SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 2, 2006

.Qaad Laga Soo Dhoofiyey Dalka Holland oo Lagu Qabtay Maraykanka
.C/raxmaan Faroole: Ma helin Qoraal Xil la igaga Qaaday
.Nin Mareykan ah oo lagu afduubtay degmada Afmadow 
.Max’ed Dheere “C/llaahi Yuusuf hubkii laga keenay Yemen wuxuu siiyay beeshiisa .
.Taliye ku xigeenkii Wasiirka hub ka dhigista iyo xaaskiisii oo lagu dilay Muqdisho ..
.C/llaahi Yuusuf oo kulamo gooni gooni ah kula leh Magaalada Baydhabo xubnaha labada Gole ..
.Ra’isul Wasaare Geeddi oo wada qorshe uu ku doonayo in Magaalada Jowhar ay..
.Jaamacadda Carabta oo soo Dhaweysay Kalfadhiga Baarlamaanka ee ka soconayo Gudaha Dalka Soomaaliya 
.Congressman Hon.Mark Kennedy oo si aad u diiran loogu soo dhaweeyey Somali Village Market 
.Danjihii Safaarada Soomaliyed ee wadanka Siiriya, Marxuum Xassan Muuse Tareey, oo Geeriyoodey




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk
  • Mudaharaad ka dhacay Hidiya oo looga soo horjeeday Booqashada madaxweynaha Maraykanka, Bush, Halkan ka daawo.

Qaad Laga Soo Dhoofiyey Dalka Holland oo Lagu Qabtay Maraykanka, Laba Qofna lagu soo oogey dacwo la xiriirta arrintaas...

MOORHEAD, Minnesota, USA: Nin degaankiisu yahay gobolka North Dakota ayaa lagu xiray magaalada Moorhead kaddib markii Boolisku qabteen 22 rodol oo ah dagoorada sharci darada ah ee loogu yeero Khat (Qaadka), sidaas waxaa warka ku bilowday jariida kasoo baxda magaalada Minneapolis cadadkeedii Arbaca March 1, 2006.

Sida ay qortay jariidadaasi, Booliska ayaa qabtay culaab ay sidey FedEx oo lagasoo diray dalka Holland (Netherlands) taas oo ku socotey cinwaan ah magaalada Moorhead arrintaas oo dhacday toddobaadkii lasoo dhaafay.

Nuna Abukar, oo 26-jir ah, oo deggan magaalada Fargo (North Dakota) iyo Mohamud Fora, oo 25-jir ah, oo deggan magaalada Minneapolis (Minnesota) ayaa lagu soo oogey dacwo ah in ay haysteen daroogaada mamnuuca (ka ah Maraykanka - waa Qaadka'e).

Khat ama Qaadku waa caleemo inta badan ka baxa Kenya waxaana lagu calashadaa qayb ka mid ah Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaa kale oo calashada qaar kamid ah laajiyiinta Maraykanka, waxaana loo calashadaa si looga helo xaraarad, ayey tiri jariidadu.

[Si aad wax ug aogaatid Xiriirka ka dhexeeya AIDS-ka iyo Qaadka Eeg halkan]

Isha:  wcco.com | Tarjumadii SomaliTalk.com

C/raxmaan Faroole: Ma helin Qoraal Xil la igaga Qaaday

Idaacad ka Hadasha Australia oo Waraysatay oo lagu magacaabo SBS oo waraysatay Dr. C/raxmaan Faroole, Wasiirka qorshaynta & xiriirka caalamiga DGPL, ayuu u sheegay in uusan helin wax qoraal ah oo sheegaya in jagadii Wasiirnimada laga qaaday... Waraysiga Halkan ka Dhegeyso.

Nin Mareykan ah oo lagu afduubtay degmada Afmadow 

Ninkaan Mareykanka ah oo lagu magacaabo Robert Carthy una shaqeynayay hey'ada UNICEF  ayaa waxaa galabnimadii Arbacada afduubtey kooxo dableey ah ayadoo lagu afduubay deegaanka afmadoow ee goboka jubbada hose waxaana la sheegay in raga wax afduubtay  uu madax u yahay nin Ganacsade ah oo lagu magacaabo Xasan Colow kana mid ah ganacsatada deegaankaas ayadoo ilaa iyo hatan (galabnimadii Arbacada) ninkaas ajnabiga ah ay gacanta ku hayaan maleeshiyadii afduubatay.

Ganacsade Xasan Colow ayaa saxaafada u sheegay sababta uu ku afduubtay ninkaan in ay tahay Lacago uu ku leeyahay Hay'adaha UN-ka oo ku baxday mashaariic uu ka fuliyay deegaano hoosyimaada gobolka J/hoose ee Somalia sanadkii 1996. waxaana uu ganacsadaha sheegay in uu ninkaan sii deynayo hadii lacagta uu ku leeyahay laga siiyo.

Dhanka kale wiil dhalin yaro ah ayaa galabnimadii Arbacada nin maleeshiyo ah uu ku dilay bartamaha magaalada kismayo kadib markii uu ninkaasi uu damcay in uu si xoog ah oga qaato wiilka dhalinyarada ah ee la dilay mobilka gacanta uu watay asagoo sadex xabadood oo bastoolad ah xabadka kaga dhuftay kadibna ka qaatay mobilkii uu watay.

Waa markii ugu horeysay oo tuugada baarata dadka ay u disho qof ayaga oo ka qaadanaya monbil iyo waxyaabaha la midka ah waxaana haatan ay dadka reer kismayo la argagaxsanyahiin fadlan foosah xun ee loo geysytay wiilkan dhalinyarada ah. [War kale oo afduubka la xiriira hoos ayaad ku arki doontaa]

cabdi khadar Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com | Kismaayo

Max’ed Dheere “C/llaahi Yuusuf hubkii laga keenay Yemen wuxuu siiyay beeshiisa .

Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo ah Guddoomiyaha gobalka Sh/dhexe oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa waxa uu si weyn uga soo horjeestay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka laga qaado, waxa uuna sheegay in Soomaaliya aysan waqtigaan u baahneyn in cunaqabateynta laga qaado waayo hubkii hore ayaa si weyn u buuxa wadanka. “C/llaahi Yuusuf Dowladda Yemen ayuu hub ka soo qaaday hubkiina waxa uu gacanta u geliyay Beeshiisa” ayuu si kulul u yiri Max’ed Dheere oo sheegay inay soo dhaweenayan cid kasta oo gacan ka geysaneysa in hubka laga qaado shacabka. Mar waxa laga weydiiyay kulan ay dhawaan ku yeesheen Isbahaysiga looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho waxa uu yir Max’ed Dheere “wax kulan kama dhicin Magaalada Jowhar ee labo jeer ayaan ku kullannay Deegaanka Deyniile, waxaana ka hadalnay sidii looga hortagi lahaa kooxaha argagixisada. Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay Qaramada Midoobey in aysan marnaba ogolaan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, waxaana aragtida uu qabo Max’ed Dheere ee Cunaqabateynta hubka la qaban in tabadan Xildhibaanada Baarlamaanka oo iyagu sheegay in waqtigaan aan loo baahneyn in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay sanadkii 1992-dii.

Taliye ku xigeenkii Wasiirka hub ka dhigista iyo xaaskiisii oo lagu dilay Muqdisho ..

Habeen hore ayaa kooxo dabley ah oo aan la garaneyn waxay u dhaceen guriga Taliye ku xigeenkii Wasiirka dhaqan celinta Maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin kaaso ku yaalay agagaarka Isbitaalka Carafaat.

Kooxda dabelyda ahayd markii ay u dhaceen guriga ayaa waxay halkaasi ku dileen taliyahaasi oo lagu magacaabi jiray Siciid Axmed San Gaab (Booleeye) iyo xaaskiisii oo iyana lagu magacaabo Saynab Cubeyd Faraj. Taliyaha iyo xaaskiisa waxaa shalay lagu aasay qabuuraha Barkaat, iyadoo nin u hadlay qoyska uu ka dhashay taliya uu sheegay in aysan garayneyn ciddii ka dambeysay falkaasi balse ay baaritaan ku sameenayaan.

Dilka loo gaystay taliyahaan waxaa si weyn uga xumaaday beesha uu ka dhashay ninkaasi, waxaan cambaareeyay Hay’adaha xaquuqda aadanaha kuna tilmaamay mid ka baxsan Bini-aadannimada.

C/llaahi Yuusuf oo kulamo gooni gooni ah kula leh Magaalada Baydhabo xubnaha labada Gole ..

Iyadoo maalinta Isniinta ah la isugu ballansan yahay in ay kulan isugu yimaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa haddana Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu maalmahan wadaa kulamo gooni gooni ah oo uu la leeyaay qaar ka mid ah Xildhibanaada Baarlamaanka.

Madaxweynaha iyo xubnihii uu la kulmay ayay waxay isla soo qaadeen sidii loo ansixi lahaa qodobadii dhawaan uu u soo jeediyay oo ay ugu horeeyaan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka iyo in Xildhibaanada ay ansixiyaan in xilalka Dowlada ay noqdaan kuwo laga qaybgeliyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha, waxa uu kulamo la yeeshay Wasiiro ka tirsan Dowaldda Federaalka oo ay isla soo qaaden sidii wada shaqeyn u dhex mari lahayd Xukumadda iyo Baarlamaanka.

Hadalkii Dhawaan ka soo yeeray C/llaahi Yuusuf ee ahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka waxaa si weyn uga soo horjeestay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarla-maanka oo sheegay in Soomaaliya aysan habooneyn in laga qaado canaqabateynta xiligaan, iyagoo u soo jeediyay Madaxweynaha in arrintaasi ka harto, hase yeeshee waxay sheegeen in Soomaaliya la keeno ciidamo nabad ilaalin ah oo Dowladda Federaalka kala qayb-qaata sharciga iyo kala dambeynta.

Ra’isul Wasaare Geeddi oo wada qorshe uu ku doonayo in Magaalada Jowhar ay..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa shalay waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada ee ku sugan Magaalada Baydhabo, waxaana kulankaas la iskula soo qaaday sidii si wadajir ah ugu shaqeyn lahaayeen Golaha Xukumadda, waxaana ka mid ahaa wasiirada uu la kulmao qaar ay si aad ah isaga soo horjeedeen oo fadhigoodu ahaa Magaalada Muqdihso.

Ra’isul Wasaaraha ayaa wada qorshe ah in kulana Xukumada uu ka dhaco Magaalada Jowhar marka uu dhamaado kulanka Baarlamaanka oo aan la ogeyn waqtiga uu qaadan doono, hase yeeshee Ra’isul Wasaaraha waxaa ku dhegan xubno fara badan oo ka tirsan Baarlamaanka oo iyagu sheegay in Ra’isul Wasaaraha uu keligii heshiisyo la galay Dowlado iyo shirkado ka tirsan beesha caalamka.

Xero ay deganayeen dad soo barakacay oo mar labaad uu dab qabsaday...

Iyadoo weli ay socoto dib u dejintii dadkii soo barakacay oo ay waxyeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay xerada Qaxootiga ee Warshadda Birta dibna loo furay dugsiyadii iyo Malcamadihii Qur’aanka ayaa dadweynihii ku jiray xeradaasi waxay shalay subax ku soo baraarugeen dab qabsaday xeradaasi, waxayna dhamaantood hal haleel uga baxeen xeradaasi, waxaana halkaasi ku basbeelay wixii yaraa ee dhawaan loo uruuriyay.

Nin qariyay magaciisa kana mid ahaa dadkii deganaa xeradaasi ayaa waxa uu sheegay in maalintii doraad ahayd u yimaadeen kooxo kuna soo wargeliyeen xeradaasi, hase yeeshee arrintaasi wax dheg jalaq u siiyay ma jiri, isagoo sheegay in saakay ay ku soo tooseen dabkaan.

Qoysaskii ku noolaa xeradaasi ayaa shalay waxay hoganayeen qoraxda iyagoo aan haysan wax hoy ah iyo wax ay afka geliyaan, waxayna shacabka Soomaaliyeed ka codsadaan in ay la soo gaaraan gargaar deg deg ah.

Ciidamadii ku xareysnaa deegaanka Kongo oo ku sii jeeda Waajid...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in ciidamadii ku xareysnaa xerada Kongo oo u badnaa kuwo laga keenay deegaanka Puntland ayaa saraakiishooda waxay codsadeen in deg deg loogu ambabixyo Magaalada Waajid.

Codsigaan waxa uu ka ymid Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo sarkaashina ciidamada hogaamineysa ay xeegan haatan ay geliyeen ciidamadaasi.

Maalintii shalay ahayd ayaa Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) waxa uu ciidamadaasi ku tilmaamay kuwo beeleed oo haysta hubkii uu lahaa qaranka Soomaaliyeed ee laga keenay dalka Yemen.

Khudbad uu Max’ed Dheere ka jeeday markii Ciidamada halkaa la dejinaya ayaa waxa uu ciidamadaas ku tilmaamay in ay yihiin kuwo qaran, lama ganarayo in haatan uu ku tilmaamo kuwo Beeleed, waxaana halkaas kaaga muuqda in uu khilaaf u dhexeeyo Madaxweynaha iyo Max’ed Dheere, mana ahan markii ugu horeysay oo uu Max’ed eedeeyo C/llaahi Yuusuf Axmed.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in Max’ed Dheere uu la kulmay saraakiisha kongo uuna u sheegay in ay si nabadgelyo leh ku bixi doonaan, waxaana la sheegay in Ciidankaasi ay wataan dhowr gaari oo Tikniko ah iyo rasaas, dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Max’ed Dheere iyo kuwa Puntland uu dagaal ku dhex maray meel u dhow Garoonka Jowhar waxaana dagaalkaasi ku dhintay mid ka mid ah ciidamada laga keenay Puntland.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Congressman Hon.Mark Kennedy oo si aad u diiran loogu soo dhaweeyey Somali Village Market 

Waxaa maalintii sabtida bisha February 25 2006 Marka ay saacadu aheed 6:00pm central time amaba lixdii maqrinimo soo booqday mallka ay Somalidu u badan tahay ee loo yahay mallka 24th amaba Somali Village Market, Congressman Mark Kennedy iyo kalkaaliyaashiisa u qaabilsan dhanka xidhiidhinta siyaasada iyo arrimaha bulshada ee xafiiskiisa. Congressman Hon.Mark Kennedy oo ay garabsocdeen dad badan oo isugu jira masuuliyiinta ururka xisbiga Somali Republican Collision oo uu hogaaminayey madax ururka Mudane Rashid Hassan iyo ku xigeenkiisa Mudane Tukri Ba'ad oo iyagu mudo sanado laga joogo hadda bilaabay inay si habsami ah ula shaqeynayey xisbiga Jamhuuriya ee talada wadanka hadda haya. Waxaa kaloo isna ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay mudanaha Mudane Mr. Warren Anderson oo ah nin isku xil qaamay inuu noqdo xidhiidhiyaha xisbiga u qaabilsan dhanka horumarinta new Americanka. Amaba dadka aan wadankan ku dhalan ee hada ku dhaqmaya wadanka isla markaasna qaateyna dhalashada wadankan si ay uga qeyb qaataan xisbiyada wadanka qaas ahaan midka Jamhuuriya.


Congressman. Hon. Mark Kennedy ayaa aad iyo aad ula dhacay sida diiran ee loogu soo dhaweyey Malka, isaga oo la kulmay duqeyda, dhalinyarada iyo haweenka meeshaas ku heysta dukaamada. Waxaa uu yidhi "aad baan ugu faraxsahay inaan indhaheyga ku arko horumarka ganacsiga ay Somalidu hanatay waana mid wax ka beli karta korinka shaqsiga" Isaga oo la kaftamayey dadkii halkaa uu kula hadlayey ayaa waxa uu la wadaagay inuu isagu yahay maba noqon doona haddii loo doorto Senadka "Ninkii kaliya ee haysta shahaada CPA ah ee xisaabaadka" Mudanaha oo nin heysta shahaada Accountinka markaa isla markaan weydiyey su'aalo wax ku ool ah oo ay la dhaceen dadkii uu la hadlayey. Congress Hon. Kennedy waa nin laga soo doortay sixth district haddan loo cajimay inuu matelo xisbiga Jamhuuriya si uu ugu tartamo kursiga Senadka ah ee u matalaayo gobolka Minnesota dhanka Washigton, DC. Kursigaas oo hadda aan la ogeen cida ka soo bixidoonta dhanka Demoqraadka lakiinse la saadaalinayo in qofkii ka soo baxo uu kaga guuleysandoon mudanahan. Congressman. Mark Kennedy oo ah nin aad iyo aad u degan isla markaana ah nin ku fiican wax maqalka ayaa ka dhageystay warbixino badan dadkii Somalida ahaa ee halkaa isugu yimid, waxaan uu balan qaaday inuusan ilaawidoonin haddii uu ku guleysto doorashaga Senadka ee la qabdoon November. Waxaa kaloo oo Mudanahu helay waqti uu ku tago Coffee Shopka ku yaala 15& Nicollet uu isna sidoo kale dad badan ku qaabilay lana ciyaaray Pool dhalinyaro yar yar. Dhalinyaradaas oo uu ka codsaday inay ku dadaalaan ka qeyb qaadashada kulanka ka Caucuska ee dhacayo March 7, 2006 kaas oo warbixintiisa oo CD kuna turjuman afka Somaliga loogu qeybiyey dadweynihii meeshaas joogay iyo kuwii mallka. Gabagabadii waxa ay aheed aad iyo aad soo jiitay dad weynaha Somalida oon uga baran in xisbiga Jamhuuriya uu sameeyo dhaqdhaqaa sidan oo kale ah. Iyo oo la filaayo in dad badan oo Somali ah oo la fikir ah xisbigan ay aad ugu riyaaqeen. 

qore: Tukri Ba'ad
Kala xiriir:
samericaano@yahoo.com

Jaamacadda Carabta oo soo Dhaweysay Kalfadhiga Baarlamaanka ee ka soconayo Gudaha Dalka Soomaaliya  Gaar ahaan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

 
Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweesay Kalfadhiga ugu Soconaya Gudaha Soomaaliya Xubnaha Baarlamaanka Soomaalida oo aanan Wali ku kulmin Gudaha Soomaaliya Tan iyo Markii lagu soo Dhisay Dalka Kenya.
 
Mas.uul u hadlay Xafiiska Xoghaya Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu sheegay in Arinkani uu yahay Talaabo Horu mar ah oo loo Qaaday Dhanka Geedi socodka Nabadda  Soomaalida oo iyagu In muddo ah ku soo jiray Dagaalo ay Wax ku Noqdeen Dadyow fara Badan oo soomaali ah kuwo kalena ay Noqdeen Qaxooti ku kala Firarsan Dacallada Dunida.
 
Mas,uulkan u Hadlay Jaamacadda Carabta waxaa kale oo uu u rajeeyay in Kulanka Baarlamaanka in  uu ku Dhamaado Jawi Nabad ah oo is Faham Leh,isaga oo sheegay in Soomaalida ay Markaan u tahay Jaaniskii ugu Danbeeyay oo ay ku Midoobi lahaayeen isaga oo dhanka kalena ugu Baaqay Dhamaan Xubnaha Baarlamaanka  ee
Ku shiraya Baydhabo ay Ajandaha ay ka wada hadlayaan ay ku dadaalaan in ay isku fahmaan .
 
Sidoo kale Mas,uulkan waxa uu sheegay Kulanka Wasiirada Arimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ee Sabtida la Qabanayo ay Qodobada ugu Waaweyn ay ka mid tahay Arimaha soomaaliya iyada oo la isla eegi doono bal waxii ka Qabsoomay ama ay ka Bixiyeen Wadamada Carabta Kaalmadii lacageed ee la balanqaaday shirkii Madaxda Carabta ee lagu Qabtay Al-jaris kal Hore  taas oo dhanayd lacag ku dhan ilaa 26 Milyan oo Dollar, iyo sidii Jaamacadd Carabta ay Wax ugu Qaban lahayd Abaaraha ka jira Gobolo ka Tirsan Koonfurta Dalka Soomaaliya.
 
Sidoo kale Shirka wasiirada Arimaha Dibadda ee Wadamada Carabta ee Sabtida ka Furmaya Qaahira ayaa Qodobada Soomaaliya ku Saabsan ee la isla Eegi doono waxaa ka mid ah Xafiiska ay jaamacadda Carabta Ka furanayso Magaalada Jawhar kaas oo la filayo in dhidibada loo taago iyadoo lagu Wado in uu Xafiiskaas qabto Ruux asal ahaan u dhashay Soomaaliya oo soomaali ah.
 
Waxaa Jiray Warar  la isla Dhex marayay Maalmahan kuwaas oo sheegaya in Xafiiskaas laga Furayo Jawhar la doonayo in loo dhiibo Ruux aan Soomaali ahayn Balse Warar Hoose oo ka soo baxaya Jaamacadda Carabta waxay sheegayaan in Haatan la Damacsanyahay in loo dhiibo Ruux Jinsiyad ahaan ka soo jeeda Soomaaliya isla Markaana Hawshaas Qaban kara.
 
Waxaa ilaa iyo Hadda Jira Laba Ruux oo Soomaali ah oo Jagadaas Tar Tan adag ugu jira kuwaas oo kala ah Madam Shamsa Xaaji Faarax oo ka mid ah Diblumaasiyiinta sida tooska ah uga Hawlgala Xafiiska Jaamacadda Carabta ee Qaahira iyo C/lla Cureemi oo ah Soomaali Asalkiisu Yahay Carab isla Markaana aanan Haysan Xiligan Jinsiyad Soomaali ah waxa uuna C/lla Cureemi ka Hawlgalaa Xafiiska Jaamacadda Carabta ee Arimaha Soomaaliya oo Fadhigiisu yahay Hadda Nairobi laguna wado Dhawaan in loo soo raro Jawhar.Gudaha Dalka Soomaaliya.
 
Xafiiska Jaamacadda Carabta ee laga Furayo Jawhra ayaa waxa uu Noqonayaa Mid ay Shaqadiisu ku egtahay kaliya in uu Gaarsiiyo Gar,gaarka ay Wadamada Carabta u soo diraan Soomaalida iyo in uu Xiriiriyo Dawladda Ku Meel Gaarka iyo Jaamacadda Carabta.
 
"Soomaaliya waxay ka mid tahay Wadamada Jaamacadda Carabta sidaas darteedna waxay Xaq u leedahay in Xafiis loogu furo Gudaha soomaaliya Sida Wadamada kale ee carbeed oo Xafiisyo Jaamacadda Carabta leedahay ay haatan ka furanyihiin sida Tuniisiya,Suuriya,Lubnaan iyo Kuwo Kale"sidaasna waxaa yiri Maxamed Deeq oo ka mid ah Iclaamiyiinta ka Hawlgala Xafiiska Wararka ee Jaamacadda Carabta.
 
Sidoo kale Maxamed Deeq waxaa uu sheegay in mudadii 15ka Sano ee la soo dhaafay oo ay soomaaliya ay ahayd Dawlad la,aanta in Jagooyinkii ay soomaalida ku lahayd Jaamacadda Carabta la duudsaday isla Markaana  Wadamo kale oo Masaari iyo Suudaan ay ka mid tahay ay jagooyinkaas haystaan,waxaana uu tusaale ahaan u soo qaatay Maxamed Deeq in ay jagooyinkaas ka mid yihiin jagada ah Madaxa Xafiiska Jaamacadda Carabta ee Dalka Talyaaniga Magaalada Rooma kaas oo uu hayn jiray Md:Maxamed Shariif Maxamed oo uu Hadda Hayo Ruux u dhashay Dalka Suudaan,iyo Jagada ah Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta oo uu Hayn Jiray C/laahi Aadan Axmed(Kongo) oo uu iyadana Haatan Haayo Ruux u dhashay Masaari taas oo ay Soomaalida Xaq u lahayd waxaa kale oo uu Maxamed Deeq Sheegay in ay Jiraan Jagooyin Fara Badan oo la Duudsiiyay Soomaalida Mudada ay ka Maqnaayeen Fagaarayaasha Caalamiga ah.
 
Ugu Danbeentii waxaa uu sheegay Maxamed Deeq in  Soomaalida ay ku jiraan Dad aqoon leh oo Qaban kara jagooyinka Hadda la duudsiiyay iyo kwo kale oo fara badan saas daraadeedna looga baahanyahay maamulka Jaamacadda Carabta in ay arinkaas tix galiyaan oo aysan soomaalida Xaqooda ka dhicin.
 
Wuxuuna amaan Balaaran u soo jeediyay Xoghaya guud ee Jaamacadda Carabra ee Xiligan Mr:Camr Mussa Kaas oo suuro Galiyay in Xiligan laga Furo Xafiis ay Jaamacadda Carabta Leedahay  Gudaha Soomaaliya.
 
Isha: Wargayska Warsan oo ah Wargays ka soo baxa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar | Email: wargayskawarsan@yahoo.com

Danjihii Safaarada Soomaliyed ee wadanka Siiriya, Marxuum Xassan Muuse Tareey, oo Geeriyoodey

Tacsi tiiraanya leh: 

 Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun , anigoo ah Danjire / C/salaan Macalin aadan, kuna hadlaya Magacayga iyo magaca Qoyskayga iyo magaca  Dhamaan Dubulumaasiinta Soomaaliyeed ee wadanka Yemen –Sanca  waxaan halkaan ooga tacsiyaynayaa eheladii iyo qaraabadii uu katagay allaaha unaxariistee Marxuum Xassan Muuse Tareey , Danjihii Safaarada Soomaliyed ee wadanka Siiriya ilaahay naxariistii jana hakawaraabiyo eheladii iyo qaraabadii iyo dhamaan umada soomaaliyeedna samir iyo Iimaan allaha kasiiyo - Aamiin . 

           Danjire:C/salaan Macalin Aadan | Sanca Yemen

Nin Mareykan ah oo lagu afduubtay degmada Afmadoow ee Gobalka J/hoose ..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Wararka naga soo gaaraya Gobalka J/hoose gaar ahaan degmada Af-Madoow waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd halkaas lagu afduubtay Nin Mareykan ah oo u shaqeynayay Hay’adda UNICEF ee Qaramaada Midoobey u qaabilsan dhinaca Carruurta.

Ninkaan ayaa markii la afduubayay waxa uu ku jiray howl uu ku kormeerayay Baaxadda abaarta ka jirta deegaankaasi, waxaana ninkaa Mareykanka ah lafduubay nin magaciisa lagu sheegay Xuseen Abnaa Culoow.

Ninka wax afduubtay ayaa la sheegay in uu yahay nin ganacsato ah, mar la wareystayna waxa uu sheegay in sababaha uu afduubtay ninkaasi ay tahay, isagoo sheegay in Qaramada Midoobey uu ku leeyahay lacag uu horey ugu shaqeeyay, gaar ahaan sanadihii 96 iyo 97-dii.

Ninkaan waxa uu sheegay in ninka Mareykanka ah uu ku hayo gurigiisa oo ku yaala duleedka Degmada Af-Madoow isagoo sheegay in ninkaas uu sii deyn doono marka uu helo lacagta uu ku lahaa Qaramada Midoobey inkastoo uusan cara- baabin tirade lacagta, waxaana haatan socda dadaal lagu doonayo in lagu sii daayo ninkaasi oo ay wadaan Odoyaasha deegaanka.

Istudiyaha Horn Afrik ay dhawaan ka furatay Baydhabo albaabada loo laabay ...

Sida ay noogu soo waramayaan weriyaasheena ku sugan Magaalada Baydhabo waxay xaqiijiyeen in Istuudiyihii Idaacadda Horn Afrik uga furnaa Magaalada Baydhabo gebi ahaanba la joojiyay kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo Idaacad kale oo haalkaasi ka furan oo lagu magacaabo DMC.

Maalmihii hore Idaacadda Horn Afrik IStuudiyaha ay ku lahayd Magaalada Baydhabo si wanaagsan ayaa looga dhegeysanayay Baydhabo, hase yeeshee waxaa la waayay labadii habeen ee ugu dambeysay iyadoo la damcay dhowr jeer in arrintaasi la xaliyo balse lagu guuldareystay khilaafka ugu xoogan waxa uu ka yimid markii la isku qabsaday khandaraaska Idaacadda British Broadcasting Corporation-da gaar ahaan dhinaca FM-ka kaddib markii mas’uuliyiinta Idaacadda DMC ay soo jeediyeen in ay qadaraaskaasi xaq u leeyihiin in ay iyaga sii daayaan, Horn Afrikna ay sii deysato barnaamujyadeeda kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan Idaacadda British Broadcasting Corporation-da oo damcay in arrintaasi ay dhex galaan ayaa iyagana ku soo hungoobay, waxaase haatan socda waan waan ay wadaan maamulka ka taliya Magaalada Baydhabo.

Mas’uul u hadlay Idaacadda DMC ayaa waxa uu sheegay in aan waxba lagala socodsiin sii deynta barnaamijyada British Broadcasting Corporation-da ee Magaalada Baydhabo, isagoo u soo gudbiyay maamulka British Broadcasting Corporation-da in ay si toos ah iyaga ugala xaajoodaan si loo sii daayo barnaamijyada British Broadcasting Corporation-da, isagoo sheegay in ay haystaan qalab ka tayo wanaagsan Idaacadda Horn Afrik.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2006


Cismaan Caato: Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada waxaa loo abuuray wax yeeleynta Ummadda Somaliyeed
»MURAN KA TAAGAN LACAGO LOOGU DEEQAY W/BARI KENYA
»Muuse, Qanyare, Cumar Finish, Max’ed Dheere iyo Jawhar
»Xildhibaan Furux “Ajnabi baa joogey yiraahdeen...
»Caasha Axmed “waxaan dareemayaa Siyaasad la iibinayo..
»Geeddi “Saxaafadda waxaa loga baahan yahay in ay..
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan.. Guji... March 1

»»BAAQ NABADEED OO DEG DEG AH.. AKHRI..

XAALAD ADAG OO SOO WAJAHDAY ARDADA SOOMAALIYEED EE KUNOOL WADANKA MALAYSIA. Qaybtii 2aad... Akhri

Golaha kacdoonka difaaca Diinta iyo dalka oo looga dhawaaqey Muqdisho
»Mudo todobaad ah oo dib loo dhigay kalfadhigii Baarlamaanka
»Shariif Xasan “ma jiraan Qorshayaal ii qarsoon...
»Diinaari: isku imaanshaha Golaha Baarlamaanka waa yadadiilo
»Hargeysa sharci adag ka soo saartay af-lagaadada Diinta…
»Maxaabiis is weydaarsadeen labadii Kooxood ee Muqdisho…
»Nin lagu toogtay Fagaare ku yaala Ceeri-Gaabo…
»PL: Wasiirka qorshaynta & xiriirka caalamiga xilkii laga qaaday
»Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay 70 Qori...
»Kenya oo looga shakisan yahay hargabka Shimbiraha
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Feb 28