SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 13, 2006

  • Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku hanjabay in ay ..

  • Shiikh caan ah oo lagu dilay Magaalada Garoowe ee maamul Goleedka Puntland ..

  • Xildhibaanada Baarlamaanka oo mar kale galaya fasax ilaa mudo tobaad ah..

  • Ururka Garyaqaanada Somaaliyeed oo walaac ka muujiyay xaalufinta lagu hayo dhirta Soomaaliyeed.

  • Maleeshiyo daacad u ah Yuusuf Daba-Geed oo weerar ku qabsaday Degmada Buula Barde ee Gobalka Hiiraan...

  • Hay’adda FATXA oo Barnaamij wacyigelin ah ka sameysay Xaafadaha iyo Dugsiyada Gobalka Banaadir...

  • Midowga Jabhadda xoreynta Soomaali oo uga mahadceliyay dadaalka ay wadaan Odoyaasha..


NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN

Haraaga Taalladii SYL ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Isha sawirkan: www.syl2.s5.com
 

SYL

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

  • C/qaadir Sakhaawadiin
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
  • Sayid Xirsi Nuur
  • Maxamuud Cusmaan Baarbe
  • Daahir X Cusmaan Sharmaarke
  • Xaaji Muxumed Xuseen
  • Khaliif Hundow Macalim
  • Muxumed Faarax Hilowle
  • Muxumed Cabdulle Xayeesi
  • Cusmaan Geedi Raage
  • Dheere X Dheere
  • Muxamed Cali Nuur
  • Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban oo SYL ka akhri halkan

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku hanjabay in ay ..

Iyadoo maalintii shalay ahayd Xildhibaanada Baarlamaanka la siiyay fasax todobaad ah ayaa wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay si aad ah uga caroodeen fasaxa mar kale la siiyo xildhibaanada, waxayna sheegeen in arrintaani ay ahay mid la doonayo in lagu wiiqo habsami u socodka kulanka Baarlamaanka.

“Waxaa la doonayaa in la fuliyo dano gaar ahaaneed si looga careysiiyo Xildhibaanada oo ay isaga tagaan kulamada Baarlamaanka” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo sheegay inay isaga tagi doonaan kulamada Baarlamaanka haddii aan wax laga bedelin arrimaha noocaan oo kale ah.

Caasha Axmed Cabdala oo iyadu horey uga dhiidhisay fasixii hore ayaa midkaan waxa ay sheegtay in uu yahay mid la doonayo in laga careysiiyo Xildhibaanada si ay uga huleelaan Magaalada Baydhabo oo inta yarta ah ee soo harta laga fushado wixii la doono, balse waxay sheegtay in taasi ay tahay mid aan suuragal ahayn. “waa wax layaab leh in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yiraahdo waxaa idin siiyay fasax, iyadoo la og yahay in Baarlamaanka hor yaalaan ajandayaal’ ayay tiri Caasha Axmed Cabdala oo sheegtay in Guddoomiyaha Baaarlamaanka uu joojiyo waxyaabaha dhegta loogu soo sheegayo, waan mid uusan ku shaqeyn karin Golaha Baarlamaanka”, Sidoo kale Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka ayaa iyagu si dabacsaan ah ku soo dhaweeyay fasaxaas iyagoo sheegay in mudo shan maalmood ah aysan waxba ka dhimi karin kulamada Baarlamaanka, balse waxay codsadeen in aan dib dambe loogu celin fasax noocaan oo kale ah oo ay sheegeen in uu yahay mid kala dhantaalaya Kulamada Baarlamaanka.

Shiikh caan ah oo lagu dilay Magaalada Garoowe ee maamul Goleedka Puntland ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Gobalka Nuugaal waxay sheegayaan in shalay subax Magaaladaasi lagu dilay shiikh caan ka ahaa Magaaladaasi ama deegaanada Puntland lagu magacaabi jiray Shiikh Max’ed C/raxmaan Ilaaq oo ka mid ahaa Culuma’udiinka sida weyn looga yaqaanay deeganadaasi.

Dilka Shiikha waxaa gaystay nin adeer u ahaa oo lagu magacaabo Ciise Ilaaq, ilaa iyo hadda lama oga sababaha loo dilay shiikhaasi balse warar ayaa waxay sheegayaan in dilka Shiikha la xiriirinayo muran dhuleed oo dhinaca dhaxaltooyada ah.

Gacan ku dhiiglihii dilay Shiikha oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Booliiska ee Maamul Gobaleedka Puntland ayaa haatan ku xiran xabsiga Magaalada Garoowe waxaana la filayaa in si dhaqsi leh loo soo taago Maxkamad.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo mar kale galaya fasax ilaa mudo tobaad ah..

Maalintii shalay ahayd ayaa kulan waxaa isugu yimid Golaha Baarlamaanka, waxaana shir gudoominayay Guddoomi-aha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana la filayay in shalay looga doodo arrimo la xiriira dhameystirka Guddiyadii Baarlamaanka, iyadoo intii aan la gelin dooda ajandayaasha uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay in xubnaha Baarlamaanka ay fasaxan yihiin mudo todobaad ah laga bilaabo maanta ilaa iyo maalinta Sabtida ah ee soo socota, waxaana la sheegay in arrimaha loo fasaxay ay tahay iyadoo weli hoolka shirarka ee Baarlamaanka ay dayactir ku socota, sidoo kale waxaa xubnaha Baarlamaanka loo sheegay in ay ka soo baaraan-degaan ajandayaasah hor yaal Baarlamaanka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa la sheegay in ay si aad ah uga caroodeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka mar kale uu kala diro Xildhibaanada iyadoo ay hor yaalaan howlo culus oo u aadan xaaladda dalka uu marayo haatan.

Ururka Garyaqaanada Somaaliyeed oo walaac ka muujiyay xaalufinta lagu hayo dhirta Soomaaliyeed.

Ururka Khareenada Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay Xaalufka naxariista darada ah ee ka socda Wadanka, taasoo ay sheegeen in ay keeneyso dhibaato weyn oo si xun u taabaneysa shacbiga Soomaaliyeed guud haan, gaar ahaanna Nimcooleyda iyo xoolaha duur joogta ah haddii aan laga hortagin.

“Dhirta oo la baabi’iyo waxay keeneysaa Dhibaato aan la qaadi karin, sida roobka oo yaraada, dhulka oo noqda mid lama dagaan ah, nolosha dadka iyo duunyada oo culeys soo wajaho” ayuu yiri Prof. Maxamuud Cali Daahir (Guure) oo ah Guddoomiyaha Garyaqaanada Soomaaliyeed (SLS) wuxuuna intaa ku daray “maadaama aysan jirin dowlad shaqeysa, waxaa waajib ka saaran yahay joojinta Xaalufkaa lagula kacayo dhirta wadanka shacbiga Soomaaliyeed oo ay wax ka qabtaan kuwa ku dhaqaaqaya falkaa naxariista darada ah ee aan damiir iyo wadanimo lahayn”, waxa kalloo uu sheegay in Dowladaha dhiirigelinaya Xaalufka lagu hayo wadanka in ay maxkamad la tiigsan doonaan, wuxuuna ugu baaqay Dowladahaasi in si deg deg ah u joojiyaan Dhuxusha sida sharci darada ah looga keenayo dhulka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii wuxuu uga digay kuwa guraya iyo kuwa fududeenayaba in ay gacanta kula jiraan fal dambiyeed oo ku xusan sharciga Soomaaliyeed.

Maleeshiyo daacad u ah Yuusuf Daba-Geed oo weerar ku qabsaday Degmada Buula Barde ee Gobalka Hiiraan...

Maleeshiyo daacad u ah Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-Geed) ayaa waxay weerar ku qaadeen oo ay qabsadeen Magaalada Buula Barde ee Gobalka Hiiraan.

Maleeshiyadaas ayaa la sheegay in ay halkaasi ka saareen kuwii horey u joogay oo caacadda u ahaa Guddoomiyaha degmada Buula Barde Cabdi Iidow Sabriye, waxaana la sheegay in Cabdi Iidow uu ku sugan yahay Magaalada Buula Barde oo uusan ka bixin gurigiisii.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ee ka soo jeeda Gobalka Hiiraan ayaa cambaareeyay falkaasi, waxayna sheegeen in uu ka dambeeyay Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) kaddib markii uu gacan siiyay maleeshiyada Daba-Geed, sidoo kale waxay ku eedeeyeen arrintaani Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali Max’ed Geedi.

“Haddii aan deg deg looga saarin Ciidamada halkaasi, waxay keeni doontaa cawaaqib xumo” ayay yiraahdeen Xildhibaanada oo sheegay in aysanba aqoonsaneyn Guddoomiyanimada Yuusuf Daba-Geed oo ay sheegeen in uu yahay Guddoomiye aan la isku raacsaneyn oo aan ku imaanin rabitaanka shacabka Gobalka Hiiraan.

Sidii loo magacaabay Yuusuf Daba-Geed waxaa ka jiray gobalka Hiiraan qalalaase dhinaca siyaasadda ah, waxaana gobalka ka dhacay dhowr jeer iska hor imaadyo u dhexeeyay Maleeshiyooyin kala taageersan qabablayaasha halkaasi ku sugan

Hay’adda FATXA oo Barnaamij wacyigelin ah ka sameysay Xaafadaha iyo Dugsiyada Gobalka Banaadir...

Hay’adda FATXA (Women Relief Development Organization) ayaa barnaamij wacyigelin ah ka fuleysay xaafadaha iyo Dugsiyada Gobalka Banaadir kaasoo la xiriira Cudurka Aids-ka kaddib markii Hay’addu sheegtay in uu si weyn ugu soo kordhaayo dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Faadumo Xasan Diirshe ayaa waxay sheegtay in barnaamijkaasi uu socday mudo todobaad ah, ayna dadka ku baraarujinayeen sidii looga hortagi lahaa cudurkaas maadaama ay Soomaaliya deris la tahay wadamo uu aafeeyay cudurkaasi.

“Dadkii aan la kulanay waxay noo sheegeen in cudurkaani uu yahay mid jira oo u baahan in si wadajir ah looga hortago” ayay tiri Faadumo Xasan Diirshe oo intaa raacisay, ‘waxaan wacyigelin xitaa aan ka sameenay goobaha ay dadku isugu tagaan sida Suuqyada, Shineemooyinka iyo Goobo kale” .

Faadumo waxay sheegtay in intii ay marayeen xaafadaha Gobalka Banaadir ay dadka si aad ah u soo dhaweenayeen in la taageero barnaamijka Wacyigelinta si looga hortago Qatarta cudurkaas.

Mar aan wax ka weydiinay xadiga qiyaasta cudurka Aids-ka ee dalka, waxay tiri Faadumo “sanadkii hore waxa uu ahaa 1% haatan waxa uu marayaa 2%, waana qiyaas marka la fiiriyo aad u badan.

Ugu dambeyntii waxa ay sheegtay Faadumo Xasan Diirshe in Barnaamijka wacyigelinta ah ee ay wado Hay’addeedu ay ku balaarin doonto guud ahaan dalka si looga hortago qatarta cudurkaasi oo ah mid si weyn Aadduunka haatan ula dagaalamyo.

Midowga Jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed oo uga mahadceliyay dadaalka ay wadaan Odoyaasha..

Ururka Midowga Jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed (UWSLF) isagoo ka ambaqaadaya ujeedooyinkii ku saleysnaa himilooyinka Shacabka Soomaali Galbeed, ayaa waxa uu caddeeyay in uu soo dhaweenayo dadaalka ay wadaan Odoyaasha Dhaqanka, Salaadiinta Soomaali Galbeed ee ku aadan xal u helidda dhibaatada daba dheeraatay ee wadanka Soomaali Galbeed.

Ururku wuxuu u mahadcelinayaa Odoyaasha sida xil kasnimada leh uga danqaday dhibaatada dadkooda uguna dhabar adeegeen dadaalkaas ay ummadda soo wadeen, wuxuuna ururku ugu baaqayaa inay sii wadaan dadaalkaas kana fiijignaadaan dhibaatooyinka Caddow iyo wax kasta oo sumcaddooda hoos u dhigaya dhuminayana Dalka, Diinta iyo Dadka Soomaali Galbeed.

Ururku waxa u sheegay in shacabka Soomaali Galbeedy maanka ku hayaan Gumeysiga Itoobiya in uu yahay sababta ugu weyn ee keentay dibin daabyada soo daashatay iyo saxariirta soo jireenka ah, isla markaana ay adag tahay in Itoobiya ay daacad ka noqoto dadaal kasta oo loo galo xal u helidda qadiyadda Soomaali Galbeed.

Ugu dambeyntii Ururku waxa uu Alle uga baryayaa in shacabka Soomaali Gelbeed ka dul qaado gumeysiga facood ka reebay iyo Abaaraha

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 13, 2006

Barre Hiiraale iyo Cabdi Cigaal oo soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeyey..
»Heshiis buuxa oo laga gaaray shaqaaqooyinkii Kismaayo
»Geeddi oo markii ugu horeysay shir Gudoomiyey Kulankii..
»Shirka Golaha wasiirada DFK la iskula soo qaaday amaanka
»Ururka Garoobada oo ka cabanaya ganacsato loogu...
»Ciidamada Itoobiya ee soo galay Deegaanka Buulo Xaawo
»C/llaahi Yuusuf oo la filayo in Nairobi kulan kula yeesho..
wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 12

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD