SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Khartuum: Ergada Muqdisho iyo Midda Baydhabo kala Muuq Roonaa

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

June 23, 2006


 Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Jowhar kaga khudbeeyey ineysan maxkamaduhu u socon xukun, xoolo iyo dano kale oo khaasa midna ee ay halkaas u tageen iney ka saaraan raggii u taagnaa dhibka diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa arrintaas muujinaya sida uu u xulay ergadii uu u diray Khartuum, Suudaan oo ka koobneyd qeybaha kala duwan ee bulshada; kulligoodna ay yihiin dad aqoonyahanno ah. Halka seddexdii nin ee u sarreeyey dowladda ku-meel-gaarka ah ay wadatageen Suudaan! Sabab? Waxaan aamminsanahay inay tahay kalsooni-darro. Waxaa jirtay in waagii madaxweynuhu xukumijiray Puntland loo yaqaannay maamulkiisa “madax-ka-nool”. Dadka qaar baa ammaan iyo karti u qabay laakiin waxay tusineysay kaligi-talisnimo maxaa yeelay micnuhu wuxuu ahaa – anoo maqan waxba ma dhicikaraan! Waa isla arrintaas midda keentay in seddexdaas nin ay tagaan Suudaan. Waxaa dhicikarta ineysan ku kalsooneyn wasiirradooda sida kan arrimaha dibadda. 

Waxaa intaas dheer in maxaakiimtu aqoonta ay wax ku xuleen kaddib ay dheertahay iyadoo ninka hogaaminaya uusan ka soo jeedin qolooyinka ugu hubka badan Muqdisho amaba dega. Waa niman loo xulay inay fahmikaraan  lana hadlaan madaxda Carabta ee meesha isugu timid. Sheekh Shariif wuu ka dhabeeyey inuusan fiirineyn qabiil iyo firqo diimeed midna maxaa yeelay waxaa kacdoonkaas sameeyey shacabka, waana in waxa la xulanayana uu shacabku ka dhexmuuqdo. Waxaan aamminsanahay haddii sheekh Shariif uu cid Maraykanka u dirsanlahaa inuu u dirilahaa Abdi Samatar, Axmed Samater, Cali Khaliif, C/Risaaq Xaaji Xuseen iyo rag la mid ah maxaa yeelay waxay fahmikaraan oo ka warqabaan siduu maamulka Maraykanku u shaqeeyo. Marka raggaasi “ma asal-raac baa” la dhihi lahaa?! 

Runtii, guushii ay maxkamaduhu ka soo hooyeen dagaalka waxaa u dheer middan ay ka soo hooyeen Khartuum! Baydhabo iyo caalamkiiba waxay ku qabsadeen siday u maareeyeen wafdigaas iyagoon xabbad ridin laakiin tusay ineysan xukun jeclayn aysanna u fekerin sida siyaasiyiinta iimmaanka la’ ee wax kasta isku kooba. Akhristayaal, maaddaama ay dhacayaan ciyaarihii kubbadda cagta ee adduunka ayaan rabaa inaan ku mitaalo siyaasiyiinta aan iimmaanka lahayn ciyaartooyda. Sida badan waddan kasta waxaa loo ogolyahay inuu keensado 23 ciyaartooy waa marka kubbadda cagta laga hadlayo. Cayaartooydaasi wuxuu mid kasta jecelyahay inuu ka mid noqdo 11-ka gelaya garoonka. Kuwa markaas loo xulo iney bedelaan 11-kaas hadba qofkii loo baahdo waxay jecelyihiin in xitaa  ciyaartooydoodu dhaawacmaan si ay u beddelaan! Waa sidii Hadraawi u lahaa: 

  • biri mey xumaatoo
  • batroolka daadshoo
  • kan wadaa bukoodoo
  • bogsanwaayo maan oran

Waxaa la mid ah madaxda dowladda ku-meel-gaarka ah. Waa taas midda keentay in seddexdaas nin ay jecelyihiin inay la shiraan qof kasta xitaa hadduu yahay askari kabtan ah oo Mustaxiil ama Godey jooga iska daa markii laga hadlayo qasriyada madaxtooyada caalamka. Halka midowga maxkamaduhu jecelyihiin in shir kasta ay ka xigsadaan dad arrintaas aqoon u leh. Sheekh Shariif uma socdo shir aan daruuro ama xaajo ahayn oon lagu khasbin inuu wax ka saxiixo. 

Labada wafdi waxay i xasuusiyeen qisadan: maalin baa rag culumo ah oo sheekeysanaya waxaa soo dhex fariistay nin reer baaddiye ah. Markaasaa la yiri nin walba ha sheego wuxuu qabto habeyn-barkii. Culumadii mid ka mid ah baa yiri cilmi baan qoraa. Mid kalaa yiri: Salaatulleyl baan tukadaa. Mid kalaa yiri waan iska tasbiixsadaa. Markii la soo gaaray kii reer baadiyaha ahaa oo la yiri maxaad qabataa habeyn-barkii ayuu yiri: waan toosaa si aan usoo kaadsho  dabadeedna hurdadeydaan ku noqdaa! Hadda labada wafdi kuwana waa kuwii soo go’aamiyey in ciidan Xabashi ah dalka la keeno maalmo ka hor halka ergada maxkamaduhu yihiin aqoonyahanno waddaniyiin ah oo guul u keenay shacabkooda. Marka ma u maleyneysaan in labadaas wafdi isku si loo arkikaro? 

Xaggee Maxkamudhu wax ka bilaabaan 

Wax kasta waxaa ugu horreeya mabda’a. Waxaa ku xiga madax kaddibna maamul. Haddaad u rumeysanweydaan akhriya aayadihii ugu horreeyey ee Qur’aanka. Nabigu (SCW) ma ogeyn inuu nabi yahay markii uu Waxyigaas helay. Kaddib baa Ilaah fahansiiyey inuu nabi yahay (madaxii muslimiinta) dabadeedna wuxuu dhisay maamul. Hadda waxaa Xamar ka jira kacdoon shacbi. Kacdoonkaasi ma yahay mabda’? Jawaabtu waa haa oo dadku waxay ku kaceen kuwii diinta iyo dadka iibsanayey waxayna maxaakiimta u soo dhoweysteen iney diin (mabda’) ka urinayaan. Maxaakimtu madax bey leedahay uu shacabku ka raalliyahay. Waxaana rabitaanka shacabka sii kordhiyey sida midowga maxkamaduhu u xuleen ergadii Khartuum. Hadda waxaa dhimman maamul fiican oo loo sameeyo Xamar iyo nawaaxigeeda. Runtii ma sahlana in hal qof ama hal qoraal ah lagu sheego sida maamul loo dhiso laakiin marba haddii mabda’ii iyo madaxii joogaan waxaa dhib yar in la sameeyo maamul. Maddaama uu maamulkii Banaadir joogo, ciidamadii qalabku joogaan iyo shacabkii oo u heellan in la dhiso maamulkaas ayaa rajadu aad u fiicantahay. Waxaan amminsanahay in maxkamaduhu ay la shirayaan khuburada Soomaaliyeed ee maamul-dhiska ku fiican. Yaan la isku khaldin mabda’ iyo maamulka. Waa suurtogal in waxyaalaha ku saabsan adduunka laga badsho culumada. Soow nabigu (SCW) mar kama hadlin timirta iyo bacriminteeda dabadeedna siduu wax u yiri wax uma dhiciwaayin kaddibna ma oran idinkaa iga badsha adduunkiinna? Sidoo kale kaartada dagaalka sidii Badar iyo Khandaq wuxuu ka dhegeystay asxaabtii. Marka waa sax sida sheekh Shariif wax u xulay oo waa caadi  in qofka ergo ama maamul loo dirayaa inuu ka diin yaraan karo qofka wax diraya. Waana la soo dhoweysankaraa qofkii aammin ah xitaa hadduusan muslim ahayn sidii ninkii gaalka ahaa ee nabiga (SCW) iyo Abuu Bakar (RC) ka saaray godkii ay ku dhuumanayeen oo ku riday tubtii Madiina. Marka maxkamaduhu waa ku saxsanyihiin in la soo dhoweeyo aqoonyahanno ku dheereeya culuumta aan diinta ahayn iyagoon isla markaas ku fiicneyn diinta Islaamka. Marka maaddaama ay Soomaali yihiin waxay qaadankaraan kaalintooda haddii aammin laga yahay ineysan u adeegeyn cadowga. Waana muuqdaan rag badan oo kuwaas ah oo kaalin weyn ka qaatay difaaca dalka iyagaana ka macquulsan ninka isagoo dad wacdinaya leh: hala keeno Xabashi iyo cadow. 

Sida shacabka iyo warbaahintu sheegeen waxaa loo baahanyahay in Xamar nabad lagu soo celiyo oo la furo ilaha dhaqaalaha. Si taas loo gaaro waa in la xoojiyaa in sheekh Shariif la maqlo oo la soo dhoweeyo si waddanka looga hor istaago ciidan Xabashiyeed. Ninkii Shariifka isku taaga oo dhegaha ka fureysta iney hubkooda soo wareejiyaan wuxuu la mid yahay nin Xabashi u heellan oo raba inuu hubka siiyo Xabashi ama Xabashi-raacyo sidii ay sameeyeen malleeshiyooyin Xamar ka tagay oo galay Baydhabo. Marka waa inaad  hubka u dhiibtaan midowga maxaakimta ama Baydhabo la aaddaan. Waa sida loo dhaho: labo seefood mawada galaan hal gal. 

Tallaabo kasta oo sheekh Shariif iyo maxaakimtu sameeyaan waxay dadajisaa dib-u-heshiintii dadka Soomaaliyeed. Markuu hadlo waa la isku soo dhowaadaa; markuu wax xulo waxaa ku qanca shacabka. Hadda si maxaakimtu ugu noqdaan Khartuum iyagoo guuleystay waxaan shacabka Xamar iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed kula talinlahaa qoddobadan: 

  1. In la dedejiyo in  la dejiyo sheekh Shariif madaxtooyadii Soomaaliyeed. Waan ogahay inuusan rabin laakiin maanta ninkii naftiisa sharfa ayaa la sharfaa. Markii la arko shacabkii Xamar oo sheekha dejiyey madaxtooyada ayaa loo arkayaa inaan sheekha lagu soo degdegikarin sidoo kalana aan ciidan Xabashi waddanka la keenikarin uusanna la mid ahayn dagaaloogayaashii la necbaa dabadeedna shacabku dhiiggooda iyo hantidooda ku difaacidoonaan madaxoodaas.
     
  1. In laga shaqeeyo nabadgelyada Xamar. Keliya waxaa loo baahanyahay in Shariifka la maqlo. Wuu yaqaan qaabkuu u marilahaa oo wakaas shalay uu la shirayey saraakiil meteleysa ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliyeed. Marka haddii dhaqaale iyo maqal lagu caawiyo waa arrin sahlan.
     
  1. In la furo dekedda iyo garoonka Xamar. Sida dad badan soo jeediyey waxaa fiican in loo dhiibo shirkado. Maxaa yeelay maxaakiimta iyo dowladdu ma hayaan dhaqaale lagu howlgalo. Marka intii Ceelmacaan iyo Balli-doogle la isticmaalilahaa waxaa fiican iney furaan labadaas ilood. Waxaa fiican in malleeshiyaadkii ilaalinjiray dekedda iyo garoonka ay iyagu ugu bataan ciidanka shirkadahaas u qaabilsan ilaalinta ilahaas. Marka haddii la isfahmo wax kasta waa sahlanyihiin.
     
  1. In la xareeyo maalishiyaadkii hogaamiyayaashii hore iyo ciddii kaloo rabta iney ka qeybqaadato difaaca dalka  sidii horay loo sheegayna ay noo tabobarayaan saraakiishii hore ee ciidamada qabalka sida. Waxaa la gudboon shacabka Xamar iney dhaqaale ku taageeraan siday horay ugu taageeraan kuwii la lahaa waxaa xareeyey wasiirradii hubeysnaa ee la ceyrshay. Kuwaasi waxqabadkoodu wuxuu ahaa ceeryaamo laakiin kan maxkamaduhu wuu ka duwanyahay haddii Ilaah idmo. Dumarka ha u gado dahabkooda sidoo kalana shacabka dibadaha jooga ha ku deeqeen dhaqaale. Micno ma sameyneyso inaan dhahno Xabashi yaan Soomaaliya la keenin dabadeedna aynaan sameysan ciidan.
Heshiis Khartuum ku Dhexmaray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo DFKMG
Qodobada ay wada saxiixdeen waxaa ka mid ah in maxkamad la soo taago qabqalayaashii dagaalka, iyo in labada dhinac uu midba kan kale... Guji...

Haddaan intaas sameyno waxaan filayaa in markii kulankaas labaad ee Khartuum la gaaro aysan cidna fiirineyn qolyaha ka socda Baydhabo. Marka qolyaha Baydhabo haddiiba ay labo sano wax ku qabanwaayeen ma filayo iney bil ama wax yar ay wax ku qabankaraan. Marka warbaahinta caalamku waa ka soo jeesaneysaa Baydhabo. Marka waa in Midowga Maxkamadaha iyo shacabka Xamar iska jiraan in qolyaha Baydhabo joogaa kusoo maqanyihiin. Waad arki doontaan iyadoo la leeyahay madaxweynihii ama ra’iisulwasaarihii ayaa casuumad u fidiyey niman ka socda reer Qansax ama culumo ka socoto “Ahlu Sunna wal Jamaacah”. Marka haddii dhabar-adeyg la sameeyo waxba ma qaadayo shirqoolka sharwadaasha. 

F.G. Waxaan akhristayaasha kaga cududaaranayaa maqaalka dhererkiisa iyo in inta badan aan maqaallada ku soo bandhigo waxyaalo ka baxsan cinwaanka. Marka ma raaco sida ay aamminsanyihiin dad badan oo ka hadla sida loo qoro mowduucyada. Marka waxaan maqaallada ugu faa’iideystaa inaan dhexgeliyo waxyaalo badan ooy dhicikarto inuusan cinwaanku xambaarsaneyn.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2006

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD