SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk

.Ninkii katirsnaa Shaqaalaha UNICEF ee lagu Afduubay Afmadow oo la sii daayey
.KENYA: WARIYAYAASHII  STANDARD IYO KTN OO LA SII DAAYAY
.SHIRWEYNIHII CUMAR CALI EE LAGU QABTAY MAGAALADA MINNEAPOLIS DALKA MAREEKANKA
.
Dad badan oo Dhagaxbuur lagu xidhxidhay.


Ninkii katirsnaa Shaqaalaha UNICEF ee lagu Afduubay Afmadow oo la sii daayey

 

Sida ay xaqiijisay hay'adda Qaramada Midoobey, waxaa la siidaayey Mr Robert McCarthy oo ahaa shaqaale hay'ada UNICEF.

 

McCarthy oo 47-jir ah waxaa March 1deedii 2006 rag hubaysani ay ka afduubeen cirifka magaalada Afmadow oo 110 Km woqooyi kaga beegan magaalada Kismayo ee gobolka Jubbada Hoose. Ninka waxaa si nabad ah loogu wareejiyey UN-ka iyo DFKMG, sida ku cad qoraal SomaliTalk.com ka soo gaarey hay'ada Qaramada midoobey xafiiskeeda Nairobi, waxaana warku sheegay in ninkaas dadkii qafaashay aysan wax dhibaato ah u geysan.

 

KENYA: WARIYAYAASHII  STANDARD IYO KTN OO LA SII DAAYAY

 
Khamiistii March 2 gelinkii dambe  ayaa xabsiga laga sii dayey sedax suxufi oo u shaqaynayay wargayska standard oo Talaadadii la xiray. Sedaxdan suxufi oo kala ah Chacha Mwita, Dennis Oyango iyo Ayub Savula Ayaa la horgeeyey maxkamada ku taala magaladda Nairobi waxaana lagu soo oogay dacwad ah  in ay qoreen warbixin been abuur ah.  Hasayeshe waa ay diideen in ay qirtaan dambigaasi waxaana lagu soo dayey damaanad.
 
TopStorySidoo kale waxa ay habeenkii Khamiista ciidanka amaanka galeen xarunta daabacaada wargayska iyagoo gubay dhamaanba wargaysyadii la rabay in lagu faafiyo dalka,isla markaana waxay ciidanku hawada ka saareen Telefishanka  KTN oo xiiriir uu wargaysku ka dhaxeeyo.
 
Sii daynta wariyayaasha  ayaa ka dambay  kadib markii Gudoomiyaha gudiga sharciga iyo howlaha cadaalada ee barlamanka Poul Mwite iyo Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta ee wadanka Ezakiel Mutua ay ugu baaqeen dowladda in ay sida ugu daqsiyaha badan  xabsiga uga sii dayso sedaxda suxufi ee shalay xabsiga loo taxaabay iyagoo lagu edaynayo in ay qoreen war been abuur ah.
 
Wariyayaashan oo u shaqaynayey wargayska Starndard ayaa waxaa lugu eedaynayaa in ay alifeen warbixin lagu dabacay wargayska malintii sabtida oo shegaysay in wasiirkii hore ee dhirta Kalonzo Musyoka uu kulan qasoodi ah la yeeshay madaxwayne Mwai kibaki.
 
EEDAYMADA LOO JEEDIYAY DOWLADA KENYA.
 
Sodon Mudane oo katirsan dhaqdhaqaaqa orenjada, iyo iskashiga milkiilaysha qalabka warbahida ee Media owners association ayaa ku tilmaamay falkaasi mid looga goleeyahay in lagu cadaadiyo saxafada xorta ah. Inkastoo wasiirka war faafida ee Mutahi Kagwe uu sheegay in wasaaradiisa aysan ku lug lahayn werarkkii xalay dhacay hadana wasiirka amniga qaranka john michuki ayaa shegay in werarkaasi uu ahaa talaabo lagu sugayo amaanka qaranka. Waxaa kaloo cambareeyey talabadaasi xarunta caalamiga ee saxafada iyo ururada ka jira caalamka sida Maraykanka.
 
Canab Mumtaz | Kenya | canabmumtaz@yahoo.com

SHIRWEYNIHII CUMAR CALI EE LAGU QABTAY MAGAALADA MINNEAPOLIS DALKA MAREEKANKA
02/26/2006
 

Sawiro badan oo laga qaaday kulanka ka eeg halkan... (PowPoint)

Waxaa bishu feberweri markay ahayd 26,2006,ka dhacay magaalada minyaabulus ee gobolka manisooto shir ay ka soo qayb galeen bahda cumar cali oo ka tirsan beesha cali saleebaan. Waxayna soo saareen go'aamadan soo socda:

    1. in laga shaqeeyo sidii la isugu xiri lahaa bahda xiriirkeeda gudaha  iyo kan dibadda loona heli lahaa is afgarasho,wadashaqayn iyo walaaltinimo.
    2. in laga shaqeeyo sidii looga qayb geli lahaa horomarinta dhulka ,siiba xagga bulshada ,waxbarashada ,dhaqaalaha ,iyo nabadda.
    3. in loo diyaariyo beesha cali saleebaan in ay isu kaashato badbaadinta ummadda soomaaliyeed oo ay soo martay ama ay haysato dhibaatooyin burburiyay qaranimadoodii.
    4. in kaalmo loo geysto dadka dan yarta ah loona naxariisto maxaa yeelay waa dadka ugu badan oo ay taabatay dhibaatadu.
    5. Shirka waxaa lagu sameeyay labo guddi,guddiga fulinta oo ka kooban toddobo qof iyo guddiga talabixinta ama odayaash oo ka kooban labaatan IYO KOW qof


Sawiro badan oo laga qaaday kulanka ka eeg halkan... (PowPoint)

Waxaa soo tebiyey: mohamed ismail | dacwoole@yahoo.com 


Barnaamijkii Radio Xoriyo
03 March 2006
 
Dad badan oo Dhagaxbuur lagu xidhxidhay.
 
Guddoomiye ku xigeenka JWXO oo Finland booqasho ku jooga.
 
Eritereya oo diiday inay xadka wadahadal ka gasho. 
 
Maxkamad ku sheegta Itoobiya oo qarisay markhaatiyaasha. 
 
 
======================
 
 
  Wararka ka imanaya gobolka Jarar ee dalka Ogaadeenya ayaa sheegaya in magaalada Dhagaxbuur lagu soo xidhxidhay dad aad u badan oo laga soo qaqabtay qaar ka mid ah tuulooyinka ku hareeraysan magaalada Dhagaxbuur.
 
Warku wuxuu intaas ku darayaa in dhammaanba dadkii degganaa tuulada Higlaley, oo 25 km dhinaca woqooyi galbeed ka xigta magaalada Dhagaxbuur, lagu soo xidhxidhay xabsiga magaalada Dhagaxbuur, iyadoo ayna ciidammada gumaysigu sheegin sababta ay dadkaas u xidhxidheen.
 
Hase yeeshee waxaa la sheegayaa in dadkan lagu eedeeyay inay gacansaar la leeyihiin JWXO. Warku wuxuu kaloo intaas ku darayaa in xabsiga Dhagaxbuur uu buux-dhaafay oo dadkii qaadi la’yahay.
Dadka ay ilaa iyo hadda magacyadoodu na soo gaadheen waxaa ka mid ah;
 
1- Shamsa Muxumed Daahir Cabdi
2- C/fataax Maxamed Cabdi Qarayare iyo
3- Nimco Aw-Cabdi Samad
4- C/rashiid Axmed Ileeye
 
Magacyada dadka kale ee xidhxidhan waxaan rajaynaynaa inaan idiinku soo gudbino barnaamijyada soo socda haddii Eebe idmo.

Guddoomiye ku xigeenka JWXO oo Finland booqasho ku jooga.
 
Guddoomiye ku xigeenka Jabhadda Waddaniga Xoreynat Ogaadeenya JWXO Maxamed Ismaaciil Cumar ayaa galabnimadii talaadada ahayd gaadhay magaala madaxda Finland ee Helsinki. Guddoomiye ku xigeenka waxaa socodaalkiisa ku weheliya guddoomiye ku xigeenka hooggaanka arrimaha dibada iyo jaaliyadaha Maxamed Macalin.
 
Wariyaha RX ee dalka Finland Dhoodi Danwaa ayaa dhanbaal uu halkaas nooga soo diray wuxuu ku sheegay in madax ka socota maamulka Jaaliyadda Ogaadeenya iyo unugta JWXO ay waftiga si diirran ugu soo dhaweeyeen  garoonka dayuuradaha.

Waftiga ayaa si rasmi ah u guda-galay hawlihii uu u tagay dalka Finland maalinimadii arbacada ee bisha Maarso kowda ahayd, iyagoo la kulmay wasaarada arrimaha dibada ee dalka Finland. Waxay waftigu si buuxda uga warbixiyeen guud ahaan xaalada siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Ogaadeenya iyo halganka ay hormuudka ka tahay JWXO. Waxay sidoo kale ka warbixiyeen arrimaha xaquuqul insaanka, abaaraha iyo guud ahaan gumaadka lagu hayo shacabka Ogaadeeniya.
 
Wasaarad Arrimaha dibada ee Finland ayaa si buuxda u soo dhawaysay dhamaan waxyaabihii waftigu kala hadlay, waxayna ballanqaaday inay si buuxda ula sii soconayso qadiyada Ogaadeenya, hada wixii ka dambeeyana ay xidhiidh joogta ah la samayn doonto masuuliyiinta JWXO.
 
Eritereya oo diiday inay xadka wadahadal ka gasho.
 
Dawlada Eritereya ayaa ku gacan saydhay inay wax wadaxaajood ah ka gasho khilaafka xuduudeed ee u dhexeeya iyada iyo Itoobiya. Diidmada Eritereya waxay ka danbaysay, ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ku taliyay in guddi madaxbannaan loo qabto xal u-helidda khilaafka xuduudeed ii Eritereya iyo Itoobiya u dhexeeya.
 
Go’aankii kama danbaysta ahaa ee labada dhinacba waajibka ku ahaa ayaa gundhig sharci u ah dhibaatada Eritereya iyo Itoobiya, mana jiro qiil kale o oak furan, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan isniintii ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada ee dalka Eritereya.
 
Go’aanka lagu sheegay bayaanka Eritereya waa go’aankii ka soo baxay guddiigii Qaramada Midoobey u qabatay xallinta khilaafka Eritereya iyo Itoobiya, kaasoo go’aankiisii kama danbaysta ahaa soo saaray bishii Abriil sannadkii 2002.
 
Dawlada Eritereya yaa ka digtay in isku day kasta oo wax lagaga baddalayo go’aankii guddiga ee ku saabsanaa astaynta xadka ama qaabab kale loogu samaynayo fulintiisa waa sharci darro, wuxuuna horseedayaa oo kaliya in arrintu meel khatar ah gaadho.
 
Marar badan ooh ore ayay dawlada Eritereya ka digtay in la marin-habaabiyo sharciga caalamiga ah, si qiil loogu raadiyo xukuumadda Itoobiya oo ku gacan saydhay qaraarkii guddiga caalamiga ah ee astaynta xadka ku saabsanaa, hase yeeshee beesha caalamka oo ay hormuud u tahay Qaramada Midoobey ayaa ku sii dhaggan sidii go’aanka loo waafajin lahaa doonista xukuumadda keligii taliye Meles Zenawi.
 
Maxkamad ku sheegta Itoobiya oo qarisay markhaatiyaasha. 
 
Maxkamad ku sheegta xukuumadda Itoobiya ee qaadaysa dacwadda 129 qof oo u badan madaxdii xisbiyada mucaaradka ah ayaa arbacadii diiday inay daboolka ka qaado magacyada markhaatiyada.
 
Maxkamad ku sheegtan ayaa diiday inay daboolka ka qaado magacyada dadka ku markhaati furaya madaxda mucaaradka, arrimo nabadgelyadooda la xidhiidha dartood.
 
Qaaddiga maxkamad ku sheegtan ayaa diiday in la shaaciyo magacyada 360 markhaati oo xeer ilaalinta Zenawi ay doonayaan inay dacwaddan u adeegsadaan.
 
Dhinaca kale shan qof oo kaliya oo ka mid ah madaxda mucaaradka ee xabsiga lagu hayo ayaa soo xaadiray dhagaysiga fadhi maxkamadeedkii arbacadii la qabtay, waxayna diideen inay maxkamad ku sheegta horyimaadaan, ka dib hal toddobaad oo kaliya markii hooggaamiyahooda la xidhani uu dacwaddan ku tilmaamay riwaayad. Madaxda mucaaradku waxay diideen inay maxkamadda horyimaadaan oo diidaan ama qirtaan denbiyada loo haysto.
 
Qaaddiga maxkamad ku sheegta Zenawi ayaa saraakiisha xabsiga ku amray inay eedaysanayaasha qasab ku horkeenaan maxkamaddiisa marka dhagaysiga dacwadda la isugu soo noqdo 23-ka Maarso.
 
Dadka dacwaddan loo haysto waxay ak mid yihiin kumanaan qof oo xukuumadda keligii taliye ay xabsiga u taxaabtay bilihii Juun iyo Nofember ee kal hore, ka dib markii dadwaynuhu ka gadooday musuqmaasuqii ay xukuumadda Zenawi ku samysay doorashadii May. Waxay kaloo boolisku laayeen dad boqollaal gaadhaya oo ka mid ah bannaanbaxayaashii rayadka ahaa.
 
Radio Xoriyo
 
 03 March 2006.
Axmed  Gaal-eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | March 3, 2006

Qaad (Jaad) Laga Dhoofiyey Dalka Holland oo Lagu Qabtay Maraykanka
»C/raxmaan Faroole: Ma helin Qoraal Xil la igaga Qaaday
»Nin Mareykan ah oo lagu afduubtay degmada Afmadow 
»Max’ed Dheere: C/llahi Yuusuf hubkii Yemen beeshiisuu siiyay
»Taliye ku xigeen iyo xaaskiisii oo lagu dilay Muqdisho ..
»C/llaahi Yuusuf oo kulamo gooni gooni ah ku leh Baydhabo
»Geeddi oo wada qorshe uu kuln ka dhaca Jowhar...
»Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay kulanka Baydhabo
»Minneapolis:- Mark Kennedy oo booqday Suuqa Soomaalida
iyo Sawirka hadda ee Dhismihii Baarlamaankii Soomaaliya... Guji Mar 2