SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARQAD

Warqad Furan oo Ganacsadde Cabdi Xoosh u Direy Madaxda Maxkamaddaha Islaamiga ah:
 
Mudanayaal waxaan idinku salaamey salaanta Islaamka Asalaamucalaykum.:
Salaantaas islaamka kadib waxaan marka hore idinkugu hambalayeynayaa guulihii iyo wax qabadkii aan ku diirsanay ee aad sida  degdega ah ugu tillaabsateen shantii bilood ee lasoo dhaafay waxaan idiin sheegayaa inguushaasi ay ahayd mid u soo hoyatay umada soomaaliyeed meelwalba oo ay joogto maxaa yeelay waxaa nasoo gashay rajo iyo hanqaltaag nabadeed oo aanan arag lix iyo tobonkii sano ee lasoo dhaafay. Sidaas darteed waxaan madaxda sharafta leh ee warqaddaani ay kusocoto halkan ugu soo gudbinayaa dhawr qodob oo aan jeclaystay inaan talo ahaan u soo jeediyo maxaa yeelay waxaaan dareemayaa inaad aad ugu baahantihiin talo si aysan  u burburin guusha aad gaarteen.
 
Waxaan idinkulataliyanaa inaad latashataan cuqaasha, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, iyo qofkasta oo wax ku biirin kara hawlaha balaaran ee aad haysan si ay hawsha aad haysaan u noqoto mid ay  Soomaalidu  u dhantahay.
 
Waxaan idinkula talinayaa inaad xoogiina iyo maskaxdiina iskugu gaysaan sidii ay magaalada Muqdisho u noqon lahayd mid leh hal maamul amaankeeduna noqdo mid sugan.
Waxaan idinkaga digayaa wadadii ay ku burbureen hoggaanadii iyo kacdoonadii idinka horeeyey wadadaas oo ah qabyaalad iyo damac shaqsi oo awood doon ah.
 
Waxaan idiin soo jeedinayaa inaad  hagaajisaan xiriirka iyo wadahadalka aad la leedihiin bulshadda caalmaka si aysan u dhicin in awoodiina iyo koacdoonkiina loo abuuro cadow badan oo khatar galiya habsimi u socodka hawlihiina sidoo kale waa inaad  ka dheerataan caqabad kasta oo keeni karta  khilaaf dhexdiina ah.
 
Waxaan aaminsanahay hawsha aad qabateen iyo arrimaha aad wadaan inay yihiin natiijo ka dhalatay kocdoonkii  shacab sidaas darteed waxaan idinka digayaa inaad si fudud u taageertaan dowlad aysan ummadda Soomaaliyeed soo dhisan iyo madax fulinaya dano dowladdo shisheeye oo aan marna u adeegayn danaha shacabka iyo qaran Soomaaliyeed.
 
 
Waxaan idinku dhiirigalinayaa wadahadalkasta oo xal ugu jiro ummada Soomaliyeed laakiin wadahadalkaasi waa inuusan noqon mid keena in laga tanaasulo arimaha taabanaya qaranimada Soomaaliya ama hakad ku keena hawlaha aad wadaan.
 
Ugu dambeyntii waxaan idin rajaynayaa guul iyo talo mid ah waxaana rajaynayaa inaad noqotaan kuwii u horseeda ummadda Soomaaliyeed cadaalad iyo qaranimo soo laabata.
 
Cabdi Xoosh Ashkir
Siyaasi iyo Ganacsade Soomaaliyeed.
Tel+442089075142
Mobile+44 7944821554
London, uk

 Faafin: SomaliTalk.com | Jun 27, 2006

»Isbeddelka aasaasiga ah ee ka dhacay Muqdisho| Abokor
»Talo-siin Maxkamadaha iyo Maanso. | Caliqeyr
»Maxaa sababay isbadka Muqdisho? Sidee buu ku waari karaa? | Caafi
»Ba' Dagaal Oogaha, Barkhada Wadaadada iyo Baraaraha Shacabka
»
Muqdisho: shalay, maanta iyo barri (Q. 1aad/2aad) | Axmad
»Horumarka Maxkamadaha Mogadishu: Guul mise Khatar? | Faysal
»Taladaan la Ruugin, Waa Lagu Rafaadaa | C/xakiim
»
WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MIDOWGA MAXAAKIINTA  | Cumar
»
Talo Wax-ku-ool ah oo ku socota Maxkamadaha Islaamka | Yusuf
»Aynu wada dhawrno.... | Jaamac
»MUQDISHO WAA LOO YAABAA | C/laahi


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD