SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 6, 2006

  • Nin Caddaan ah oo Hooyadiis asal ku leedahay Soomaali oo lagu diley UK...

  • Dab galaaftay hanti fara badan oo qabsaday deegaanka salagle ee gobolka jubbada dhexe

  • C/llaahi Yuusuf “Xildhibaanada waxaan u soo jeedinayaa in gacan ka hadal dambe uusan ..

  • Xildhibaan bixiyay 200 oo Loor oo Galley ah..

  • Shariif Xasan “Waa in Xildhibaanadu ay iska iloobaan Jowhar iyo Muqdisho ..

  • Hay’adda Muslim Ifriiqiyaa oo ka warbixisay abaaraha ka jira Gobalka Gedo ..

  • Jaamacadda Carabta oo 26-Milyan oo Doolar siisay Dowladda Federaalka ..

  • Kulankii Baarlamaanka oo maanta ka furmaya Magaalada Baydhabo ..

  • Max’ed Dheere “Xildhibaanada waxaa la siiyay midkiiba 200 oo Doolar ee waa in ay wax ka siiyaan..

  • Madaxda Kulmiye iyo Ucid oo Eedayn u jeediyay Cabdulaahi Yuusuf.

  • Shirkii Wasiirada Arimaha Dibada ee Carabta ee Lagu Qabtay Xaruunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira oo looga Hadlay Arimaha Soomaaliya.




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk
Nin Caddaan ah oo Hooyadiis asal ku leedahay Soomaali oo lagu diley UK...

Murder inquiry cites racial elementDembi baarayaasha dalka Ingriiska ayaa sheegay in nin caddaan ah oo hooyadiis ay asal ku leedahay Soomaali in laga yaabo in ninkaas loo diley arrimo la xiriira kala faquuqa ama takoor.

Lee Phipps waxaa meydkiisa la helay galabnimdii Khamiistii la soo dhaafay, waxana uu u dhintay mindi ama toorey lala dhacay, gaar ahaan lagala beegsaday wadnaha.

Lee Phipps oo da'diisu ahayd 31-jir waxa uu lanoolaa hooyadiis oo da'deedu tahay 53-jir ah iyo laba gabdhood oo walaalihiis ah oo deggan South Shields, South Tyneside. Aabihiis oo ay hooyadiis hore isu fureen waxaa la sheegay in uu ka soo safray aagga Manchester si uu ugu yimaado reerka dilka ka dib.

Waxaa warku intaas ku daray in ninkan la diley uu guriga kabaxay galabnimdii Khamiista si uu sawiro uga soo qaato buurta barafka leh ee Cleadon Hills, waxana uu ahaa nin jecel in uu sawiro ka qaato deegaanka ama beey'ada.

Waxaa la helay meydkiisa oo aan laga qaaday kaamaradii uu watay iyo lacag uu sidey, taas oo muujienysa in aan tuugo dilin balse loo malaynayo in loo diley arrimo la xiriira kala takoor maadaama ay hooyadiis asal ku leedahay Soomaali.

Ninkan la diley hooyadiis waxaa la sheegay in ay tahay qof aad uga soo horjeeda kala faquuqa dadka, waxana ay hore u sheegtay in qoyskeeda loo muujiyey nacayb ama colaad ku salaysan takoor.

Lee Phipps
Lee Phipps

Sannadkii hore ayey ahayd markii ninkan la diley hooyadiis ay samaysay meel Internet ah oo u dooda dadka la takooray, waxana la sheegay in ay eedaymo u soo jeedisey dad shacab ah iyo booliska. Sannadkii 2002 waxa ay dacwad ku oogtey shirkad shaqo oo ay tiri si takoor ah ayaa iyada loola dhaqmay laakiin dacwadaas kuma aysan guulaysan.

Ninkan hadda la diley waxa uu saddex sano ka hor sawir ka qaaday koox burcad ah oo lagu eedeeyeey in ay hooyadiis farta ugu fiiqeen sidii Nazi-gii. Cisbitaal ayaana markaas isaga la dhigay kaddib markii kooxdaasi ay isaga garaaceen.

Lee Phipps waxa uu ahaa caddaan, timihiisuna yihiin huruud iyo caddaan isku dhafan (ama blond) oo ah timaha dadka caddaanka ah, waxaana warbaahinta dalka Ingriisku muujiyeen in sababta loo diley ay u badan tahay in ay la xiriirto takoor, maadaama ay hooyadiis asal ku leedahay Soomaali.

Isha: Warbaahinta UK | Tarjumadii SomaliTalk.com


Dab galaaftay hanti fara badan oo qabsaday deegaanka salagle ee gobolka jubbada dhexe

Waxaa habeenimadi Axada dab qabsaday deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe halkaas oo ay ku baaba,een hanti fara badan oo isugu jirta mid dhaqasho iyo mid ganacsi ayadoo uu dabkaas galaaftay badiba goobahii ganacsi ee deegaanka salagle.

Dabkaan qabsaday deegaanka Salagle ayaa waxaa uu dhashay sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku dhaqan deegaankaas kadib markii qof sigaar cabayay uu ku tuuray goob shidaal oo halkaasi ku taalay waxaana halkaasi ku bas beelay 210 guri oo isugu jira kuwo hoy ahaan loo daganaa iyo kuwo ganacsi waxaana dabkaas ay waxyeelo ka soo gaartay 40 qof oo ku dhaawacmay dabkaas inkastoo aysan jirin wax dhimasho ah oo uu dabkaas geyestay.

waxaa Axadii deegaanka Salagle ee uu dabku qabsaday lagu arkayay dadkii ku hanti iyo guryo beelay oo taagtaagan meelaha islamarkaana la' cid u maciinta ayadoo u qeybsanaha deegaankaas ee maamulka isbahayasiga ninka lagu magacaabo Ducaale Ganaane Cuncun uu caalamka ugu baaqay in kaalmo lala soo gaaro dadkaasi musiibada ku habsatay ee ku dhaqan deegaankaas.

Dhanka kale waxaa maalmahan si habsami leh oga socda dekada magaalada kismayo daabulaada markab ay saarantahay raashin mucaawino ah oo ay ku deegday heyada WFP raashinkaan loo qeybinayo dadka ay abaartu saameysay ee ku dhaqan gobolada Jubbada Hose & Jubbada Dhexe ayaa waxaa ay isugu jiraan galay masago iyo waliba saliid ayadoo ay si dar dar leh haatan ay oga socoto deegaanadaas qeybinta raashinka mucaawinada ah  

cabdi qadar nuur maxamed (filipin)
kismayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

C/llaahi Yuusuf “Xildhibaanada waxaan u soo jeedinayaa in gacan ka hadal dambe uusan ..

C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo maalintii shalay ahayd la hadlayay Xildhibaanada Baarlamaanka mar uu qado u sameeyay Guddomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu u sheegay in ay isa saamaxaan oo ay iska illoobaan wixii horey u dhex maray, taas oo uu sheegay in ay tahay mid ay Dowladdu horey ugu dhaqaaqi karto. “Waxaan idiin soo jeedinayaa in aad si niyad ah iyo qalbi furnaan ah aad uga doodaan qodobada la idin hor keeni doono” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Axmed oo intaa raaciyay “waxaan idinkula dardaaramayaa in aad iska ilaalisaan gacan ka hadal dambe oo idin dhex mara oo la mid ah kii 17-kii Maarso 2004 ee ka dhacay Magaalada Nairobi. C/llaahi Yuusuf oo mararka qaarkood ku kaftamayay Afka Maay-Maayga ayaa waxa uu sheegay in Xildhibanaada looga baahan yahay in ay si wadajir ah isku kaashadaan si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed oo ay haysato dhibaatooyin dhinacyo badan leh. Kulankaasi waxaa kalloo ka hadlay Ra’isul Wasaare Cali Maxed Geedi oo isna ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay ku xisaabtamaan waqtigaan in dalku uu ku jiro marxalad adag loona baahan yahay in xildhibaanada la yimaadaan dadaal dheeraad ah. kulanka Baarlamaanka ayaa la filayaa in maanta uu ka dhaco xaruntii hore ee ADC ee Magaalada Baydhabo oo weli ay ka socoto dayarctir, balse Guddoomiyaha Baarlamaanku uu sheegay in dayactirka uu socon doono kulanka Baarlamaanka uu sheegay in uu qabsoomi doono.

Xildhibaan bixiyay 200 oo Loor oo Galley ah..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka uu shalay maamulka Gobalka Sh/dhexe gaarsiiyay labo boqol oo Loor oo Galley ah oo uu xildhibaanku ugu talagalay dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaartu kuna sugan Deegaanka Cadale maadaama uu Xildhibaankaasi ka yimid deegaankaasi.

Xildhibaanka bixiyay labada boqol oo Loor oo lagu magacaabo Xildhibaan Max’ed Geeddi ayaa waxa uu sheegay mar uu ka hadlayay xafalddii guddoonsiinta in Xildhibaanada Baarlamaanka looga baahan yahay in dadkooda ay gacan siiyaan.

Max’ed Dheere oo ah Guddoomiyaha Sh/dhexe oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uga mahadceliyay Xildhibaankaasi deeqdii uu gaarsiiyay dadkiisa, waxa uuna ugu baaqay Xildhibaana kale ee Baarlamaanka in ay ku daydaan xildhibaankaasi oo noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee wax gaarsiiya dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta.

Max’ed Dheere ayaa xaafaddaha ay ka kooban ahay Magaalada Jowhar wuxuu u soo jeediyay in ay gacan ka gaystaan sidii u taakuleyn lahaayeen dadkii ay waxyeealadu ka soo gartay abaarta.

Shariif Xasan “Waa in Xildhibaanadu ay iska iloobaan Jowhar iyo Muqdisho ..

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo shalay Xaflad qado ahayd u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka taasoo ka dhacday dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee MODEL, wuxuuna ku wargeliyay Xildhibaanada in kulamadii Baarlamaanka maanta la bilaabo ay si caadi ah u socon doonaan, waxa uuna u soo jeediyay Xildhibaanada in qodobada hor yalaa ay si niyad-sami ku dheehan tahay ay uga doodaan.

“Waxaan Xildhibaanada u soo jeedinayaa in ay iska ilaabaan arrintii ahayd Muqdisho iyo Jowhar una soo jeestaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen bulshadooda’ ayuu yiri Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sheegay in ay iska ilaaliyaan in mar kale uu ka lumo waqti, waayo wuxuu sheegay in mudo sanad iyo bar ku dhawaad ah uu ka lumay waqti, kaasoo uu sheegay in ay wax badan ku qaban kareen.

Guddoomiyaha Baarla-maanka wax auu soo jeediyay Xildhibaanada in ay is cafiyaan oo aan dib dambe loo fiirin wixii horey u dhacay.

Hay’adda Muslim Ifriiqiyaa oo ka warbixisay abaaraha ka jira Gobalka Gedo ..

Hay’adda Muslim Ifriiqiyaa agaasimaheeda Soomaaliya Faarax Shiikh C/qaadir ayaa shalay Guddiga abaaraha uga warbixiyay xaaladda Goblka Gedo, isagoo sheegay in dadkii halkaas ku noolaa oo xoola dhaqatada ahaa ay xoolahoodii kaga dhamaadeen abaarta haatanna loo baahan yahay in xoolahoodii la badbaadiyo.

Wuxuu sheegay in Hay’addiisu ay halkaas gaarsiisay kaalmo gaar ahaan waxa uu sheegay in ay halkaas ay ka fureen xarumo quudin ah oo dadka lagu siinayo raashin.

Faarax waxa uu si kulul u beeniyay warar dhawaan ka soo yeeray mid ka mid ah Maamulka gobalka Gedo oo ahaa in hay’adda Muslim Ifriiqiyaa aysan wax xarumo ah ka furin Gobalkaasi, isagoo sheegay in arrintaasi wax laga weydiiyo guddiga taakuleynta ee dhawaan iyagu booqday gobalkaasi.

Dhinaca kale dhaqdha-qaaqa Bulshad rayidka ah ayaa shalay guddiga taakuleynta ku wareejiyay 1350 Doolar oo ay ugu talagaleen dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta ee ku nool Gobalada dalka.

Jaamacadda Carabta oo lacag fara badan siisay Dowladda Federaalka ..

Wararka naga soo gaaraya xarunta Jamaacadda Carabta ee Magaalada Qaahira ayaa waxay sheegayaan in jaamacadda Carabta Dowladda Federaalka ugu deeqday lacag gaareysa 26-Milyan oo Doolar oo Jaamacadda Carabtu ugu talagashay in dib loogu soo nooleeyo kaabayaashii dowladda, in lagu fuliyo mashaariic la xiriirta adeegyada bulshada.

Lacagtaan oo loo qaybiyay saddex qaybood ayaa qaybta ugu horeysa waxay Dowladda soo gaareysaa dhawaan, waxaana lacag ay jaamacadda Carabtu sheegtay in ay tahay mid tijaabo ah oo lagu eegayo sida ay Dowladda Federaalka u maamuleyso.

Lacagtaan oo dhamaanteed ku soo dhacday sanduuqa horumarinta ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa bixiyay wadamada Jaamacadda Carabta oo iyagu fulinaya baaqii jaamacadda Carabta ee ka soo baxay shir-weynihii hogaamiyaasha carabta ee lagu qabtay wadanka Al-Jeeriya kaasoo ahaa in Soomaaliya la siiyo taageero dhaqaale maadama ay shan iyo taban sano ku jirtay dagaalo sokeeye.

Lacagtaan ayaa la sheegay in Jaamacadda Carabta u qorsheysneyd in ay horey u bixiso ayaa waxaa hakiyay khilaafka soo kala dhex galay Dowladda iyo waliba saldhig la’aanta Dowladda soo wajahday mudadii sanadka iyo barka ahayd.

Deeqdaan ay bixisay Jaamacadda Carabta ayaa waxaa soo dhaweeyay Dowladda Federaalka. [War dheeraad ah oo ku saabsan shirka Jaamacada Carabta oo looga hadlay Soomaaliya ka akhri hoos..]

Kulankii Baarlamaanka oo maanta ka furmaya Magaalada Baydhabo ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in xubnaha Baarlamaanka ay isku diyaarinayaan kulankii Baarlamaanka oo maanta la filayo in uu ka furmo Magaalada Baydhabo waxaana la xaqiijiyay in Magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin ilaa iyo 225-Xildhibaan, waxaana maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo gaaray dhowr xildhibaan oo ka yimid dalka dibaddiisa.

Halka uu ka dhacayo kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa weli ka socda dayactir aad u xoogan waxaana, waxaana mas’uuliyiinta ku howlan dayactirkaasi ay sheegeen in meel wanaagsan ay u mareyso howshaasi, waxayna sheegeen in kulanka Maanta lagu qaban karo hoolkaasi oo ay sheegeen in ay u dhiman yihiin wax aan sidaas u weyneyn.

Golaha Baarlamaanka oo mudo todobaad ah ku maqnaa fasax ayaa la filayaa in uu maanta ka doodo sidii loo sameyn lahaa guddiyadii Baarlamaanka oo la sheegay in ay inta badan ka madaxbanaan doonaan Golaha Baarlamaanka.

Max’ed Dheere “Xildhibaanada waxaa la siiyay midkiiba 200 oo Doolar ee waa in ay wax ka siiyaan..

Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo maalintii shalay ahayd deeq ka guddoomay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay gacan ka gaystaan sidii ay u badbaadin lahaayeen walaalahooda ay hayso abaarta iyo biyo la’aanta.

“Waxaan ogahay in Xildhibaanada la siiyay midkiiba labo Kun oo Doolar sidaa darteed waa inay wax uga gooyaan walaalahooda soo doortay kuna soo doortay beel ahaan” ayuu yiri Max’ed Dheere oo intaa raaciyay “ma wanaagsana in walaalkaa uu u dhinto gaajo adna aad dhereg Baydhabo la jiifto”.

Kulankii sagootinka ahaa ee dhawaan loo sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa bulshada rayidka ah waxay midkiiba ka codsadeen in uu bixiyo labo Boqol oo Doolar si loogu kaalmeeyo walaalahooda ay hayso abaaraha, hase yeeshee ma jiro Xildhibaan ilaa iyo haatan bixiyay lacagtaasi.

Dhinaca kale mar dhawaan la uruurinayay lacago loogu talagalay dadka ay abaartu waxyeeleysay ayaa waxaa looga codsaday hogaamiyaasha Siyaasadda Muqdisho in ay bixiyaan lacago si loogu gargaaro walaalahooda, hase yeeshee codsigaasi cid dheg jalaq u siisay ma jirto.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Madaxda Kulmiye iyo Ucid oo Eedayn u jeediyay Cabdulaahi Yuusuf.
 
By: Ridwaan Xaaji Cabdiwali, London.
5.3.2005
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland Kulmiye Axmed Maxamud Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga kale ee isna mucaaradka ee Ucid Faysal Cali waraabe ayaa waxaa ay weerareen Siyaasadda Madaxweynaha Dawladda kumeel gaarka ee Soomaaliya oo ay ku tilmaameen mid uu Cabdulaahi Yusuf ku doonayo dagaal uu ka huriyo Koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland.
 
Labadan Gudoomiye oo ka qaybgalayay Xaflad lagu soo dhoweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cirro oo ka dhacday shalay Old Street London waxaa ay sheegeen in Dawladda kumeel gaarka Soomaaliya ay u muuqato mid fashilan maadaama madaxweynuhu uu dalbanayo hub, halkii uu xooga saari lahaa dib u heshiisiinta dalkaasi Soomaaliya.
 
Waxaa kaloo ay ku eedeeyeen sheegeen in Sidoo kale Cabdulaahi Yusuf uu qorshaynayo in somaliland ay lamid noqoto somaliyada dagaalka sokeeye ay ka jiraan oo ay sheegeen in looga baahanyahay soomaalidu in ay aayahooda ka taliyaan waa sida ay hadalka u dhigeenee labadan hogaamiye ee london ku sugan.
 
Horay ayaa Madaxweynaha Maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin waxaa uu ka codsaday Qaramada Midoobay in aan Somaliya laga qaadin cunuqabataynta hubka ee saaran si Madaxweynaha Soomaaliya iyo inta la fikirka ah aysan u helin hub khatar hor leh ku abuuri kara Gobolka.
 
Maamulka Somaliland ayaa in badan waxaa xurguf ay kala dhaxaysay Puntland oo uu Madaxweyne ka ahaa Cabdulaahi Yusuf ka hor intii aan loo dooran in uu Madaxweyne ka noqdo dalka Soomaaliya shirkii dalkaasi Kenya ka dhacayay.

ridwanhaji@yahoo.com

Shirkii Wasiirada Arimaha Dibada ee Carabta ee Lagu Qabtay Xaruunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira oo looga Hadlay Arimaha Soomaaliya.
 
Waxaa Xaruunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee Qaahira lagu Qabtay Shirkii ay Iahaayeen Wasiirada Arimaha dibadda ee Wadamada Carabta Kaas oo Gogol Xaar u ah Shirka Madaxda Wadamada Carabta ee lagu Wado Dhamaadka Bishan Maarso in lagu Qabto Xaruunta Dalka Suudan ee Khartuum.
Shirkan oo ajandayaal Fara Badan oo Quseeya Wadamada Carabta looga Hadlay ayaa Waxaa ka mid ahaa Qodabada Xasaasiga ahaa ee looga Hadlay Kulankan Arinta dalka Soomaaliya.

Guddi Ka kooban 11 Wasiir Arimo Dibad Carbeed oo u Xilsaaran Arimaha Dalka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa waxay Yeesheen Kulan Gaar ah oo ay Ugu arinsanayaan Xaalka uu Dalka Soomaaliya ku Suganyahay Iminka,waxayna ugu Horeentii ay Warbixin ku Saabsan Xaaladda Soomaalida oo ay Soo Gudbiyeen Gudiyo Dhawaan Booqday Soomaaliya Ka dhageesteen,Gudiyadan ayaa Soo Gudbiyay warbixin ah in Soomaaliya ay Haatan ka Jirto Dawlad Federaal ah oo ku Meel Gaar ah Balse is Khilaafsantahay isla Markaana kala Jooga Goobo kala gadisan iyaga oo isku Haysta Halka Dawladda ku Shaqeyneyso.

iyaga oo sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u Kala Qaybsantahay Gobolo iyo Maamullo sida Somaliland iyo Puntland waxayna sheegeen in Qaybo ka Tirsan Soomaaliya ay Ka Dhacaan dagaalo Qabiil ah.

Waxaa sidoo kale ay dhageesteen Qudbada Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Soomaaliya Md:C/laahi Sh/Ismaaciil oo Halkaas ka soo Jeediyay Warbixin aad u dheer oo Xamaasad lahayd oo uu uga waramay Xaalada uu dalka Ku suganyahay Maanta iyo dadaalada ay wado dawladda ku meel Gaarka ah ee soomaaliya ee dhanka Dib u hishiisiinta,waxuuna ugu Baaqay Wadamada Carabta in ay Dalka Soomaaliya ay Gar gaar la soo gaaraan oo ay ku taageerayaan Shacabka soomaalida kaas oo mudadii 14ka sano ahayd ee la soo dhaafay ay Halakeeyeen Dagaalo Ahli ah,iyada oo ay intaas u sii dheertahay Xiligan Abaaro Ba,an oo ka jira Goobo Fara badan oo ka tirsan Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Md:C/laahi sh/Ismaaciil waxaa uu sheegay in Soomaliya Haatan ay ka baxday Xiligii uu Khilaafka kala Jiray Wadamada la Dariska ah Kuwaas oo ay ka mid yihiin wadamada Itobiya ,kenya iyo Jabuti waxuuna sheegay in Dawladda itoobiya ay Dooneyso Horumarka Dawladda ku meel gaarka Iyo Shacbka Soomaliyeedba,isagoo Kenyana ku sheegay in ay Tahay dawladii Marti Galisay Shirka Dib u hishiisiinta Soomaalida kaas oo Soomaaliya ay ku dhisteen Dawladda uu Hadda isaga Xubinta ka yahay waxuuna dawladda Jabuti ku sheegay in ay tahay Dal ay walaalo yihiin Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Md:C/laahi Sh/Ismaaciil waxaa uu ugu Baaqay wadamada Carabta in ay Bixiyaan Dhaqaalahii ay Dalalka Carabta isla Ogolaadaan Shirkii Al-jaris kaas oo dhanaa ilaa 26 Milyan oo Dollar waxuuna sheegay Wasiirku in Xiligan ay Dawladiisu u baahantahay Qarashaydaas si ay wax ugu Qabato Hawlaha Dib u hishiisiinta ee Dawladda Xiligan ku Mashquulsantahay,wuxuuna Si kulul ugu Sheegay Wadamada Carabta hadii ay Arinkaas wax ka Qaban waayaan in aysan Xilli danbe is weydiinin Soomaaliya Halka ay ka baxday isaga oo ula jeeda in ay Suuro gal tahay in Wadamo kale oo aan Carab ahayn oo soomaalida ay Xiriir la leedahay laga yaabo in ay wax u Qabtaan Soomaalida.

Md:C/laahi Sh/Ismaaciil Mar uu ka Hadlayay Halka ay Xaaladda Dawladiisu Mareyso Waxa uu sheegay in ay Jiraan Wasiiro ka Tirsan Dawladda Federaalka oo aan Dooneynin in ay Hubka iska Dhigaan isla Markaana Dawladda in ay ka shaqeyso Caasimadda Soomaaliya Hor Taagan,Wuxuuna Talo ahaan u soo Jeediyay in Wadamada Carabta ay Wasiiradaas ay Cunaqabateyn Saaraan.

Intaas ka dib ayaa waxaa la Guda Galay in laga Doodo Arimaha uu soo Jeediyay Wasiirka iyo Waliba Warbixinada ay soo Gudbiyeeb Gudiga Arimaha Soomaliya U Xilsaarnaa.

Ugu Horeentii waxaa Gudiga Wasiirada ee Jaamacadda Carabta u Xilsaartay Arinka Soomaaliya ay Fahmi Kari Waayeen Sida ay Suuro Gal Tahay in Wasiiro ka tirsan Dawladda Federaalka ay Hadana Mucaarad ku yihiin Dawladda Maadaama ay Xubno ka yihiin Xukuumadda iyaga oo Tusaale ahaan u soo Qaatay Wasiirka Amniga oo Shaqadiisa ay tahay in uu Dalka Nabadeeyo Hadana uu isagu Dooneynin in la Hubka la dhigo Hadana.

Waxaa sidoo kale ay Wasiiradda carabceed ay isla Garteen isla markaana ay Qalinka ku Duugeen in Xafiiska Jaamacadda Carabta laga Furo jawhar iyaga oo sidoo kale ogolaaday Qarashkii lagu Furi lahaa xafiiskaas waxaana lagu wadaa in dhawaan la furo Xafiiskaas ay Jaamacadda Carabta Leedahay.

Waxaa sidoo kale ay Cadeeyeen in Caasimadda Soomaaliya ay Tahay Muqadas isla Markaana aysan Caasimad u noqon karin Soomaaliya Magaalo ay Joogaan ama ay ka taliyaan Qolo ama Qabiil Gooni ah.

Waxaa ay Mahad iyo amaan u soo jeediyeen Madaxweynaha Dalka Yamana Cali Cabdalla Saalax kaas oo kaalin weyn ka Qaatay in ay Hishiiyaan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kaas oo 5/1/2006 ku hishiiyay Cadan Mirahiisana ay Ka mid tahay Kulanka Hadda Baarlamaanka soomaalida uga soconaayo Magaalada Baydhabo.

Waxaa Xusid Mudan in inta uu socday Kulanka ay Warbixino ka soo Kala Jeediyeen Wakiilka Xoghaya Guud ee Jaamacadda Carabta ee Arimaha Soomaaliya Mr:al-Khuseybi iyo Samiir Xusni oo ah U Qaybsanaha Afrika ee Jaamacadda Carabta iyaga oo Kuligood soo Jeediyay sida ay muhiim tahay in Wadamada Carabta ay Bixiyaan Kharashyada ay isla Ogolaadeen Shirkii aljaris kal Hore waxayna dhamaantood soo jeediyeen in ay Soomaaliya ay Xiligan u baahantahay kaliya in Dhaqaalo lala soo Gaaro oo deg ah.
Waxaa sidoo kale laga Codsaday Wadamada Carabta ah ee Cunaqabateynta Xoolaha Saaran Soomaaliya ay ka Qaadaan si Dhaqaalaha soomaaliya uu soo Kobco o Ganacsigii Wadamada Carabta iyo Soomaaliya uu Dib u soo Noqdo,

waxaa iyana laga sheegay Halkaas in Wadamada Carabta ay Dhamaantood ay ka Furanayaan Safaaradahooda hadba sida ay nabadgalyada ugu jirto Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa ku soo gaba gaboobay sidii loogu Tala galay iyada oo ay Sidoo Kale Dalka Soomaaliya uga qayb Qaateen Shirkan Safiirka Soomaaliya ee Masar isla Markaana ah Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaalida Md:C/laahi xasan Maxamuud.
Warkaana waxaa Na soo Gaarsiiyay Maxamed Deeq oo ka mid ah Wariyaasha sida tooska ah uga Hawlgala Xafiiska wararka ee Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Isha:Wargayska Warsan oo ah Wargays ka soo baxa Dalka Masar | EMail: wargayskawarsan@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2006



Maleeshiyooyin kala Taageersan Indha-Cadde iyo Cumar Finish oo isku dhacay...
»Mudane Jangeli “waxaan sharci u sameyneynaa isgaarsiinta
»Maalinta berri ah oo uu furmayo kulankii Baarlamaanka..
»Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur oo bilaabay waxbarashada
»shaqaaqo ka dhacday halka uu degan yahay gudoomiyaha
»Xildhibaan Xuseen Max’uud “waxaa inoo yaala qodob xasaasi
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Mar 5


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD