Soomaalidu waxay tiraahdaa “Sidaan kuugu lesay
iiguma aadan hambeyn”. Dalka Imaaraadka Carabta oo ah dal carbeed, isla
markaana dadkiisu ay yihiin Muslim ayaa dadka qaarkii ee wax ka qora
Taariikhda waxay sheegeen in mudo aad u fog in Soomaaliya ay soo gaareen dad
u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta oo dalkooda uga soo cararay dagaalo
sokeeye iyo walibo abaaro, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Soomaaliya,
waxayna dadkaasi ahaayeen kuwo ka soo jeeday dadka maanta talada dalka
Imaaraadka haya, gacan siin kadib ayaa dadkaasi dib ugu laabteen dalkoodii
sida ay Taariikhdu xuseyso, waxayna la wareegeen xukunkii wadanka, wixii
intaa ka dambeeyay waxaa sii xoogeystay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka
Carabta, wuxuuna xiriirkaasi sii laba laabmay wixii ka dambeeyay sanadihii
Sideetameeyadii, waxaana la sheegay in Sheekh Zaa’id Bin Suldaan Al-Nahyaan
Allaha u naxariistee in marka kasta fagaarayaasha ka sheegi jiray in Dadka
Soomaaliya ay yihiin kuwo gacan siiyay oo uusan ilaabi doonin.
Geeridii Sheekh Zaa’id kadib waxaa xukunkii la
wareegay rag ay walaalo yihiin, waxyana soomaalidu ka fileysay ragga cusub
in ay sii laba laabaan xiriirkii dhexdooda yiilay, hase yeeshee taasi ma
dhicin, oo markiiba waxa uu dalka Imaaraadka Carabta joojiyay Baasboorka
Soomaaliya, kadib markii Dowladda Imaaraadka qiil uga dhigatay in
Baasaboorkaasi yahay mid uu qof waliba iska qaato.
Waxaa dhacday in dadka Soomaaliyeed oo si weyn
ugu xiran wadanka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, waxaana
dhihi karnaa dalkaasi waxa uu yahay xarunta ugu badan ee ganacsiga
Soomaaliya ku xiriiro, waxaana la og yahay in dalka Soomaaliyeed ay si
sharciyan ah ku geli jireen wadankaasi oo xitaa weligeed aysan dhicin in
shaqsi soomaali ah uu si sharcidaro ah ku galo wadankaasi, waayo fiisayaasha
ay bixiso waxa ay ahaayeen kuwo si aad ah loo hubiyay, iyadoo taasi ay dhab
ahaan u jirto ayaa dadka Soomaaliyeed si weyn uga walwaleen joojinta
Baasaboorkooda, waxayna ogaadeen in aysan marnaba ka maarmin dalka
Imaaraadka Carabta, waxayna dad badan oo Soomaaliyeed arrrintaasi ku
qasabtay in ay qaataan Baasaboorka Itoobiya oo la sheegay in uu ka sahlan
qaadashadiisa Baasaboorka Soomaaliya waayo qofku si fudud ayuu ku baxsanayaa
lacag uuna ku helayaa Baasaboor toobiyaah ah.
Hooyo Soomaaliyeed oo caafimaad ugu socotay
wadanka Imaaraadka Carabta ayaa iyadoo ilmeyneysa waxa ay tiri “Weligay isma
oran waxaad qaadaneysaa Baasaboor Itoobiyaan ah”, Nin kale oo ganacsato ahaa
isna waxaa uu yiri “Runtii wadanka Imaaraadka Carabta waxa uu noo gacan
qabtay Itoobiya oo cadaawad soo jireen ah naga dhexeyso”/
Marka lays barbardhigo Baasaboorka Soomaaliga
ah iyo kan Itoobiya oo haatan si fudu lagu qaato, waxaa dalka Imaaraadka
Carabta u fududeed xaga la socoshada Baasaboorka Soomaaliya, waayo
Fiisayaasha ay bixin jireen ayaa ahaa kuwo xadidan oo sharciyeysan, halka
Baasaboorka Itoobiya uu maanta qaatay qof kasta.
“Imaaraadka Carabta miyeysan ogeyn in aan
xoriyad qaadanay 1960 oo aan nahay dal xor ah oo leh Baasaboor sharci ah”
ayuu yiri nin dhallinyaro ah oo markaasi u socday dalka Imaaraadka Carabta
isagoo ka dhoofay Magaalada Muqdisho, waxa uuna intaa ku daray “Imaaraadka
Carabtu way la socdaan in dadka Soomaalida ah ee Baasaboorka Itoobiyaanka ah
in ay si toos ah uga soo baxaan Soomaaliya aysan ka imaan Itoobiya”.
“Waxaan jecleystay in aan caafimaad ahaan u
aado dalka Imaaraaka Carabta, hase yeeshee anigoo muwaadin Soomaaliyeed ah
waa ugu ceeb maanta in aan qaato Baasaboor Itoobiyaan ah” ayuu yiri nin Odey
ah oo sheegay in dalka Imaaraadka Carabtu uu yahay mid aan gudin abaalkii ay
u galeen ummadda Soomaaliyeed, wuxuu intaa sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed
ma waxay wada qaadanayaan Baasaboor Itoobiyaan, haddiise ay taasi dhaco saw
ma ahan Itoobiyaan noqda oo magiciina iyo sharafkiina iska hilmaama”.
“Dal nooga shisheeya Imaaraadka Carabta ayay
dadka Soomaaliyeed ku tagaan Baabasaboorkooda, sidaa darteed waxaan u
maleynayaa in Imaaraadku aysan dhab ka ahayn marmarsiyaha uu ku joojiyay
Baasaboorkeena laakiin ay arrintu u egtay Itoobiya wada noqda” ayuu yiri
wiil Soomaaliyeed oo Muqdisho ku sugan.
W/D: Aamiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com