SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 7, 2006

  • Max’ed Dheere oo Warqad qoraal ah ka helay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf..

  • Garoowe oo lagu daadiyay waraaqo golaha wakiilada looga dalbanayo iney kalsoonida kala laabtaan Wasiirada.

  • Ciidamadii ku xareysnaa Xerada Kongo oo kusii jeeda dhinaca magaalada Waajid..

  • Guddigii taakuleynta oo beeniyay hadalo kasoo yeeray wasiirka ganacsiga Muuse Suudi...

  • Kulankii Baarlamaanka oo shalay looga dooday ajandayaal dhawr ah..

  • Beelihii ku dagaalamay deegaanka Yamaarugle oo isa soo horfariistey.

  • Sannadguuradii tobnaad ee Elman Cali Axmed oo qabanqaabadeeda ay ka socota Muqdisho..

  • Diyaargarow loogu jiro xuska 8-da Maarso oo ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka...

  • Beelaha Faarax Garaad oo Dib u eegaya Hogaaminta Cade iyo Xasan daahir Afqudhac

  • Baaq Nabadeed oo loo soo Jeediyey Beelihii ku dagaalamay Yamaarugle




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk

Max’ed Dheere oo Warqad qoraal ah ka helay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf..

Warar aanu ka helnay rag ku dhow dhow Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa waxay sheegayaan in uu dhawaan warqad qoraal ah ka helay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaana la sheegay in warqaddaasi loogu sheegay in uu si dhaqsi leh ku yimaado Magaalada Baydhabo oo haatan ay ku sugan yihiin dhamaan mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa waxa uu wadaa qorshe ah in uu dhameeyo khilaafka u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Max’ed Cumar Xabeeb kaddib markii uu Max’ed Dheere dhawaan ay ka soo yeeray hadalo uusan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf jecleysan oo ahaa in Ciidamada ku xareysan Xerada Kongo ay yihiin kuwo beeleed, isla markaana hubka ay haystaana lagu siiyay qaab beeleed.

C/laahi Yuusuf ayaa waxa uu doonayaa in si dhaqsi leh loo dhameeyo khilaafka u dhexeeyay isaga iyo Max’ed Dheere, maadaama Max’ed Dheere uu ahaa ninkii sida weyn ugu soo dhaweeyay Dowladda Magaalada Jowhar halkaas oo ay ku sugneyd mudo sanad ah.

Ilaa iyo hadda lama oga in Max’ed Dheere uu aqbalay codsigii ka yimid Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Max’ed Dheere eedeeyn u jeediyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, kal hore ayay ahayd markii Max’ed Dheere ay ka soo yeereen hadalo uu Madaxweynaha kaga dalbanayo in uu magac u bixiyo heshiiska dhex maray isaga iyo Yuusuf Indha-Cadde kaddib markii uu Madaxweynuhu Barre Hiiraale ugu yeeray guddoomiyaha dib u heshiisiinta Xubnaha labada Gole ee Dowladda.

Garoowe oo lagu daadiyay waraaqo golaha wakiilada looga dalbanayo iney kalsoonida kala laabtaan Wasiirada..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd Magaaladaasi lagu daadiyay waraaqo lagaga dalbanayo Golaha Wakiilada in kalsoonida lagala laabto xubnaha Wasiirada ee dhawaan la magacaabay.

Waraaqahaasi ayaa la garareyn cid daadisay hase yeeshe wararku waxay sheegayaan in rag horey kalsooni uga waayay golaha Wakiilada ay ka dambeeyaan.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in waraaqahaani ay ka dambeeyeen daadistooda rag si ad ah uga soo horjeeda Wasiiradii dhawaan la magacaabay oo uu Golaha Wakiiladu kalsoonida siisay.

Dhinaca kale maalintii shalay ahayd ayaa Golaha Wakiilada waxay ansixiyeen in Guddoomiyaha Maxkamadaha iyo Xeer ilaaliyaha maamulka gobaleedka Puntland, hase yeeshee waxaa lagu soo waramayaa in weli ay jirto xiisad u dhexeysa siyaasiyiinta maamul Gobaleedka Puntland kaddib markii mid ka mid ah wasiiradkii hore ee Maamul Gobaleedkaasi uu weerar ku soo qaaday xaruntii Golaha Wakiilada, waxaana halkaas ku dhintay saddex qofood oo maleeshiyo ah.

Ciidamadii ku xareysnaa Xerada Kongo oo kusii jeeda dhinaca magaalada Waajid..

Ciidamo gaaraya tiradooda 800 oo Askari ayaa ku xareysan Xerada Kongo oo ku taala duleedka Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe kuwaasoo xoogooda laga keenay Maamul Gobaleedka Puntland, waxaana haatan la sheegay in ciidamadaasi ay ku jeedaan magaalada Waajid ee Gobalka Bakool, waxaana la shegay in ay ku biiri doonaan ciidamo kale oo halkaasi ku xareysnaa kana tirsan beelaha Digil iyo Mirifle.

Tagista Ciidamadaan ayaa waxay u muuqataa in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu ka xaab-xaabanayo Magaalada Jowhar kaddib markii Dowladda xoogeedii isugu tagtay Magaalada Baydhabo.

Ciidamadaan oo wata ilaa iyo dhowr iyo taban Tikniko ah ayaa waxay halkaasi ku xareysnaayeen mudo lix bilood ah iyagoo halkaaasi ku qaadanayay tababar la sheegay in ay siinayeen qaar ka mid ah Saraakiil Itoobiyaan ah.

C/llaahi Yuusuf oo haatan degan duleedka Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ilaaliya Ciidamo aad u tababar oo qaarkood laga qaaday Magaalada Jowhar, kuwaasoo ka mid ahaa kuwii ku xareysnaa xerada Kongo.

Guddigii taakuleynta oo beeniyay hadalo kasoo yeeray wasiirka ganacsiga Muuse Suudi...

Guddiga Taakuleynta abaaraha ayaa si kulul u beeniyay hadal ka soo yeeray mid ka mid ah Hogaamiya kooxeedyada Magaalada Muqdisho oo ah Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow kaddib markii uu Guddiga Taakuleynta uu ku sheegay in ay yihiin rag u soo tafaxaytay in ay wax is daba mariyaan, waxyana hadaladan ku tilmaameen kuwo aad looga naxo oo aan la fili kareyn ninkaa mas’uul ah.

Shiikh Axmed Max’ed Suleymaan oo ah Guddoomiyaha gudiga taakuleynta abaaraha ayaa waxa uu sheegay in hantida ay hayaan ay isugu jirto lacag iyo raashin ay gaarsiin doonaan dadka ay ugu talagaleen oo ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta, waxaa kalloo uu sheegay in ay si siman wax u gaarsiin doonaan dhamaan gobalada ay ka jirto abaarta.

Shiikhu waxa uu sheegay in ay dhawaan ku dhawaaqi doonaan hantida ay ka qadeen shacabka Soomaaliyeed oo ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, isagoo u mahadceliyay intii gacanta ka gaystay uruurinta deeqahaasi wax loogu qabanayo dadka dhibaateysan.

Kulankii Baarlamaanka oo shalay looga dooday ajandayaal dhawr ah..

Shalay ayaa waxaa ka furmay magaalada Baydhabo kulankii Baarlamaanka oo muddo asbuuc ah awal dib loo dhigay laguna ballansanaa in shalay oo isniin ah inuu halkaasi ka furmo.

Waxaa shalay furay kulanka guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuuna soo hordhigay ajandayaal dhawr ah oo ay ugu weyneyd sameynta guddiyada baarlamaanka oo uu sheegay in muddo ah iney u xayirneyd khilaafkii ka dhexeeyey golayaasha dowladda oo kala dagay Muqdisho iyo Jowhar, intaas kaddib waxaa la guda galay doodo ay is weydaarsadeen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka doodahaas oo salka ku hayey sameynta guddiyada iyo sida loo sameynayo.

Waxaa halkaasi shalay ka hadlay xildhibaano gaaraya dhawr iyo toban oo dhammaantood isku aragti ka noqday dhismaha guddiyada baarlamaanka oo ay sheegeen iney lagama maarmaan tahay in si deg deg ah loo hawl galiyo guddiyada sharciga ee uu leeyahay golaha Baarlamaanka laakiin waxaa lagu kala aragti duwanaa sameynta guddiyadaas kaddib waxa uu ku dhaqaaqayo baarlamaanku.

Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyey in marka la dhiso guddiyada baarlamaanka, laga doodo la xisaabtanka xukuumadda oo muddo sannad iyo bar ah xilka haysay si la isku barbar dhigo waqtiga intaas la eg iyo waxa u qabsoomay, halka xildhibaanada qaar ay qabeen in wali lagu jiro bilawga dib u heshiisiinta loona baahan yahay in aan la damqin boogaha keeni kara in mar labaad lagu kala boodo wadashaqeyn guud oo dhex marta hay’adaha dowladda.

Beelihii ku dagaalamay deegaanka Yamaarugle oo isa soo horfariistey.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in beelihii dhawaan ku dagaalamay deegaanka Yamaarugle ee kililka shanaad ee Itoobiya ay maalintii shalay ahayd si ka foo ka fool ah isku soo hor fariisteen, wuxuuna kulankaani ka dhacay meel ku dhow tuulada Yamaarugle Culuma’udiin, Waxgarad iyo Odayaal ka tirsan labada beelood.

Kulankaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Culuma’u-diin ka soo jeeda deegaanka Puntland oo iyagu mudooyinkaa-ba wada hadal la lahaa waxgaradka labada beelood.

Dagaalkii dhex maray labadaani beelood ayaa waxaa ku dhintay dad aad u fara badan oo ku u dhaafayay ilaa iyo boqol qofood, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, iyadoo dagaalkaani uu sababay in dad fara badani ay ka barkacaan deegaanadii ay deganaayeen, Wuxuuna dagaalkaani ka dhashay is qab qabsi dhul deegaan ah oo u dhexeeyay Labada beelood.

Diyaargarow loogu jiro xuska 8-da Maarso oo ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka...

Iyadoo ay maanta oo kaliya ay naga xigto 8-da Maarso oo ku beegan maalinta haween weynaha adduunka ayaa qaban qaabo xoogan oo loogu diyaargaroobayo xuska maalintaas waxay si xawli leh uga socotaa magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.

Diyaargarowgaan oo lagu xusayo maalinta 8-da Maarso ayaa waxaa qaban qaabadeeda wada ururada bulshada rayidka gaar ahaan ururada haweenka waxaana ka socda magaalada diyaargarowga munaasabado lagu soo dhaweynayo maalintaas, iyadoo qaar ka mid ah ururada haweenka ee ka dhisan gobolka Banaadir wareysi aan kala yeelanay qaban qaabada ay ugu jiraan maalintaas ay sheegeen iney ku rajoweyn yihiin in xuska 8-da Maarso uu si habsami leh u dhaco.

Waxey sheegeen in sanandkaan lagu soo bandhigi doono xuska 8-da Maarso waxyaabo badan oo la xiriira horumarka ay gaareen haweenka Soomaaliyeed iyadoo laga eegayo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhex galka bulshada, waxaa sidoo kale ay sheegeen in lasoo bandhigi doono dhibaatooyinka loo geystay haweenka Soomaaliyed.

Sannadguuradii tobnaad ee Elman Cali Axmed oo qabanqaabadeeda ay ka socota Muqdisho..

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaargarow loogu jiro xuska sannadguurada tobnaad ee ka soo wareegatay xilligii uu geeriyooday Elman Cali Axmed oo ahaa nin nabadda u dhaqdhaqaaqa si weyna ay u taqiinay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka gobolka Banaadir.

Tobankii Maarso ee sannadkii 1996-kii, ayaa la dilay Elman Cali Axmed, waxaana dilay rag hubeysan oo aan la garaneynin sababtii ay u dileen halyeyga, sidoo kale wali lama aqoonsan haybta ciddii dishay Alle ha u naxariistee Elman Cali Axmed.

Elman wuxuu ahaa nin nabadeed wax badanna u qabtay dad dan yar oo xilligaas ku noolaa gobolka Banaadir, waxyaabaha uu qabtay Elman Cali Axmed waxaa ka mid ahaa, isagoo u abuuray shaqooyin fudfudud dad rag iyo dumar isugu jira, sidoo kalena, caruurta yar yarka ah wuxuu ku dhiiragaliyey waxbarashada isagoo goobo ay wax ku bartaana u agaasimay, qaarkoodna wuxuu siiyey qalabka caseeyaha si ay ugu shaqeystaan, waxaana la filyaa in dadkaasi oo dhan ay ka wada qeyb galaan xuska marxuumka Elman Cali Axmed.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Beelaha Faarax Garaad oo Dib u eegaya Hogaaminta Cade iyo Xasan daahir Afqudhac
 
Laascaanood:/Isniin /6/3/06
 
 
Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay uu shir uga socday magaalada laascaanood waxgaradka ,Cuqaal iyo aqoonyahano ka soo kala jeeda beelaha faarax Garaad ee Dhulbahante waxayna u jeedada ugu weyn ee looqabtay shirkani uu ahaa sidii beeshani ay uga tashan lahayd maamulka Cade iyo Xasan Daahir Afqudhac iyo isu dheeli tirla,aanta ka jirta puntland.
 
Hadaba waxaa shirkaa layskula soo qaaday arimo badan oo ay ka mid yihiin sida beeshan Faarax Garaad ay maamulka puntland aysan xuquuqdeedii uga helin ayna ahaayeen kuwii iyagu dhidibada u taagay maamulka puntland.



Cuqaal katirsan beelaha faarax Garaad oo shirka fadhiya

 
Ugu horay waxa ay isla soo qaadeen wax garadka beesha faarax garaad inay maamulka Cade laga filayey hogaamin cusub iyo xaquuq siman taas oo ah arimihii uu doorashada ku helay.Hase ahaatee tan iyo markii uu kursiga ku fadhiisteen isaga iyo ku xigeenkiisu waxa ay dib ugu noqdeen waxyaalo dunduminaya maamulka Puntland.Waxa uu madaxweyne cade iyo kuxigeenkiisu ay dhegaha ka furaysteen cabashooyin badan oo ay u gudbiyeen beelaha faarax garaad kagana cabanayaan sida ay san xaquuqdoodii uga helin maamulka ay madaxda ka yihiin.
 
Sidaan la socono waxaa uu madaxwayne cadde soo dhisay dowlad cusub, dowladaas oo markii la horkeenay baarlamaanka uu ka dhashay khilaafkii keenay dhimashada dhowr ruux iyo qalalaasaha siyaasadeed ee hada ka taagan puntland .


Cuqaal katirsan beelaha faarax Garaad oo shirka fadhiya

 
Fadhiga maalintaa ee baarlamaan ka puntland ayaa la sheegay in lacag  lagu sii yey mudanayaasha inay codka kalsoonida u diidaan dhowr wasiir oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha gudaha iyo aminiga puntland axmed cabdi xaabsade, wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka caalimaga md:c/raxmaan faroole  iyo qaar kale ,
 
Lacagta lasiiyey mudanayaasha baarlamaanka ayaaa waxaa la sheegay inay ahayd lacagtii dowlada ee ka dhexaysay umada reer puntland , oo loo adeegsaday dana gaara oo qof leeyahay , arintaana uu madaxawaynuhu ka gaabiyey wax ka qabashadeedii uuna ogaan waayey waa madaxwayne caddee waxa ka socda madaxtooyada waana nasiib daro la soo deristay hogaanka sare ee puntland  in hantida qaranka wax lagu afganbiyo ,


Cuqaal katirsan beelaha faarax Garaad oo shirka fadhiya

 
Waxaana soo baxaya warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in loosheegay madaxwayne cadde habeenimadii ka horaysay maalintii baarlamaanka la fadhiisinayey ee codka loo qaaday wasiirada inay jirto lacago qasnada dowlada laga saaray oo loo qaybiyey baarlamaanka si loogu fushado dana gaara arintaana ay wadaan dadka tirsan madaxtooyada puntland arintaas oo cadde muuse kama fekerin waxa ay ku keentay maamulkiisa 
 
Waxa sidoo kale ay isla garteen qaska iyo qalalaasaha ka taagan Puntland in ay masuul ka yihii Madaxweyne ku xigeenka iyo xubno ka mida golihiisa wasiirada taas waxayna sababtay isku dhacyada ka jira gobolada puntland iyo caasimadaba.
 
Sidaa darteed shirkan ay lahaayeen beeshu ayaa waxa isaguna ku soo biiray isla markaana xogwaran ka bixiyay  wasiirka hore ee arimaha gudaha Axmed Cabdi Xaabsade oo isaga mu'aamaradaysan xilka looga qaaday ayaa ka soo jeediyay talooyin iyo xogwaran qoto dheer oo ku saabsan sida looga bixi lahaa tafaaruqa beelaha SSC iyo ismariwaaga siyaasadeed ee ka aloosan puntland.


Wasiirkii hore ee arimahagudaha oo fadhiyas hirka beelaha faarax garaad

 
Dhanka kale waxaa iyana jirtay oo shirka ay lahaayeen beelaha faarax garaad lagu soo qaaday fariin uu Madaxweyne Cade u soo faray afhayeenka beelaha faarax garaad Maxamuud xaaji Cumar taas oo ku wajahnayd sidii uu uga qancin lahaa wixii beeshu tabanayso iyo isagoo madaxweynuhu si gaara uga codsaday Afhayeenka beesha inuu dhex galo isaga iyo wasiirkii hore ee arimaha gudaha isla markaana ay isugu yimaadaan xal.
 
Hase ahaatee arintan ka soo yeedhay Madaxweynaha ayaa waxa loo arkay mid siyaasadeed.dhinaca kale waxaa jira dhaqdhaaq ciidan beeleedyo  ka socda guud ahaan maamul goboleedka puntland gaar ahaan  gobolka sool iyo cayn  lama shaacin sababta dhabta ah ee ka danbaysa ciidamada ,Dhanka kale waxaa  sadex habeen ka hor ka baxay magaalada laascaanood gaadhi nooca waaraaadka loo yaqaan ah iyo gaadhi yar oo sida ilaa 80 maleeshi tuuute gashay sida ay wararku sheegayaan maleeshiyada ka tagtay laascaanood ayaa waxay xoojinayaan qayb ka mida madaxtooyada.

Sidaa dartee waxa laysla soo qaaday in loo diro maamulka sare ee puntland gudi ka kooban sodemeeyo oo uu hogaaminayo Maxamuud Xaaji Cumar Camey ayaa garoowe waxa ku sugaya xubno uu ka mid ah gudiga oo uu ka mid yahay Garaad C/laahi Garaad Soofe. 

 
1-CaaqilMaxamuud Xaaji Cumar Camey    Afhayeenka ergada
2-Caaqil Axmed Xirsi cowl
3-Cheif C/kariin Axmed Saleebaan
4-Caaqil X.Axmed Aadan Xaad
5.Caaqil Axmed Salax Maxamed
6Caaqil.Xasan Qanbi
7.Caaqil Ibraahim Cali shire
8.Caqil Dalmar X.Maxamuud Mire
9.Caaqil Olol Maxamed Jaamac
10.Caqil Maxamuud Maxamed Ciise
11.Caaqil Xaaji Mahda xaji yuusuf
12.Cabdi Maxamed
13.Saleebaan maxamed Hugur
14.Caqil Cali mxamed kaarshe
15.Axmed Xaji Xasan
16.C/laahi Maxamed Farax
17.Maxamuud Cabdi maxamuud
18.C/risaaq Maxamuud Xasan
 
Magacaabistan gudigan ayaa waxa lagu soo gunaanaday inay xubnahaasi go'aan adag ka qaataan wixii wax u dhimaya masiirrka beesha faarax garaad isla markaana wixii u cuntamiwaaya ayey beeshu isla garteen inay talaabo ka qaataan.
 
Maxamed gaaxnuug
laasaacood somalia
gahnugw@yahoo.com

Baaq Nabadeed oo loo soo Jeediyey Beelihii ku dagaalamay Yamaarugle

Kulan ka dhacay magaalada Leicester ee dalka ingiriiska maalinti Axadda bishuna ay aheyd 05/03/06, ayaa waxa ay Beesha Majeerteen ee ku nool magaalada Leicester  si wadajir uga soo wada saareen baaq nabadeed oo ku aadan Dagaaladi foosha xumaa ee dhex maray beelaha isirwadaaga ah walaalaha ahna ee ku dagaalamay deegaamada Yamaarugle. 

Beesha waxa ay xusuusinaysaa dhammaan dadki ku dagaalamay halkaas in uu dagaal qabiil dhibaato moooyee aanu Adduun iyo Aakhiraba faa’ido laheyn. Dhiig Muslina uu xaaraan ka yahay dhiig muslin kale. Beeshu waxey ugu baaqeysaa dadkaa inay yihiin dad Muslimiin ah, wadaagana dhalasho iyo dhiig, loona baahan yahay in dagaaladaa soo noq noqday shuruud la’aan la joojiyo. 

Sidoo kale Beeshu waxey ugu baaqeysaa dhammaan waxgaradka, Culumaa’udiinka, Aqoonyahanada, iyo dadka ehelka u ah wanaaga ee labada dhinacba, inay beelaha kala dhex galaan ayna raadiyaan wanaaga iyo nabadda sidi dadkaa wada dhashay loogu soo dabaali lahaa. 

Nabaddu waa qaali, dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho. 

Allaah hanaga dhigo kuwa mar walaba fitnada ka carara oo raadiya nabadda. 

Wabilaahi Towfiiq 

Baaqa waxa wadajir usoo saaray iyagoo ku hadlaya magaca Beesha Majeerteen ee Leicester, dadka kala ah:- 

  • 1-     Yaasiin Daahir
  • 2-     Maxamed Cabdixaliim
  • 3-     Suldaan Cabdiraxmaan Aadan Dude
  • 4-     Shiikh Maxamed Cabdullaahi
  • 5-     Cabdixakiim Jaamac Jooje
  • 6-     Xasan Oslo
  • 7-     Cabdullaahi Guuto
  • 8-     Cabdiwali Barre Adag
  • 9-     Cabdullaahi Barre Adag
  • 10- Cabdikeyf
  • 11- Xasan Sablaale
  • 12- Cabdiraxmaan Shiine
  • 13- Cabdirizak Xirsi
  • 14- Yaasiin Atoore
  • 15- Axmed shiino
  • 16- Cabdisamad Aadan
  • 17- Cali Gacaney
  • 18- Warsame Maxamed Siciid Beeldaaje

Qoraalkan kala xriir: abdi jooje | saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 7, 2006



Jaamacadda Carabta oo $26-Milyan oo Doolar siisay Dowladda FKMG
»UK: Nin hooyadiis asal ku leedahay Somali oo la diley
»Dab galaaftay hanti fara badan - deegaanka salagle
»C/llaahi Yuusuf: Xildhibaanada gacan ka hadal dambe uusan
»Xildhibaan bixiyay 200 oo Loor oo Galley ah..
»Shariif Xasan: Xildhibaanadu ha iloobaan Jowhar & Muqdisho
»Hay’adda Muslim Ifriiqiyaa oo ka warbixisay abaaraha Gedo
»Kulankii Baarlamaanka oo maanta ka furmaya Baydhabo ..
»Max’ed Dheere “Xildhibaanada waxaa la siiyay midkiiba $200
»Madaxda Kulmiye & Ucid oo Eedeeye Cabdulaahi Yuusuf
»Qahira: Shirkii Carabta oo looga Hadlay Arimaha Soomaaliya
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji.. Mar 6


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD