SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 1, 2006

.MURAN KA TAAGAN LACAGO LOOGU DEEQAY W/BARI KENYA. 
.Cismaan Caato "Ciddii Habargidir argagixiso ku sheegta iyadaa ka Masuul ah wixii ka yimaada..
.Muuse, Qanyare, Cumar Finish, Max’ed Dheere iyo..
.Xildhibaan Furux “Ajnabi baa joogey yiraahdeen kuwa ay wataan maaaha miyaa Ajnabi..
.Caasha Axmed Cabdala “waxaan dareemayaa Siyaasad la iibinayo iyo Musuqmaasuq..
.Ra’isul Wasaare Geeddi “Saxaafadda waxaa loga baahan yahay in ay la timaado..




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
MURAN KA TAAGAN LACAGO LOOGU DEEQAY W/BARI KENYA. 

Maalqabeen u dhashay dalka saudi arabia oo lagu magacaabo dalaal alwaaxid ayaa ugu deeqay gobolka ay soomaalida dagto ee W.bari Kenya lacag gaaraysa $500,000 una  dhiganta 35 milion,oo Shka kenya  si wax looga qabto abaaraha ayaa eedaymo ka dhex furay Madaxda gobolka qaarkood iyo Dowlada oo la xirirra qaabka loo bixiyay lacagtan. 

Lacagtan waxaa lagu wareejiyay Madaxdweyne ku xigeenka dowlada Modi Awori oo ka mid ah madax lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen shirkan been abuur ah oo malaayiin shilinka kenya ah lunsatay,Moddi Awori waxa uu labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaan Gobolka W.bari kenya si uu u qaybiyo lacagtan. 

Mudanaha laga soo doorto Gaarisa Xusein Moalim ayaa waraysi aan  la yeelanay ku sheegay in lacagtan shan milion oo ka mid ah uu madaxweynuhu qaybiyay iyadoo 30 milion aan meelna lagu sheegin,waxa uu intaas ku daray in arrintan ay tahay mid dhaawac u gaysan karta xiriirka dowlada iyo madaxda maamulka gobolka. 

Hantiilahan ayaa si mutadawacnimo ah uga deeqay lacagtan kumanaan Somalida  kenya ah si loogu quudiyo dadka deegaanka oo bilihii ugu dambeeyay ay ka soo baxayeen sawiro muuqaalo laga naxo leh. 

Lacagtan waxa ay dabooli kartay baahida boqolaal dadka gobolka ah oo baahi badan u qaba xiligan in loo sameeyo ceelal biyo ay ka cabaan, isbitaalo iyo waliba raashin kayd si ay u yaraato waxyeelada abaarta. 

Gargaarka dowlada iyo kuwa Hay'adaha samafalka ee dadka deegaanka ay helaan ayaa aad uga yar intii loo baahnaa,ka sokow gargaarada yar yar ee baxa waxaa lagu dhaliilaa in ay ay lunsadaan guddiyada madaxda looga dhigo qaybinta macaawinaadka.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Kenya

Cismaan Caato "Ciddii Habargidir argagixiso ku sheegta iyadaa ka Masuul ah wixii ka yimaada..

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Cismaan Xasan Cali (Caato) oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Cadaado halkaas oo ay u tageen dhameynta heshiiskii u dhexeeyay beelaha Sacad iyo Suleymaan ayaa mar uu ka hadlayay isbahaysigii dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Muqadisho ee la magac baxay "la dagaalanka Argagixisada" iyo shirka Magaalada Jowhar ku yeesheen isbahaysigaasi ayaa wuxuu si caro leh uga hadlay aasaaskii iyo dhismihii isbahaysigaas oo uu ku tilmaamay mid loo abuuray wax yeeleynta Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Gobalka Banaadir.

Cismaan Caato waxa uu sheegay in arrintu ay ka weyn tahay isbahaysi oo uu sheegay in ay jirto ujeedo qarsoon oo lagu bartilmaameydsanayo qaar ka mid ah beelaha degan Gobalka Banaadir. “Ciddii Habargidir argagixiso ku sheegta ayaa mas’uul ka ah dhibaatada ka dhacda Magaalada Muqdisho iyadaana qaadeysa mas’uuliyadeeda” ayuu yiri Cismaan Caato oo sheegay in isbahaysigaasi uu cidda uu argagixisada ku calaamadeeyay ay tahay beesha Habargidir, waxa uuna si weyn u dhaliilay kulanka shalay ay Ku yeesheen Magaalada Jowhar xubnihii sameeyay isbahaysigaasi. “Waxaan ugu baaqayaa ragga ku shirsan Magaalada Jowhar in ay caqliga ka shaqeysiiyaan, haddii taasi ay dhaci weysana waxaa shaqeyn doona caqli xumada” ayuu yiri Cismaan Xasan Caato oo u muuqday mid ka careysan dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho, Dhismaha isbahaysigaas iyo is xulufeysiga xubnahaasi ay ka wadaan Magaalada Jowhar.

Mar la weydiiyay Cismaan Caato in uu xiriir la sameeyay xubnahaas iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “Rag beesheyda ku tilmaamay argagixiso sideen ula xiriiraa oo uu wada hadal noo dhex mari karaa”. Cismaan Caato waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay sida uu u arko dalabkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ahaa in Ciidamo shisheeye dalka la keeno, waa uu ka gaabsaday balse waxa uu aad ugu dheeraaday ka hadalka Isbahaysiga lagu dhisay Magaalada Muqdisho iyo dagaalada ay ka huriyeen Magaalada.

Muuse, Qanyare, Cumar Finish, Max’ed Dheere iyo..

Maalintii shalay ahayd ayaa Diyaarad qaas ah oo ku soo degtay Garoonka Diyaaradaha Cisaley waxay qaaday xubnihii dhawaan sameeyay isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxayna diyaaraddaasi xubnahaasi geysay Magaalada Jowhar.

Intii ay ku sugnaayeen Garoonka ayaa waxaa soo degtay Diyaarad siday saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka waxayna Garoonka ku qaateen kulan socday labo saacadood, waxayna halkaasi isku dhaafsadeen warbixino la xiriira argagixisada, iyadoo xubnihii halkaasi ka hadlay uu ka mid ahaa Max’ed Dheere oo sheegay in Soomaaliya ay ka buuxaan waxa uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah oo uu sheegay in ay u badan yihiin Ajaaniib.

Xubnihii kulankaasi ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Muuse Suudi, Max’ed Qanyare, Cumar Finish, Bashiir Raage, Bootaan Ciise, Cabdi Waal iyo Xubno kale, waxayna isla shalay dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho iyagoo Saraakiishii ay la shireen ay u noqdeen Nairobi.

Xildhibaan Furux “Ajnabi baa joogey yiraahdeen kuwa ay wataan maaaha miyaa Ajnabi..

Xildhibaan Max’ed Jaamac Furux oo ah Wasiiru Dowlaha Badda iyo Dekedaha oo isagoo ku sugan Magaalada Cadaado ayaa waxa uu si aad ah uga hadlay hadalkii dhawaan ka soo yeeray isbahaysigii dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho ee la magac baxay "la dagaalanka argagixisada", waxa uuna sheegay Furux in wadanka aysan joogin wax la yiraahdo argagixiso.

Sidoo kale waxa uu si kulul uga hadlay hadalkii ahaa in dalka ay joogaan dad ajnabi ah waxa uuna yiri “Ajnabi baa joogey yiraahdeen, laakiin iyagaaba ajanabi la arkaaya dalka soo geliyeen, kuna soo geliyeen si sharci daro ah, sidaa darteed bulshada Soomaaliyeed ayay u taalaa.

Max’ed Qanyare “Cunaqabteynta Hubka oo la qaado waxay keeneysaa ..

Max’ed Qanyare Afrax oo ah Wasiirka amniga Qaranka ka mid ah isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa mar uu shalay ku sii jeeday Magaalada Jowhar una waramayay warbaahinta ayaa waxaa wax laga weydiiyay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ayaa waxa uu Qanyare yiri “arrintas waxaa wata Madaxweynaha waxay keeneysaa in mar kale la diriro”.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan u baahneyn wax hub ah balse ay u baahan tahay in wixii horey u yiilay laga qaado maadaama ay si weyn isugu gumaaday.

Mar la weydiiyay haddii uu Baarlmaanku ansixiyo qodobkaasi, waxa uu yiri “waxay keeneysaa calool xumo laakiin kama soo horjeedo wax uu Baarlamaanku ansixiyay, balse waxaa loo baahan yahay in mar kasta laga fiirsado, waayo wadankaas uma baahna hub kale oo dheeraad ah, waayo kii hore ayaan qaatir bilaahi ka taagannahay”.

Caasha Axmed Cabdala “waxaan dareemayaa Siyaasad la iibinayo iyo Musuqmaasuq..

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdala oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka qaybgalaya kulanka Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegtay in ay aad uga xumaatay in dib loo dhigo mudo tobaad ah kulanka Baarlamaanka.

“Waa waqti kale oo la luminayo waayo horey ayaa waxa nooga lumay waqti dheer” ayay tiri Caasha Axmed Cabdala oo intaa raacisay “waqtigaan waa waqtigii wax loo qaban lahaa bulshada Soomaaliyeed oo ay ku habsadeen dhibaatooyin dhinacyo badan leh”.

“Dib u dhigista kulanka Baarlaamaanka waa mid la doonayo in la iibiyo siyaasad iyo Musuq-maasuq, waxaa la sheegay in laga dhex sameynayo Xildhibaanada Baarlamaanka dib u heshiisiin iyadoo kulanka Baalamaanka socodo ayaa la sameyn karaan dib u heshiisiin” ayay tiri Caasha Axmed Cabdalaoo sheegtay in loo baahan yahay in Xildhibaanada Baarlamaanka u adeegaan bulshadooda.

Sidoo kale Xildhibaano fara badan ayaa si weyn uga soo horjeestay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, waxayna ku tilmaameen warkaasi mid la doonayo in lagu abuuro dagaal sokeeye.

Ra’isul Wasaare Geeddi “Saxaafadda waxaa loga baahan yahay in ay la timaado..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa shalay Hotelka Madiina Al-Munawara ee Magaalada Baydhabo Siminar hal maalin ah uga furay afartan Saxafi oo ka kala socotay qaybaha warbaahinta.

Siminaarkaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay’adda UNICEF iyo Wasaaradda War-faafinta ee Dowladda Federaalka ayaa mar uu ka hadlayay Ra’isul Wasaaruhu siminaarkaasi in Saxaafadda looga baahan yahay in ay ku shaqeyso si hufnaan ah wararkoodana ay noqdaan kuwo bulshada toosiya.

Ra’isul Wasaare Geeddi waxa uu saxaafadda ku canaantay in aysan ka hadlin nabadda iyo dib u heshiisiinta dalka ka socota, waxa uuna uga mahadceliyay sidii kartida laheyd ee ay caalamka u tusiyeen waxyeelada abaarta iyo biyo la’aanta.

Siminaarkaas waxaa kalloo ka hadlay Wasiirka war-faafinta Max’ed Cabdi Xayir (Maareeye) oo isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay maanta in ay kulmaan Wasaaraddii War-faafinta iyo bahda Saxaafadda, isagoo u soo jeediyay in ay la yimaadaan isku xirnaan.

Xubnihii dowladda ee dhex dhexdaaniyay Beelaha Sacad iyo Sukeymaan oo gaarey Cadaado..

Waxaa shalay soo gaaray Magaalada Cadaado ee Gobalka Galguduud mas’uul ay ka mid ahaayeen Cismaan Caato Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta, Xildhibaan Axmed Ducaale Geele (Xaaf) iyo Odoyaal iyo waxgarad ka socday beesha Sacad, waxaana halkaasi ku soo dhaweyay mas’uuliyiinta Dowladda Beesha Reer Xaaji Suleymaan oo ay horkacayeen Wasiirka horumarinta reer Miyiga Max’ed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere), Wasiiru Dowlaha Badda iyo Dekedaha Max’ed Jaamac Furux, Xildhibaan Cali Calas Qaareey iyo waxgarad kale.

Mas’uuliyinta labada beelood markii ay isugu yimaadeen shalay Magaalada Cadaado waxayna isla markiiba kulan deg deg ah ku yeesheen halkaasi waxayna uga hadleen sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabaha u harsan, Sidoo kale waxay halkaasi uga arrinsadeen sidii loo kala qaadi lahaa labada ciidan oo weli isku horfadhiya qaar ka mid ah goobihii dagaalku ku dhex maray, iyadoo maalintii doraad la kala qaaday ciidamadii isku hor-fadhiyay deegaanka Gelinsoor.

Waxaa shalay ka dhacay Magaalada Cadaado banaanbax weyn oo ay ka qabgaleen Ururada Bulshada Rayidka ah iyo dadweynaha Magaalada Cadaado kaasoo lagu taageerayay heshiiska ay gaareen labada beelood iyo kulanka Mas’uuliyiinta Dowladda ee labada dhinac uga bilowday Magaalada Cadaado.

Ururka Al-Islaax oo taageeray kulanka Baarlamaanka ee Baydhabo...

Warqad qoraal ah oo uu saaray Ururka dhaqdhaqaaqa Islaamka Soomaaliyeed ee Al-Islaax ayaa waxa uu taageerayay isla markaana hambalyo u diray kulanka Golaha Baarlamaanka uga furmay Magaalada Baydhabo, sidoo kale waxa uu hamhalyo u diray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi iyo dhamaan xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliyeed, waxayna ugu hambalyeeyeen siday ugu guuleysteen in ay kulan rasmi ah yeeshaan, waxayna u rajeeyeen in ay guulo ka soo baxaan kulanakasi, halkaana looga gudbo colaadihii laguna gaaro Nabad, Cadaalad, Dimuquraadi-yad iyo horumar.

Waxay amaan u jeediyeen madaxda iyo shacabka Reer Baydhabo oo waqti gaaban ku suurageliyay in Magaalada Baydhabo ay martigeliso fadhiga dhaxal galka ah, iyadoo waliba ay Gobalka ka jiraan jilaal kulul iyo Abaaro, waxay xusuusiyeen madaxda Qaranka ee ku shiraya Magaalada Baydhabo in shacabku uu ka sugayo dib u heshiisiin dhab ah oo lagu baahiyo dalka, soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta, sugida amniga dalka, soo celinta adeegyadii bulshada, dib u dhiska dalka iyo dib uu soo nooleynta sharaftii iyo karaamadii shacabkeena Soomaaliyeed uu ku lahaa Dunida ayaa lagu yiri qoraalkaas oo uu ku saxiixnaa afhayeenka dhaqdhaqaaqa Islaamka Soomaaliyeed ee Al-Islaax Dr. Ibraahim Dasuuqi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2006


Golaha kacdoonka difaaca Diinta iyo dalka oo looga dhawaaqey Muqdisho
»Mudo todobaad ah oo dib loo dhigay kalfadhigii Baarlamaanka
»Shariif Xasan “ma jiraan Qorshayaal ii qarsoon...
»Diinaari: isku imaanshaha Golaha Baarlamaanka waa yadadiilo
»Hargeysa sharci adag ka soo saartay af-lagaadada Diinta…
»Maxaabiis is weydaarsadeen labadii Kooxood ee Muqdisho…
»Nin lagu toogtay Fagaare ku yaala Ceeri-Gaabo…
»PL: Wasiirka qorshaynta & xiriirka caalamiga xilkii laga qaaday
»Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay 70 Qori...
»Kenya oo looga shakisan yahay hargabka Shimbiraha
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Feb 28

Qaramada Midoobey oo aad uga daysrisay xaaladda Ogaadeenya.
iyo Guddoomiye ku xigeenka JWXO oo booqasho ku jooga Norway
Guji... Feb 28

XAALAD ADAG OO SOO WAJAHDAY ARDADA SOOMAALIYEED EE KUNOOL WADANKA MALAYSIA. Qaybtii 2aad... Akhri

Warbixin dheer oo ku saabsan khudbadihii laga jeediyay kulankii Baarlamaanka ee Baydhabo..
C/llaahi Yuusuf "Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in aanan isku koobin xilalka".. Cali Max’ed Geeddi "Mudadii aan kala maqneyn waxaan ku nooleyn xaalad laga naxo”" hadaladaas iyo wararkii Soomaaliya oo faahfaahsan ka akhri halkan.. Guji.. Feb 27

 

Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage oo Qabtay shir Jaraa’id
»Shiikh Aweys” Niman Ajnabi ah oo dalka jooga ma jiraan..
»Max’ed Dheere oo Warqad gaarsiiyay Isbahaysiga...
»C/llaahi Yuusuf oo uusan la socon Ra’isul Geedi oo gaarey..
»Roob ka da’ay shalay Magaalada Baydhabo…
»Xubno ka tirsan DFKM ah oo magaalada kismaayo..
»Finland oo dalkeeda dib u celinaysa dad Soomaaliyeed...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji...