SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 12, 2006

  • Geeddi oo markii ugu horeysay shir Gudoomiyey Kulankii Golaha..

  • Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya oo Sabtidii la iskula soo qaaday Amaanka Dalka iyo Abaaraha Ka jira Gobolada qaar

  • Barre Hiiraale iyo Cabdi Cigaal oo soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeyey..

  • Heshiis buuxa oo laga gaaray shaqaaqooyinkii Kismaayo

  • Ururka Garoobada oo ka cabanaya ganacsato loogu soo dhiibay raashin Deeq ah oo kaga yimid Imaaraadka...

  • C/llaahi Yuusuf oo la filayo in Magaalada Nairobi kulan kula yeesho..

  • Ciidamada Itoobiya ee soo galay Deegaanka.Buulo Xaawo oo dib uga laabtey.


NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN

Haraaga Taalladii SYL ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Isha sawirkan: www.syl2.s5.com
 

SYL

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

  • C/qaadir Sakhaawadiin
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
  • Sayid Xirsi Nuur
  • Maxamuud Cusmaan Baarbe
  • Daahir X Cusmaan Sharmaarke
  • Xaaji Muxumed Xuseen
  • Khaliif Hundow Macalim
  • Muxumed Faarax Hilowle
  • Muxumed Cabdulle Xayeesi
  • Cusmaan Geedi Raage
  • Dheere X Dheere
  • Muxamed Cali Nuur
  • Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban oo SYL ka akhri halkan

Geeddi oo markii ugu horeysay shir Gudoomiyey Kulankii Golaha..

W/.D: Amiin Yuusuf

Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay kal fadhi ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka, waxaana shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxaana kulankaasi ka maqnaa oo keliya Wasiirada hubeysan ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulankaa ayaa waxaa si weyn looga hadlay Baasaboorka Soomaaliya oo isagu aan aqoonsi ka haysan inta badan wadamada Caalamka, iyadoo qaar ka mid ah Wasiirada ay soo jeediyeen in si dhaqsi leh loo bedelo Baasaboorkii hore lana soo daabaco Baasaboor casri ah.

Kuwo kale ayaa waxay soo jeediyeen in Baasaboorkii hore dib loo daabaco meelaha qaarkoodna wax laga bedelo, intii uu kulankaasi socdayna waxaa hadal ka jeediyay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta uu shir guddoomiyo Kulankii Wasiirada oo uu sheegay in uu mudo kala maqnaa, wuxuu kalloo uga warbixiyay Wasiirada waxyaabihii u qabsoomay Dowladda mudadii sanadka ahayd ee ay kala maqneyd, (Akhri Qodobka warkan xiga oo ku saabsan wararka xafiiska ra'iisul wasaaraha)

Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya oo Sabtidii la iskula soo qaaday Amaanka Dalka iyo Abaaraha Ka jira Gobolada qaar

Golaha wasiirada dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Sabtidii (March 11) markii ugu horeysay kulan xasaasi ah isugu yimid Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay ee uu dhawaanahanba ka socday shirka Barlamaanka Soomaaliya.

qodobada shirka looga hadlayay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa amniga qaranka iyo arrimaha socdaalka iyo Baasaboorada, iyada oo ay soo xaadireen xubno kor u dhaafaya 70 meeyo oo ka tirsan golaha xukuumadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra'isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi oo shirka guddoominayey ayaa ugu horeyntii xubnaha golaha xukuumadda isla soo qaadeen, sidii loo dardar galin lahaa ajandaha ku saabsan amniga qaranka iyo arrimaha socdaalka, oo ay wasiirada ku tilmaameen in ay nasiib darro tahay in Baasaboorka soomaaliga uu sida xaashi oo kale ka yahay meelo ka mid ah caalamka.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa saxaafadda gudaha iyo dibadda uga waramay shirka go'aanada ka soo baxay waxana uu cadeeyay iin la isku raacay in la sameeyo gudi ka shaqeeya amniga qaranka, Gudi soo diyaarinta miisaaniyadda, Gudiga nabadgalyada iyo xasilooni soo celinat iyo ilo dhaqaale iyo gudiga dhameystirka heerka golaha wasiirada iyo gudiga so bandhigida baasaboor caalami ah oo la aqoonsan yahay iyo gudiyo kale.

waxa kale oo uu wasiirku sheegay in kulanka looga hadlay arimaha abaaraha ka jira Somalia iyo sidii loo samata bixin lahaa, isagoo sheegay in gudiyo isugu jira wasiiro iyo wasiir K/xieeno maalinta berri ah loo diri doono deegaanka Salagle oo dhowaan dab qadsaday qasaaro weyn uu ka soo gaaray dad rayid ah, iyada oo beri wasiiradaasi ay u ambabixi doonaan deegaankaasi oo ay qiimayn ku soo sameyn doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi ayaai intii u shirka socday  mar kale ku celiyay baaqiisii ahaa in beesha Caalamka ay kaalmo la soo gaarto soomaaliya, isaga oo umadda soomaaliyeedna ugu baaqay in iyaga laftooda ay door wax ku oolka ah ka qaataan samatabixinta dadka walaalahooga ah ee ku dhibaataysan meelo ka tirsan gobolada Dalka.

waxa uu Prof Geeddi sheegay in ay kulamo ay la qaateen wakiilo ka socda beesha Caalamka iyo dalalka kale ee deeqaha bixiya ay isku afgarteen in gurmad lala soo gaaro soomaalida, iyada oo aduun weynuhu uu la shaqeynayo guddiga qaran ee Ra'iisul Wasaaruhu u magacaabay arrimaha abaaraha, ee uu madaxda u yahay Prof Saalim Caliyoow Ibroow Ku-xigeenka Ra'iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Maaliyadda, iyada oo arrinta abaaraha ay ajanda weyn ka ahayd kulankii Golaha Wasiirada ee Maanta

waxa kale oo wasiirada ay maanta ka doodeen arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay baraarujinta dadweynaha, iyo in sidoo kale ay ugu baaqeen umadda soomaaliyeed in ay dowladda ka gacan siiso sidii loo samatabixin lahaa dalka soomaaliya.

Mohamed Yusuf Ahmed |
maxamedyuusuf@gmail.com
Prime Minister Office/media Department


Barre Hiiraale iyo Cabdi Cigaal oo soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeyey..

W/.D: Amiin Yuusuf

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahyad Magaaladaasi ku kulmeen Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Col. Cabdi Cigaal oo iyagu mudo kal hore ku dagalamay Magaalada Kismaayo.

Kulankaan waxaa soo qaban-qaabiyay Odoyaasha iyo waxgaradka ay ka soo kala jeedaan labada Korneyl, waxaana kalloo ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada iyadoo kulankaas si qoto dheer looga hadlay waxyaabihii dhaliyay khilaafka, waxaana Barre Hiraale iyo col. Cabdi Cigaal ay garwaaqsadeen in dagaalkii dhex maray uu ahaa mid aan loo baahneyn.

Barre Hiiraale iyo Col. Cigaal ayaa iyagu is gacan qaaday, waxayna halkaasi ka caddeeyeen in ay soo gebgabeeyeen khilaafkii u dhexeeyay labadooda, waxaana heshiiskaas si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha ku nool Gobalka Jubbadda Hoose. (War dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska Kismaayo hoos ka akhri]

Heshiis buuxa oo laga gaaray shaqaaqooyinkii Kismaayo

Qore: cabdi khadar Nuur

Xaflad lagu saxiixayay heshiis lagu soo gebagebaynayay shaqaaqooyin muddooyinkii la soo dhaafayba ka taagnaa xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa Sabtidii March 11 waxa ay ka dhacday xarunta Baranwaa ee Isbahaysiga Dooxada Jubba.

Xafladdaan oo ay ka soo qayb galeen odayaal iyo wax garad iyo weliba siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Sade gaar ahaanna beesha Maxamed Ammaanreer iyo weliba madaxda sarsare ee isbahaysiga dooxada Jubba ayaa waxaa lagu kala saxiixday heshiis ka koobnaa 5 qofob oo kala ah:

In dadkii ku dhintay dagaalladii dhowaanahan ka dhacay magaalada Kismaayo ee dhex maray maleeshiyooyinka Isbahaysiga Dooxada Jubba ay diyadooda bixiyaan Isbahaysiga Dooxada Jubba (Diyadoodana waxaa qofkiiba lagu qiimeeyay 64,000,000 SSH)
In la daryeelo dadkii ku dhaawacmay dagaalladaas.
In la celiyo wixii fur ah ee u caddaada beesha Maxamed Ammaanreer.
In Beesha Wagardhac laga qayb geliyo maamulka
In Ciidammada ku sugan xaafadda Guulwade ee beesha Wagardhac lagu daro ciidammada Isbahaysiga Dooxada Jubba.

Xafladdii heshiiskaas ayaa waxaa ka hadlay odayaal iyo wax garad badan oo ka soo jeeda beesha Sade, waxaana sidoo kale ka hadlay guddoomiye ku xigeenka IDJ xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar) oo muddaba ku hawlanaa dadaalka xal raadinta, waxana uu sheegay hawlihii dheeraa ee ay soo qabteen isaga iyo guddiga uu madaxda u ahaa ee dhexdhexaadinta.

Gebagebadii xafladda ayaa waxaa ka hadlay Col. Cabdi Cigaal Jaamac oo sheegay in colaaddii ay dhammaatay nabadna lagu beddelay, sidaas awgeedna wuxuu Alle ka baryay in uu nabaddan u xoojiyo. Ugu dambeyntii ayaa waxaa xafladdaas hadallo waano iyo tusaaleyn ah ku soo gebagebeeyay wasiirka wasaaradda dib u dhiska iyo dib u dejinta xildhibaan Barre Aadan Shire oo ka codsaday in heshiiskaas qoraal ahaanta loo gaaray ficil ahaanna isla haddaba loogu dhaqaaqo.

Guud ahaan xafladdan ayaa waxa ay ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxana xafladdaan ay soo afjaraysaa khilaafkii iyo dagaalkii ay dad gaaraya 55 ruux qaarna ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen ee ka dhacay xaafadda Calanley 16kii Jannaayo 2006, iyo weliba soo celintii Maleeshiyooyinkii ku sugnaa Kooyaame oo imaatinkoodii xaafadda Guulwade ay keentay shaqaaqooyin kale oo ay dad kale ku dhinteen.

Isku soo wada duuboo waxaa heshiiskaan soo dhoweeyay maleeshiyooyinkii ku sugnaa xaafadda Guulwade gaar ahaan guud ahaanna shucuubta ku dhmagaalada Kismaayoaqan

cabdiqadar84@hotmail.com


Ururka Garoobada oo ka cabanaya ganacsato loogu soo dhiibay raashin Deeq ah oo kaga yimid Imaaraadka...

Guddoomiyaha ururka Garoobada Soomaaliyeed Marwo Xaliimo Cali Caynte oo wargeyska Ayaamaha xafiiskiisa ugu warantay ayaa waxey sheegtay in Guddi ganacsato oo jooga Imaaraadka ay la wareegeen raashin ururka Garoobada ay lahaayeen oo ay ugu deeqday Dowladda Imaaraadka Carabta qeybteeda hormarinta haweenka.

Raashinkan ayaa raritaankiisa wuxuu soo maray dhawr marxaladood iyadoo aakhiritaankii lagu heshiiyey in raashinkaasi ay la wareegaan ganacsato Soomaaliyeed si ay u geeyaan dakadda Ceel-macaan, uguna wareejiyaan Ururka Garoobada Soomaaliyeed.

Xaliima oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxey sheegtay in raashinkaasi dekedda Imaaraadka uu ka soo baxay dhawr todobaad ka hor, ilaa iyo haatanna uusan soo gaarin dekedda Ceel-macaan, waxeyna sheegtay mar ay la xiriitay ganacsatada wada raashin-kaasi inay ka aamuseen.

Xaliima waxey sheegtay in deeqdan codsigeeda ay gacan ka geysteen Wasaaradda Hormarinta reer Miyiga ee Dowladda federaalka iyo ururka Garoobada, waxeyna na tustay qoraalkii wasiirka iyo qoraalkii codsiga ahaa ee ay u direen hay’adda Hormarinta Haweenka ee Imaaraadka iyo waliba liiskii iyo magacyadii dadkii ay ugu talagaleen raashinkaasi.

Xaliima waxey kaloo sheegtay in raashinkaan iyana ay gacan ka geysatay wakiilka ururka Garoobada ee magaalada Dubai, Drs. Caasha Max’ud Cabdi Caraale, iyadoo wixii tafaasiila ay tilmaantay in lagala xiriiri karo Caasha.

Ugu dambeyntii Xaliima waxey sheegtay in raashinkaasi ay wali ka sugayaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo wixii la xiriira arrimaha raashinkaasi, iyadoo dhawaanna aan idin soo gudbin doono magaca ganacsatadii lagu amray in ay deeqdaasi gaarsiiyaan ururka Garoobada, sidoo kale waxey Xaliima noo sheegtay in lagala xiriiri karo Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta.

Ururka Garoobada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay sannadkii 1993-kii, sababihii loo aasaasayna waxey aheyd kaddib markii ay la kulmeen dhacdooyin ka dhacay waddanka intii dagaalada sokeeye lagu jiray, “Gabar qaxeysa oo ilmihii gacmaha ku jiideysa aana haysan saygeedii caawin lahaa, markii aan aragnay ayaa waxaa nagu dhalatay inaan sameyno ururkan” ayey tiri Guddoomiyaha Garoobada Xaliima Cali Caynte, wuxuuna ka shaqeeyaa qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, ururka intii uu dhisnaa wuxuu qabtay waxyaabo badan sida in dadka ay bareen, baahida loo qabo urur noocan oo kale ah in la helo, sidoo kale, waxey dadaal weyn u galeen sidii loo samatabixin lahaa gabdhaha Garoobada ee ay dhibaatada ka soo gaartay dagaalada sokeeye, gabdhaha ururka ku jira waxaa loo tababaray cilmi baaris ku saabsan tirakoobka haweenka Garoobada,

Wakiilka Garoobada ee Dunida Carabta
Caasha Max’ud Cabdi Caraale
00971505193134
Guddoomiyaha Garoobada
Xaliima Cali Caynte
00252-1-274753.
nsswgwidows@yahoo.com 


C/llaahi Yuusuf oo la filayo in Magaalada Nairobi kulan kula yeesho..

Warar aanu ka helnay Madaxtoonyada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxay Sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu dhawaan tagi doono Mgaalada Nairobi halkaas oo uu kaga qaybgali doono kulanka Madaxda Wadamada IGAD kaasoo looga hadlayo abaaraha ka jira qaar ka mid ah wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, hase yeeshee marka uu dhamaado kulankaasi ayaa la filayaa in Magaalada Nairobi uu kulan kula yeesho qaar ka mid ah Wasiirada Hubeysan ee Magaalada Muqdisho si loo dhameeyo khilaafyo yar yar oo jira. Waxaa kalloo la sheegay in kulanaasi uu imaan doono Gudoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Max’ed oo isna uu u dhexeeyo khilaaf aad u xoogan Madaxweynaha kaddib markii uu madaxweynaha ku eedeeyay in hubkii laga keenay dalka Yemen uu sheegay in loo qaybiyay beesha uu ka dhashay C/llaahi Yuusuf Axmed. Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta Wasiirada hubeysan uga maqan yihiin kulanka Baarlamaanka iyo kulanka Wasiirada ee ka socda Magaalada Baydhabo, balse intii uusan bilaaban Kulanka Baarlamaanka ayaa waxay wasiiradaani ay galeen dagaal ay ugu yeereen la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, dagaalkaas oo saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqoodii dhinaca safarada kaddib markii uu xirmay Garoonkii Diyaaradaha ee ku yaala duleedka Magaalada Muqdiso ee Deyniile uuna ka talinayay Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax. Dhawaan ayaa la filayay in Magaalada Jowhar kulan kula yeeshaan ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi si loo soo afjaro khilaafyada ka dhex jira Dowladda iyo Wasiiradaasi, inkastoo xubnaha ugu sareeya Dowladda mar la wax laga weydiiyay sida ay u arkaan la dagaalanka Argagixisada ayaa waxay sheegeen in mowqifka Dowladda uu yahay sidii looga hortagi lahaa kooxahaasi, iyadoo Ra’isul Wasaare Geedi uu sheegay in Dowladdu ay horey ugu talajirtay in ay magacowdo Guddi loogu magacdaray Guddiga ka hor taga kooxaha argagixisada, isagoo sheegay Geedi in kooxihii ku dhawaaqay isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ay ka hordhaceen Dowladda Federaalka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo ka cabanaya Ciidamada ku sugan..

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay si weyn uga cabanayaan Ciidamada ilaalada ka ah marka la galayo hoolka Weyn ee shirarka ee Gobalka Baarlamaanka.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in ciidamadaasi ay six un ula dhaqmaan, iyadoo maalintii shalay ahayd halkaas ay ka dhici gaartay gacan ka hadal, balse markii dambe la qaboojiyay.

Xildhibaanada waxay sheegeen in ciidamadaasi ay haatan u baahan yihiin tababar la xiriira sida loo baaro dadka iyo waliba sida loola dhaqmo.

Weriyaasheen halkaas ku sugan ayaa waxay sheegeen in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku hanjabeen in aysan dib dambe ugu soo laabaneyn halkaasi, haddii aan wax la qaban maleeshiyooyinka ku sugan halkaasi.

C/llaahi Yuusuf oo la filayo in maalinta.u ambabaxo Nairobi.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa in maalinta Talaadada uu u ambabaxo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qaybgalo kulanka Madaxda wadamada IGAD oo Arbacada ka furmaya Magaalada Nairobi.

Kulankaan oo looga hadlayo abaaraha ka jira Wadamada IGAD aya waxaa al filayaa in ay gargaar weydiistaan wadamada deeqda bixiya iyo Ha’adaha samafalka si loola tacaalo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta.

Ururka IGAD waxaa markii hore loo aasaasay sidii looga hartagi lahaa xaalufka iyo abaaraha ka jira wadamada Afrikada Bari, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd wadamadii aasaasay sanadkii 1986-dii.

Ciidamada Itoobiya ee soo galay Deegaanka.Buulo Xaawo oo dib uga laabtey.

Iyadoo dhawaan Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen Magaalada Buula Xaawo ayaa haddana wararka ka imaanay halkaasi waxay sheegayaan in Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ay halkaasi ka baxeen kaddib markii saraakiishii la socotay ay kulamo la yeesheen Odayaasha iyo Waxgaradka ku dhaqan Magaalada Buula Xaawo, Ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Magaaladaasi.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababihii Ciidamada Itoobiya ay u soo galeen Magaalada Buula Xaawo, balse waxgarad ka tirsan deegaanka ayaa waxay sheegeen in Ciidamada Itoobiya u yimaadaan sidii ay wax ugala qaban lahaayeen Dhinaca Nabadgelyada, waxaana la isku afgartay in la iska kaashado amaanka.

Ciidamada Itoobiya oo aad u hubeysnaa ayaa waxay dib ugu laabteen fariisimadoodii, iyagoo aan wax dhibaato ah gaarsiin dadka deegaanka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah soo galaan Gobalka Gedo, waxana markii ugu horeysay soo galeen gobalkaasi sanadkii 1996-dii xiligaas oo ay dagaal kula jireen Ururka AL-Itixaad.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 12, 2006

Yaaqshiid: Banaanbax looga soo horjeedo kooxihii dhawaan ku dhawaaqay Isbahaysiga
»Baaq: Kacdoon dhan ka ah hogaamiyayaasha hubaysan
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaaray Gobalka Gedo…
»Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray Ceel-Barde..
»Max’ed Dheere oo mamnuucay lacagtii horey loogu..
»Maalintii la dilay Elman oo loo aqoonsaday Maalinta Nabadda
»Muqdisho: Siminar ku saabsan Gudniinka Fircooniga..
»Dagaallo cadowga lagu naafeeyay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... March 11

Finland: Nin Soomaali ah oo Xaaskiisi Toorey ku dilay
Nin Soomaali ah oo da'diisu lagu sheegey 32 jir ayaa xaskiisii oo 27 jir Sooomali ah waxa uu..
Guji...

Dagaal xagga afka ah oo dhaxmaray Mareykanka iyo Iiraan


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD