Wararkii June 25, 2006
-
Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah oo magacabay Golaha Maxaakiimta Islaamiga...
-
C/llaahi Yuusuf oo maanta warbixin
siinaya...
-
Deegaanka Tooratoorow oo ka cabanaya. hayadaha
samafalka iyo maamulka Gobolka .
-
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay ku rad
joogan kuwii ka dambeeyey.
-
Hay’adda City Group oo sheegtay in
Hay’adda.Saacid ay isku koobtey..
Midowga Maxaakiimta Islaamiga
ah oo magacabay Golaha Maxaakiimta Islaamiga...
Kulan aad u balaaran oo ay ka qaybgaleen
waxgarad, Culuma’u-diin, Odoyaal iyo dad magac ku leh dalka ayaa maalintii
shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Ramadaan, waxaana
kulankaasi looga hadlayay is bedelka ku soo krodhay Magaalada Muqdisho, kaddib
markii laga adkaaday qabqablayaasha dagaalka, sidoo kale kulankaasi waxaa looga
hadlay sidii dardar loo gelin lahaa howlaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah,
waxaana aaqiritaankii halkaasi laga sameeyay Gole la magacbaxay Golaha
Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, kaasoo bedeli doona Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah, sidoo kale waxaa halkaasi lagu magacaabay Gole la
magacbaxay Golaha Shuurada Soomaaliyeed. Sababaha golahaan loo magacaabay ayaa
lagu sheegay sidii howlaha Maxaakiimta loo gaarsiin lahaa dhamaan dalka oo dhan,
maadaama shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin is bedelka noocaan oo kale ah.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaga loo
magacabay Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxaana
Guddoomiye ku xigeenka koowaad loo magacaabay Sheekh Yuusuf Indha-Cadde,
Guddoomiye ku xigeenka labaadna waxaa loo magacaabay Sheekh C/qaadir Cali Cumar,
Guddoomiyaha Golaha Shuurada ayaa isna waxaa loo magacaabay Sheekh Xasan Daahir
Aweys, xoghayaha Shuurada waxaa loo magacaabay Sheekh Maxamuud Ibraahim Suulay.
Golaha Shuurada ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin ilaa 88-xubnood kuwaasoo
ka kala socda qaybaha kala duwa ee bulshada.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah ayaa si aad ah ua xumaaday dilkii loo gaystay Weriye ku dhashay
Wadanka Sweden oo doraad lagu dilay fagaaraha Tarabuunka mar uu halkaasi ka
socday Banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeeday in dalka la keeno ciidamo
shisheeye, isla marakaan waxaa lagu taageerayay heshiiskii ka dhacay Magaalada
Khartuum ee dalka ee dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamigaa iyo Dowladda
Federaalka.
C/llaahi Yuusuf oo maanta warbixin siinaya...
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa si
dhaqsi leh uga soo laabtay Magaalada Baydhabo kaddib markii uu ka qaybgalay
kulankii lagu heshiisiinayay Midowga Maxaakii-mta Islaamiga ah iyo Dowladda
Federaalka ee ka dhacay dalka Suudaan.
Madaxweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay
heshiiski ka dhacay Magaalada Khartuuma ayaa maanta la filayaa in uu xubnaha
labada gole warbixin ka siiyo heshiiskaasi iyo sidii loo ambaqaadi lahaa
taabagelintiisa.
C/llaahi Yuusuf mar uu warbixin siiyay
warbaahinta waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in ay si
dhab ah u fuliso heshiiskaasi oo uu sheegay in uu yahay mid horudhac ah, iyadoo
bisha July-na heshiis kale oo ka dhici doona Khatuum lagu dhameystiri doono
heshiiska labada dhinac.
Deegaanka Tooratoorow oo ka cabanaya. hayadaha samafalka
iyo maamulka Gobolka .
Guddoomiyaha Degmada Tooratoorow
Xaaji Cadde Xaaji Xasan ayaa na soo gaarsiiyay Warqad qoraal ah oo uu kaga
cabanayo Hay’adaha samafalka iyo gobalka Sh/hoose, guddiga gurmadka abaaraha ee
fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho iyo maamulka ka arrimiya gobalka Sh/hoose,
kuwaas oo ku tuntay dhamaan xaquuqdii ay ku lahaayeen, maadaama deegaankaasi ay
ka jirto abaaro, biyo la’aan, cuduro iyo cunto la’aan.
Duqa Magaalada isagoo arrintaasi
ka hadlayana waxa uu yiri “Degmada Tooratoorow waxa ay ku taalaa baadiya fog,
waana suuqa ugu weyn ee Xoolaha iyo Masagada, ee gobalka, waxaana xoolahaasi iyo
Masagadaasi loo dhoofiyaa maamul gobaleedyada Putnland, Soomaaliland iyo dalalka
Carabta. Hadaba Degmada oo lahayd hal Ceel ayaa matoorkii ka jaban yahay mudo ku
dhow dhowr sano, iyadoo deegaan-kaasi ka jirto abaaro saameeyay dadkii iyo
duunyadii, waxaana is weydiin mudan degmadaasi oo ka tirsan Degmooyinka ugu
baaxadda weyn gobalka Sh/hoose miyeysan xaq u lahayn kaalmo” waxa uu intaasi sii
raaciyay “Maamulka Gobalka Sh/hoose muxuu indhihiisa uga laabtay oo ugu soo
rogay cunaqabateyn dhinaca samafalka ah, miyeysan degmadeenu mudnaan ku lahayn
gobalka Sh/hoose”.
Ugu dambeyntii Guddoomiaha Waxa
uu sheegay in Degmada Tooratoorow ay Muqdisho u jirto 90Km, ilaa iyo haddana
Guddiga gurmadda Abaaraha waxay soo gaarsiiyeen ma jiraan, isagoo sheegay in
gobalo ka fog fog ay guddigaasi ka wadaan gargaar Bini’aadannimo, waxa uuna u
soo jeediyay Hay’adaha samafalka in ay gacan la soo gaaraaan Dadkaas.
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay ku rad
joogan kuwii ka dambeeyey.
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah
ayaa waxa ay sheegeen in ay ku raad joogaan isla markaana ay baaritaan ku hayaan
ciddii ka dambeysay dilkii Weriye Martin oo doraad lagu dilay banaanbax ka
dhacayay fagaaraha Tarabuunka ee looga soo horjeeday ciidamo shisheeye, isla
markaana lagu taageerayay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.
Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga
Maxaakiimta ayaa sheegay inay hayaan raad raad muujinaya cid ka dambeysay
falkaasi dilka ah, dhawaana gacanta lagu soo dhigi doono, dhinaca kale waxaa
maalintii shalay ahayd ayaa maydkii Weriyihii lagu dilay magaalada Muqdisho loo
duuliyay Magaalada Nayroobi, iyadoo Sheekh Shariif uu sheegay in arrintaasi ay
aad uga naxeen in isla markaana ay u saareen guddi ka kooban todobo xubnood oo
baaritaan rasmi ah ku sameeya dilka Weriyahaasi.
Hay’adda City Group oo sheegtay in
Hay’adda.Saacid ay isku koobtey..
Qoraal uu na soo gaarsiiyay Guddoomiyaha
Hay’adda City Group Daahir Macallin Xaashi ayaa waxa uu sheegay in ururkoodu
mudo aad u fog si mutadawacnimo ah uga shaqeynayay Magaalada Muqdisho gaar ahaan
dhinaca nadaafadda.
Waxa uu sheegay Guddoomiyuhu in Hay’adda
SAACID ay ku xadgudubtay howlihii ururkaasi, kadib markii ay la wareegtay
barnaamijyadii dhinaca nadaafadda ee gobalka Banaadir, waxa uuna sheegay
Guddoomiyuhu in arrintaasi ay gacan ku siiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka
Gobalka Banaadir.
“Hay’adda SAACID waxay isku koobtay dhamaan
howlihii nadaafadda ee gobalka Banaadir mana ahan mid noo cuntameysa” ayuu yiri
Daahir oo sheegay in maamulka Gobalka Banaadir looga baahnaa in uu tixgelin gaar
ah siiyo dadkii sida mutadawacnimada ah ee aan hagarta lahayn uga shaqeynayay
nadaafadda iyo bilicda magaalada Muqdisho.
Xabiibo Yuusuf “Hay’adda Saacid waxay la waregtey
Howlaheenii..”
Xabiibo Yuusuf Camalow oo ah
Xoghayaha guud ee Ururka Haweenka nabadda iyo Taabagelinta nadaafadda ee Gobalka
Banaadir ayaa mar ay nagu soo booqatay xafiiska, waxa ay sheegtay tan iyo markii
ururkooda la aasaasay ay howlo nadaafadeed oo baaxad weyn ka fuliyeen Gobalka
Banaadir, gaar ahaan xiligii ay jirtay Dowladdii Carta. “Mashruuc dhinaca
nadaafadda ah oo aan u gudbinay duqii hore ee Magaalada Xuseen Cali Axmed si uu
arrintaasi ugala hadlo Haya’adda UNDP ayaa waxaa dhacday in markii uu
mashruucaasi soo dhamaaday uu Duqa Magaalada ku wareejiyay Hay’adda SAACID” ayay
tiri Xabiibo Yuusuf oo intaa raacisay “Duqa Magaalada waxa uu inoo sheegay in
mashruucaan uu yahay mid tijaabo ah, balse ay heli doonaan mashaariic kale oo
dhinaca nadaafadda ah, sidaa ayaana ku qanacnay, maadaama waxa loo shaqeynayo ay
tahay Ummadda Soomaaliyeed”
Xoghayaha waxay kaloo sheegtay
in ay mar kale Barnaamij nadaafadeed ay u gudbiyeen xiligaasi Duqa Magaalada,
waxayna sheegtay in mashruucii haatan uu soo baxay, iyadoo sheeegtay in
mashruu-caasi maalgelintiisa ay leeyihiin Hay’adaha UNDP iyo ILO, balse waxay
sheegtay in meeshii ay ka filayeen in mashruucaasi lagu wareejiyo ayaa mar kale
lagu wareejiyay Hay’adda SAACID oo ay sheegtay in barnaamijyada noocaan oo kale
ah aysan ku shaqo lahayn, balse ay shaqadeedu tahay dhaqancelinta Maleeshiyaadka.
Ugu dambeyntii Xabiibo Yuusuf
Camalow waxa ay sheegtay in wixii dhibaato ah ee arrintaasi ka yimaada ay
mas’uuliyeeda qaadi doonaan ciddii walba oo ku kacda falal noocaas o kale ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com
| June25, 2006
C/llaahi Yuusuf
“Waxaan ballanqaadeynaa in aanu fulino..”
»Jaamacadda Carabta oo ballanqaaday in ay Soomaaliya…
»Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiskii..
»Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamo…
»Salaad Cali Jeele “Dilkii Weriyaha waxaa ka..”
»Baabuur gumaysiga lagaga gubay Balliga Marsin...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.. Guji...
Jun 24
»Jens
Assur: "Soomaaliya waxey kamid tahay meelaha lugu ugaarsado warfidiyeenada"
Wareegtooyin iyo
Bayaano laga soo saaray Xiritaanka Baarlamanka Puntland
»Wareegto: Xafiiska Gudoonka Golaha Wakiiladda
DGPL.
»Bayaan ka soo Baxay Shacabka Puntland.....
»Xisbiga Ramaas oo Bayaan kasoo saaray Xiritaankii..
»Wareegto: Xafiiska Kusimaha Madaxweynaha Puntland..
Wararka oo dhan ka
akhri halkan.... Guji...
»»Governor-ka
iyo labada Mayor ee Minneapolis & St. Paul oo si rasmi ah u aqoonsaday
Usbuuca Soomaalida June 26-July 2
Heshiis Khartuum
ku Dhexmaray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo DFKMG
Qodobada ay wada saxiixdeen waxaa ka mid ah in maxkamad
la soo taago qabqalayaashii dagaalka, iyo in labada dhinac uu midba kan kale...
Guji...
Waraysiyo Ku Saabsan
Guddoomiyihii Baarlamaanka DGPL oo Xilkii Laqa Qaaday....
iyo Puntland oo ka laabatay Qodob ka mid ah
Heshiiskii ay la galeen shirkadda "Range Resources..."...
Guji....
Jun 21
VOA: Safiirkii USA u
Fadhiyi jirey Itoobiya oo Ka Hadlay Xaalada Cusub ee Soomaaliya & Ciidama
Itoobiya
Ka Dhegeyso VOA::
Halkan
ama
Halkan
TAARIIKH KOOBAN EE ISBEDELADA UGU DAMBEEYEY SOOMAALIYA::: Akhri...: