SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA

World Environment Day, 5ta Juun 2006

Abshir Bacadle "Dhulka dhiig Bixiisu waa kuwa Dhuxusha Dhoofiya"





Soomaaliya oo ka hartay qaaradda Afrika, deegaankeedina qurmisay! Saaxiibayaal, qarnigan 21aad waa qarnigii caalamku ku heshiiyey inuu noqdo kii horumarinta dunida iyo daryeelka degaank dabiiciga ah. 5ta bisha Juun sanad walba waxaa lagu magacaabay Maalinta Degaanka Adduunka (World Environment Day). Haseyeeshee, waxaad ogtihiin duruufo dagaal iyo nabadgelyo xumo ka jirtay magaaladan Muqdisho awgeed in munaasabaddasi aysan qabsoomin maalintaas. Ahmiyadda deegaankeenna sii xumaanaya awgeed aan la dhaafin Karin, waana inakan manta weli u fadhinna inaan is xusuusinno ahmiyadda in la dhowro deegaanka dalkeenan dahabka ah.

Waa maalin si aad ah u mudan in wax laga taabto guud ahaan degaanka dunida ee sii xumaanaya iyo gaar ahaan dhibaatooyinka xaalufineed ee heysta dalkeenna Soomaaliya.

Bishii Juun sanadkii 1972 ayey aheyd markii ugu horeysay oo la qabto Shir caalami ah oo ay Qaramada Midoobay qabanqaabisay oo looga hadlo degaanka bani'aadanka. Shirkaas (United Nations Conference on Human Environment) oo lagu qabtay magaalada Stockholm, dalka Sweden, kama aysan soo qeyb gelin dowlado badan oo dunida sadexaad ah ayaga oo u arkayey in kulankaasi uu khuseeyo oo kaliya dalalka warshadaha leh oo ah kuwa ay iyagu heysato dhibaatooyinka wasaqeynta degaanka. Waxa uu shirkaasi noqday kulankii ugu muhiimsanaa ee bilow u noqday doodda calaamiga ee dhinaca dhoowrista deegaanka.

Isla sanadkaas 1972 waxaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka soo baxay go'aanno dhowr ah oo degaanka ku wajahan: sida go'aankii lagu aasaasay Hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijka Degaanka 'United Nations Environment Programme (UNEP)' oo ay xarunteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa kaloo la go'aamiyey in sanad walba bisha Juun 5-teeda loo aqoonsado Maalinta Degaanka Adduunka. Waa maalin caalami ah oo adduunka oo idil laga xuso, loogana hadlo qiimaha dhowrista degaanka uu leeyahay.

Xuska maalintan qiimaha badan leh ee Juun, ayada oo dalwaliba si gaar ah looga xuso lana fuliyo hawlo iyo mashaariic ku wajahan daryeelka deegaanka, ayaa haddana Qaramada Midoobey sannad waliba waxa ay soo saartaa tibaax "theme" ama halkudhigga diiradda la saaro oo la xiriira horumarinta bey’ada & degaanka dunida. Xuskaasina sannad walba waxaa lagu qabtaa dal iyo magaalo hor leh.

Sanadkan 2006, tibaaxda ama "theme"ka la qaatay ee lagu howlgalay waa "Lamadegaanka oyo Xaalufinta" halkudhigga ama sloganka sannadkan la qaatayna waa "Ha lamadegaaneyn Dhulalka Roobyaraha" oo loola jeedo in lagu hakiyo xaalufinta ba’an ee ka socota dhulalka roobabku ku yar yihiin oo Soomaaliya ka mid tahay. Dalalka qallalan ee roobabku ku yar yihii waa 40% dhulka dunidan, waxaana hoy u tahay hal bilyan oo qof oo ah 1/3 dadka dunida oo dhan.


Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen.

Sannadka 2006, kulanka ugu weyn ee munaasabaddan caalamiga ah waxaa lagu qabtay magaalada Algiyers ee dalka Aljeeriya ee Waqooyiga Afrika oo isagu u bada lama degaan.

Haddaba, dalkeenan Soomaaliya, waxaa si weyn u aafeeyey dagaaladii sokeeye iyo sharci darrada oo horseeday in si ba’an loo jaro dhirteenna, lagana gubo dhuxul aad uga badan tan aynu gudaha uga baahanahay, loona dhoofiyo dalalka Khaliijka. Xawliga jaridda waxay dedejisay xawaaraha xaalufinta iyo xadka nabaadguurka oo maraya meel aanay Soomaalidu hore u maqal, caalamkana ku cusub oo lagu tilmaami karo waalli.

Shirkadaha dalalka warshadaha leh waxay iyaguna si weyn u xaalufiyeen noolihii badaheenna, waxayna halkaas ka fuliyaan kalluumeysi sharci darro ah, waxayna ku soo shubaan wasakhda iyo sumaha khatarta ah ee warshadahooda, taasoo culeys iyo khatar badan ku haysa dadkeenna xeebaha deggan iyo noolaha badaheenna.

Sidoo kale waxaa la ugaarsadaa, la dilaa, lana soo qabqabtaa duur-joogta oo qaarna la cuno, qaarna lagu dhoofiyo nolosha, lana siisto qiime jaban. Sidoo kale waxaa si ba’an loo dhhofiyaa dheddigga xoolaheena, ayadoo dalalka iibsada ay fursad weyn u tahay inay dalkooda ku beertaan si ayba uga maarmaan in Soomaaliya wax laga soo iibsado mustaqbalka. Waxaana dadka Soomaaliyeed dhaqan u noqotay in qofku dhowro hantidiisa gaarka oo keliya, lagu tunto, lana burburiyo wixii dadka ka dhexeeyey. Taasina ay dhibaato iyo culeys dhaqaale oo weyn u keentay umadda Soomaaliyeed.

Dhibaatooyinkaa faraha badan waa in la helo qaab lagu yareeyo, laguna badbaadiyo degaankeenna sii baabaįya. Si la isugu baraarujiyo arimahan la xiriira daryeelka degaankeenna ayaa Xaruntan Biyaha iyo Deegaanka Soomaaliya ee Jaamadda Muqdisho u qaban qaabisey kulankan qiimaha badan si dadkeena loo siiyo wacyi gelin sarreysa, si loo helo is-faham iyo ficil lagu hakiyo xawaaraha nabaadguurka. ee Somaaliya.

Xaruntan Biyaha iyo Deegaanka ee Jaamacadda Muqdisho ayaa iska xilsaartey qabanqaabada xafladdan weyn ee lagu xusayo Maalinta Degaanka Dunida si aan hiigsanno nabadgelyo, hodanimo, dowladnimo, qarannimo iyo horumar.

Qormadan waxaa idiin soo diyaariyey:

Prof.Hussein M. Iman:

Maamulaha Xarunta Biyaha & Degaanka Soomaaliya (SCWE) ee Jaamacadda Muqdisho.

Waxaa idiin soo gudbiyey Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2006

Xafladii Nugaal University ee Minnesota U.S.A
Xaflad aad loo soo agaasimey ayaa lagu qabtey badhtamaha magaalada Minneapolis, Minnesota... Guji....

Ereteriya iyo Itoobiya oo is dhaaafsanaya hadalo ku saabsan Soomaaliya
»Ciidamada Golaha Maxaakiimta oo si fudud kula wareegay..
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Degaanka jawiil...
»Degmada Goldogob oo yeelatay golaha deegaanka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Jun 29

BOSTON, USA: Wiil Soomaaliyeed oo 19-jir ah oo Toogasho Lagu Diley
Magaalada Boston ee Maraykanka ayaa lagu diley.. Guji...


Xafladdii Gabagabada Sanad-Dugsiyeedkii 2005-2006 ee dugsiga Imaam Shaafici...

XAFLADDA KA AKHRI HALKAN......


BOSTON, USA: Wiil Soomaaliyeed oo 19-jir ah oo Toogasho Lagu Diley
Magaalada Boston ee dalka Maraykanka ayaa... Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD