SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LIIBIYA

 Warbixin ku saabsan Tirada la ogyahay soomaalida muhaajiriinta ah ee ku Geeriyootay bada Mediterranean sea...

  • Warbixintii:: Xoghayaha labaad ee safarada Soomaliya ee Liibya, Cabduladhiif Maxamuud Cali , waxaana waraystay: Saciid Axmed Antenno.

"....Tacsidaada ha la ii keeno ama Talyaaniga igala soo hadal..."

Cabduladhiif Maxamuud Cali oo ah xoghayaha labaad ee safarada soomaliya ee libya oo ka waramaya xog uruurin uu ka sameeyey soomalida timid dalka libya laga soo bilaabo markii ay burburtay dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa maxamed siyaad bare 1991 ayaa yiri:

Bilowgii dagaalka ahliga markuu Soomaaliya ka dhacay waxaa dalkan libya soo galay tiro yar oo dad soomali ah dadkaas oo xilligaas ahaa badankood dad xoogsato muruqmaal u badan, balse buu yidhi Cabduladhiif sanadkii 1994 kii ayaa waxaa dalka soo galay soomali farabadan oo ka kala yimid dalka sacuudi carabiya, yemen & soomaaliya, dadkaas oo isugu jiray xaasas iyo dhalinyaro intaba, dadkaas yimid kadib waxay kor u qaaday tiradii horey u joogtay ee soomalida ahayd waxaana sanadkii 1997 bilaabatay tahriib aan badneyn oo lagu aadayay dalka marooko si loogu sii gudbo dalka Spain oo looga baxayey dalkan dad badan ayaana ka faaiideysatay.

Sanadkii 2000 waxaa si toos ah u bilowdey tahriibka bada iyadoo soomaali badani ka soo galeen dalka libya saxaraha u dhaxeeya suudaan iyo libya, libya iyo maser, niger iyo libya xitaa diyaarado ayaa looga soo galay dalka soomaaliya si toos ah si loo maro bada Mediterranean sea, sanadihii 2000-2002 waxaa ku geeriyootay tiro muhaajiriin soomaali ah oo gaareyso(300 qof) iyadoo sanadihii 2003—2005 ay ku geriyootay badda ayuu yidhi inta lagu helay xogta in ka badan (350 qof)oo muhaajiriin soomaali ah iyada oo laga yaabo in ay tiri kale oo aan war loo hayna ay ku maqan yihiin bada Mediterranean sea.

Badana waxaan xogtan ka helay, buu yidhi xoghayaha labad ee safarada soomaalida una qaabilsan arrimaha Jaaliyada, aniga oo haya liiska diiwaan gelinta safaarada iyo tira koobka dadka soomalida ah iyo ayada oo ay gacan ay igu siisay dowlada libya cisbitaladeeda, saldhigyada booliska, laanta socdaalka,ayaan xogtan helay.

Safaarda soomaaliya markii ay ka yaabtay sida ba,an ee ay dadkeeda ugu dhamanayan badda ayey waxay la xiriirtay hey'adaha ku shaqada leh dowlada libya iyo weliba UN-ka oo ah heyada gacanta siiso laajiyiinta, waxaase howshii muga lahayd ee ay sameysay safarada soomaliya lugta ku dhuftay soomaalida oo ah dad aan nidaamka jecleyn wax welibana uu uga horeeyo hamigooda ah sidii ay uga gudbi lahaayeen badda taasina waxaay keentay in howlahaasi sidii loogu tala galay u qabsoomi waayaan.

Mar uu ka hadlayey wax qabadka safaarada soomalida ee libya ayaa uu ka waramay in ay dalka keentay ardey soomaaliyeed oo haystay shahaadada dugsiga sare una baahnaa heer jaamacad, ardeydaas oo gaareyso ilaa 65 ardey waxa ay wax ka bartaan dalkan Libya ayaga oo wax ka dhigta kuliyadaha kala duwan ee cilmiga ee dalka libya ayuu yiri Xohaye labaad Mudane abduladhiif Maxamuud.
Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibya iyo Safiirka Safaaradda Koonfur Afrika ee Liibya oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah... Akhri

Cabduladhiif oo sii wata hadalkiisa waxuu yidhi: waxaa iigu yaab badneyd markii wiil tahriib ah ay hooyadiis ku soo canaanatay telefoonka ayada oo ku canananeyso in uu maro badda, waxaa ka mid ahaa kalmadihii ay ku canaanatay wiilkeeda (Tacsidaada ha la ii keeno ama Talyaaniga igala soo hadal) arintaas oo ka fajacisay dad badan.

Hadaba waxaan ugu baaqayaa dadka dhalay dhalinyarada ku socda badda ee naftooda biimeynaya in ay waalidiintu ka waaniyaan caruurtooda uguna badalaan wax yaabo kale oo aan halis gelineyn naftooda.

waxaa xusid mudan in ay sanadkaan 2006 ay ku dhinteen badda hooyo iyo labadeeda ilmood, afar qof oo kalena ay ka soo badbaadeen oo ah soomali, sidoo kale waxaa ka mid ah buu yidhi Mudane Abdilatif wax qabadkii safarada soomalida in ay dad gaaraya ilaa 500 qofood ay dib ugu celisay dalka Soomaaliya, ayaga oo la kaashadey laanta socdaalka ee libya. dadkaas oo badankood laga soo qabtay badda si naftooda loo badbaadiyana waxaan dib ugu celinay dalka waana ay ku guuleysatay buu yiri safaarada soomaliya oo uu safiirka ka yahay Maxamed Xuseen Maxamed (ilkadahab) arinkaas ayadoo hoos u dhigtay dadka Soomaalidaa ee badda naftooda ku biimeeya.

Gabagabadii waxaay mar kale safaarada Soomaalidu ka digeysaa in ayada oo la galay xiligii kulaylaha ee doonyaha dadka tahriibtu raacaan laga digtoonaado halista ay la kulmi karaan hadii safarada badda ee biimadaa lagu safro.

Intaasi waxaan kusoo gabagabaynayaa xogwaraysigii aan ugu tagay Abduladhiif maxamuud cali – Xoghayaha 2aad ee safaarada soomaaliya ee libya.

 

Qore:Saciid Axmed Antenno

Tripoli-Liibya

saciidanteno@yahoo.com

218-926449131  

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 26, 2006

Koonfur Afrika ma aqoonsana dalka la baxay Somaliland....

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD