Maxaa ka jira in CIA-du Xamar ku Dishay Ganacsade iyaga u shaqeynayey?
Qore:
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
Email:
ingiriis@yahoo.com
Maarso 10, 2006
Sawirkan waa haraagii Dhismihii Baarlamaankii Hore ee Soomaaliya,
waxaana sawirkan la qaaday 2006, Waxaana qaaday:
Muuse Maxamuud
Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya
Isha saiwkan: www.swan.ac.uk |
Ibraahin Xuseen
oo ahaa ganacsade Soomaali ah, wuxuu ahaan jiray ninka CIA-da u jooga
Muqdisho sannadihii 1990-1993. Sida ka dhex muuqata tafaasiil ay
bixiyeen saraakiil horey uga soo shaqeysay CIA-da, Ibraahin gacantiisa
ayuu isku dilay sannadkii 1993-kii isagoo ciyaaraya dheesha loo yaqaan
Russian roulette (waa ciyaar bistooladda wareegta la geliyo xabbad,
kaddibna qofku uu dhafoorka isaga qabto, isagoo ridaya bal in xabbadi ka
soo boodo iyo in kale).
Hase ahaatee,
toddoba sano ka hor ayay CIA-du ku tuhuntay Mike Shanklin oo ahaan jiray
ku xigeenka Madaxa xafiiska CIA ee Muqdisho inuu isagu ka dambeeyey
dhimashadii Ibraahin. Sababta tuhunkaa dhalisay waxay ahayd Shanklin oo
guursaday gabadhii ay Ibraahin isu doonanaayeen oo u dhalatay Talyaaniga,
Stefania Pace oo ahayd dhakhtarad Talyaani ah oo howlaha samafalka
Soomaaliya ka shaqeyn jirtay.
Guurka uu
guursaday Pace awgeed, waxa ay CIA-du albaabada ka xiratay Shanklin,
waayo ma uusan u sheegin madaxdii ka sarreysay arrintaa. Sida muuqata,
waxaa jira sharci CIA-da u yaalla oo ka ilaalinaya shaqaalaheeda inay
guursadaan dad ajnabi ah, waayo ceyrinta Shanklin waxaa loo cuskaday
inuu jebiyey xeerarka hay’adda.
Qoraaga
rugcaddaagga ah, Vernon Loeb oo u qaabilsan arrimaha sirdoonka iyo
milatariga Jariiradda Washington Post ayaa dhowr maqaal ka qoray qaabkii
uu u dhintay Ibraahin Xuseen oo dadka la socda xaaladdiisu ay aaminsan
yihiin inuu isagu is dilay. Waxa uu Loeb qoray in Ibraahin uu dhintay
iyadoo CIA-du ay ku jirto howl xasaasi ah oo ay ku soo qabanayso Gen
Maxamed Faarax Caydiid.
Waxay ahayd goor
galab ah markii uu Ibraahin soo istaagay barxadda gurigiisa, isagoo
bistoolad ay hal xabbo ku jirto madaxa ka saaray nin shaqaalihiisa ka
mid ahaa, kaddibna keebka u qabtay. Laakiin xabbad kama soo boodin. Nin
kale oo la socday ayuu madaxa ka saaray. Sidoo kale, xabbad kama soo
bixin. Nin saddexaad ayuu sidii oo kale ku sameeyey, laakiin Ilaahey
amarkii xabbad kama soo duulin. Markii afraad ayuu isagu madaxa iska
saaray. Hase ahaate, markan xabbad ayaa ka soo boodday bistooladdii,
waxayna fariisatay maskaxdiisa.
Stefania Pace,
oo sheegtay inay mar kasta ka xumeyd sida jaceylkeedu u jecel yahay
qoryaha, ayaa maqashay dhawaaqa xabadda iyadoo saaran dabaqa guriga.
Waxa ay hoos u soo fiirisay meeshii xabaddu ka qaraxday. Waxa ay aragtay
saaxiibkeed oo ku dhex jira waasko dhiig ah (a pool of blood).
Waxaa Ibraahin
degdeg loola cararay isbitaal milatariga Mareykanku ku dhex lahaayeen
Muqdisho. Shanklin waxaa laga wacay telephone-ka, waxaana loo sheegay
dhaawaca Ibraahin. Wuxuu degdeg ku tagay isbitaalkii, halkaas oo uu kula
kulmay nin gacanyare u ahaa Ibraahin oo shaarka uu wato uu dhiiggu ka
tifqayo. Shanklin wuxuu siibay shaarkiisii, wuxuuna siiyey ninkii,
isagoo ka qaatay kii dhiigga lahaa, waxaana uu yiri “dhiiggaa da’aya waa
dhiiggeygii.”
Nasiib darro,
dhaqtarkii madaxda ka ahaa isbitaalka milatariga Mareykanka ayaa diiday
inuu daweeyo dhaawaca Ibraahin, waayo isbitaallada milatariga laguma
daweyn karo qof aan ahayn muwaadin Mareykan ah. Wuxuu ku dooday
dhaqtarku “halkani waa isbitaal Mareykan, ninka xabaddu madaxa uga
taallana waa muwaadin Soomaali ah.”
Si looga
dhaadhiciyo dhaqtarka inuu qalliin ku sameeyo Ibraahin ayaa Taliyihii
xafiiska CIA-da Muqdisho, Garrett Jones waxa uu diray ku xigeenkiisii
John Spinelli. Laakiin dhaqtarku wuxuu ku adkeystay go’aankiisa, taasoo
keentay in Spinelli iyo nin kale oo ka socday mukhaabaraatka milatariga
iyo dhaqtarkii Mareykanku uu dhex maro muran lagu sigtay in gacmaha
laysula tago.
Kaddib markii uu
Spinelli ugu hanjabay dhaqtarka inuu ku celin doono Mareykanka ayuu
wacay Jones, waxaana uu ku yiri, “Garrett, ninkani (Ibraahin) wuxuu u
muuqdaa mayd, laakiin weli waa nool yahay, mana muuqato illaa
subaxnimada in qalliin lagu sameynayo.” Subaxnimadii xigtay waa uu
dhintay Ibraahin iyadoon far loo nuuxin dhinaciisa, waxaana Shanklin uu
geeridiisa wargeliyey Pace oo ku oyday garabkiisa. Shanklin, waxa uu
sheegay inuu si xan ah u maqli jiray in Ibraahin ciyaaro Russian
roulette, laakiin uusan weligii ku arag.
CIA-du wey ka
xumaatay geerida Ibraahin, waayo waxay rumeysnaayeen inuu gacan weyn ka
siin doono dadaalkii ay ugu jireen inay ku soo qabtaan Gen Caydiid.
Wuxuu dhintay iyadoo uu jiro qorshe CIA-du ku doonayeen in Ibraahin
haddiyad ahaan uu Caydiid ugu geeyo bakoorad ay ku dhex jiraan qalab
lagula soconayo qofka sita meesha uu joogo.
Stefania Pace,
waxa ay dib ugu noqotay Talyaaniga iyadoo dareemaysa qalbi-jab kala soo
dersay geerida gacaliyaheeda. Waxa ay gocatay inay jeclayd inay shil la
gasho mooto ay kexeysan jirtay markii ay dalkeeda ku noqotay. Shanklin
waxaa la siiyey oggolaansho uu ku soo booqan karo Pace.
“Waxaan dareemay
inaan gebi ahaanba go’doon ku jiro. Ma rabin inaan noolaado, laakiin
waan ogaa inay tahay inaan noolaado. Waalidkey keligey bey i dhaleen.
Waxaan u baahnaa inaan helo qof yaqaanna Soomaaliya, laakiin saaxiibadey
ma aysan garanayn, sidaa awgeed waxaa ii yimid Mike oo wax wanaagsan ii
sameeyey” ayay soo xusuusatay Pace.
Wax yar kaddib
Shanklin iyo Pace waxa ay isku arkeen Kenya, waxaana ay billaabeen inay
is jeclaadaan. Shanklin oo go’aansaday inay is guursadaan Pace, kaddibna
degaan Kenya, ayaa waxaa soo food-saartay inuu kala doorto CIA iyo Pace,
waxaana uu doortay Pace, isagoo ka ruqseystay shaqadii. Saraakiisha
CIA-du waxay ku adkeeyeen in shaqa-ka-tegistiisu ahaato mid qarsoodi ah,
taasoo macnaheedu yahay inuusan qofna u sheegi karin inuu 13 sano u soo
shaqeynayey CIA-da.
Hase ahaatee,
Shanklin waa jebiyey axdigaas, waxaana uu u sheegay dhowr shirkadood oo
Mareykan ah oo Kenya deggan oo uu shaqo la-talinta amniga ah ka doonayey
inuu u soo shaqeeyey CIA. Markii dambe isaga iyo Stefania Pace waxa ay
go’aansadeen inay wada degaan Fairfax, Virginia.
Waxa uu
dabadeed Shanklin aaday xafiiska CIA-da, si uu u helo shaqo qandaraasle
ammaanka iyo tababarrada. Kumannaan shaqaale hore oo CIA-da ah ayaa
habka noocaas ah ku shaqeeya, waxayna helaan kaarka cagaaran oo awood u
siinaya inay hay’adda xiriir dhow la sii lahaadaan.
Si uu kaarkaas u helo, Shanklin wuxuu
u baahnaa in baaritaan adag la mariyo.
Baaritaankii lagu
sameeyey Shanklin
Mike Shanklin
|
Intaan baaritaanku billaaban, waxa uu Shanklin qirtay
inuu ku guuldarreystay inuu soo sheego xiriirkii soke ee uu la lahaa
Stefania Pace. Baaritaankii wuu ku dhacay.
Mid kale ayaa la iclaamiyey. Baaritaanka labaad kii hore waaba ka sii
xumaaday, iyadoo ay jirto in Shanklin go’aansaday inuu daacad u hadlo.
Wuxuu markan qirtay inuu wax u sheegay nin buug ka qorayey CIA-da iyo
inuu shirkado Kenya jooga u sheegay shaqadiisii hore ee CIA-da. Wuxuu
kaloo qirtay inuu ku caawiyey nin Soomaali ah oo miino la qaraxday sidii
loogu heli lahaa daaweyn degdeg ah, isagoo ku andacooday inuu ninkaasi
yahay nin CIA-da la shaqeeya, balse runtu ay sidaas ka duwanayd.
Intii
baaritaankan labaad lagu jiray, raggii su’aalaha weydiinayey Shanklin
waxa ay ku eedeeyeen inuu isagu ka dambeeyey dilkii ganacsade Ibraahin
Xuseen. Waxa ay tani Shanklin ku riixday inuu si daran u qayliyo,
waxaana ka baxay dhawaaq cabaad leh. Iyagoon bixin wax caddeyn ah ayay
baarayaasha CIA-du sheegeen in Shanklin lug ku leeyahay dilka Ibraahin.
Baaritaanku wuxuu noqday musiibo. Baaritaan saddexaad ayaa la iclaamiyey.
Baaritaankan
waxaa lagu weydiiyey Shanklin su’aalo ku saabsan xiriirro uu la lahaa
dad ajnabi ah iyo warar sirdoon ah oo loo maleynayo inuu hoosta ka
bixiyey, hase ahaatee xamaasaddiisa ayaa kacsanayd, taasoo weli u
muujisay ragga baaritaanka Polygraph-ka loo yaqaan ku dhex jiray inay
jirto weli wax uu qarinayo (Polygraph waa qalab baarayaasha CIA-du ku
gartaan qofku inuu run sheegayo iyo inuu been sheegayo). Waxa uu
Shanklin qeexay inaysan jirin wax dambe oo uu qirto. “Waxay u maleeyeen
inaan wax qarinayo, balse waxba kama qarin” ayuu yiri.
Marxuum:
Gen Maxamed Faarax Caydiid
|
Waxaa la
sameeyey baaritaankii ugu dambeeyey, waxaana ka soo baxday inuusan
istaahilin in la siiyo kaarka cagaaran. “Waa la i waxyeelleeyey, waana
la i niyad-jebiyey. Waxaan rajeynayey in lay dhihi doono ‘waa inaadan
sameynin waxyaabahan qaladka ah, waana ku fiirin doonaa ee mar dambe ha
sameyn’” ayuu ku calaacalay. Waxa isaga iyo Pace ay kaddib go’aansadeen
inay u guuraan Talyaaniga oo ay markii ugu dambaysay degenaayeen. (Pace
oo aan la xiriiray, kama helin wax jawaab ah).
Barashadii Ibraahin iyo
Shanklin
Mike Shanklin, waxa uu noqday ku xigeenka
Madaxa xafiiska CIA ee Muqdisho 1990-kii markii dagaalyahanno uu
hoggaaminayo Gen Maxamed Faarax Caydiid ay billaabeen inay irdaha u soo
xiraan 21 sano oo keli-talisnimo axmaqnimo ah uu Soomaaliya ku horsocday
Gen Maxamed Siyaad Barre.
Ka hor inta aysan dowladdu burburinin,
muddo bilo ah ayuu Shanklin habeen iyo maalin ka shaqeynayey sidii uu
xiriir ula sameyn lahaa ganacsade hanti badan haysta oo deggenaa
waqooyiga Muqdisho (Ibraahin). Ganacsadahan oo ahaa nin dhallinyar oo
awood badan leh, xiriirkiisuna badan yahay wuxuu sameystay ciidamo uu
isagu gaar u leeyahay markii dagaalku dhacay kaddib, waxaana uu noqday
nin CIA-da la shaqeeya, isagoo ku caawiyey dokumentiyo sir ah oo
Shanklin uu ka gaabsaday inuu shaaciyo.
Waxa uu sheegay Shanklin inay Ibraahin yeesheen xiriir
aad u sokeeya oo daacadnimo ku jirto.
Markii qalalaasuhu ku soo dhowaaday Muqdisho, waxa ay Shanklin is
barteen Stefania Pace oo ay Ibraahin lammaane ahaayeen. Shanklin waxa uu
Xamar ka baxay 1991 kaddib markii dagaalyahannadii Caydiid ay ku
guuleysteen inay Barre kala wareegaan awoodda, kana qabsadeen Muqdisho
ka hor inta aysan iyagu qoryaha iskula soo jeesan.
Markuu ku noqday
xarunta CIA, waxaa loo diray dagaalkii Gacanka, si uu ugu dhexeeyo
mukhaabaraatka iyo milatariga Mareykanka. Kaddib waxaa loo beddelay
dalka Liberia oo looga dhigay madaxa xafiiska CIA-du ku leedahay halkaas.
Markuu howshii soo dhammeystay ayuu u sheegay madaxdiisa inuu doonayo in
hadda kaddib loo diro meel hadduu nalka shido uu nalku shidmayo, haddii
qasabadda uu furana ay biyo ka imaanayaan. Codsigiisa cidna ma diidi
karin, waxaana la geeyey London isagoo xiriiriye u noqday mukhaabaraatka
Mareykanka iyo kan Ingiriiska.
Madaxweyne
Bush oo jooga Baydhabo
|
Markii
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, George Bush uu ku dhawaaqay inuu gaas
Marines ah u dirayo Soomaaliya, si ay u hubiyaan in gargaarka la
gaarsiiyo dadka macluulsan ayaa CIA-du doontay Shanklin inuu qarsoodi ku
galo Muqdisho iyadoo ay wehliyaan xayn kale oo sirdoon ah, si ay u
suura-geliyaan in ciidanka Mareykanku ay degaan xeebta Xamar iyagoon
dhibaato la soo dersin.
Iyadoo Ibraahin
uu ku caawinayo taageero dhinaca farsamada ah ayaa xubnihii sirdoonka
CIA-du waxay ku duuleen diyaarad aad u yar, waxayna ka degeen garoonka
Cisaley ee waqooyiga Muqdisho horraantii December 1992. Si kasta ha
noqotee, joogitaanka ay Muqdisho joogaan ayaa halis ku ahayd
dhammaantood. Sida Shanklin uu yiri, “Waxay Muqdisho ahayd meel waali
iyo sharci la’aani ka jirto, kuwa xoogga lihina ay gawaarida tiknikada
ku socdaan, ugu yaraan qof walbana wuxuu sitay qori.”
Ciidammadii ugu
horreeyey ee Marines-ka Mareykanku markey caga dhigteen xeebta Muqdisho
9-kii December 1992, Shanklin oo ay la socdaan rag Soomaali ah oo uu
Ibraahin ku soo daray ayaa waxay taagnaayeen xeebta Liido, iyagoo
sameynayey howlgal waardiyeyn ah, waxaana uu Shanklin sheegay inuu ku
kalsoonaa in dagaalyahannada Caydiid aysan soo weeraraynin ciidammada
degaya.
Hase yeeshee,
kalsoonidiisii waa burburtay markii xaafadda Bermuuda ay barqanimadii
maalintaas ku joojiyeen miliishiyo hubeysan, isagoo wada Taliyihii CIA-da
Muqdisho, si uu u soo baro Ibraahin. Isla markiiba miliishiyadii waxay
qaateen qori casri ah oo CIA-du lahayd, iyagoon garanayn ragga ay hayaan
inay sirdoon Mareykan yihiin iyo in kale. Shanklin oo qatar ugu jira in
la dilo isaga iyo ragga kale ee la socda ayaa degay oo ka dalbay
taliyihii miliishiyada Soomaalida inuu xaalka dejiyo. Kaddib markii uu
maliishiyada mashquuliyey ninkii qoriga qaatay ayaa waxaa u suura-gashay
Shanklin inuu degdeg ku fuulo gaarigii, si xowli ahna ku dhaqaajiyo oo
uu meesha kaga ordo.
Waxa uu isla
markiiba u tagay Ibraahin oo uu u sheegay inuu soo badbaadiyey naftiisa
iyadoo qori AK47 uu dhafoorka ka saaran yahay. Waxaa Shanklin iyo
taliyihiisaba ka yaabisay inuu Ibraahin isla markiiba diray
maliishiyadiisii, kuwaasoo ku soo guuleystay daqiiqado gudahood in la
soo dhiciyo qorigii askariga CIA-da laga qaatay.
Garaashkii Qaasim Sheekh Maxamuud
|
Shanklin, waxa
uu sheegay shaqsiyan inuusan ahayn nin si sahlan ku argagaxa, laakiin
“Soomaaliya waa ii cabsiisay” ayuu yiri. (Shanklin, waxa uu gaari ku
dhex maray isagoo uu la socdo basaas kale jidgooyooyin dhowr ah oo
yiillay Bariga Dhexe oo ay fadhiyeen rag waxa ay dunida ugu jecel yihiin
ay tahay inay dilaan basaasiinta CIA-da, isagoo ku galay halkaas viso
dalxiis).
Falkan dambe ee
Shanklin, waxaa lagu soo xusuusan karaa Mark Bowden oo ah qoraaga buugga
Black Hawk Down oo ku xusay buuggiisa in xilligii uu ku howlahaa
ururinta xogta uu tagay Muqdisho, kaddibna ay kulmeen ganacsadihii
caanka ahaa, Qaasim Sheekh Maxamuud (Qaasim Dameer) oo lagu dilay
duleedka Muqdisho.
Qaasim oo la
fajacay baaritaanka uu Bowden ka sameynayey Xamar ayaa yiri isagoo
qoslaya, “Waxaan shaki iiga jirin inaad tahay CIA, waayo waxba kaama
fakanayaan.” Bowden oo wax ku qori jiray wargeyska Philadelphia Inquerer,
waxa uu yiri, “Waxaan u sheegay ganacsade Qaasim inaanan xitaa lahayn
tababar ciidammada ah.” Qaasim, wuxuu ahaa ganacsade maalqabeen ah oo ay
si gardarro ah garaashkiisa u burburiyeen ciidanka Delta Force waqtigii
ay raadiyeen Gen Caydiid. Waxaa garaashka ugu kaydsanaa gaadiidka
dhismaha iyo qalab loo adeegsado dayactirka.
Qabashadii Cusmaan Caato
Sawirka Maxamed Xaaji (Ingiriis)
iyo Cusmaan Caato waxaa la qaaday bishii November 2002 xilligii
shirkii Eldoret. Waxaa qaaday television-ka CBC ee Canada.
|
Geerida Ibraahin
kaddib, xubno ka tirsnaa CIA-da ayaa rumeysnaa in awoodda Shanklin uu u
leeyahay inuu basaasiin Soomaali ah abaabulo ay meeshaas ku baa ba’day.
Hase ahaatee, Shanklin wuxuu si dhaqso leh u garwaaqsaday in ninkii uu
shaarka dhiigga leh ka beddeshay uu ahaa nin aan ka yareysan
saaxiibkiisii geeriyooday.
Waxa uu
weydiistay Garrett Jones oo ahaa Taliyihiisa inuu ku daro rag CIA-da ka
tirsan oo aan badnayn, si ay u degaan gurigii ganacsade Ibraahin oo ku
dhowaa garoonka Konis Stadium, una jiray safaaradda Mareykanka 15 mile,
si ay ugu suura-gasho in la soo qabto Gen Caydiid. Kooxdan waxaa ku
jiray afar nin oo aad u hubeysan oo ah ciidanka Navy Seals ee
commandos-ka, laakiin ma ahayn niman is-hortaagi kara haddii ciidanka
Caydiid ay ku soo qaadaan weerar buuxa.
Shanklin, wuxuu
halkaas ka billaabay inuu ku tababaro rag Soomaali ah oo basaasiin u
noqonaya CIA-da, soona sheegaya goob kasta oo ay ku tuhmaan Gen Caydiid.
Qatartu aad ayay u badnayd, kooxduna ma ahayn koox si fiican u
saantiratay. Waxa uu sheegay Shanklin inuusan weligii meesha ka saarin
in ragga uu tababarayo qaarkood ay yihiin kuwo Caydiid xiriir la leh.
Kooxda CIA-du waxay anteenooyin tira-badan ku xirteen gurigii, taasoo
keentay in dadkii Soomaalida ahaa ee hareeraha guriga deggenaa ay u
bixiyaan “gurigii CNN-ta.”
Saddex toddobaad
markuu meeshaas howsha ka waday ayaa waxaa nin Soomaali ah oo kooxda
basaasiinta ka mid ahaa uu Shanklin u soo sheegay in Gen Caydiid ogyahay
in xubno CIA ahi ay ku jiraan guriga “CNN-ta.” Shanklin, wuxuu degdeg ku
wacay taliyihiisii Jones, wuxuuna ku yiri, “Garrett, fiiri, sheekadu waa
xun tahay ee naga bixi meesha.” Labaatan daqiiqo gudahood ayaa diyaarad
helicopter ah waxay ka soo daadgureysay garoonka Konis.
Laakiin,
Shanklin wuxuu sii waday xiriirkii uu la lahaa raggii uu tababaray,
kuwaasoo mar dhow wacdaro muujin doona iyo qiimaha ay CIA u leeyihiin.
Markii Gen Caydiid uu noqday nin aan la heli karin ayaa basaasiintii
Soomaalidu soo sheegeen inay heleen nin maalin walba la kulma Cusmaan
Caato oo kaalinta labaad kaga qornaa liiska dadka ay raadinayaan
Mareykanku, ahaana ganacsade hanti leh oo hubka soo dejiya, lacagtana u
haya Caydiid. (Lama shaacin ninka la soo helay magaciisa, waxaase la
xusay inuu ahaa nin deggan waqooyiga Muqdisho oo saaxiib dhow la ahaa
Cusmaan Caato).
Xaruntii Safaaradda Mareykanka ee
Muqdisho
Shanklin, wuxuu
faray basaasiinta Soomaalida inay bakooraddii qalabku ku xirnaa u
dhiibaan ninkaas, si uu ugu geeyo Caato. Ninkii ayaa gaari ka soo raacay
waqooyiga Muqdisho, wuxuuna u yimid Caato oo ay ballansanaayeen. Waxay
dabadeed isla soo raaceen gaari kale, waxaana uu gaarigii istaagay meel
shiidaal looga shubayey. Markaas ayaa Shanklin waxaa soo wacay ragguu
tababaray oo wargeliyey in Caato ku jiro gaariga dhexdiisa, wuxuuna
wacay ciidanka Delta Force oo degdeg ku soo howlgalay.
Diyaarad yar oo
helicopter ah ayaa gaariga heshay, waxaana ay isku soo laadlaadisay hoos.
Nin askari ah ayaa matoorka ka shiishay gaariga. Isla markiiba ciidankii
Delta waxay gaariga kala soo degeen Caato oo ay jeebeeyeen. Waxay ahayd
markii ugu horreysay taariikhda ciidanka Mareykanka oo gaari dhaqaaqaya
lagala dego qof, siduu sheegay Shanklin. Qaabka CIA-du ku qabatay Caato,
waxaa aad u bogaadiyey Gen William F. Garrison oo ahaa Taliyaha ciidanka
Delta Force ee Muqdisho ku sugnaa.
Hase yeeshee,
guushaas ay CIA-du soo hoysay ma noqon mid sii waarta. Wax ka yar laba
toddobaad ayaa waxaa qarxay dagaalkii 3-da October ee loo bixiyey Battle
of Black Sea, waxaana dhacay halaag lagu muujiyey movie-ga Black Hawk
Down. Waxaa furinta dagaalkaas ku le’day boqolaal Soomaali ah iyo 18
askarta Mareykanka ah.
Robert B. Oakley
|
Gen Maxamed
Faarax Caydiid oo ku faraxsan guusha ay dadkiisu ka soo hooyeen
dagaalkaas iyo sida ay u bahdileen sirdoon ku faana inuu qamar-sanaaciga
kala socdo dhaqdhaqaaq walba ayaa ugu goodiyey Robert Bigger Oakley oo
ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, “Waxaan ahay Eisenhower. Markey
noqoto dagaal, waxaan ahay General Culus. Markey noqoto nabad, waxaan
ahay Madaxweyne Weyn.” Jawaabta Oakley waxay ahayd, “Caydiid, nabaddii
Soomaaliya albaabka ayay soo garaacday, waana inaad soo dhoweysaa.”
(Dwight Eisenhower wuxuu ahaa Jeneraalkii ciidanka Mareykanka
hoggaaminayey dagaalkii labaad ee dunida, wuxuuna markii dambe noqday
Madaxweynihii 34-aad ee Mareykanka).
“Wax kasta oo
siyaasaddeennu ahayd, maalintaas ayay dhammaatay” ayuu yiri Shanklin.
Fadeexadihii Shanklin uu mas’uulka ka ahaa ee CIA-da ku dhacay waxaa ka
mid ahaa markii ciidanka Mareykanku ay galeen guri u dhow guriga Gen
Maxamed Ibraahin Liiqliiqatoo, isla markaana ay soo xirxireen shaqaalaha
hay’ad samafal oo ka howlgalayey Muqdisho iyo markey u dheceen guri ku
yaalla waqooyiga Muqdisho oo ay ku shirayeen waayeel iyo waxgarad ka mid
ah qabaa’ilka deggan Muqdisho, iyagoo ka duulaya khabar loo soo sheegay
oo ahaa in Gen Caydiid uu ku dhex jiro shirka.
Waxay ciidanka
Mareykanku halkaas ku soo xireen Gen Axmed Jilicow Caddow oo ay u
maleeyeen inuu yahay Gen Caydiid. Markii hore wuxuu ku adkeystay inuusan
ahayn Gen Caydiid, hase ahaatee markii xoogaa la handaday ayaa Gen
Jilicow oo ka welwelaya in la dilo, waxa uu isku difaacay inuu yahay
Gen Caydiid. Waxaa la geeyey siligga Mareykanka, halkaasoo saraakiisha
Qaramada Midoobay oo ku faraxsanaa in la soo helay Gen Caydiid ay la
yaabeen markey arkeen Gen Jilicow oo ahaa ninka ay la rabeen inuu noqdo
Taliyaha ciidanka Police-ka Soomaaliya.
Qaladka kale
waxa uu ahaa markii xafiiska CIA-da loo soo sheegay in laba nin oo
ilaalo u ahayd Caydiid ay diyaar u yihiin inay sheegaan meesha
hoggaamiyahoodu ku jiro. Garrett Jones ayaa kaddib u diray Spinelli oo
ahaa ku xigeenkiisa inuu la soo shiro raggaas. Markuu Spinelli marayo
xaruntii Warshadda Baastada ee Muqdisho ayaa dad taageersan Caydiid
waxay xabadeeyeen gawaaridii CIA-du wadatay, waxaana si xun u dhaawacmay
Spinelli oo sheegay inuu ku sigtay inuu dhinto.
Jones iyo
Spinelli, waxa ay labaduba u aqoonsanaayeen Ibraahin Xuseen inuu yahay
qabqable dagaal oo iyaga la shaqeeya, hase ahaatee waxa ay qireen inuu
qiime sare ugu fadhiyey. Wareysi ku saabsan howlgalkii CIA-da ee
Muqdisho oo labadooda lagula yeelan lahaa television-ka History Channel
ee Mareykanka ayaa waxaa is hor taagay saraakiisha CIA-da oo horey u
shaaciyey in warbixinnadan Washington Post ay daabacday ay awalkii
horeba ahaayeen kuwo aan ku habboonayn in loo bandhigo dadweynaha.
Stevenson, Jonathan: Losing Mogadishu:
Testing US Policy in Somalia.
Bowden, Mark: Black Hawk Down: A Story of
Modern War.
Loeb, Vernon: The CIA in Somalia:
After-Action Report, Washington Post.
Loeb, Vernon: CIA tries to muzzle former
Mogadishu Station Chief, Washington Post.
N Rapp, Jeffrey: Intelligence Requirements
for Military Operations Other than War.
Waxaa Diyaariyey:
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email:
Ingiriis@yahoo.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com.
|