SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Bush: Been been lagu daray Maxaa ka soo bixi kara?

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Maalindii doraad ahayd ayaa Dowladda Mareykanka waxay shaaca ka qaaday in saddex xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Qaacida ay ku sugan yihiin Soomaaliya, kuwaas oo lagu kala magacaabo Saalax Cali Nabhaan, oo u dhashay wadanka Kenya, Fasuul Max’ed oo isna u dhashay Jasiiradda Kaamaroos iyi Daaha Suudaan oo asal ahaan ka soo jeeda Suudaan.

Dowladda Mareykanka warkaas ka soo yeeray dadka Soomaaliyeed aad bay uga naxeen iyadoo 90% laga og yahay in Soomaaliya aysan ku sugneyn wax la yiraahdo argagixiso, wararkaan uu Mareykanku wadana ay yihiin ku salka ku haya warar u siiyeen raggii looga adkaaday Magaalada Muqdisho ee ka tirsnaa Isbahaysigii la dagaalanka Argagiixsada, kuwaas oo Mareykanka Malaayiin lacag ah uga qaadi jiray, warkaan ka soo yeeray Mareykanka waxa uu ku soo beegmay xil ay isu soo dhawaansho ka muuqato Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga, iyadoo dadka qaarkii ay u fasirteen in Mareykankau doonayo in uu ku fashiliyo heshiiska Khartuum, inkastoo afhayeen u hadlay Dowladda Mareykanka uu soo dhaweeyay heshiiskaasi, laakiin lama oga halka ay ku dambeyn doonto, arrinta uu Mareykanku sheegayo ee ku saabsan in Soomaaliya ay ku sugan tahay Argagixiso waa tuhun oo keliya oo ilaa iyo haatan caddeyn, halka ay ku sugan yihiina lama oga, balse waxa uu arrinta ku soo koobaa oo keliya Soomaaliya waxaa ku sugan dad argagixiso ah.

Mareykanku mar uu weerarayay Dalka Ciraaq waxa u marmarsioy ka dhigtay in dalkaasi oo si qarsoodi ah ku sameysanayo hubka nuclear-ka ah, waxaana arrintaasi watay shaqsiyaad gaar ah oo ka tirsan maamulka sare ee Busha, waxaana dhacday in Mareykanku uusan la tashan Qaramada Midoobey kuna tilmaamay meel uu waqtigeedu dhamaaday, sidoo Kale Bush waxa uu iska indha tiray malaayiintii qof ee caalamka banaanbaxeysay ee ka soo horjeeday in weerar lagu qaado wadanka Ciraaq.

Xaalka uu maanta marayo Wadanka Ciraaq waxaa ku dhintay kumanaan kun oo Askar mareykan ah oo aan ogeyn wax ay ku dhinteen, sidoo kale beentii uu Bush ugu guuray wadanka Ciraaq waxay aaqiritaankii isugu soo biyo shubatay in la yiraahod wadanka Ciraaq waxaan ka weynahay hubkii halista ahaa.

Dadweynaha Mareykanka weli waxaa dhegahooda ka qaylinaya dhibaatadii iyo khasaarihii ka soo gaaray wadanka Ciraaq, haatanna waxaa socda saan saan uu Madaxweyne Busha ugu marmarsiyoonayo in Soomaaliya ku sugan yihiin saddex qof oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda meel ay ku sugan yihiin, hada waxaa is weydiin mudan in Bush doonayo in beentii uu horey ugu weeraray Ciraaq mid la mid ah uu ku soo galo Soomaaliya oo Dhibaato u horeysay.

Madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa mar wax laga weydiiyay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah ayaa waxa uu ku jawaabay “u malayn maayo in Soomaaliya ay ku sugan yihiin kooxo Argagixiso ah, haddii ay jiraana waa labo ama saddex nafla caari ah, marka ma ahan in labo qof loo baabi’iyo ummad dhan oo doonaya in ay ku noolaadaan nabad iyo sharaf”.

Waaxda Sirdoonka Mareykanka CIA waxa maalin walba soo gaar warar badan oo Soomaaliya la xiriira, waxaana gaarsiiya dad Soomaaliyeed, kuwaasoo doonaya in Mareykanka ay u tusiyeen in Soomaaliya ku sugan tahay argagixiso, taasina waxay keeni kartaa in Saraakiil fara badan oo ka tirsan CIA-da ay timaado in ay is casilaan, maadaama Saraakiil horey oo ka tirsanaa CIA-da markii Dowladda Mareykanka ay u tabiyeen wararkii beenta ahaa ee lagu weeraray Ciraaq, hadaba Mareykanka waxaa looga fadhiyaa in uu dhegihiisa iyo indhihiisa furo si dhab u daraaseeyo xaaladda Soomaaliya.


W/D: Aamiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 26, 2006

Saadaasha Amiin Caamir Maxaa uga faa’iidyesan weynay?.. GUJI....

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD