SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 8, 2006

  • Ugaas Max’ed Wali “C/llaahi hadduu ka tanaasulo saddex qodob waxaan oran lahaa ..

  • Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo ku soo fool leh Magaalad Baydhabo ..

  • Gacma Dheere oo ka warbixiyay howlihii nabadeynta ee ay ka wadeen Gobalada Dhexe ..

  • C/llaahi Tarabi “Haddii aad i doorataan mudo lix bilood ah ayaan ku dhameystirayaa baahidiina ku aadan ..

  • Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Baydhabo soo gaaray..

  • Max’ed Dheere oo xirxiray qaar ka mid ah Ganacsatda Jowhar kaddib markii ay diideen .

  • 60-qof oo Soomaali tahriibayaal ah ayaa maydkooda laga xeebaha u dhexeeyay Soomaaliya iyo Yeman ..

  • Cali Max’ed Geedi oo hambalyo iyo bogaadin u diray xuska Maalinta 8-da Maarso..

  • Baaq Abaaraha Soomaaliya Heysta 

  • Kulan dhexmaray Cabdulaahi Yusuf iyo Ururka Al-Islaax.

  • Dad rayad ah oo gumaysiga Itoobiya laayay. 




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk

Ugaas Max’ed Wali “C/llaahi hadduu ka tanaasulo saddex qodob waxaan oran lahaa ..

Ugaas Max’ed Wali Shiikh Axmed Nuur oo ah Ugaaska Beesha Mareexaan ahna afhayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed in haddii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu ka tanaasulo saddex qodob ay taageeraan si loo soo celiyo kala dambeyntii, qarannimadii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed. Qodobka koowaad “waa in uu ka tanaasulaa Naceybka uu u qabo Diinta Islaamka iyo ehelkeeda”, tan labaad “Waa in uu meel iska dhigaa dadka wax ma tarayaasha ah ee aan xilkaska aheyn ee aan lahayn diinta, wadaniyadda iyo shaqsiyadda ee uu ka buuxiyay Golaha Wasiirada”, kan saddexaadna “Waa inuu meel iska dhigaa ee uu mar kasta ku celceliyanayo ee uu raadiyaa wax Soomaalidu heshiis ku tahay isla markaana lagu gaari karo Qarannimo guud” ayuu yiri Ugaas Max’ed Wali.

Waxa uu sheegay Ugaas Max’ed Wali in uu ballanqaadayo C/llaahi Yuusuf isagoo ku hadlaya magaca Ummadda Somaaliyeed in haddii uu intaas ka tanaasulo uusan u baahan doonin dhaqaale caalamka ka yimaada iyo ciidamo Ajnabi ah, wuxuu kalloo inaas raaciyay “Waxaan xusuusinayaa C/llaahi Yuusuf iyo Ummadda Soomaaliyeed inay maanta fursad haystaan loona baahan yahay in ay ka faa’iideystaan”.

Dhinaca kale Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Culumada u diinta Soomaaliyeed ayaa waxa uu u soo jeediyay C/llaahi Yuusuf Axmed in uu joojiyo (ladagaalanka) Diinta Islaamka iyo Culuma’u-diinka Soomaaliyeed taas oo uu sheegay in uu (hadii kale) kala kulmi karo cawaaqib xumo.

Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo ku soo fool leh Magaalad Baydhabo ..

Waxaa maalmaha soo socda ku soo fool leh Baydhabo wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga kuwaasoo doonaya in ay indha indheeyaan xaaladda Magaalada Iyo waliba howlaha Dowladda Federaalka.

Wafdigaan ayaa waxaa la sheegay in la socoto deeq ay Dowladda Talyaanigu ugu talagashay Dowladda Federaalka qaybna ka ah deeq ay dhawaan Dowladda Talyaanigu soo gaarsiisay Dowladda Federaalka taasoo laga dejiyay Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Wafdigaan ayaa la filayaa in ay kulamo la yeeshaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, iyadoo wafdigaan xitaa ay soo eegi doonaan Hay’adihii Dowladda ee Magaalada Baydhabo.

Dowladda Taylaaniga ayaa iyadu ah mid xiriir dhow la leh Dowladda Federaalka intii ay joogtay Magaalada Jowhar waxay gaarsiisay deeqo kala duwan, kuwaasoo ka ka degay Garoonka Diyaaradaha Cisaley kaddibna loo qaaday Magaalad Jowhar.

Gacma Dheere oo ka warbixiyay howlihii nabadeynta ee ay ka wadeen Gobalada Dhexe ..

Max’ed Shiikh \Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo ah wasiirka horumarinta reer Miyiga ee Dowladda Federaalka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha nabadeynta ee u dhexeeyay Beelaha Sacad iyo Sulyemaan.

Waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen wajigii hore ee kala qaadista Maleeshiyooyinka iyo dhinaca Nabadeynta ee deegaanka Gelinsoor isagoo sheegay in ay kormeer ku sameeyeen deegaanadii laga qaaday Maleeshiyooyinka.

Gacma Dheere waxa u sheegay in maalmaha soo socda ay tagi doonaan Magaalada Hobyo si ay u kala qaadaan maleeshiyooyinka halkaa isku hor fadhiya, waxaa kalloo uu sheegay in ay dib u heshiisiinta ka dhaadhiciyeen dadka reer miyiga ah ee isku hor fadhiya dhulka baadiyaha ah.

Gacma Dheere waxa uu u mahadceliyay intii gacanta ka gaystay dib heshiisiinta labdaasi beelood, isagoo sheegay in mudadii uu dagaalku u dhexeeyay labada beelood ay ku dhinteen ilaa 400 oo qof, isagoo dagaalkaasi ku tilmaamay mid laga xumaado.

C/llaahi Tarabi “Haddii aad i doorataan mudo lix bilood ah ayaan ku dhameystirayaa baahidiina ku aadan ..

Musharaxa Guddoomi-yaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta C/llaahi Axmed Tarabi oo maalintii shalay ahayd kulan qado ah isugu yeeray Guddoomiyaasha kooxaha K/cagta ayaa uga warbixiyay qaabka uu damacsan yahay in uu ku maamulo xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta haddii ay u doortaan Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

“Haddii aad u doorataan mudo lix bilood ah ayaa ku dhameystiri doonaa baahidiina, waadna igula xisaabtameysaan xilka aan idiin hayo” ayuu yiri Tarabi oo intaa sii raaciyay in qorshaha balaaran uu ku doonayo in uu ku noqdo Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ay K/cagta ay ka mid yihiin sidii xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta uu ula saan qaadi lahaa casrigaan caalamiga ah, waxa uuna sheegay Tarabi in uu rajo weyn ka qabo in uu ku guuleysto Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta, isagoo qeexay in wixii ay u baahan yihiin naadiyadu oo ku qoran dastuurka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ay heli doonaan.

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Baydhabo soo gaaray..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo garay wafdi ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Africa waxaana Garoonka Diyaradaha Magaalada Baydhabo ku so dhaweeyey madax ka tirsan Dowladda Federaalka.

Waafdigaan ayaa markiiba kulan la yeeshay Ra’iisal Saare Cali Maxamed Geeddi waxayna isla soo qadeen arimo la xariira Dowaladda KMG ah iyo xaladaha Abaaraha Soomaaliya, iyadoo lagu waramay in wafdigaasi ay Baydhabo u tageen inaay ogadaan xaalaadda nabad galyo ee Magaalada Baydhobo iyo baahadi Dowladda Federaalka iyadoo Hay’adahaan lagu waramay inay gacan ka gaysteen qabsoomidda kulanka Baarlamaanka waxaana la shegay ianay bixiyeen qarashkii kulamada Baarlamanka .

Wafdigan oo la soo marsiiyey dhamnaan Magaalada Baydhabo aya waxay sheegeen inay sii wadi doonaan howlaha ay ku taageerayaan kulanka Baarlamanka waxayna isla shalay dib ugu laabteen Magalada Nairobi oo ay horey uga soo kicitimen.

Dhinaca kale maanta ayaa la filayaa in Xildhibaanadu isugu yimaadaan fadhigii caadiga ahaa taaso halkoodiii ka sii wadan doonan doodihii ku saabsanaa samaynta gudiyadii baarlamaanka daraad uu soo hordhigay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan sh. Aadan furitaankii fadhigaas ee maalintii Isniinta.

Waxaa la filayaa in maalamaha soo socda in Magaalada Baydhabo ay yimaadaan wufuud iyana ka socota qaar ka mid ah wadamada Adduunka kuwaas oo doonaya in ay soo indha indheeyaan xaaladda Baydhabo.

Max’ed Dheere oo xirxiray qaar ka mid ah Ganacsatda Jowhar kaddib markii ay diideen .

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayan in saldhiga Booliiska ee Magaalada Jowhar ay ka buuxaan ganacsato la sheegay inay diideen lacag Shilli Soomaali ah oo ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwo been abuur ah oo loo qabiyay Meleshiyooyinka Max’ed Dheere.

Ganacsatadaas oo diiday in ay lacagtaasi qaataan ayaa sababaha ay u diideen ay tahay iyagoo sheegay in ganacsigooda uu ku xiran yahay Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay sheegeen in aysan ka qaadaneyn lacagtaasi.

Ganacsatadaan oo qaarkood la dul dhigay ganaax ayaa waxa ay saameysay ganacsigii Magaalada Jowhar, iyadoo Tukaamadii iyo goobihii kale ee ganacsi albaabda loo laabay.

Lacagtaan ayaa laga keenay Maamulka Gobaleedka Puntland waxaana horey loogu qaybiyay maleeshiyooyinka Reer Puntland ee ku sugan xerada Kongo.

Max’ed Dheere oo la hadlayay dadweynaha Jowhar ayaa waxa uu sheegay in ciddii aan qadan lacagtaasi ay mudan doonoto xabsi iyo ganaax.

Lacagtaan ayaa la sheegay in ay ahayd lacag horey loogu xayiray dalka Imaaraadka Carabta kaddibna Dowladda Imaaraadka ay ka qaaday xayiraaddii dibna loogu soo daad gureeyay maamulka Gobaleedka Puntland.

60-qof oo Soomaali tahriibayaal ah ayaa maydkooda laga xeebaha u dhexeeyay Soomaaliya iyo Yeman ..

Waxaa xeebaha u dhexeeyay Yemen iyo Soomaaliya maalmahan si aad ah loogu arkayay maydadka Dad Soomaali ah iyo Itoobiyaan oo dul sabeynaya xeebahaasi kuwaas oo doonayay in ay si tahriib ah ugu galaan dalka Yemen.

Ilaa iyo 60-qof oo Soomaali ah ayaa lagu arkay xeebaha Yemen iyadoo la sheegay in qaar kale iyana laga cabsi qabo in ay badda ku jiraan.

Maydadkaasi oo la garan waayay kaddib markii laga waayay wax Dukuminti ah ayaa lagu aasay meel ku dhow xeebta.

Doomo aad u fara badan sida dad isugu jira Soomali iyo Itoobiyaan ayaa ku sii qulquluaya Dalka Yemen kuwasa oo doonaya in halkaasi ay ka helaan nolol ka duwan middii ay horey ugu jireen.

Dhawaan ayaa Taleefishinka Al-Jasiira waxa uu sii daayay Barnaamij aad u dheer oo la xiriira tahriibka Soomaaliya waxaana la arkayay maydad fara badan oo daadsan xeebta dalka Yemen, kuwaas oo isugu jiray dad waayeel ah, Haween, Dhallinyaro iyo Carruur qofkii arkana aad ayuu uga jiriiracoonayay Barnaamijkaasi oo dhinacyo badan taabanayay.

Cali Max’ed Geedi oo hambalyo iyo bogaadin u diray xuska Maalinta 8-da Maarso..

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 8-da Maarso oo ah maalinta haween weynaha Adduunka ayaa waxa uu Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi hambalyo iyo bogaadin u diray Haweenka Adduunka gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Haweenka ay yihiin laf dhabarka bulshada.

“Haweenka waxay qayb ka qaataan nabadda iyo dib u heshiisiinta” ayuu yiri Cali Max’ed Geeddi oo u soo jeediyay Haweenka Soomaaliyeed in halkaas ka sii wadaan howlaha nabadeynta oo ay ka dhex wadaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaruhu waxa uu u rajeeyay Haweenka Soomaaliyeed in sanadkaan sanadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo, isagoo sheegay in qaybaha kale ee bulshada ay ogaadaan doorka Haweenka ay ku leeyihiin nabadda iyo isku keenidda Bulshada.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Baaq Abaaraha Soomaaliya Heysta 

Aniga oo ku hadlaya magaca heyada la yiraa African Relief Fund, oo ah heyad kheyriya oo xarunteedu tahay London UK, haatana ku hawlan uruurinta gargaar lala gaaro dadkeena Somaaliyeed ee aay abaraaraha halakeeyeen,  waxaan baaqaan usoo jeedinayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed iyo Dowlada Federaalka ah, waxaana  baaqeyga ku wajahan yahay ... Akhri halkan...


Kulan dhexmaray Cabdulaahi Yusuf iyo Ururka Al-Islaax.

 
Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
 
Baydhabo.Waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacay Todobaadkan kulan gaar ah oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yusuf Axmed iyo Xubna sar sare oo ka mid ah Ururka Dhaq-dhaqaaqa Islaamka ee Geeska Afrika (Al-Islaax) ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.
 
Xubnahaasi ka socday Ururka Al-Islaax ayaa waxaa ay kala ahaayeen Dr. Ibraahim Dasuuqi, Cabdiraxmaan Macalin ( Badiyoow) iyo Dr. Cali Baashe Cumar Rooraaye isla markaasna ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ee ku sugan Baydhabo.
 
Dr. Ibraahim Dasuuqi oo ah Afhayeenka Ururka Al-Islaax ayaa kulankaasi kadib waxaa uu ka warbixiyay kulankaasi oo uu sheegay in uu ahaa mid ay labada dhinac uga hadleen sidii looga hortagi lahaa in uu dib usoo laabto khilaafka ka dhex taagnaa Mudaba garabyada dawladda , kaasi oo keenay in Niyad jab uu ku abuuro Shacabka.
 
Dr. Dasuuqi waxaa uu intaasi ku daray in Madaxweynaha ay kala hadleen in uu isagu uu hormood u noqdo dib u heshiisiinta Soomaaliyeed si looga gudbo muranka Jiitamaya iyo dawlad la'aanta ka taagan dalka Mudada Dheer.
 
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa ku tilmaamay kulankaasi uu la yeeshay Madaxda Al-Islaax mid qayb ka ah Dib u heshiinta Dalka Maadaama uu jiray khilaaf xoogan oo ka dhex aloosnaa isaga iyo Mas'uuliyiinta Ururkaasi sida uu ku waramay Diblamaasi ka agdhow Maaxweynaha oo aan taleefan isna kula xiriiray Magaalada Baydhabo.
 
Horay waxaa Madaxweynaha Dawladda Kumeel gaarka uu ugu eedeeyay Ururkaasi in aanay dhex dhexaad ka ahayn Arinta Soomaaliya kadib markii ay si weyn ugu ololeeyeen Dawladii Kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Dalkaasi Jabuuti oo uu u arkayay in ay ku lahaayeen kaalin aad u weyn shirkaasi.
 
Waxaana Dhowr jeer Madaxweynuhu uu ku Eedeeyay Madaxweynihii hore ee Dawladda Cabdiqaasim salaad xasan iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Cabdalla deeroow Isaaq in ay xubno ka yihiin Al-islaax oo aanu marna la shaqayn doonin, kadibna waxaa Madaxweynuhu uu u ololeeyay Dhismihii Ururka SRRC ee 2001.
 
Sidoo kale Ururkan Fursad ma uusan u helin in uu si buuxda uga qaybgalo Shirkii Mudada dheer ka socday dalkaasi Kenya kadib markii  SRRC oo taageero ka helay Ethiopia ay shirkaasi ka hor istaageen dhamaan Bulshada Rayidka oo dowr Muuqda aan ku yeelan shirkaasi Mudada dheer socday.
 
Al-Islaax waxaa lagu tiriyaa Ururada qunyar usocodka ee ka jira Dalkaasi soomaaliya, waxaana ay kamid yihiin faraca Urur Weynaha Ikhwaanul Muslimiin ee fadhigiisu yahay Dalkaasi Masar ee uu aas aasay Imaan Xasan Al-Banaa.
 
Mudadii ay ka shaqaynayeen Dalka Soomaaliyana waxaa ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo hormarin lahaa Waxbarashada Soomaaliya iyo Dib u heshiinta oo ay u arkaan Waxyaabo xiligan ay u baahanyihiin shacabka soomaaliyeed ee dagaalka Sokeeye ku jiray Waqtiga dheer ee Fowdada.

ridwanhaji@yahoo.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
07 March 2006
 
Dad rayad ah oo gumaysiga Itoobiya laayay. 
Weerar mir ah oo lagu qaaday Mishinka Dhagaxbuur. 
Go'aamo ka soo baxay shir u socday maamulka Kililka. 
Odayaal Jigjiga ka soo ambabaxay oo dibada u soo jeeda.
 
 
======================
 
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dadwayne rayad ah oo ciidammada gumaysiga Itoobiya ay ku dileen meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 27/01/06 waxay ciidammada guamysigu ku dileen meesha lagu magacaabo Aabahay-Gablan nin rayad ah oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Gaadh-haye.
 
02/02/06 waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale magaalada Farmadow ku dileen Xasan Ismaaciil.
 
04/02/06 waxay ciidamada gumaysiga itoobiya ku dileen Danbarwayne oo ka tirsan degmada Dhanaan Yuusuf Baaruud Kaahin.
 
10/02/06 Barmiilka waxay ku dileen ciidamada gumaysigu Carab Daahir Arbe, oo ahaa wiil yar oo Maqal la joogay.
 
04/03/06 magaalada Ceel-ma-xidho, oo gobolka Doollo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu rasaas ku fureen baabuur ay dad shacab ahi saarnaayeen, waxayna halkaas ku dileen Kirishboygii baabuurkaas oo lagu magacaabi jiray Muuse, oo magiciisoo buuxay aanaan wali halin.
 
Weerar mir ah oo lagu qaaday Mishinka Dhagaxbuur.
 
Cutub ka tirsan ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Xoreynta Ogaadeenya ayaa goor habaynimo ah weerar ku qaaday meesha lagu magacaabo Mishinka oo ku taalla magaalada Dhagaxbuur, waxaana weerarkaas ciidammada gumaysiga Itoobiya loogu gaystay khasaare lixaad leh.
Ciidammada Xorenyta Ogaadeenya ee goobtaas weeraray waxay qoryaha Baasuukaha loo yaqaano ku garaaceen xarunta saraakiisha gumaysiga ee Mishinka, waxayna halkaas ku burburiyeen labo dhismo oo hoy u ahaa saraakiisha ciidammada gumaysiga, hase yeeshee lama hayo tafaasiisha khasaaraha uu weerarkaasi gaystay.
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 09/02/06 waxay Ciidammada Xorenya Ogaadeenya magaalada Abaaqorrow ku qaqabteen koox ka tirsan malleeshiyada calooshood u-shaqaystayaasha ah ee Dabaqoodhiga. Kooxdaas Dabaqoodhiga ah ayaa  la iska sii daayay markii laga qaaday wixii hub ahaa ee ay wateen.
 
Go'aamo ka soo baxay shir u socday maamulka Kililka.
 
Maamulka gumaysiga u adeega ee  Kililka loogu yeedho iyo odayaal la siyaasad ah ayaa in muddo ahba u fadhiyay shirar kala duwan oo ka kala dhacay magaalooyinka Jigjiga iyo qabridaharre. Shirarkaas ayaa la sheegay in lagaga hadlayay sidii dagaal loola gali lahaa Ciidammada Xoreynta Ogaadeenya, abaaraha iyo waxa ay ugu yeedheen mashaariicda horumarinta.
Shirarkan waxaa ka soo baxay go'aamo aan wax badan ka duwanyan kuwii uu gumaysigu marar badan oo hore ku hungoobay. Go'aamadaasna waxaa ka mid ah;
 
1- In dagaal adag lala galo waxay ugu yeedheen Nabad Diidka, oo ay ula jeedaan Ciidammada Xoreynta Ogaadeenya.
2- In taageerayaasha JWXO lagu qasbo inay is-fashiliyaan. Haddii ay is-fashilin waayaana tallaabo adag laga qaado.
3- In dadka lagu dilo dagaallada u-adeegidda gumaysiga ee lala galayo Ciidammada Xoreynta Ogaadeenya, si fiican loo taageero qoysaska ay ka tagaan.
4- In mashaariicda horumarinta lagu xidho dagaalka lala galayo Ciidammada Xoreynta Ogaadeenya. Degamda ama cidda diidda inay dagaalkaas ka qayb qaadatana aan laga qayb galinin mashaariicdaas.
 
Odayaal Jigjiga ka soo ambabaxay oo dibada u soo jeeda.
 
Maalintii axadda ahayd oo taariikhdu ahayd 05/03/06 waxaa magaalada Jigjiga ka ambabaxay 7 oday, kuwaasoo u ambabaxay xarunta gumaysiga ee Addis Ababa. Odayaashan ayaa lagu wadaa inay dhawaan u soo baxaan dalalka dibadda ee Jaaliyadaha Ogaadeenya ku badan yihiin. Ujeeddada odayaashan dibada loogu dirayo ayaa waxay tahay sidii ay Jaaliyadaha Ogaadeenya tashwiish ugu furi lahaayeen, isla markaana ay ugu soo xidhi lahaayeen gumaysiga Itoobiya.
Hawsha odayaashan loo diray ayaa waxay qayb ka tahay siyaasad cusub oo gumaysiga Itoobiya ku tallaabsanayo, taasoo ah in xoogga la saaro Jaaliyadaha Ogaadeenya ee ka jira dalalka dibada ah, kuwaasoo uu gumaysigu rumaysan yahay inay gacan wayn ka gaystaan dagaalka lagaga soo horjeedo ee Ogaadeenya ka socda. Sidaas darteed wuxuu gumaysigu dhawaan soo magacaabay dhawr nin oo la shaqeeya safaaradaha uu ku leeyahay dalalka waawayn ee Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, kuwaasoo hawshoodu tahay sidii ay uga dhex shaqayn lahaayeen dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ee dalalkaas ku dhaqan.
 
Siyaasadan cusub ee gumaysigu ku weerarayo Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dibada waxaa ka mid ah isagoo dhidibbada u taagay xafiis cusub oo lagu magacaabay Xafiiska Jaaliyadaha, kaasoo la shaqayn doona jawaasiistii lagu magacaabay safaaradaha kala duwan iyo sirdoonka Meles Zenawi. Waxaana xafiiskaas madax looga dhigay ninka lagu magacaabo Guuleed Aw Cali.
 
Radio Xoriyo
 
 07 March 2006.
C/nuur Sheekh Maxamed
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2006



Max’ed Dheere oo Warqad ka helay Madaxweyne C/laahi Yuusuf..
»Guddigii taakuleynta oo beeniyay hadalkii Muuse Suudi...
»Garoowe oo lagu daadiyay waraaqo golaha wakiilada looga..
»Ciidamadii ku xareysnaa Xerada Kongo oo kusii jeeda Waajid
»Kulankii Baarlamaanka oo looga dooday ajandayaal dhawr ah
»Beelihii ku dagaalamay Yamaarugle oo isa soo horfariistey
»Beelaha Faarax Garaad oo Dib u eegaya hoggaanka PL
»Baaq Nabadeed: Beelihii ku dagaalamay Yamaarugle...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Mar 7

Jaamacadda Carabta oo $26-Milyan oo Doolar siisay Dowladda FKMG
»UK: Nin hooyadiis asal ku leedahay Somali oo la diley
»Dab galaaftay hanti fara badan - deegaanka salagle
»C/llaahi Yuusuf: Xildhibaanada gacan ka hadal dambe uusan
»Xildhibaan bixiyay 200 oo Loor oo Galley ah..
»Shariif Xasan: Xildhibaanadu ha iloobaan Jowhar & Muqdisho
»Hay’adda Muslim Ifriiqiyaa oo ka warbixisay abaaraha Gedo
»Kulankii Baarlamaanka oo maanta ka furmaya Baydhabo ..
»Max’ed Dheere “Xildhibaanada waxaa la siiyay midkiiba $200
»Madaxda Kulmiye & Ucid oo Eedeeye Cabdulaahi Yuusuf
»Qahira: Shirkii Carabta oo looga Hadlay Arimaha Soomaaliya
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji.. Mar 6


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD