SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 15, 2006

  • Ugaas Max’ed Wali “ Itoobiya waxay la kulmi doontaa cawaaqib xumo haddii mar kale ay..

  • C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geeddi oo kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo.

  • Ciidamadii ka tagay xerada Kongo oo la filayo in lagu xareeyo Xerada Mannaas..

  • Shir Jabuuti ku dhexmaray Taliska ciidamada Mareykanka iyo..

  • Maxkamadaha Islaamiga ah oo sheegay inay u howlgeli doonaan sidii ay wax uga...

  • Wafdi ka socday Wadamada Deeqda bixiya oo kulan kula yeeshay Baydhabo...

  • Soomaaliya: Mashruuca Ciribtirka Indho la'aanta


NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN

Haraaga Taalladii SYL ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Isha sawirkan: www.syl2.s5.com
 

SYL

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

  • C/qaadir Sakhaawadiin
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
  • Sayid Xirsi Nuur
  • Maxamuud Cusmaan Baarbe
  • Daahir X Cusmaan Sharmaarke
  • Xaaji Muxumed Xuseen
  • Khaliif Hundow Macalim
  • Muxumed Faarax Hilowle
  • Muxumed Cabdulle Xayeesi
  • Cusmaan Geedi Raage
  • Dheere X Dheere
  • Muxamed Cali Nuur
  • Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban oo SYL ka akhri halkan

Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo ku Geeriyoodey Qardho

March 15, 2006: Wararka ka imanaya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa tibaaxay in Duhurnimadii maanta uu halkaasi ku geeriyoodey Allah ha u naxariistee Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo ahaa isim aad muctarif uga ah Soomaaliya.

Waxaa magaalada Qardho isla maanta gaarey madaxweynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde Muuse) si uu u soo booqdo Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo xanuunsanaa maalmahan.

Boqor Maxamuud Boqor Muuse waxa uu ku dhashay dooxada Dharoor oo ka tirsan Gobolka Bari, waxana uu dugsi Quraanka ka bilaabay magaalada Iskushuban ee G/Bari.

Boqor Maxamuud Boqor Muuse waxa ismimnimada loo caleemo saaray kaddib markii uu geeriyoodey Boqor Muuse sannadkii 1986.

Allah ha u naxariistee Boqor Maxamuud waxa uu ifka kag ategey siddeed carruur ah.

Boqor_Maxamuud _oo_ka_hadlay _kana_Duceeyay _Gabag abadii
 

Boqor Maxamuud Boqor Muuse waxa uu ahaa Isim ay u siman yihiin ummaada Soomaaliyeed. Maxamed Cabdi Farax Botan (Shiike) oo sannadkii 2001 booqday magaalada Qardho ayaa qoran sidan:
...." waxaan gaaray Iridkii Guriga Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo kuyaal Magalada Qardho, Guriga Boqor Maxamuud markii aad tagto waxad - dareemaysaa in meesha aad joogto ay tahay meel umadda oo idil ay u siman tahay,markii aan dhaafnay Albabka ayaa wiil dhallin yaro ahi oo isagu Albaabka Fadhiya oo qaabka loosoo kala horeeyo dadka u sheegaya ayaa nayiri Aniga iyo Inamadii ila socday walaalayaal ma waxaad doonayseen inaad Boqorka aragtaan, waxan ugu jawabnay (Haa) Walaal Hadii ay suurto gal tahay, waxa uu nayiri Mar haddii aad Albabka soo dhafteen waad arkaysaan laakin hadda rag kale ayaa ku jira gudaha ee sugta, Howrarsan.

Qaddar yar ka dib waxaa noo suurta gashay in aan galno gudaha ,markii aan salaanay Boqorka waxa uu nagu yiri Adeerayaal waad mahadsan tihiin sida sharafta leh,Cisada leh ,wanagga leh ee aad iisoo bariidiseen, Aniga halakan ayaan joogaa waxaana aan ahay Boqorka Umaddaan ,waxana aan ahay Nin u siman Dadkan oo idil haddii uu yahay Mid wadanka ku nool gudihiisa iyo Mid wadanka ka maqanba, soo dhawaada Gurigan waa gurigiinii , waa uu nawaaniyay Boqorka waxana uu nagu yiri Adeerayaal waxad tihiin wiilashaydii Anna waxan ahay Boqorka Umadda somaliyeed, waxan idinkula Dardaarmayaa Cabsida eebbe Naftayda iyo Tiinaba. " Qoraalkii Shakiib ee 2001

 

Ugaas Max’ed Wali “ Itoobiya waxay la kulmi doontaa cawaaqib xumo haddii mar kale ay..

Iyadoo dhawaan Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen deegaano ka tirsan Gobalka Gedo, waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay soo geliyeen qaar ka mid ah dadka Deegaanka, kuwaasoo Ciidamada Itoobiya kula taliyay in ay kala shaqeeyaan amniga deegaano ka tirsan Gobalka Gedo.

Arrintaan ayaa waxaa si aad ah isugu maandhaafay odoyaasha Deegaanka Gobalka Gedo oo uu ugu horeeyo Ugaas Max’ed Wali Shiikh Axmed Nuur ahna Ugaaska Beesha Sade ahna afhayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood.

Haddaba si aan arrimahaani wax uga ogaano ayaa waxaan wareysi kala yeelanay mar kale Ugaas Max’ed Wali oo yiri “Siday noo sheegeen dad xogogaal ah mar aan la xiriirnay deegaanaada Doolow, Buula Xaawo iyo Luuq waxaa mar kale la isku dayayaa in Ciidamada Itoobiya ay mar kale fariisimadoodii dib loogu soo celiyo degmooyinkaas kaddib markii dad aan xilkaas aheyn ay codsi u gudbiyeen Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan maamulada haatan halkaasi ku sugan kuwaasoo doonaya in ay fursado u helaan uruursiga dakhli ka soo gala deeganadaasi oo ay qaybsadaan iyaga iyo Itoobiyaanka” wuxuuna intaa raaciyay “waxaa lagu tilmaami karaa arrintaasi ayaandaro iyo Diin la’aan, waxaana uga digeynaa dadkaasi xilkaska aan ahayn ee aan la lahayn shaqsiyadda iyo wadaniyadda in ay ka waantoobaan kaalmeysiga ay kaalmeysanayaan ciidamada Itoobiya, haddii ay ka waantoobi waayaana waxay la kulmi doonaan ciqaab, Inshaa Allaah markii fursad loo helo”.

Sidoo kale Ugaas Max’ed Wali waxa uu uga digay Ciidamada Itoobiya in ay joojiyaan faragelinta qaawan ee ay ku hayaan gudaha Soomaalia, haddii Dowladda Itoobiya jooji weyso faragelintaasi waxay la kulmi doontaa jawaab mudankeeda ah, Ummadda Soomaaliyeedna indhaha kama qarsan doonto faragelinta iyo dulmiga ay ku sameyneyso dadka iyo dalka Soomaaliyeed, sidoo kale Ugaas Max’ed Wali waxa uu ayaandaro ku tilmaamay dadka sheeganaya in ay matalaan Soomaaliya in ay soo doorteen ninkii cowrada Soomaaliya Itoobiya tusay oo ah C/llaahi Yuusuf Axmed.

C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geeddi oo kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd halka uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay kulan ku yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidi dar dar loo galin lahaa howlaha Dowladda kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Baydhabo, waxaana khilaafkaasi uu xoogiisu ku yimid Markii dhowr jeer fasax la siiyay xubnaha golaha Baarlamaanka taasoo ay si aad ah uga caroodeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku tilmaamay in aan la dooneyn in dowladdu ay talaabo horey u qaado. Kulanka mas’uuliyiinta Dowladda ayaa waxaa kalloo looga hadlay ciidamo soo gadooday oo ku sugnaa xerada Daynuunaay kuwaasoo qalqal geliyay amniga Magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamadaasi ay xerooyinkoodii uga soo baxeen kaddib markii ay halkaasi kala kulmeen daryeel la’aan, iyadoo qaarkood ay dhigteen isbaarooyink ka bilaabnaya deegaanka Daynuunaay ilaa iyo Magaalada Baydhabo, waxaana haatan socda sidii ciidamadaasi dib loogu celin lahaa xerooyinkoodii.

Ciidamadii ka tagay xerada Kongo oo la filayo in lagu xareeyo Xerada Mannaas..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in ciidamadii dhawaan ka tagay xerada Kongo oo markii horeba laga keenay deegaanka Puntland ayaa la filayaa in la dejiyo deegaanka Manaas oo 30Km u jirta Magaalada Baydhabo.

Ciidankaan oo tiradoodu gaareyso 800 oo askari ayaa la sheegay in hubkii ay siteen badankiisii uu kala haray maamulka Gobaka Sh/dhexe ee uu madaxda u yahay Max’ed Dheere.

Suuqyada hubka lagu kala iibsado ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay laga dareemayay hubkaas oo u badnaa qoryo fudud kasoo ka soo galay dhinaca degamada Jowhar, waxaana hoos u dhac ku yimid qiimihii hubka ee Suuqa Cir-Toogte.

Ciidankaan oo aan wali si rasmi ah loo dejin ayaa haddana waxaa la qorsheynayaa in la dejiyo deegaanka Mannaas, waxaana shalay deegaankasi booqday rasaakiil ka tirsan Ciidamada Puntland oo horey joogay ammaanka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Shir Jabuuti ku dhexmaray Taliska ciidamada Mareykanka iyo..

Waxaa maalintii shalay ahayd shir ku yeeshay dalka Jabuuti Taliyaha Ciidamada Mareyknaka ee howlgalka Geeska Afrik Gen. Timothy Gormley iyo aqoonyahano Soomaaliyeed, waxayna sida la sheegaay ka wada hadleen arimo la xariira Siyaasadda guud ee dalka Soomaaliya iyo saamaynta Dowladda Mareykanku ku leedahay arimaha Siyaasadda Soomaaiya.

Shirkaas oo qaatay muddo sedex saacadood ah ayaa waxaa diiradda si gaar ah loogu saaray dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaaladda Muqdisho iyo waxa ka jira in Dowladda Mareykanku ay ku luglahayd dagaalkaas, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika oo ay wehliyeen 10 ka mid saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee saldhigoodu yahay dalka Jaabuuti ayaa si xoog leh u dafiray in Dowladda Mareykanku ay wax ka ogtahay dagaalkaas waxa kale oo uu beeniyey inay wax xariir ah la leeyihiin Qabqablayaasha dagaalka ee Muqdisho.

Soomaalidii ka qayb gashay kulankaas oo la sheegay in intoobadan ka tirsanaayen ururada Bulshaada Rayidka ah ayaa waxaa la sheegay inay ka tageen Magaalada Muqdisho, waxaa kale oo kulankaas ka qayb galay Prof. Axmed Ismaaiil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacad ku taala dalka Mareykanka waxayna u sharxeen saraakiisha mareykanka in dagaaladii ka dhacay Muqdisho ay si waayn oo hoos ugu dhacday sumcaddii Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya markii aay soo bexeen warar sheegaya inay ku lug leedahay dagaalka, waxayna ku balameen inay sii socdaaan kulamadaas iyadoo maalmaha soo socdana ay kulan isugu imaan doonaan labada dhinac.

Maxkamadaha Islaamiga ah oo sheegay inay u howlgeli doonaan sidii ay wax uga...

Waxa maalintii shalay ahayd shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho Masuuliyiinta Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho waxayna shirkaas Jaraa’id uga hadleen arimnaha nabad galyada Magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyey dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Shirkaas Jaraa’id waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uuna sheegay inay ka hortagayaan dadka laynaya Aqoonyahada Soomaaliyeed isla markaana u taagan inay ugaarsadaan dadka wax galka ee Soomaaliyeed, waxa uu sheegay in maalmahaan ay Magaalada Muqdisho ku soo bateen falalka dilalka ahee lala beegsanayo Aqoonyamada iyo dadka hormuudka u ah bulshada Soomaaliyeed waxa uuna sheegay inay arimahaas ka dambeeyaan dad doonaya inaysan dagin nabad galyada Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Sh. Shariif inay bilaabayaan inay howlgalo joogto ah oo ay ku ugaarsanayaan kooxahaas, isgoo intaas raaciyey in Maxkamadaha Islaamiga ah u taagan yihiin sugidda nabad galyada shacabka Soomaaliyeed ayna la dagaalamayaan waxwalba oo qalqal galinaya xasuiloonida shacabka Soomaaliyeed

Wafdi ka socday Wadamada Deeqda bixiya oo kulan kula yeeshay Baydhabo.

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo soo gaaray wafdi ka socday Wadamada deeqda bixiya, waxayna Magaalada Baydhabo kulan kula yeesheen guddigii dhawaan loo xilsaaray in ay wax ka qabtaan dhibaatadii ka dhacday Tuulada Salagle ee dabku baabi’iyay ayaa wafdigaasi waxaa loo gudbiyay warbxin dheer oo la xiriirta khasaarihii gaaray tuuladaasi, iyadoo wafdiga xitaa loo dhiibay sawiro iyo qoraalo la xiriira dabkaasi.

Wafdiga ayaa waxay balanqadeen in ay gacan ka gaysan doonaan sidii dib dhis loogu sameyn lahaa Tuuladaasi, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda wafdigaasi oo ka socday Beesha Caalamka ay booqdaan Tuulada Salagle si ay u soo ogaadaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta tuuladaasi.

WAfdigaan oo isla shalay dib ugu laabtay Magaalada Nairobi ayaa warbixintooda waxay u gudbin doonaan hay’addihii iyo wadamadii ay markii horeba ka tirsanaayeen.

Dowladda Federaalka oo Tuuladaasi ka dhigtay Degmo ayaa waxaa Tuulada ilaa iyo haatan gaaray gargaar aan sidaasi u buurneyn.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com 

Soomaaliya: Mashruuca Ciribtirka Indho la'aanta

Howshan ayaa waxaa loogu magac  daray  mashruuca ka hortaga  aafada indho la'aanta  iyadoo uu sheegay agaasimuhu  dr muuse afeey inay  howsha wadi doonaan ilaa iyo inta lasoo cirib tirayo  indho la,aanta ka jirta  guud ahaan soomaaliya oo dhan  ,waxuu kaloo dr, afeey sheegay inaysan kala jeclayn qof kasta oo soomaaliyana ay caawin doonaan meel kasta haka yimaadee.

Sidoo kale waxuu  war bixin naga siiyey agaasimaha isbitaalka carafaad  dr ,muuse xuseen cumar (muuse afey)

Waxaa mashruucan lasoo bilaabay oktoobar 2004 waxaana xiligaas indhaha loo fiiqay hal waqti oo kaliya oo tabrucaad  ah 470 qofood ,sidoo kale waxuu agaasimuhu intaasi sii raaciyey janaayo 2005 ka waxaa indhaha loo fiiqay 460 qofood  sidoo kale julay 2005kii waxaa iyana indhaha  loo qalay 444 qofood . sidoo kale  isla sanadkaasi ayaa waxaa indhaha loo fiiqay  400 qofood .

Sidoo kale  waxaa agaasimaha isbitaalka carafaad  muuse afey uu intaasi noo raaciyey in isbitaalkani uu u dadaalo ugu jiro sidii uu u caawin lahaa  dadka danaysan iyo kuwa soo barakacay oo indhaha loogu  qalay ilaa iyo hada 100 qofood oo ay iska kaashadeen isbitaalka iyo hayada wadaniga zamzam . 

 Waxuu intas ku daray agaasimaha isbitaalka carfaad  dr ,muuse afeey  inta sanadkan ka harsan  loo fiiqayo indhaha  ayaa waxay gaadhaysaa  ilaa 400 qofood oo socondoonta  laga bilaabo 13 maarso  iyo ilaa 17 maarso ee sanadkan 2006 da  oo isugu jira caruur  dad waaweyn  iyo kuwo dhexaad ahba  waxaana uu hadalkiisa sii raaciyey dr ,muuse afey inay caruurta loo qali doono labada indhood kuwa ka jiran  balse dadka waawen ay tahay hal il oo kaliya  ,sidoo kale waxaa uu kaloo noo sheegay  dr muuse afeey inta  guud ahaan  isbitaalka   indhaha loogu fiiqay tan iyo sanadkii 2004 tii ilaa sanadkan 2006 da inay yihiin  2274 qofood . 

Si kastaba ha ahaatee waxuu kaloo wax nooga sheegay dr, muuse afeey xaalaada abaaraha dalka ka jira oo ay sameeyeen teem ka socda isbitaalka carafaad  oo ay u direen gobolda gedo iyo bakool waxuu kaloo  intaasi sii raaciyey inay goboldaasi ay gaadhsiiyeen  deeq daawo ah iyo raashin  isugu jira galay, bariis iyo wax yaalo kale .

Muuse Maxamud Jiisow
somali39@hotmail.com
muqdisho somaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 15, 2006

Muqdisho: "Isbahaysiga Argaggixisada"oo isku Khilaafay Sheegidda Xiriirkooda InterPoll
»Max’ed Dheere oo aflagaadeeyey C/Laahi Yuusuf..
»Ciidamadii ku xareysnaa Daynuunaay oo gadooday..
»C/llaahi Yuusuf oo u ambabaxaya dalka Kenya..
»Kulan dhex maray Cadde Muuse, Cismaan Caato iyo Furux
»C/llaahi Yuusuf oo uu degmo ugu aqoosaday Tulada Salagle
»Maleeshiyadii Xerada Kongo oo gebi ahaanba isaga baxay
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 14

Muslim Aid oo £74,485 ku taageertay dadka ku tabaloobey Abaaraha Soomaaliya..

Berlusconi oo ka carooday wareysi Tv oo lala yeeshay

Xildhibaanada Baarlamaanka oo mar kale Galaya Fasax ilaa mudo Tobaad ah
»Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo hanjabay
»Shiikh caan ah oo lagu dilay Magaalada Garoowe..
»Ururka Garyaqaanada Somaaliyeed oo walaac muujiyay
»Maleeshiyada Yuusuf Daba-Geed oo weerar qabsaday
»Qoral ka soo baxay Midowga Jabhadda xoreynta Soomaali
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji.. Mar 13

Barre Hiiraale iyo Cabdi Cigaal oo soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeyey..
»Heshiis buuxa oo laga gaaray shaqaaqooyinkii Kismaayo
»Geeddi oo markii ugu horeysay shir Gudoomiyey Kulankii..
»Shirka Golaha wasiirada DFK la iskula soo qaaday amaanka
»Ururka Garoobada oo ka cabanaya ganacsato loogu...
»Ciidamada Itoobiya ee soo galay Deegaanka Buulo Xaawo
»C/llaahi Yuusuf oo la filayo in Nairobi kulan kula yeesho..
wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 12

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD