SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Faalo: Abaaraha ka Aloosan Gobalka Gedo 

C/risaaq Cali Adam(Jeesteeye)

Abdirizak12@hotmail.com

Cleveland,Ohio,USA

Maarso 12, 2006


NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN

Haraaga Taalladii SYL ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Isha sawirkan: www.syl2.s5.com
 

SYL

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

  • C/qaadir Sakhaawadiin
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
  • Sayid Xirsi Nuur
  • Maxamuud Cusmaan Baarbe
  • Daahir X Cusmaan Sharmaarke
  • Xaaji Muxumed Xuseen
  • Khaliif Hundow Macalim
  • Muxumed Faarax Hilowle
  • Muxumed Cabdulle Xayeesi
  • Cusmaan Geedi Raage
  • Dheere X Dheere
  • Muxamed Cali Nuur
  • Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban oo SYL ka akhri halkan

Gobalka Gedo oo ah gobalka labaad ee dalka Soomaaliya ugu weyn oo ka kooban 7 degmo oo kala ah: Luuq Ganaane, Dolow, B/xaawo, G/hareey, B/dhuubo, Bardheere iyo Ceelwaaq ,xuduud dheerna la leh wadamada Itoobiya iyo Kenya oo xiriir dheer oo ganacsi la leh wadanka Sooomaaliya ayaa waxaa dhex mara mid ka mid ah Labada webi ee dalka ugu weyn waa wabiga Jubba.Wuxuu kaloo gobalku xuduud la leeyahay Afar Gobal oo kala ah:goboladda Baay, Bakool, Jubbada Dhexe Iyo jubbada Hoose.

Gobalka oo haatan u muuqday inuu kasoo kabanayay dhibaatooyin fara badan ee uu gaystay dagaaladii soo noqnoqday ayaa haatan waxaa ka jiro abaar ba`an oo ka dhalatay roob la`aan xilliyadii ugu danbeeyay taasoo haatan xaaladda gobalka ka dhigaysa mid aad u liidata.

Waxaa si joogta ah u dhamaanaya xoolihii dadka ku nolaa iyadoo nolasha shacabka gobalka ay intooda badan ku tiirsantahay xoolaha sida geela, Lo`da Ariga iyo noolaha kale ee la isticmaalo sida dameeraha iyo fardaha ayaa intuba si daran o dhamaanaya abarta awgeed,waxayna dharbaaxada abaareed ee ugu daran haleeshay Loda, idaha iyo Dameeraha iyada oo uusan jirin tirakoob rasmi ah ee tirada xoolaha le`day madaama ay xaddiga ka baxday

 
Haraadiga xoolaha nool,gaar-ahaan Lo`da ayaa laga xanibay foofkii caadiga ah iyadoo magaalooyinka looga dhisay dhismooyin lagu xanaaneeyo si looga baajiyo haraadka qoraxda iyo haybsiga degaamo maran oo aan wax daaq ah lahayn,waxayna xooluhu dadka la qaybsadeen nolol-maalmeedkii qoysaska iyadoo si joogta ah loogu quudiyo qaybo ka mid ah baad-ka iyo iyo biyaha qoys-ka.
 
Waxaa macaluul iyo nafaqao darro u dhimanayo dadkii ay xoolohoodii dhafeen ee intooda badan degenaa degaamada miyiga ,garahaan dumarka, caruurta iyo dadka da`da ah kadib markay soo wajahday biyo iyo baad la`aan daran.
 
Wariyayaal ka tirsan shabakada warbaahinta ee Gedo News Network oo safar ku maray degaamada miyiga ee Gobalka Gedo ayaa soo tabiyay inay wadooyinka ku arkeen xoolo badan oo baqti ah oo haraad u le`day iyadoo xataa waxyaabaha la yaabka leh ay soo arkeen ay ka mid yihiin shimbirihii oo laf ahaantooda dhamaanaya"Waxaad ku dul socdaalaysaa ciid qayaxan oo aan lahayn daaq jiilaal,waxaana ku soo wajahaya wax u muuqdo qiiq iyo uuro kasoo baxaya buuraha,kaymaha iyo dooxooyinkii hodan-ka ku ahaa dhirta iyo daaqa, waxayna arrintaani ka dhalatay isbahaysiga abaarta ba`an iyo kulkii oo kor u kacay heerkii ugu sareeyay ee uu abad gaaro." ayuu yiri wariye Axmed Gaaruf.
 
 Gabar magaceeda la yiraahdo Xaliimo oo wariye C/rizaaq sanka kula kulmay meel wax yar u jirta tuulada Caracasa ayaa iyadana tiri"Waxaan jiraa 32 sano waligay ma arag biyo la`aan sidaan u daran,waxaan hayaa hooyaday oo 80 jir ah waxana qarka u saaranahay inaan haraad u le`ano."
 
Waxaa meesha ka baxay ilihii biyaha sida ceel-gameedyada,matooradii iyo warihii gacan ku samayska ahaa ay ka cabi juraa dadka iyo duunyada kadib marki ay iloboyoodyadaasi u qaybsameen kuawa gabi-ahaanba guray iyo kuwa dhalan-gadoomay dhadhan ahaan iyo muaqaal ahaanba waxayna biyahaani doorsoomay sababeen cudurro ay ka mid yihiin shuban iyo xumad ku dhufatay degaamo badan oo gobalka Gedo ka tirsan.
Waxaa iska soo dabadhacaya dad abaarta labarakacay oo kasoo ahyaamaya deegaamada miyiga ah iyaga oo soo beegsanaya magaalooyinka si ay u helaan daryeel dhjaqaalo iyo mid caafimaad.
 
Gobalka Gedo inkasoo uu haatan leeyahay gudoomiye gobal oo uu soo magacaabay raysul wasaaraha dowlada Federaalka Cali Maxamed Geedi haddana ma jiro maamul midaysan taasoo keentay in magaalo walba ay iskeed ay qayla dhaan abarareed u soo saarto taasoo dadka u dhuunduleelo xaalada gobalka ay ku macneeyeen inay ka mid tahay sababihii keenay daahidii kal hore ay hay`adaha Qaramada Midoobay ay gargaarkii kala dahaan dadkaan lagu qiyaasi karo Kumanaanka isugu jiro noocyada kala duwan ee bulshada ay soo foodsaartay xaalada lagu tilmaami karo masiibo bani`aadanimo oo lixaad leh.
 
Axmed Maxamed Yusuf(Burkuus) oo hadda hogaamiya maamulka cusub ee dagmada B/xaawo u sameyeen qaar ka mid ah xubnaha Labadda Gole ee dowlada Federaalka oo aan khadka taleefanka magaalada B/xaawo kula xiriiray ayaan kala sheekaystay xaalada abareed ee gobalka wuxuuna ugu horayntii mahad balaaran u soo jeediyay dhamaan walaalaha soomaaliyeed ee ka qaybqaatay gurmadka abaaraha ,wuxuuna xusay inkastoo gobalka deeqo kala duwan ay soo gareen haddana abaartii inay wali jito oo waliba xaalka gobalka uu la ildaranyahay abaarta.
 
Morris Rukungu oo ah Madax hay`adda Norwegian Church Aid(NCA) oo xarunteedu tahay Caasimadda Gobalka Gedo ee Garbahareey oo dhawaan safar ku tagay qaybo ka mid ah Gobalka Gedo oo aan ku gaaray xafiiskiisa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaan wax ka weydiiyay sida xaaladdu abaartu Gobalka tahay. Wuxuu ii sheegay xaaladda abaarta inay tahay mid aad u daran oo halis ah "Markaad safartid oo gaarigga aad la socoto ku yara hagado tuulooyinka qaarkood waxaa kugu soo xoomayo dad haraadsan oo aan ku weydiinayn raashin,lacag iyo nafci kale balse waxay ku haybinayaan biyo ay cabaan"ayuu yiri Morris. Waligay intaa noolaa ma arag dad biyo la`aan sidaan u daran ay soo wajahday ayuu raaciyay. Wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqay inay gargaarn balaaran lasoo gaaraan dadkaan Kumanaanka Kun ah oo xaaladooda qarka u saaran inay dhamadaan biyo iyo baad la`aan awgood. 
 
Gurmadka Abaaraha iyo Hay`adaha Caalamiga Kuwa Dowliga iyo Kuwaan Dowliga ahayn:
 
Hay,adda Care International ayaa waxa ay deeq raashin ah si is daba jog ah u gaarsiinaysay qeybaha waqooyi ee Gobolka Gedo. kuwaasoo ay kamid yihiin dhulka deegaamada B/xaawo, Dooloow iyo waliba Luuq, hay`addan Care international ayaa waxa ay goobahaasi gaarsiiyay raashin dhan boqolaal ton oo raashin isugu jira galey, haruur iyo saliid waxaa kaloo ay hay`adda Care gaarsiisay goor sii hoerysay degaankaasi deeqo ah teendhooyin waxyaale kale.
Degaamadii aan horey u soo magacaabay ayaa waxaa dhawaantan la gaarsiiyay deeqo kale oo isugu jiray qalabka ceelasha raashin noocyadiisu ahaayeen bariis iyo saliid iyo waliba deeq waraab ah oo biyo lagu gaarsiinayo dadka ay abaaru saameyeen kuwaasoo ay ka qeyb qaadanayaa ku dhawaad 20 booyadood iyadoona howlahani ay gacan ka geysanayaa qaar kamid ah jaalidaha soomaalida ee u dhashay gobolka, hay,adda wakaalada muslimiinta afrika, gudiga gurmadka abaaraha G.banaadir iyo maamulo iyo waliba ururo is xil qaamay.

Dhanka koonfurta G/Gedo meelaha ay hay`addaha wax ka qabteen ayaa waxaa kamid ah:

Tan iyo mudadii ay abaartu bilaabay ayaa waxaa markii ugu horeysay ay hay`addaha ICRC da iyo WFP ay deeq ballaaran oo isugu jirtay galey, saliid iyo digir ay gaarsiiyeen tan iyo horaantii bishaan xiligaasoo ay hay`addahani ay deeqdan siiyen dad ku nool deegaamo ay kamid yihiin Faafax-dhuun, Faanweyn ,Daar , Daarisalaam , Dhaso,Samaroole, Ceelcade, Ceel-guduud, Buurdhuubo, Garbahaareey, Baardheere, Hureynaa, Sarinleey, Dhoobleey , Buusaar Cows-qurun,Juungal iyo melo kale oo aad u tira badan.

Waxaa kaloo xusid mudan in ay hay`adda ICRCda ay sidoo kale booyado u kireysay degaamo ay maid tahay nawaaxiga Qadiijo Xaaji
Sidoo kale waxaa jiray kaalmooyin ay si isdaba joog ah u soo gaarsiinayeen goobaha ay nu horey u soo xusnay qaar ka mid ah jaaliyadaha soomaaliyada, gudiga gurmad ka abaaraha, hay,adda samsam foundation ee magaalada muqdisho iyo dhaqaatiirta isbitalka carafaad , hay`adda Afrikan Muslim Agency iyo waliba ururo kale oo badan  
 
Kaalinta Lama ilaabaanka ah ay Jaaliyadaha dibadda ka qateen Gurmadka Abaaraha Gedo
 
Wadanka Soomaaliya oo aan lahayn dowlad Dhexe oo aan itaal leh oo la dagaalanta masiibooyinka dalka soo wajaha sida baaraha haatan dalka ku dhuftay ayaa alaaba waxaa dhacda in bulshooyinka gudaha dalka ku nool ay miciin bidaan walaalahooda dibadaha ku nool si ay uga kaalmeeyaan dhibaatooyinka soo wajaha maadaama ay aaminsanyihiin inay dhaqaalo ahaan iyo nololba ay ka wanaagsan yihiin.Jaaliyada Soomaalidda ee kasoo jeeda gobalka Gedo ee dibadaha ku dhaqan ayaa dhankooda bilaabay ololo xoog badan oo dhaqaalo uruurin ah si ay uga qaybqataan gurmadka abaaraha gobalka.Waxay jaaliyadaha ku dahqan Waqooyiga America,Yurub,Ausrtalia,Newszealand,Koonfur Afrika samaysteen guddiyo loogu magacdaray Gurmadka Abaraha.Waxaa xusid mudan dhanka kale dhaliil ah inay jaaliyadha dibadaha isku dayin inay samaystaan Hal Guddi oo ay ku midaysan yihiin dhamaan guddiyada gurmadka abaarha ay samaysteen jaaliyadha ku dhaqan dunida dafaheeda,iyadoo si taasi la mid ah ay daka gudaha ku dhaqan ay ku guuldaraysteen inay samaystaan guddi gobal oo lagala xisaabtamo wixii loo dirro inkastoo Guddiga uu madaxda u yahay Gudoomiyaha gobalka Mudane Xuseen fareey haatan uu yahay midka matala dhamaan gobalka Gedo
 
Gudiga gurmadka abaaraha ayaa waxaa uu u soo diray degaamadani koonfureed ee gobolka ilaa 7 booyadood oo haatan si toos ah uga howl gala inkabadan 10 tuulo iyo degaamo ku xeeran
isku soo wada duuduuboo inkastoo ay kaalmooyinka la gaarsiinayo dadkaasi ay si tartartiib ah u soo liicayaan ayaa haddana arrintu wali waxa ay u muuqataa fara kama qodna faanoole oo xitaa waxaa wali soconaya qeylo dhaanta abaaraha oo maalmihii aynu ka soo gudubnay la shaaciyay in ay degaanka hereerbiyood oo ka mid ah faafaxdhuun ay 5 qof haraad ugu geeriyoodeen.
 
Warbxintaani waxaa laga soo uruuriyay wariyayaasha Gedonet ee gobalka Gedo,dad gobalkii booqday,dad xogogaal u ah arrimha gobalka iyo hay`adha samafalka ee ka hawlgala gobalka.
 
Waxaa soo uruuriyay soona diyaariyay Agaasimaha Gedo News Network:
C/risaaq Cali Adam(Jeesteeye)
Cleveland,Ohio,USA

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD