Wararkii June 28, 2006
-
Miles Zinawi oo lagu cadaadinayo
inuusan ciidamo u dirin wadanka Soomaaliya
-
Cabdi Qaybdiid oo sheegay in ay soo
weerareen dad ku..
-
Wafdigii Midowga
Maxaakiimta uga qaybgalay shirkii Khartuum oo dalka ku..
-
Dadweynaha Xarardheere oo
si weyn u soo dhaweeyay qabashadii...
-
C/llaahi Yuusuf oo ka qaybgali
doona shirka midowga Afrika oo ka dhici doona...
-
Dowladda Federaalka oo sheegtay in Midowga
Maxaakiimtu ay ku xadgudbeen heshiiskii…
-
Miles Zinawi oo lagu cadaadinayo inuusan
ciidamo u dirin wadanka Soomaaliya
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Miles Sanawi ayaa waxaa lagu cadaadinayaa inuusan
soomaaliya u dirin wax ciidamo ah oo "nabad" ilaalin ah, waxa uuna cadaadiska
ugu xoogan badan uu miles Sanawi ka soo gaaray xisbiyada mucaaradda ee
Wadankaasi, oo sheegay in haddii ciidamo Itoobiyaan ah loo diro wadanka
Soomaaliya ay keeni karto colaad hor leh, isla markaana waxay colaadaasi saameyn
ku yaalan doonaan gudaha wadanka Itoobiya.
Sidoo kale waxaa Ra’isul
Wasaaraha cadaadis ka yimid Dowladda Mareykanka oo Dowladda Itoobiya ka dalbatay
in aysan Soomaaliya u dirin wax ciidamo nabad ilaalin ah ilaa ay is bedesho
xaaladda Soomaaliya ee haatan jirta.
Wargeysyada ka soo baxa
wadanka Itoobiya ayaa iyana waxay maalmihii la soo dhaafay qorayeen qoraalo ku
aadan in ciidamo Itoobiyaan ah oo loo diro Soomaaliya ay qalalaaso ka abuuri
karto gudaha wadanka Itoobiya.
Dhinaca kale Ciidamada la
sheegay in ay imaanayaan Soomaaliya ayaa ilaa iyo haatan loo haynin wax dhaqaale
ah, mana jirto wadan ilaa iyo haatan ballanqaaday dhaqaalahaasi.
Cabdi Qaybdiid oo sheegay in ay soo
weerareen dad ku..
Aroornimadii shalay ayaa
ciidamo ka socda Golaha maxaakiimta islaamiga ah waxay ay xoog kula wareegeen
saldhig uu Cabdi Qaybdiid ku lahaa Siinka Dheere oo u dhexeeya Muqdisho iyo
Afgooye, waxaana dagaalkaasi la xaqiijiyay in ay ku dhinteen afar ruux, waxaana
Cabdi Qaybdiid dagaalkaasi looga qabsaday afar Gaari oo kuwa dagaalka ah.
Cabdi Qaybdiid oo shir jaraa’id
ku qabtay xarunta ku dhow siliga Mareykanka ayaa waxa uu ku eedeeyay in
Maxaakiimtu ay soo weerareen Habeen hore saqdii dhexe, halkaasina ay ku dileen
dhowr qof.
“Waxaa socday waan waan la
doonayay in lagu dhameeyo dagaalka Muqdisho hase yeeshee taasi waxaa jabiyay
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid oo sheegay in aysan
soo weerarin Maxaakiimta Islaamiga balse ay soo weerareen Beel oo uu sheegay in
ay ku gambaneyso magaca Diinta Islaamka.
Korneel Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ka baxay Isbahaysigii la dagaalanka
Argagixisada, waxa uuna qiray in isbahaysigaasi uu burburay laga adkaaday, hase
yeeshee Cabdi Qaybdiid waxa uu sheegay in wixii haatan ka dambeeya uu is difaaci
doono. Cabdi Qaybdiid, waxa uu ahaa nin ay si aad ah isugu dhawaayeen Gen.
Max’ed Faarax Caydiid (Allaha u naxariistee), waxa uuna waqtigaasi ka qaybgalay
dagaalkii Afar biloodka ah, sidoo kale waxa uu ka qaybgalay dagaalkii looga soo
horjeeday ciidamada Mareykanka ee soo galay Soomaaliya sanadkii 1992-dii,
kadib Cabdi Qaybdiid waxa ay iska hor yimaadeen Gen, Max’ed Faarax Caydiid,
waxaana dagaalkaasi ku geeryooday Gen. Max’ed Faarax Caydiid. Cabdi Qaybdiid
waxaa loo magacaabay Dowalddii Carta Taliyaha ciidanka Booliiska ee Gobalka
Banaadir, waxa uuna intii uu hayey jagadaasi qabtay howl ammaanka lagu sugayay.
Cabdi Qaybdiid kadib waxaa lagu xiray Dalka Sweden, waxaana soo deyntiisii qayb
ka qaatay shacabka ku nool Gobalka Banaadir, kadibna Cabdi Qaybdiid waxa uu ku
biiray Isbahaysigii dagaalka ka riday Magaalada Muqdisho.
Wafdigii Midowga Maxaakiimta
uga qaybgalay shirkii Khartuum oo dalka ku..
Wafdigii Midowga Maxaakiimta uga qaybgalay shirkii Khartuum ee lagu
heshiisiinayay Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa shalay
dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho iyagoo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha
ee Cisaley.
Wafdigaan oo uu hogaaminayay Dr. Max’ed Cali Ibraahim ayaa waxaa Garoonka
Diyaaradaha Cisaley ku soo dhaweeyeeyay guddoomiye ku xigeenka Golaha
Maxaakiimta C/qaadir Cali Cumar, kadibna waxaa loo soo galbiyay Hotel Ramadaan,
waxaana halkaasi ku qaabilay guddoomiyaha Golaha Fulinta Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan
Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed.
Dr.
Max’ed Cali Ibraahim ayaa mar uu la hadlayay saxaafadda waxa uu sheegay in
shirkii Suudaan uu ku dhamaaday guul iyo is afgarad, isagoo sheegay in wixii
warbixin ah ee kale ay gadaal ka bixin doonaan, markii ay la tashi sameeyaan
Golaha Cusub ee Maxaakiimta.
Dadweynaha Xarardheere oo si
weyn u soo dhaweeyay qabashadii...
Wararka naga soo gaaraya
Gobalada dhexe gaar ahaan Degmada Xarardheere waxay sheegayaan in Dadweynaha ku
nool halkaasi ay si weyn u soo dhaweeyeen qabashadii labo nin oo horey u dilay
labo oo kale oo ka tirsan deegaanka, waxaana qabashada raggaan gacan ka gaystay
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah. Waxaa la filayaa in dhawaan maxkamad la soo
taago, waxayna dadweynahaasi sheegeen in arrintaai ay wax weyn ka tareyso
nabadgelyada Degmada Xarardheere oo ay baryahan dambe ku soo badanayeen dilalka
noocaana. Sidoo kale Dadweynuha ku nool Degmada Xarardheere ayaa iyagu waxay si
weyn u soo dhaweyeen is bedelka ka dhacay magaalada Muqdisho.
C/llaahi Yuusuf oo ka qaybgali doona
shirka midowga Afrika oo ka dhici doona...
Madaweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
oo dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa u ambabaxay wadanka
Gaambiya oo uu ka dhaayo shirka Wadamada Midowga Afrika oo la sheegay in looga
hadli doona arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha Soomaaliya gaar ahaan
is bedeladii ka dhacay Soomaaliya, xaaladda Daafuur iyo murunka u dhexeeya
wadamada Itoobiya iyo Eriteriya.
Shirkaan ayaa la filayaa in
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed hor dhigo qodob la xiriira sidii Soomaaliya
looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka si ay u sahlanaato in Soomaaliya ay soo
galaan ciidamo nabad ilaalin ah, hase yeeshee wadamadii Ciidamada horey ugu
haboohay Soomaaliya sida Suudaan iyo Uganda ayaa iyagu waxay sheegeen in aysan
Soomaaliya u soo direyn wax ciidamo ah Soomaaliya, ilaa ay ku heshiiyaan
dhinacyada isku haya.
Dowladda Mareykanka ayaa iyadu
diidan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka iyadoo u cuksaneysa in
Soomaaliya uu ku qulqulo hub aad u fara badan, taasoo ay sheegtay in uu hali ku
noqon karo wadamada Geeska Afrika.
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah
ayaa iyagu horey waxay u caddeeyeen in aysan ogolaan doonin in Soomaaliya loo
soo diro waayo ayay yiraahdeen, “Soomaaliya xiligaan uma baahana ciidamo
shisheeye ee waxay u baahan yihii oo keliya in dib loo uruuriyo ciidamadii
xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo ay sheegeen in ay ku filnaan karaan amniga
dalka, iyagoo kaashanaya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.
Tan iyo markii Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah la wareegeen dhamaan Magalada Muqdisho iyo
nawaaxigeeda, waxay shacabka Soomaaliyeed dareemeen nabad buuxda, dhinaca kale
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa dhawaan waxay heshiis la galeen Dowladda
Federaalka kaasoo ka dhacay Dalka Suudaan waxaana soo qaban-qaabiyay ururka
Jaamacadda Carabta iyadoo shirkaas shirka xigana uu ka dhici doono dalka Suudaan
15-ka Luulyo ee Fooda nagu soo haysa.
Dhanka kale waxaa shalay
duhurnimadii magaalada Baydhabo kusoo laabtay guddoomiyaha baarlamanka DFKMG,
Shariif Xasan Sh. Aadan, oo k asoo duulay magaalada Nairobi.
Dowladda Federaalka oo sheegtay in Midowga Maxaakiimtu
ay ku xadgudbeen heshiiskii…
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali
Jeele oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa Midowga
Maxaakiimta ku eedeeyay inay ku xadgudbeen heshiiskii ay Khartuum ku yeesheen
Midowga Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka.
“Heshiiskaas waxa uu dhigayay in mar dambe
uusan dagaal ka dhicin magaalada Muqdisho, hase yeshee Midowga Maxaakiimtu waxay
weerar ku qaaden qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Salaad Cali Jeele
oo sheegay in Midowga Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka ay isku afgarteen in
wixii haatan ka dambeeya laga shaqeeyo nabadeynta iyo dib u heshiisiinta wadanka.
Salaad waxa uu sheegay in Cabdi Qaybdiid uu
horey uga baxay Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada ayna tahay gardaro in
weerar lagu qaado.
Dowladda Mareykanka oo sheegtay in aysan la macaamili
doonin Sheekh Xasan Daahir
Dowladda Mareykanka Afhayeen u hadlay ayaa
waxa uu sheegay in aysan marnaba la shaqeyn doonin Ninka loo magacaabay Golaha
Shuurada ee Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Xasan Daahir Aweys, iyagoo
sheegay in Xasan Daahir Aweys uu ku jiro Liiska argagixisada ee Mareykanku doon
doonayo.
“Meesha kama marna in aanu la shaqeyno
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah” ayuu yiri afhayeenkaasi oo sheegay in Dowladda
Mareykanka la socoto dhaqdhaqaaqyada ka socda Magaalada Muqdisho.
Dowladda Mareykanka waxay horey u soo
dhaweysay heshiiskii Magaalada Khartuum ku dhex maray Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka, taasoo ay ku tilmaantay in uu yahay mid ka
shaqeynaya sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, hase yeeshee mar la
wareystay Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay
la shaqeeyaan cid kasta oo diyaar u ah in ay ka shaqeyso maslaxadda ummadda
Soomaaliyeed, balse aysan isku dhiibi doonin.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com