SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 11, 2006

  • Banaanbax looga soo horjeedo kooxihii dhawaan ku dhawaaqay Isbahaysiga oo ka dhacay Yaqshiid..

  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaaray deegaano ka tirsan Gobalka Gedo…

  • Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Ceel-Barde..

  • Max’ed Dheere oo mamnuucay lacagtii horey loogu qaybiyay ciidamadii ku xareysnaa Kongo ..

  • Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Gobalka Banaadir oo soo saaray baaq ka kooban dhowr qodob..

  • Maalintii la dilay Elman oo loo aqoonsaday Maalinta Nabadda Soomaaliya..

  • Siminar ku saabsan Gudniinka Fircooniga oo lagu qabtay Muqdisho...

  •  Shacabka Soomaaliyeed oo loogu Baaqay in la abaabulo kacdoon ka dhan ah hogaamiye kooxeedyada hubeysan

  • Dagaallo cadowga lagu naafeeyay.


NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN

Haraaga Taalladii SYL ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Isha sawirkan: www.syl2.s5.com
 

SYL

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

  • C/qaadir Sakhaawadiin
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
  • Sayid Xirsi Nuur
  • Maxamuud Cusmaan Baarbe
  • Daahir X Cusmaan Sharmaarke
  • Xaaji Muxumed Xuseen
  • Khaliif Hundow Macalim
  • Muxumed Faarax Hilowle
  • Muxumed Cabdulle Xayeesi
  • Cusmaan Geedi Raage
  • Dheere X Dheere
  • Muxamed Cali Nuur
  • Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban oo SYL ka akhri halkan

Banaanbax looga soo horjeedo kooxihii dhawaan ku dhawaaqay Isbahaysiga oo ka dhacay Yaqshiid..

Shiikh Cali Dheere “ka digtoonaada caddowga Islaamka”

Shalay salaaddii Jimcaha kaddib ayaa dadweyne aad u fara badan waxay isugu soo baxeen fagaare ku yaala degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, waxaana banaanbaxaasi soo qaban-qaabiyay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, waxaana looga soo horjeeday kooxihii dhawaan ku dhawaaqay in ay sameeyeen Gole la magacbaxay Golaha Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada. Dadweynihii ka qaybgalay banaanbaxaasi ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen Doolar qaate Dooni meyo, “Waan la dagaalameynaa caddowga islaamka” iyo ereyo kale oo la mid ah, waxaana halkaasi hadalo ka soo jeeday qaar ka tirsan Culumad’udiinka waxaana ka mid ahaa aasaasihii Maxkamadaha Islaamiga ah ee sanadkii 1995-tii Shiikh Cali Dheere, wuxuuna dadkii ka qaybgalayay banaanbaxaasi ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan caddowga Islaamka, waxaa kalloo ka hadlay Shiikh Maxamuud Ibraahim Suuley oo isna yiri “Waqtigii ay Daalibaan xukumeysay dalka Afgaanistaan ayaa Mareykanku waxa uu ku yiri Malaayiin Doolar qaata ee soo dhiiba Usama Bin Laadin, si Saldanadiinu idinku badbaado, ayaa hogaamiyihii waqtigaas Mullah Max’ed ugu jawaabay, “Nin Muslin intaan gaal u gacangelin laheyn wax kasta aan ku weyno”.

Ka qaybgalayaasha banaanbaxa ayaa markii dambe waxay mareen wadooyinka Magaalada Muqdisho iyagoo aad u qiireysan oo shucuur aad u daran ka muuqato. Banaanbax kan la mid ah ayaa todobaadkii hore waxa uu ka dhacay Fagaaraha Tiribuunka oo looga soo horjeeday kooxihii dhawaan sameeyay Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisda, banaanbaxyadaan is daba jooga ah waxay muujinayaan sida shacabka Soomaaliyeed uga soo horjeedaan in dhibaato la gaarsiiyo diintooda iyo culumadooda, waxaana la filayaa in banaanbaxyo kuwaan la mid ah ay dhacaan todobaayada soo socda.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaaray deegaano ka tirsan Gobalka Gedo…

Wararka ka imaanaya Gobalka Gedo gaara haan degmada Buula Xaawo waxay sheegayaan in shalay subax ay halkaasi soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan, waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay ku faafeen dhamaan gudaha Magaalada, iyagoo shalay galabnimadii ciidamadaasi ay ka baxeen Magaalada ayna degeen meel dibadda ka ah Degamada Buula Xaawo.

Ciidankaan ilaa iyo hadda lama garanayo sababahay u yimaadeen magaalada Buula Xaawo mana ahan markii ugu horeysay ee ay ciidamo Itoobiyaan soo galaan degmada Buula Xaawo, waxayna sanadkii 1996-dii ayay Ciidamada Itoobiya soo galeen halkaasi, iyagoo waqtigaasi la sheegay in ay baacsanayeen ciidamo ka tirsanaa ururka Al-Itixaad oo fariisimo ku lahaa halkaasi.

Qaar ka mid ah odoyaasha deegaanka ka soo jeeda ayaa waxay sheegeen in imaashaha ciidamada itoobiya ku lug leeyihiin dad u dhashay gobalka oo doonaya in ay siyaabo kale uga faa’iideystaan ciidamadaasi Itoobiya ee soo galay Gedo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Ceel-Barde..

Wararka naga soo gaaraya Mgaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade ay u kicitimeen Magaalada Ceel-Barde ee Gobalka Bakool, waxaana la sheegay in markii ay halkaasi gaareen si weyn loogu soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa halkaa u tagay sidii nabadeyn iyo dib u heshiisiin u dhexdhigi lahaa beelo halkaas horey ugu dagaalamay iyo waliba sidii uu u soo eegi lahaa xaaladda abaarta ka jirata deegaankasi.

Guddoomiyaha waxa uu kulamo la yeeshay Waxgaradka, Odoyaasha iyo Malaaqyada deegaankasi oo ay isla soo qaadeen xaaladda deegaanka Ceel-Barde iyo Tuulooyinka ku xeeran, waxayna Dowladda ka codsadeen waxgaradka deegaankaasi in gargaar lala soo gaaro, maadaama ay abaar darani ka jirto deegaankaasi, waxaana la filayaa in Guddoomiyaha uu dib ugu soo laabto maanta Magaalada Baydhabo.

Max’ed Dheere oo mamnuucay lacagtii horey loogu qaybiyay ciidamadii ku xareysnaa Kongo ..

Iyadoo Ganacsatada Magaalada Jowhar ay si aad ugu jahwareereen lacag Shillin Soomaali ah oo mushaar ahaan loo siiyay ciidamadii ku xareysnaa Xerada Kongo ee laga keenay Puntland iyo Maleeshiyooyinka Max’ed Dheere ayaa waxaa dhacday in ganacsatada Degmada Jowhar ay si weyn u diideen lacagtaasi, taasina waxay keentay in dad fara badan loo xirxiro isla markaana xitaa dhac loo gaysto qaar ka mid ah ganacsatada, gaara haan kuwa iibiya Jaadka, waxyana arrintaani ka dambeysay markii Max’ed Dheere uu amray in lacagtaasi la qaato.

Markii uu istaagay Ganacsigii Magaalada Jowhar ayaa labo maalmood kale wareegto kale oo uu saaray Max’ed Dheere gebi ahaanba ku joojiyay lacagtaasi oo uu sheegay in ay ahayd mid been abuur ah.

Wareegtadu waxay sheegeysay in cidii lagu arko lacagtaasi ay mudan doonto ganaax iyo xabsi, waxaana arrintaasi si weyn soo dhaweyay ganacsatada degmada Jowhar oo iyagu sheegay in ganacsigooda laga xukumo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha.

Wararka naga soo gaaraya Jowhar waxay sheegayaan in dib loo furey ganacsigii, noloshii Magaalada Jowharna ay caadi ku soo laabatay, waxayna dadku u mahadceliyeen Max’ed Dheere oo ay sheegeen in uu yahay nin u damqanaya Ganacsatada.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Gobalka Banaadir oo soo saaray baaq ka kooban dhowr qodob..

Waxaa maalintii khamiista ahayd Huteelka Nabadda (Hotel Peace) ka dhacay kulan ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Bulshada, gaar ahaan bahda Waxbarashada, Shirkadaha Isgaarsiinta, bahda Caafimaadka, Hay’adaha Nabadda iyo Ganacsatada, waxaana kulankaasi looga hadlay xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho, waxaana xubnihii halkaas ka hadlay ka mid ahaa Xuseen Shiikh Axmed (Kadare) oo sheegay in nabadgelya xumida ka jirta Muqdisho ay sababteeda leeyihiin beelaha dega Magaalada.

Kulankaas waxaa laga soo saaray dhowr oo ay ka mid ahaayeen:, dagaalkii ka dhacay Muqdisho uu sababay khasaaro naf iyo maalba leh, in aysan marnaba ogolaan doonin dagaal dambe oo ka dhaca Magaalada Muqdiso, in la joojiyo faragelinta lagu hayo dalka gaar ahaan Mareykanka oo ay ka codsadeen in uu gacan ka gaysto isku keenidda shacabka Soomaaliyeed, waxa ay hambalyo u direen shirka ka socda Magaalad Baydhabo iyo qodobo kale. [Warkan oo Faahfaahsan iyo sawiro laga qaaday kulanka ka eeg dhank ahoose wararakan]

Maalintii la dilay Elman oo loo aqoonsaday Maalinta Nabadda Soomaaliya..

Maalintii Khamiista ahayd ayaa Hotel Naaso Hablood ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay xus loo sameynayay geeridii Marxuum Elman Cali Axmed oo isagu geeryooday 9-kii Bishii Maaarso 1996-dii ayaa waxaa xuskaas ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xafladdaan oo si heer sare leh soo agaasimahay ayaa ugu horeyntii halkaas waxaa lagu soo bandhigay boorar ay ku qornaayeen waxqabadkii Marxuum Elman gaar ahaan dhinaca nabadda, dib u dhiska iyo Iboortiga, waxaana dadkii ka qaybgalay xafladdaasi maaweelinayay kooxda Horyaal Band oo iyagu halkaas ku soo bandhigay Ruwaayad ka hadleysay waxqabadkii halyeeygaas.

Eng. Suudaani Cali Axmed oo madax ka ah Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadnaha ee Elman ayaa waxa uu ka warbixiyay waxqabadkii Marxuum Elman oo isagu sheegay in iyadoo ay socdeen dagaalo sokyeeye uu u ololeenayay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka, wuxuuna si gaar ah diyaaradda u saaray dhallinyarada oo ahaa xooggii waday dagaalada sokeeye, wuxuuna u buuray meherado uu kaga reebayay dagaaladii Sokeeye, Eng. Suudaan waxaa kalloo uu sheegay in Elman uu uruurin jiray carruurta dibjirka ah isaga oo siin jiray qalab ay Casseeye oo dusha ay kaga qorneyd “Tuugsi Maya Shaqo Haa”.

Intii xafladduu socotay ayaa waxaa la xoo xiriiray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo isagu sheegay in Elman Cali Axmed uu ahaa halyeey aysan hilmaamin doonin Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay Ra’isul Wasaaruhu in 9-ka Maarso ay Dowlada Federaalka u aqoonsaday Maalinta Nabadda Soomaaliya, waxaana arrintaan si weyn ugu farxay dhamaan inta nabadda jecel oo weli qalbigooda uusan ka go’in waxqabadkii Elman Cali Axmed, waxaana xafladaasi ka hadlay qaar ka mid ah dhallinyaradii uu waqtigaasi soo barbaariyay oo sheegay in aysan iloobi doonin Elman Cali Axmed.

Siminar ku saabsan Gudniinka Fircooniga oo lagu qabtay Muqdisho...

Waxaa maalintii khamiista ahayd Hotel Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay siminaar hal maalin ah oo looga hadlayay dhibaatada iyo waxyeelada gudniinka fircooniga ah, waxaana siminaarkaas iska kaashaday Hay’addaha Rianbo iyo Hay’adda COCO oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano (Community Concern Oganization) ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Gobalka Banaadir, Haween, Saxafiyiin iyo Dhallinyaro, waxaana ka furay Maryan Cabdule Qaawane oo iyadu sheegtay in loo howlgalo sidii loo suulin lahaa Guniinkaasi oo dhibaato ku haya Gabdhaha Soomaaliyeed, waxaa kalloo ka hadlay Aamino Cabdi Caga Baruur, oo iyana si aad ah uga hadashay waxyeelada guniinka Fircooniga ah oo ay sheegtay in dalkeena Soomaaliya uu si aad ah ugu badan yahay Gudniinka ficooniga ah (FGM), waxaa kalloo ka hadlay Aamin Xaaji Jimcaale iyo Caasho Cabdi Diini oo iyagu kula dardaarmay ka qaybgalayaasha in casharada ay halkaan ka faa’iideysteen u gudbiyaan bulshada inteeda kale.

Siminaarkaasi ayaa waxaa Cashiro ka bixinayay Yuusuf Daa’uud oo ka socday Ha’adda COCO, wuxuuna halkaas ku soo bandhigay Barnaamij cusub oo looga hortago FGM-ka oo lagu magacaabo WECC Frame Work isagoo sheegay in barnaamijkaani uu yahay mid si weyn looga hortagi karo gudniinkaan, isagoo sheegay in Gudniinka Fircooniga ah uu dhibaato weyn ku hayo qaar ka mid ah wadamada Adduunka gaar ahaan Soomaaliya, iyadoo gabdhuhu ay kala kulmaan dhiiga oo ku xirma, dhiig bax, waqtiga Guurkooda oo iyana dhibaato aad u baaxad weyn ay kala kulmaan, wuxuuna u soo jeediyay ka qaybgalayaasha in ay barnaamijkaan gaarsiiyaan deegaankooda si looga tago caadadaas oo aan xitaa aysan ogoleyn Diinta Islaamka, waxaana ka qaybgalayaasha halkaas ku doorteedn 12 qofood oo barnaamijka Wecc Frame Work ka hirgeliya deegaanadooda, si ay bulshada ugu wacyi-geliyaan dhibaatada gudniinka

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Shacabka Soomaaliyeed oo loogu Baaqay in la abaabulo kacdoon ka dhan ah hogaamiye kooxeedyada hubeysan

  • XUBNAHA BULSHADA RAYIDKA AH OO HOTELKA NABADA KA SOO SAAREY BAAQ KA KOOBAN  8 QODOB 

Kulan balaaran oo ay ku yeesheen hotelka nabada xubnaha bulshada rayidka ah uuna shir gudoominayey gudomiyaha midowga ganacsatada somaliyeed ee gobolka banadir maxamuud cabdi kariin cali gabeyre ayaa laga soo saarey 8 qodob oo kala ah  

  • 1.      in dagaalkii ka dhacey muqdishu 18 kii febrayo uu sababbey khasaare aad u baaxad weyn oo isugu jira naf iyo maalba saameyn balaarana ku yeeshay adeegyadii wax barashada , caafimaadka ,ganacsiga ,gaadiidka iyo gurmadkii abaaraha

  • 2.      in bulshada rayidka ah aysan markale aysan ogolaaneyn in dagaal uu ka dhaco muqdisho xalkane lagu raadiyo wadahadal iyo dib u heshiisiin ,

  • 3.      shirkaan hor dhaca ah wuxuu saameyn u yahay sameynta gudiyo joogto ah o ka howl gala nabadaynta magaladamuqdisho,

  • 4.      in ay joojiyaan dowladaha shisheeye ee faragelinta ku haayo arimaha somaliya uuna ugu horeeyo mareykanku in ay ku caawiyaan shacabka dhibaateysan  xalinta qilaafkooda,

  • 5.      in la taageero dib u heshhiisiinta doewlada ee ka socoto beydha maadaama ay tahay dowlad nimadu waxa keliye ee xalka waara lagu heli karo ,

  • 6.      in xildhibaanada iyo wasiirada ku sugan muqdisdho ay ka qeyb galaan shirka baarlamaanka ee ka socda baydhabo ,

  • 7.      in ay ganacsatadu,bahda wax barashada ,caafimaadka iyo aqoonyahanaduba ay si wada jir ah ugu guntadaan xal u raadinta nabad galyaa mudisaho,

  • 8.      in gudiga soo qabana qaabiyey shiraan u sii d=wado howshaan lana kaashado dadka lae ee aan looga maarmin .

shirgudoyahay shirka gabeyre oo kulankaasi furay ayaa sheegay in ajendaha shirku uu isugu jiro dhageysiga war bixinada ,dood furan ,iyo kudhawaaqida natiijada shirka waxaana uu xusey in qof kasta u hadalkiisa jeedin karo 3 daqiiqo inta ay socoto doodu. 


gudoomiye ku xigeeka koowaad ee dalada bashiir macalin yuusuf oo kulankaasi fikirkiisa ka jeediyey ayaa yiri “ dagaalkaanu wuxuu noo furey bog cusub oo jadiid ah kaasoo aana u arko halis dadkane waxaan ku war gelinayaa in arintaas laga hortago maadaama ay ka duwantahay 16 kii sano ee la soo dhaafay , anigu waxaan qabaa in shacabka somaliyeed ay taageeraan dowlada u dhalatey gacane siiyaan kana toosiyaan. 

sh: maxamud axmed abuu sheyba oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta jaamacada islaamiga oo isna fikirkiisa ka dhiibtey ayaa yiri dagaalkaan ka dhacay muqdisho wuxuu ahaa dagaal uu watey Maraykan wuxuuna dagaalkaani dhaqaale siiyey ragii hogaamiye kooxeedyada ee aan awal dhaqaalaha ku heli jirin dagaalda waxaana shacabka somaliyeed u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan gaar ahaa dadka reer muqdisho in fidna wade uu dhiubaato la danacsan yahay isla markaana uu isagu hurinayo dagaaladaan. 


xubnihii kale ee halkaasi fikirkooda ka dhiibtey waxaa ka mid ahaa cabdiraxman odowaa oo ku hadlayey magaca mac.hadka simad wuxuuna soo jeediyey in la abaabulo kacdoon ka dhan ah hogaamiye kooxeedyada hubeysan ayna ka qeyb qaataan bahda waxbarashada iyo bulshada rayidka wuxuuna sheegay in 60.000 ardey ay dhigi karaan wadooyinka si loo joojiyo dagaalda lagu hoobtey . 

siyaasiga xusen sh: axmed kadare oo isna ka hadlay kulankii ayaa yiri xalkii baa maqan marki dowladii hore dhacdayna qofkasta qabiil buu dugaashada waxaana hada jira niman ganacsato ah oo dagaalada hurinaya waxaana loo baahan yahay in shacabka somaliyeed ay si midnim ku jirto uga gudbaan marxaladaan adag hadalkeygune waa tilmaan. 

Gudoomiye ku xigeenkii TNJ dii carte axmed abroone aamiin ayaa isne yiri; muqdisho waa madaxii soomaalya madaxu haduu jiran yahayna korka kale ma caafimaadayo soomaliyana shisheeyuhu wuxuu ugu tala galay in aysan hashiinin dagaaladuna makala laha qadiim iyo cuseeb, Soomaaliyana basbaasbaa la mariyay.

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho Somalia


Barnaamijkii Radio Xoriyo
10 March 2006
Dagaallo dhawr oo ay iskaga horyimaadeen ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga Itoobiya ayaa si wayn loogu naafeeyay ciidammada saama-la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasina waxay u dheceen sidatan;
 
16/2/06 Dhagax-tuur, oo ka tirsan degmada Awaare, dagaal ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen kuwa cadowga Itoobiya ee halkaas fadhiya waxaa cadowga lagaga dilay 10 askari, 13 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
20/2/06 Gasaangas, oo degmada Xamro ka tirsan, weerar lagu qaaday fadhiisin cadowgu halkaas ku leeyahay waxaa cadowga lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
20/2/06 Xamaro, oo ka tirsan Fiiq, dagaal lagu qaaday saldhigga cadowga waxaa lagaga dilay 4 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Ciidammada gumaysiga oo gubay magaalada Jarrati.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 25/2/06 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya gubeen magaalada Jarrati, wuxuuna dabku magaalada wad-gaadhay, ka dib markii ay dab qabadsiiyeen kaalin shidaal oo magaalada ku taallay.
 
Waxaa halkaas ku gubtay 107 guri oo magaalada ku yaallay, waxaana halkaas ku dhintay inta la ogyahay haweenay iyo labo carruur ah oo mataano ahaa oo ay nuujinaysay. Dadkii guryohooda laga gubay oo qaar dhaawac ahi ku jiraan ayaa la sheegayaa inay wali qoxooti ku yihiin magaalada duleedkeeda, ilaa iyo haddana ayna helin wax gargaar ah.
 
Dhinaca kale dadkii faraha badnaa ee laga soo qaqabtay tuulooyinka ku hareeraysan magaalada Dhagaxbuur ee lagu soo xidhxidhay xabsiga Dhagaxbuur ayaa wali sidii u xidhxidhan, waxaanan kaloo magacyadooda helnay:
1. Maxamed Ilyaas
2. Dhagacade Cabdi Tarabi iyo
3. Muraar Maxamed Tarabi.
 
Dhinaca kale 22/2 - 27/2/06 waxuu siminaar uga socday xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya xubnaha arrimaha siyaasada ee Jabhadda. Wuxuuna siminaarkaasi ugu dhamaday si guul ah. Waxaa siminaarkaas lagu qiimeeyay hawlaha Jabhada, iyadoo la isku raacay in halganku toobiyihii loogu talagalay ku taagan yahay, cadawgiina lagaga adkaaday dhinacyada dagaalka iyo abaabuylka bulshada. Siminaarkaas waxaa lagu dajiyay qorshe siyaasadeed oo cusub.
 
Carruur badan oo macaluuli ku hayso Bariga Afrika.
 
Ugu yaraan 3 milyan oo carruur ah, oo 600,000 oo ka mid ahi shan sano ka yar yihiin, ayay cunto iyo biyo la’aani ku haysaa dalalka Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya, sidaas waxaa ka digay ururka carruurta ee Save the Children ee dalka Britan.
 
Ururka Save the Children wuxuu dunida ka codsaday in loogu deeqo lacag dhan 700, 870 oo dollar, wuxuuna sheegay 42% ka mid ah carruurta iyo dadka waawayn ay dhibaatada abaartu ku hayso gobolka Bariga Afrika ay khatar u yihiin dhibaatada nafaqa darrada. Ururka Save the Children ayaa aaminsan in abaarta gobolka Bariga Afrika ka jirta ay tahay middii ugu xumayd ee soo marta tan iyo sannadkii 1993.
 
Cunta la’aantu waxay fara ba’an ku haysaa qoysas markii horaba aad sabool u ahaa, sidaas waxaa bayaan ay khamiistii soo saartay ku sheegtay madaxda ururka Save the Children Jasmine Whitbread.
 
Ururka Save the Children wuxuu kaloo intaas ku daray in dhibaatada sida gaarka ah carruurta u haysa aan si fiican xoogga loo saarin, isla markaana looga digin, wuxuuna ku baaqay in arrintaas si guud gacan looga gaysto.
 
Sida ay sheegeen ururrada samafalka ah, in ka badan 11 milyan oo qof ayaa macaluul ba’ani ku haysaa dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.
 
Eritereya oo diidday eed ay Qaramada Midoobey u soo jeedisay.
 
Dawlada Eritereya ayaa ku gacan saydhay inay wax eed ah ku yeelan karto dhimashada askari u dhashay dalka India oo ka mid ahaa askarta nabad ilaalinta u joogta xadka u dhexeeya Eritereya iyo Itoobiya, kaasoo wana-joogsi u dhintay, wax yar ka dib markii la keenay isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa.
 
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan iyo xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dalka Eritereya ku eedeeyay in xayiraada uu ku soo rogay duullimaadyada Qaramada Midoobey ay sabab u tahay in askarigan si dhakhsa ah loo gaadhsiin waayo goobtii lagu dawayn lahaa.
 
Askarigan India u dhashay oo lagu magacaabi jiray Kambala Ramesh Annappa wuxuu ku xanuunsaday dhulka millatariga ka caaggan eek u dheraran xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritereya. Wuxuuna dhintay ka dib markii la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa oo loo soo waday muddo afar saacadood ah. Haddii magaalada Casmara ee dalka Eritereya loo qaadi lahaa wuxuu ku tagi lahaa 45-50 daqiiqo gudohood, hase yeeshee dawlada Eritereya ayaa mamnuucday in Qaramada Midoobey ay dalkeeda ku isticmaasho dayuuradaha helikobtarka ah.
 
La-taliyaha madaxwaynaha Eritereya Yemane Ghebremeskel ayaa diiday in dalkiisu uu wax masuuliyad ah ku leeyahay dhimashada askrigaas.
 
“In Eritereya lagu eedeeyo arrintan waa cadaalad darro. Waa dhacdo naxdin leh, mana aha waji siyaasadeed loo yeelo, sidaas waxaa warfidiyeennada u sheegay Yemane Ghebremeskel, oo sii adkeeyay in Eritereya ayna dhacdadaas wax lug ah ku lahayn”.
 
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa jimcihii magaalada New York ka soo saaray qaraar uu ku sheegay inuu si wayn u danaynayo dhimashada askarigaas, oo ay sabab u tahay xayiraada aan la aqbali Karin ee Eritereya ku soo rogtay Qaramada Midoobey.
 
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu sheegay in xayiraadaasi khatar ku keenayso nolosha askarta Qaramada Midoobey, wuxuuna dawlada Erireteya ka codsaday inay sida ugu dhakhsaha badan xayiraadaas u qaaddo.
 
Radio Xoriyo
 
 10 March 2006.
Dhoodi Danwaa
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 11, 2006

Finland: Nin Soomaali ah oo Xaaskiisi Toorey ku dilay
Nin Soomaali ah oo da'diisu lagu sheegey 32 jir ayaa xaskiisii oo 27 jir Sooomali ah waxa uu..
Guji...

Dagaal xagga afka ah oo dhaxmaray Mareykanka iyo Iiraan


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD