SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

ISha sawirkan: www.swan.ac.uk

WARARKII MARCH 5, 2006

  • Halka uu degan yahay Baydhabo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shalay ka dhacday shaqaaqo...

  • Guddigii ku howlanaa dhex dhexaadinta kooxihii ku dagaalamay Muqdisho oo soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed..

  • Xildhibaan Xuseen Max’uud “waxaa inoo yaala qodob xasaasi ah oo dhowraa ..

  • Mudane Jangeli “waxaan sharciyo u sameyn doonnaa Shirkadaha isgaarsiinta…

  • Maleeshiyooyin kala taageersan Indha-Cadde iyo Cumar Finish oo isku dhacay...

  • Maalinta berri ah oo uu furmayo kulankii Baarlamaanka..

  • Guddiga Jamaacadda Badweynta Hindiya oo soo jeediyay in la magacaabo..

  • Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur oo bilaabay waxbarashada INdhoolayaasha dadka waaweyn..


Halka uu degan yahay Baydhabo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shalay ka dhacday shaqaaqo...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ay shaqaaqo ka dhacday halka uu degan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka kaddib markii ay kooxo maleeshiyo ah ay halkaasi ka qaateen hub yaalay, isla markaana waxay isbaaro dhigteen halka laga soo galo guriga Guddoomiyaha. Maleeshiyadan falkaa ku kacday oo ah Maleeshiyo taageersan Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade ayaa waxaa la sheegay in Kooxdii maleeshiayda ahayd ay la tageen hubkii hase yeeshee waxaa ku baxay Odoyaal iyo Waxgarad oo ku guuleystay in ay dib u soo celiyaan hubkii shaqaaqadan ayaa waxaa la sheegay in ay sabab u ahayd kaddib markii mid ka mid ah Maleeshiyada ilaalisa Guddoomiyaha Baarlamaanka shaqadii laga eryay kaddib markii uu ku kacay falal aan loo baahneyn. Mar dambe ayaa waxaa goobtii yimid Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo Guddoomiyaha ka raali-geliyay wixii lakula kacay isagoo sheegay in dib dambe aysan u dhici doonin fal noocaan oo kale ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa markii dambe howshisii sii watay, isagoo qaabilayay Xildhibaanada Baarlamaanka oo uu kala hadlayay kulanka Baarlamaanka oo berri la filayo in mar kale uu ka dhaco Magaalada Baydhabo. Waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay Dowladda gaartay Magaalada Baydhabo uu dhaco fal noocaan oo kale ah, waxaana si weyn arrintaan uga xumaaday dadweynaha ku nool Magaalada Baydhabo. Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa iyaga xarumahooda waxaa ku sugan ciidamo ay ka keensadeen deegaanadii ay ka yimaadeen kuwaas oo si weyn u suga ammaanka, iyadoo marka aad dooneysid in aad gasho guriga Madaxweynaha ama Ra’isul Wasaaraha aad mareysid dhowr Koontarool oo si weyn laguugu baarayo.

Guddigii ku howlanaa dhex dhexaadinta kooxihii ku dagaalamay Muqdisho oo soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed..

Guddigii dhex dhexaadinta ka dhex waday Maxkamadaha Islaamiga ah iyo kooxihii dhawaan isku magacaabay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada, dhawaanna dagaal qaraar uu ku dhex maray agagaarka Kulliyaddi Ciidamada Jaale Siyaad ayaa waxay sheegeen in aysan jirin saan saan colaadeed oo ka jirta goobihii horey loogu dagaalamay.

“Maalin walba kormeer ayaan ku sameynaa ciidamadana uma muuqdaan kuwo dagaal” ayuu yiri Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur oo sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay is dejiyaan guryahoodana ay ku nagaadaan, wuxuu kalloo u soo jeediyay dadkii ka qaxay deeganadii ay dagaaladu ka dheceen in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii.

“iska ilaaliya kuwa war xumo tashiilka ah oo doonaya in ay iska horkeenaan bulshada” ayuu yiri Suldaanka oo sheegay in howlihii nabadeynta ay haatan marayaan meel wanaagsan maalmaha soo socdana la kala qaadi doono ciidamada si rasmi ah.

Xildhibaan Xuseen Max’uud “waxaa inoo yaala qodob xasaasi ah oo dhowraa ..

Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen oo ah Wasiirka Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka oo shalay u waramayay weriyaasheena ku sugan Magaalada Baydhabo Ayaa waxa uu sheegay in golaha Baarla maanka ay hor yaalaan qodobo aad xasaasi u ah oo loo baahan yahay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay si saraaxad leh uga doodaan.

Wuxuu sheegay in guusha ugu wey ee ay gaartay Dowladda Federaalka ay tahay markii kulankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka isugu yimaadeen Dalka gudihiisa isagoo sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay u soo dhaarteen sidii ay u badbaadin lahaayeen dalka iyo dadka, isagoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono guddiyadii Baarlamaanka oo ah midka ugu muhiimsan ee uu Baarlamaanku ku shaqeyn karo.

Wasiirka Tacliinta waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay si dhaqsi leh wax uga qaban doonto abaaraha ka jira dalka, isagoo sheegay in dhawaan la magacaabi doono guddi heer qaran ah oo soo eega xaaladda Abaareed ee dalka ka jirta.

Mudane Jangeli “waxaan sharciyo u sameyn doonnaa Shirkadaha isgaarsiinta…

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cali Axmed Jaamac (Jangeli) haatanna ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka looga hadli doono arrimo fara badan oo la xiriira waxyaabihii u qabsoomay dowladda mudadii halka iyo sano iyo barka ahayd iyo heshiiyadii ay la gashay shirkadihii iyo Dowladihii shisheeye.

Wasiirka oo weriyasheena ugu waramayay xarunta shirkadda isgaarsiinta Hormuud mar uu booqanayay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in Wasaaraddiisa ay dhawaan sharciyo u sameyn doonto shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira dalka, isagoo sheegay in lagu bilaabi doono shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala Magalada Baydhabo.

“Sharci u sameyn Shirkadaha Isgaarsiinta waa mid caalami ah ee ma ahan mid aanu iska sameysaneyno” ayuu yiri Jangeli

Maleeshiyooyin kala taageersan Indha-Cadde iyo Cumar Finish oo isku dhacay...

Maalintii shalay aheyd ayaa maleeshiyooyin kala taageersan wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Cumar Max’ed Maxud {Finish} iyo guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Yuusuf Max’ed Siyaas {Indha-cadde}, iska hor imaadku dhex maray halka lagu magacaabo Dhanaane ee Lambar Lixdan, dagaalkaas oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa waxaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen afar maleeshiyo oo labada dhinac ah, waxaana ku dhaawacmay shan kale.

Maleeshiyada wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cumar Finish ayaa markii hore ka baxay deegaabka Madiino iyadoo aan la garaneyn sababihii ay halkaasi u tageen, waxaana la sheegay in markii dambe dib loogu soo celiyey halkii ay ka duuleen.

Dagalkaan ayaa wuxuu ku soo beegmay xilli laba todobaad ka hor magaalada Muqdisho uu dagaal ku dhex maray maxkamadaha Islaamiga ah iyo kuwa isku magacaabay isbaheysiga la dagaalanka argagixisada, iyadoo uu Cumar Finish uu xubin ka yahay isbaheysigaasi.

Warar ayaa waxey sheegayaan in maleeshiyoo-yinkaasi ay halkaasi u tageen sidii ay u carqaladeyn lahaayeen wadada isku xirta Muqdisho iyo goboka Sh/hoose, warar kale ayaa waxey sheegayaan iney doonayeen iney carqaladeeyaan garoonka diyaaradaha ee N0.50, iyadoo dagaalkii shalay uu keenay in dad fara badan ay ka qaxaan goobihii lagu dagaalamay.

Maalinta berri ah oo uu furmayo kulankii Baarlamaanka..

Iyadoo muddo todobaad ah ay fasax ku maqnaayeen xildhibaanada baarlamaanka ayaa la filayaa in maalinta berri ah ay mar kale kulan ku yeeshaan magaaladaasi, waxaana golaha baarlamaanka hor yaalla qodobo muhiim ah oo la xiriira waxa u qabsoomay muddadii sannadka aheyd ee uu baarlamaanku ku kala maqnaa khilaafka, sidoo kale waxaa hor yaalla sidii loo ansixin lahaa heshiisyadii ay gashay xukuumadda uu madaxda u yahay Ra’isul wasaare Geeddi.

Ajandaha ugu xasaasisan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay qodobkii uu dhawaan soo hor dhigay madaxweynaha oo ahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, waxaana qodobkaasi si weyn isugu khilaafsan xubnaha baarlamaanka, waxaa kaloo horyaalla golaha baarlamaanka sidii dalka ay u imaan lahaayeen ciidamo shisheeye oo hub ka dhigis ku sameeya kooxaha hubeysan.

Muddadii todobaadka aheyd ee golaha la fasaxay ayaa waxaa si weyn uga xumaaday qaar ka mid ah xildhibaanada oo ku tilmaamay mid waqti lumis ah.

Guddiga Jamaacadda Badweynta Hindiya oo soo jeediyay in la magacaabo..

Shir ay isugu yimaadeen Guddiga Jaamacadda Badweynta Hindiya ayaa waxey uga hadleen xaaladda guud ee dalka iyo dagaalada sokeeye, gaar ahaan kii u dambeeyey ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, dood dheer iyo falanqeyn kaddib, ayaa waxaa ay talo ku soo jeediyeen in la dhiso guddi heer Qaran ah oo ka hor taga musiibooyinka shirkaasi oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha Jaamacadda Prof: Max’ed Cali Daahir, ayaa waxey u soo jeediyeen indheer garadka in la abuuro guddigaasi laguna daro aqoonyahanada, siyaasiyiinta, dhalinyaradam iyo haweenka kuwaasoo xilkoodu noqonayo sidii looga gaashaaman lahaa musiibooyinka ka dhasha dagaalada.

Guddiga Jaamacadda Badweynta Hindiya waxey soo dhaweeyeen nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ka socota gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxeyna u soo jeediyeen walaalihii colaaddu dhex martay iney ka dhabeeyaan heshiiskaasi.

Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur oo bilaabay waxbarashada INdhoolayaasha dadka waaweyn..

Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxaa ka bilowday waxbarasho la siinayo dadka Indhoolaayasha ah ee waaweyn, maadaama uu dugsigu horey waxbarasho u siiyay carruurta indhoolayaasha ah.

Ilaa iyo taban qof oo indhoolayaal ah ayaa lagu bilaabay dugsigaasi waxaana la barayaa farta ay leeyihiin Indhoolayaasha ee lagu magacaabo Braill-ka oo ah far si habeysan wax loogu fahamsiiyo dadka indhaha aan lahayn.

C/raxmaan Max’ed Faarax (Luunge) oo ah maamulaha dugsigaasi ka mid ahaa dadkii aasaasay dugisgaasi ayaa waxa uu sheegay in waxbarashada indhoolayaasha dadka waaweyn ay tahay mid uu dugsigu ku doonayo in uu kor u qaado niyadda Indhoolayaasha waaweyn waxa uuna u mahadceliyay intii gacanta ka gaystay in dugsigaasi uu hirgalo.

Sanadkii horaantiisii ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho laga furay dugsi ay leeyihiin indhoolayaasha, waxaana lagu bilaabay 20-carruur ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal, waxayna haatan mareysaa waxbarashadooda meel aad u sareysa, iyadoo carruurtaasi marka ay dhameeyaan waxbarashadaasi ay wax la qaybsan doonaan carruurta facoood ah ee iyana dhigta dugsiyada caadiga ah.

Waalidiinta carruurtooda gaysatay dugsigaasi ayaa u mahadceliyay maamulka Dugsiga iyo intii furtay dugsigaasi

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 5, 2006

Xubnihii ku dhawaaqay "isbahaysiga Argaggaxisada" oo ku sii Jeeda Addis-Ababa
»Xamar: Banaanbax looga soo horjeedo "kooxda Isbahaysiga"
»Geedi iyo Shariif oo yeeshay kulan albaabada u xeran yihiin
»C/llaahi Yuusuf oo caafimaad ahaan ugu socda Ingiriiska..
»Xildhibaan Diirshe oo ka hadlay nabadgelyo xumida  Xamar
»Dowladda Talyaaniga oo deeq soo gaarsiisey DFKMG..
»Geedi oo ka hadlay xayiraad ka qaadista hubka Somaliya...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Mar 4