadka u baahan u fidinaa mashaariic horumarineed oo isugu jira waxbarasho, caafimaad, tababarro xirfadeed, dakhli soo saarasho (Quutul Caysh), biyaha iyo nadaafadda, korinta agoonta iyo mashaariic gurmad iyo kuwo dib-u-dhis intaba.      

Muslim Aid, waxay sidoo kale mashaariic gargaar oo tsunamida la xiriira ka fulisaa Indonesia, Sri Lanka iyo India. Dhaqaalaha ay Muslim Aid ilaa hadda ku bixisay mashaariicda tsunamida la xiriira ee ay ka fuliso dalalka ay musiibadaani ku habsatay, wuxuu gaarayaa ilaa £1.7 malyan, iyadoo sannadkaan 2006 ay mashaariic kale jidka ku soo jiraan.    

Mahadsanidin
Muslim Aid Somalia

Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir Michael Siva telefoonka 44- (0)207-377-4220 ama

English  media@muslimaid.org af Soomaaliga  ali@muslimaid.org

 

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 17, 2006


Muslim Aid oo £74,485 ku taageertay dadka ku tabaloobey Abaaraha Soomaaliya..

Xafiisyada Muslim Aid ee Soomaaliya ayaa markii abaaruhu soo if bexeen dad gaaraya 7,500 oo qof oo koonfurta Soomaliya ku nool u bilaabay inay u qaybiyaan bariis, bur, sonkor, buskud, biyo, hoy ku mel-gaar ah iyo daawooyin. Dad badan oo abaartaasi saamaysay ayaa guryohoodii ka soo tegay iyagoo cunto iyo biyo raadinaya. Muslim Aid waxay dadkaas u samaysay hoy ku meel-gaar ah oo ay qorraxda iyo dhaxanta ka galaan.   
Guji....


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD