Prof.Dhalxa uga horeynti si heer qaran oo diiran ayaa
nalagu soo dhaweyey wadanka Austaria,Viena o shirka ka dhacay anaga ka Soomaali
ahaan waxaan shirka ka aheyn Marti,waxaa ka loo lagu martiqaadey Baarlamaanada
wadamada Afrika,Carabta iyo kuwa wadanada Basifica ku yaal.
waxaa shirka ka soo qayb galey 156-dal,waxaa looga
hadlayey sidii xiiri iyo Iskaashi caalami ah loola sameyn lahaa Baalamaanada
wadamada Saboolka ah ee Afrika, Asiya iyo Latin Amerika.
waxaa kaloo Prof.dhalxa sheegay in Baarlamaanka
Somaalida laga Taakuleyn Doono,dhismaha iyo qalabeynta xafiisyada Baarlamaanka
iyo dib u dhiska.
waxaa kaloo uu sheegay in la siin doono tababaro caalami
ah Xildhibaanada Soomaalida wadanka Gudihiisa iyo dibadiisa.
shirkaasi waxaa furay madaxweynaha Wadanka Austaria
Dr.Hen Visijar,waxaana shir gudoominayey Guddoomiyaha Baarlamaaka midawga Yurub Mr.Josef
Burell ,waxaa kaloo ka hadley Haweneyda Mss.Glanza Kinol ahna Madaxweynaha
Baarlamaanada ACP-EU Co-president.
Guddoom iye ku xigeenka iyo wagfdigiisa in ay joogeen
magaalada Viena ee shirka ka socdey waxay la kulmen U-qaybsanaha deeqaha Afrika
ee Midawga Yurub Luis Micheal oo kawada hadleen habkii iyo sidii Baarlamka iyo
Dawlada Soomaalida Deeqo loo siin lahaa iyo halkii loo marin lahaa,
Uqeybsaha waxaa kaloo uu sheegay midawga yurub haata n
in xooga saareyso sidii Dadka Somaaliyeed wax loogu qaban lahaa oo dagaalo ku
so jiray 6-sanno ee la soo dhaafey.
waxaa kaloo Guudoomiye sheegay in ay soo booqdeen
goobaha taariikhiga ee waddanka Austaria Magaalda Viena.
Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Samalitalk,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 26, 2006
Koonfur Afrika ma aqoonsana dalka la
baxay Somaliland....