SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

 BAAQ NABADEED OO DEG DEG AH




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Ku: Hogaamiyeyaasha kooxaha hubeysan
  Ku: Kooxaha diinta hubeysan
  Ku: Gancasatada hubeysan
  Ku: Oday dhaqameedyada
  Ku: Waxgaradka
  Ku: Haweenka iyo Bulshada Rayadka Soomaaliyeed
  
 
  UJEEDO: BAAQ NABADEED OO DEG DEG AH
  
  Ugu horeyntii waxaanu tacsi u direynaa qoysaskii iyo eheladii ay dadku kaga dhinteen dagaalada foosha xun, isla markaasna aan ujeedaha laheyn ee ka qarxay Muqdishu, caasimada wadanka Soomaaliya. Intaa kadib, anagoo ku hadleyna magaca bulshada degan gobolka Minnesota iyo waqooyiga Mareykanka waxaa si aad ah uga xunnahay, ugana tiiraanyeysannahay dagaalada foosha xun ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan ku bogaadineynaa kooxaha kor ku xusan in ay si shuruud la'aan ah oo ku saleysan diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed u joojiyaan dagaalka, si deg deg ahna u kala qaadaan ciidamada is hor fadhiya.
  Waxaan xusuusineynaa shacabka Soomaaliyeed
  Waxaan shacab soomaaliyeed xusuusineynaa: In Ilaahey quraanka ku sheegay in dhammaan dadka muslimiinta ay walaalo yihiin oo qofna qofka kale dhiigiisa si sharci daro ah ku daadin karin.  Wuxuu kaloo Ilaahey na faray markii ay walaalo muslimiin ay islaa yeen in laga dhex abuuro heshiis oo aan dabka dagaalka la sii hurin.   Nabi Muhammad NNK wuxuu yiri: Ummaddeeda kama tirsana ruuxa dad muslimiin ah hub ku jeediya si uu ugu laayo.  Nabiga NNK  intuusan dhiman ka hore wuxuu ka dardaarmay inaan lagu fududaan dhiigga qofka muslim. Waxaana kaloon shacabka xusuusineynaa xaddiiska laga soo wariyay Nabigeenii suubanaa NNK ha ahaatee "Nafta qofka Muslimka ah oo si sharci darro ah lagu qaado ayaa ka weyn aduunka dhan oo baaba'a". Sidaa aawadeed waxaa ku boorineynaa dhamaan umadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan in ay si hagar la'aan iyo niyad sami ah ugu dadaalaan sidii loo baajin lahaa dhiig dambe ee micno darro ku daada, isla markaana lala shaqeeyo samo doonka ka howgalay, kuna guda jira
 joojinta iyo xal u helista dagaalka Muqdishu..
  Waxaan u mahad celineynaa gaar ahaan walaalaha Soomaaaliyeed iyo Somaliland ee isu xilqaamay ka shaqeynta joojinta colaadaha ee gobolka Minnesota iyo bulshada kale ee Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga Mareykanka..Waxaa kaloo mudan in loo mahad celiyo Dawladaha caalamka, Ururada dowliga iyo kuwa aan Dowliga aheyn, iyo gaar ahaan walaalahayaga Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho bilaabayna ama ka qeybqaadanaya nabadeynta walaalahood.
  Ugu dambeyn, waxaan digniin u direynaa cid kasta oo ay khuseyso in aan loo dul qaadaneyn xasuuqa umadda Soomaaliyeed mid hore iyo mid dambeba, cidii lagu soo cadeeyana ay qaadi doonta mas'uuliyadda waxa ka yimaada falalka xasuuqan oo kale. Tii ciqaabtii Rabinna waa u dhimantahay. Waxaan balan qaadeynaa in aan la shaqeyneyno hey'adaha ku mashquulsan in lagu soo oogo cid kasta oo fal dambiyeed ka gashay umadda Soomaaliyeed.
  Saxiixayaasha
   
   Professor Ali Khalif Galaydh  
   Sh. Mohamed Garyare (Canada) 
   Garyaqaan Sheikh Hassan Jaamici  
   Ex-pilot Ibrahim Abikar  
   Hassan Yoonis  
   Osman Sahardeed (Adaani)  
   Ismail Jama (Heyraan)  
   Sheikh Maxamed Xaji Cabdullahi Xaji Xasan Barsane  
   Islaw Cabdulwahaab Abikar Aw-guure  
   Col. Cabaas Maxamud Caddow  
   Xabiiba Nur Gindi  
   Prof. Cali Xasan Cisman (Xoogsade)  
   Maxamed Rashid Cabdiraxman Xaji Mumin
   Maxamed Aadan Tiicey- Minnesota, USA
    Maxamed Cabdi Indhabuur  
   Cumar Ibrahim Salax (Cumar SOS)  
   Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Caddow  
   Asseyr Shidane Abdi  
   Mohamed Hussien "Gudbaaye"  
   Mahad Hareed  
   Ilyaas Dahir "Jinoole"  
   Col. Yusuf Hassan  
   Jamac Omar Jimale "JJ"  
   Ahmed Warsame "Libooye"  
   Shamso Abtidoon  
   Fadumo Yusuf Kariye  
   Hussein Warsame  
   Raage Haji Dhore  
   Hassan Warsame  
   Alibashi Sahal  
   Yusuf Abdi Khaire  
   Mohamed Isse "Burane" - Virginia  
   Dr. Hussein Warsame Igal - Minnesota  
   Salah Warsame - Minnesota  
   Liban Egal - Maryland  
   Sh. Abdurahman Abu Turabi 
   Abdullahi Aalow 
   Salahu Diin Osman  
   Mohamud Qanyare  
   Yahye Ismael          
   Yura Fora               
   Abdulmunic Abdurahman  
   Asha Ahmed Hassan 
   Suleykha Hassan 
   Farhiya Abdulkadir 
   Fadumo Elmi 
   Sagal Haji 
   Saynab Said 
   Naeemo Hassan 
   Hassan Abdulkarim (Canada) 
   Abdisalam Abdulkadir (Canada)

Qoraalkan kala xiriir
Hassan Mohamud | hmohamud@midmnlegal.org

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2006


Golaha kacdoonka difaaca Diinta iyo dalka oo looga dhawaaqey Muqdisho
»Mudo todobaad ah oo dib loo dhigay kalfadhigii Baarlamaanka
»Shariif Xasan “ma jiraan Qorshayaal ii qarsoon...
»Diinaari: isku imaanshaha Golaha Baarlamaanka waa yadadiilo
»Hargeysa sharci adag ka soo saartay af-lagaadada Diinta…
»Maxaabiis is weydaarsadeen labadii Kooxood ee Muqdisho…
»Nin lagu toogtay Fagaare ku yaala Ceeri-Gaabo…
»PL: Wasiirka qorshaynta & xiriirka caalamiga xilkii laga qaaday
»Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay 70 Qori...
»Kenya oo looga shakisan yahay hargabka Shimbiraha
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Feb 28