- C/Laahi Yuusuf iyo Sheikh Shariif
Axmed oo Yemen ka ogolaaday In ay Wada Hadlaan...
- Warkii ka soo baxay Kulankii New
York ee looga Hadlay Soomaaliya
- Maraykanka oo Warqad labaad ka
helay Midowga Maxkamadaha...
- "...Qabqablayaashii
Soomaaliya Markii ay Qaateen Lacagtii Maraykanka ayey guryihoodii addeen...."
- Waxaa Lagu Qiyaasay in
$100,000 ilaa $150,000 oo doolar bil kasta la siin jirey Qabqablayaasha Dagaalka
Soomaaliya...
- Muddo 3-sano ah ayaa Lacagtaas la
siinayey Qabqablayaasha...
C/Laahi Yuusuf iyo Sheikh Shariif Axmed oo
Yemen ka ogolaaday In ay Wada Hadlaan...
Tarjumadii SomaliTalk.com | June 16,
2006
Sheikh Sharif |
Cali Cabdala |
C/lahi Yusuf |
Midowga Maxkamada islaamiga iyo Dowladda
Federaalka kumeelgaarka ee Soomaaliya ayaa aqbalay soo jeedintii Yemen ee
ahayd inay wada hadlaan si nabad loo gaaro, sidaas waxaa magaalada Sanca ka
soo weriyey Telefishanka Aljazeera.
Madaxa Midowga Maxkamadaha Islaamiga,
Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Madaxweynaha Dowlada Kumeelgaarka ah ayaa
aqbalay soo jeedinta ah ina ay ku wada hadlaan dalka Soomaaliya gudihiisa
ama dalalka deriska ah, waxana ay arrintaas aqbaleen kaddib markii ay
telefoon kulawada hadleen Madaxweynaha Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax,
sidaas waxa ay hay'adda AFP ay ka soo xigatey saraakaal reer Yemen ah oo
weydiistey in aan magaciisa la sheegin.
Madaxweyne Cabdullaahi iyo Gudoomiyaha
Midowga Maxkamaduhu waxa ay wada hadalka u ogolaadeen waayo "Waxa ay mas'uul
ka yihiin in la is fahmo iyo in Soomaaliya lagu suga nabada iyo deganaanta,"
ayuu yiri sarkaalka reer Yemen, isagoo aan sheegin in la isla meel dhigay
taariikhda wada hadalkaasi dhici doono.
VIDEO::: Hay'adda Reuters oo ka
warbixineysa Soomaaliya:
Daawo halkan ama
Daawo
Halkan.....
War-cad oo ka soo Baxay Shirkii New York ee
Looga Hadlay Arrimaha Soomaaliya
- warar cusub: June 16, 2006 | Waxaa
soo ururiyey SomaliTalk.com
Sir Emyr Jones-Parry,
Safiirka UK ee UN
John R.
Bolton, Safiirka US ee UN
Johan L. Løvald, Safiirka Norway ee UN |
Khamiis (June 15, 2006) ayaa Magaalada New
York lagu qabtay shir looga hadlay arrimaha Soomaaliya. Waxaana shir
guddoomiye ka ahaa Norway, maadaama shirkaas lagu qabtay safaarada ay Norway
ku leedahay xarunta Qaramada Midoobey. Waxaana shirkaas ka qayb galay
dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo
Tanzania. Waxaana goob-joog ka ahaa UN iyo AU.
Kulanka waxaa ka soo baxay war cad oo
laguxusay in aan arrimaha Soomaaliya lahayn jawaabo fudud. Waxaana la
sameeyey koox (ama urur) ay xubno kayihiin dalalkii kulankaas ka qayb qaatay,
waxaana loo bixiyey "Kooxda Caalamiga ah ee la xiriirka Soomaaliya" ama "International
Contact Group on Somalia".
Muhiimadda ugu weyn ee warka lagu cadeeyeyna waxa uu ahaa in la dhiiri
geliyo wadahadal dhex mara DFKMG ee Soomaaliya iyo dhamaman qaybaha kale ee
Soomaaliya --- wadahadaladaas oo uu asaas u yahay
dib-u-heshiisiin ku salaysan
Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya. [War-cadka ee shirka ka soo
baxay oo dhamaystiran hoos ayaad ku arki doontaa]. Balse marka hore aan
eegno waxyaabihii laga qoray shirku markii uu dhaammaday.
Kulanka ka dib war ay
faafisay hay'adda waararka ee AP ayaa sheegay in Saraakiil Maraykan iyo
British ay qireen in ururka "Somalia
Contact Group" (oo
kulankii New York lagu asaasay) aysan wax badan isla markiiba ka qaban
karin dalka Geeska Afrika (Soomaaliya) ee dowlad la'anta ahaa 15-sano.
"Xaqiiqadu waxa ay tahay
haddii aysan jirin qaab isku-raac-nabadeed iyo qaab nabadeed, markaas ma
jirto wax la xasilinayo, ma jiraan wax la suulinayo." Sidaas waxaa yiri
Safiirka dalka Britain u fadhiya Qaramada Midoobey,
Sir Emyr Jones-Parry.
Hay'ada AP oo kulanka ka war bixineysey
waxa ay qortay in "Somalia Contact
Group" la sameeyey kaddib markii uu
Maraykanku sidaas ku adkaystay.
"Waxaan u baahanahay in aan marka hore
fahamno xaaladda Soomaaliya," sidaas waxaa yiri Safiirka Maraykanka ee
Qaramada Midoobey, John Bolton. Waxana uu intaas ku daray "Waa arrin
curdin ah in la qaabeeyo go'aan hadda."
Safiirka Norway u fadhiya Qaramada Midoobey,
Johan Ludvik Løvald, oo arrinta shirkii New York ka hadlaya ayaa yiri:
Waxaan rajayneynaa in aan wax ka dhehno sidii loo dardar gelin lahaa nidaam
dhinacyo badan ay ku jiraan (ama ka qayb qaataan) oo ku aadan Hay'addaha Federaalka
Kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo kuwa kale ee gudaha Soomaaliya.
Jariidada New York Times oo warbixin
dheer qortay shirka ka dib ayaa tiri: Lix wadan oo uu Maraykanku ka mid
yahay ayaa ayaa waxa ay ku baaqeen wadahadal dhexmara Dowalda Soomaliya ee
aan awooda lahayn ee dibad joogga ah iyo Islaamiyiinta qabsaday Muqdsiho iyo
Koonfurta Soomaaliya.
Jendayi E. Frazer oo ah Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha dibada
USA u qaabilsan Afrika ayaa waxa ay sheegtay in ay warqad labaad ka heleen
Sheik Sharif Ahmed, guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta. Ms. Frazer oo
arrintaas ka hadleysay waxa ay tiri: "Intii aanaan kulanka bilaabin, waxaan
warqad ka helay Midowga Maxkamadaha Islaamiga," "Waxana ay yiraahdeen in
aysan Soomaaliya iyo Muqdisho u ogolaanayn in ay hoy u noqodaan
Argaggixisada, taasina waa mid rajo leh."
Jariidada Washington Post ayaa
sheegtay in Jendayi Frazier ay difaacdey xiriirka uu Maraykanku la yeeshay
Qabqablayaasha "secular-ka" ah, ee isu muujiyey iyagu in ay yihiin kuwo qayb
ka ah Isbhaysiga ka soo horjeeda argaggixisada, isla markaana helay
taageerada Maraykanaka. [Kelmedda "Secular" qaamuuska Soomaaligu waxa uu
ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo
diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)]
"Weligaya ma tageeri lahayn qof la
dagaalamaya qof kale," ayey tiri Frazier, oo intaas ku dartay "waxaan u
taageernay annagoo isku deyeyna in aan xog ka helo qofkasta oo aan ka heli
karno xog, oo ku saabsan argaggisixo khaas ah sida Harun Fazul, kaas oo lagu
xiriiriyey in uu weeraray safaaraddo. Waana sii wadi doonaa in aan raadino
xog ay nasiinayaan cid kasta ama qayb kasta si aanu isugu dayno in raggaas
lasoo wareejiyo."
Warka cad ee laga soo saaray kulankii New York oo
ay SomaliTalk.com kusoo tarjumtey Af-Soomaali hoos ka akhri...
International
Somalia Contact Group
War-cad: (Communiqué
)
Xaaladda Soomaaliya waa
arrimo badan oo taxaddi leh (ama hawl badan u baahan) oo ah xaalado
bini'aadamino iyo dhaqan-dhaqaale, nidaam-maamul dowladeed, xuquuqda aadamiga,
nabadgeliyada iyo argaggixiso, iyo sidoo kale deganaanshaha gobolka. Waxaan
garwaaqsanay in aysan jirin jawaabo fudud, waxaana xaqiijineynaa in ka
qaybqaadashanadu ay keeni karto isbedel gudaha Soomaaliya. Si arrimahaas hawsha
badan u bahan wax looga qabto, beesha caalamka waxaa waajib ku ah taageerada
xoojinta maamul-dowladeed loo dhanyahay oo waxna qaban kara ee Soomaaliya, kaas
oo awood u leh wax ka qabashada baahida dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale (wax
kaqaban kara) ujeedooyinka guud ee caalaamiga ah. Dastuurka iyo hay'adaha
Federaalka Kumeelgaarka ah waxa uu muujinayaa nidaam sharciyeed si loo sii wado
dib-u-dhiska nimaad-dowladeed ee Soomaaliya.
Si loo gaaro
wadashaqayn aad uweyn iyo ka qaybqaadasho joogto ah ee beesha caalamka, si
natiijo wanaagsan looga gaaro horumarinta siyasadda Soomaaliya, waxaan samaynay
koox caalami ah oo lagu magacaabo "International
Contact Group on Somalia". Kooxdaasi waxa ay yeelan doonaan kulan sare si
aan u xoojino isku dayganaaga guud ee gobolka. Yoolka
"International Contact Group on Somalia"
waa in la dhiiri geliyo horumarinta siyaasad wanaagsan iyo ka qayb qaadasho
dhammaan dhinacyada arrintu ka go'do ee gudaha Soomaaliya si ay u taageeraan
hirgelinta Dastuurka iyo Hay'adaha Federaalka Kumeelgaarka. "Contact Group" waxa
ay raadin doonaan isku dayga tageerista, habka guud ee Hay'adaha Federaalak
Kumeelgaarka, si wax looga qabto baahida bini'aadamimo ee dadka Soomaaliyeed, la
hirgeliyo hab-dawladeed wax qaban kara oo deggan, iyo in wax laga qabto walaaca
beesha caalamka ee la xiriira argaggixisada. Waxaa jira arrin degdeg ah oo ah
baahi caawinaad gargaar aadaminimo iyo wanaajinta difaacidda shacabka
Soomaaliyeed. Dhammaan dhinacyadu waa in ay ogolaansho aan xannibaadi ku jirin u
siiyaan hay'adaha gargaarka jaaliyadaha aadka u nugul. Xubnaha (Contact Group)
ka mid ah waa: European Union (EU), Italy, Norway, Sweden, Tanzania, United
Kingdom (UK) iyo United States (US). Wadamada kale ee danaynaya, sida Qaramada
Midoobey (UN), Midowga Afrika (AU), Ururka IGAD, iyo Ururka Arabta waxaa lagu
casumi doonaa in ay goob joogayaal ka noqdaan. "International
Contact Group on Somalia" waxay ballaarin karaan xubnahooda ama waxa ay
raadin karaan qaab talooyin ay la tashanayaan kooxaha gobolka. Waxaan talo iyo
akhbar kala xiriiri doonaa Soomaali iyo gobolka. "Contact Group" waxa ay wax ka
dhehi doonaan sii horumarinta nidaamka dhinacyada badani ay ku jiraan ee lagula
xiriiriya Ha'adaha Federlaalka ee Kumeelgaarka iyo qaybaha gudaha Soomaaliya.
"Contact Group" waxa ay si weyn u taageerayaan guddiga hadda jira ee loo yaqaan
"Guddiga isku dubbariska iyo kor-kala socodka" ama CMC (Coordination and
Monitoring Committee) kaas oo ah isku xirka guud ee taageerada beesha
caalamka iyo Soomaaliya. Waxaan raadin doonaa dhismaha xiriirka wanaagsan
ee jira ee lala leeyahay qaybaha ay khuseyso Soomaaliya, oo ay ku jiraan CMS, si
loo dhiiri geliyo wadahadal iyo dib-u-heshiisiin ku salaysan Dastuurka
Federaalka Kumeelgaarka. Waxaan la shaqayn doonaa Qaramada Midoobey (UN),
Midowga Afrika (AU) iyo urur goboleedka IGAD, si loo dhiiri geliyo nidaam
hurukac ah oo loo dhan yahay oo ah wadahadal iyo dib-u-heshiisiin u dhexeysa
Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ah iyo dhammaan qaybaha Soomaalida, waxaan
rajeyneynaa horumar laga gaaro hab siyaasadeedka socda, oo ay ku jirto Muqdisho
iyo baahida hurimarinta ammaanka.
Kulanku waxaa laguqabtay New
York, June 15, 2006*
*Waxana kulankii
June 15 lagu qabtay safaaradda Norway ay ku leedahay Qaramada Midoobey ee New
York, waxaana ka qayb galay European
Union , Italy, Norway, Sweden, Tanzania, United Kingdom iyo United States.
Waxaana goob joogayaal ka ahaa Qaramada Midoobey (UN) iyo MIdowga Afrika (AU)
Tarjumadii SomaliTalk.com | English
Version: READ HERE....Communiqué
Wararka Maraykanka iyo Soomaalida
- Khubaro: Xeeladda Washington ee
Soomaaliya ayaa Dhallisay Soo Kicitaanka Isaamiyiinta... AFP
- Maraykanka oo
maanta uu ka dhacayo shir caalami ah oo Arrimaha Soomaaliya Khuseeya.
- Maraykanka oo Sheegay in uu Diyaar u yahay la
Shaqaynta "Dhammaan Garabyada Soomaaliya..."
Khubaro: Xeeladda Washington ee Soomaaliya
ayaa Dhallisay Soo Kicitaanka Isaamiyiinta... AFP
- "...Qabqablayaashii
Soomaaliya Markii ay Qaateen Lacagtii Maraykanka ayey guryihoodii addeen...."
- Waxaa Lagu Qiyaasay in
$100,000 oo doolar bil kasta la siin jirey Qabqablayaasha Dagaalka
Soomaaliya...
Washington
waxa ay faraha kula jirtey arrimaha cakiran ee Soomaaliya, halkaas oo
taagerada ay siiyeen isbahaysiga qabqablayaashu uu ku dambeeyey in ay kor u
qaaday maleysiyada Islaamiga ah kuwaas oo hadda xakuma caasimadda Muqdisho,
sidaas waxaa yiri dad siyaasadda odorosa. Waxaa sidaas qoraal dheer ku
bilowday hay'adda wararka u faafisa dalka Faransiiska ee loo yaqaan AFP.
Qoraalkaas oo ay SomaliTalk.com kusoo
tarjumtey Af-Soomaali waxa uu intaas ku daray:
Soomaaliya waxaa halakeeyey dagaal socdey
afar bilood oo u dhexeeyey Islaamiyiinta iyo Isbahaysiga
Qabqablayaasha-dagaalka kuwaas oo badanaa xakumi jirey dalka aan qaanuunku
ka jirin 15-kii sano ee ugu dambeeyey.
Maleysiyo ka tirsan Maxkamdaha
Islaamiga ah oo sawirka ay AFP ka qaaday June 14, 2006 markii ay
qabsadeen magaalada Jowhar oo ahayd meeshii ugu dambeysey ee laga
saaray qabqablayaashii dagaalka ee taageerada ka haystey Maraykanka:
AFP
|
Midowga Maxkamadaha Islaamiga waxa ay
Khamiistii (15/6/06) u muuqdeen kuwo jebiyey Qabqablayaashii-dagaalka kaddib
markii ay ka qabsadeen laba fariisin oo ay xoog ku lahaayeen, iyo ayagoo ku
dhaartay in ay si degdeg ah maxkamado shareecada Islaamka ah ka furayaan
inta ay xakumaan.
Dhawr bilood ka hor arrintani ma suurta
gasheen taageero la'aan dadka ah awgeed, sidaas waxaa yiri khubaro, ayey
tiri AFP.
Laakiin taageerada uu Maraykanku siiyey
Qabqablayaasha Isbahaysigooda Nabad soo Celinta iyo la Dagaalanka
Argaggaxisada -- ee dadweynuhu aadka u necebyhiin -- ayaa sababtay
kasoohorjeedsi Maraynka, arrintaas oo si aad ah gacan u siisay Islaamiyiinta,
ayey yiraahdeen (khubaradu).
Washington si caam ah uma xaqiijin ama uma
diidin in ay taageertay Isbahaysiga (qabqablayaasha), lakiin saraakiil
Maraykan ah ayaa AFP waxa ay u sheegeen in ay Qabqablayaasha-Dagaalka
siiyeen lacag iyo xog si ay uga caawiyaan xakamaynta "Nidaamka-Taalibanimada
ee soo xuluulanaya" Soomaaliya.
"Xaqiiqadu waxa ay tahay, in maxkamadaha
Islaamku aysan xoog lahayn. Waxa ay u kala qaysan yihiin habka dhaqanka ah
ee Qabiilka", sidaas waxaa ku dooday Roland Marchal, oo khabiir ku ah Bariga
Afrika , kana tirsan machadka France ee CNRS, kaas oo dhowaan ka soo
laabtay safar uu ku tegey Soomaaliya.
"Waxa ay ka macaasheen
Maraykanka-diidnimada," ayuu yiri Marchal. Waxana uu intaas ku daray "Dadka
maal-dhexaadka ah marka laga hadlayo xagga Diinta waxa ay ka dhinac
dagaalamayaan Maxkamadaha Islaamkiga si looga takhalluso
Qabqablayaasha-Dagaalka."
Ken Menkhaus oo ah Maraykan takhasus leh,
ahna Macallin arrimaha Siyaasadda ka dhiga Jaamacada University of
Davidson waxa uu yiri: "Maraykanku keliya gacan masiin ragga khaldan,
waxa kale oo mucaawinadii Maraykanka si khaldan loogu adeegsadey qorshayaal
ka duwan kuwii uu Maraykanku maskaxda ku hayey."
"Maraykanku waxa ay lahayeen qorshe aad u
kooban oo ay ka lahaayen Muqdisho: oo ahaa in ay la shaqeeyaan jaal aan
dowlada ahayn si ay kor ugala socdaan iyo haddii ay macquul tahay in
Muqdisho laga soo qabto tiro yar (saddex ilaa afar) oo ah shisheeye Al-Qaeda
ah".
Maleysiyo ka tirsan Maxkamdaha
Islaamiga ah oo sawirka ay AFP ka qaaday June 14, 2006 markii ay
qabsadeen magaalada Jowhar oo ahayd meeshii ugu dambeysey ee laga
saaray qabqablayaashii dagaalka ee taageerada ka haystey Maraykanka:
AFP
|
"Ma ahayn ujeedada dowladda Maraykanka in
ay aragto Isbahaysiga (qabqablayaasha) oo dagaal buuxa la galaya Midowga
Maxaakiimta Islaamka," ayuu yiri.
"Waxaa suurta-gal ah in taageeradii
Maraykanka ee malasiyadaas loo adeegsadey si khaldan: Hoggaamiyayaasha
maleysiyadu waxa ay arkeen fursaddaas... si ay u xoojiyaan saldhida
siyaadaddooda gaarka ah ee kuwa kaga soo hor jeedey magaalada oo ah
Maxkamadaha Islaamiga.
"Waxa ay rajaynayeen (Qabqablayaashu) in ay
ka macaashaan tageerada Maraykanka ee ladagaalanka Argaggixisada ayagoo
qabqablayaashu caawinadaas u adeegsadey qorshahooda gaarka ah, laakiin
ayagii ayaa dharbaaxo lagu dhuftay."
Marchal waxa kale oo uu yiri Washington
waxa ay ku dhacday xeelad khaldan kaddib markii ay taageertay Isbahaysiga
Qabqablayasha -- laakiin (ay u tageertay) arrin taas ka duwan .
"Khaladka Maraykanku waxa uu ahaa in ay
hubeeyeen dad ahaa kuwo markii horeba watey qorshahooda gaarka ah," ayuu
yiri.
"Dadka aan la hadlay ee jooga Soomaaliya
waxa ay ii sheegeen in maleysiyada Isbahaysigu aysan dagaal rasmi ah wax
iskaga caabin, sababtoo ah dagaalku wax macne ah uma samaynayn.
"(Qabqablayaashu)
Waxa keliya oo ay sameeyeen in ay qaateen Lacagtii Maraykanka,
markaas ay guryihoodii addeen...."
|
"Waxa keliya oo ay sameeyeen in ay qaateen
Lacagtii Maraykanka, markaas ay guryihoodii addeen. Waxay ahayd burbur
militari. Taas macneheedu ma ahan in Maxaakiimta Islaamku ay xoog leeyihiin
-- waxa keliya oo taas macneheedu yahay in kuwii ka soo hor jeedey ay kala
daateen."
Laba qabqable oo xoog weynaa --- Maxamed
Qanyare Afrah iyo Ciise Bootaan Caalin -- waxa ay ka carareen magaalada
Jowhar iyagoo aan wax dagaal ah kaga hor tegin weerarka Islaamiga maalintii
Talaadada.
Kuwii kale ee ku xannibnaa Muqdisho waxa ay
toddobaadkan ku biireen Maxaakiimta Islaamka.
Karin von Hippel, oo ah Khabiir ku ah
arrimaha Soomaaliya oo hore uga tirsanaan jirey Qaramada Midoobey, xubina ka
ah "US Center for Strategic & International Studies" waxa uu yiri
gacansiintii Qabqablayaasha-qadaalku, Washington waxa ay dhiiri gelisey in
Maxaakiimta Islaamku ay hubka qaataan.
"Haddii toddobaadyadii dhowaa ay Soomaalidu
ka mudaharaadayeen eedaynta Maraykanka loo soo jeediyey in uu faragelinayo
dagaalka Muqdisho, taas sababteedu ma ahan oo keliya in Dowladda Maraykanku
in laga aaminsan yahay mid ka soo hor jeeda Islaamka, laakiin sidoo kale
sababtu waa in aysan rabin (Soomaalidu) in qabqablayaasha dagaalku ay
noqdaan kuwo ka awood badan xogga hadda ay leeyihiin," ayuu ku qoray
Joornaal dhowaan soo baxay.
Marchal waxa uu yiri hadda waxaa muhiim u
ah in beesha caalamku ay sida ugu dhaqsaha badan ee suurta galka ah nidaam
wada xiriir u furaan xubnaha meel-dhexaadka ah ee ku jira Maxaakiimta
Islaamiga ah.
"Ku qaylinta arrintaasi waa arrin ay soo
maleegeen Al-Qaeda waxa keliya oo ay dadweynaha ka dhigeysaa kuwo xag-jira.
Waxaan ku mashquul sanahay in aan abuurno cadow aan jirin laba bilood ka ka
hor.
Waxaa Lagu Qiyaasay in
$100,000 oo doolar bil kasta la siin jirey Qabqablayaasha Dagaalka
Soomaaliya...
Dhanka
kale qoraal ay qortay hay'adda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Maraykanku
uu dib eegayo siyaasadiisa ku wajahan Soomaaliya.
John Prendergast oo khabiir ku ah arrimaha Afrika , kana tirsan ICG (International
Crisis Group) ayaa sheegay in Maraykanku uu ka caagey Soomaaliya kaddib
dilkii 18-kii askari ee Maraykanka ahaa ee lagu diley Soomaaliya, arrintaas
oo lagu soo bandhigay filimkii lamagac baxay Black Hawk Down.
Prendergast waxa uu yiri: "Ma aynaan rabin in aan gacmeheena wasakahyno.
Waxaan u malaynay in ay suuurtagal tahay ku dhaqanka siyaasadan ah in lacag
caddaan ah la siiyo qabqablayaasha-dagaalka--- waa fashilantay." waxana uu
John Prendergast ku qiyaasay in Washinton ay qabqablayaasha dagaalka
bil-kasta siineysey $100,000 ilaa $150,000 oo doolar.
Sida ay faafisay IPS,
John Prendergast waxa uu yiri "Maraykanku hadda majirto wax uga soo baxay
saddexdii sano uu maal gelinayey qabqablayaashaas dagaalka, qabqabalayaash
oo ahaa qorshaha keliya ee Maraykanka ee Soomaaliya marka laga hadlayo
ladagaalanka Argaggixisada." Waxana uu intaas ku daray "Waxaa arrin
qalloocan ah in taasi ahayd qorshaha keliya ee Washington ay la socotey
15-kii sano ee dawlad la'anta, qaran la'aanta, ee Soomaaliya."
Madaxweyne
Denis Sassou
|
Guddoomiyha hadda ee Midowga Afrika,
madaxweynaha Congo, Denis Sassou, ayaa isaguna sidoo kale markii uu bishii
June 5 booqashada ku tegey Aqalka Cad waxa uu Maraykanka ku eedeeyey inay
tageereen qabqablayaasha dagaalka.
Ted
Dagne oo khabiir ku ah Afrika, kana tirsan adeegyada madaxa bannan ee "Congressional
Research Service" waxa uu yiri dadka khibradda u leh Soomaaliya ma
rumaysna in ay jiraan wax cadayn ah oo muujinaya in ay Al-Qaeda joogto
Soomaaliya.
Jariidada New York Times qoraal ay
qortay ayey ku xustay in xoghaya guud ee Qaramada Midoobey, Kofi Annan, in
uu yiri "Ma taageeri lahayn in Qabqablayaasha dagaalka," arrintaas oo uu ka
sheegay warsaxaafadeed. Waxana uu intaas ku daray "U malayn maayo in aan ku
talin lahaa in Qaramada Midoobey ama Golaha Ammaanku ay taageeraan
qabqablayaasha dagalka."
Qoraal dheer oo ay qortay jariidada
Guardian ee UK ayaa lacagta qabqablayaasha uu Maraykanku siinjirey lagu
qiyaasay
$100,000 ilaa $150,000 doolar bil-kasta.
Dhegeyso Radio NPR oo
oo ka warbixinaya arrimaha Soomaaliya...
Tarjumadii SomaliTalk.com | ISHA: AFP |
Reuters| June 15, 2006
»Washington's Somalia strategy fuelled Islamist rise: experts | AFP
»U.S. reviews Somalia policy after tactics backfire | Reuters
»Bush
administration dealt defeat in Somalia IPS
»6
Nations Urge Talks in Somalia for Exiled Rulers and Islamists Nytimes
»Somali
Militias Decry Terrorists
- LIFAAQ - SOOMAALIYA IYO MAANTA:::
Wararka ka imanaya dalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in Maxamed Qanyare
Afrax uu ka baxay Isbahaysigii laga awooda roonaaday ee la baxay la
dagaalanka Argaggaxisada. Waxaana laga soo weriyey in uu yiri waa
toobada keenay. Sidoo kale waxaa isbahaysigaas maanta ka baxay Cumar
Finish.
- BELEDWEYNE: Midowga Maxkamadaha
Islaamiga ayaa magaalada Beledweyne ka hir geliyey Maxkamda Islaami
ah...
Maraykanka oo Sheegay in uu Diyaar u yahay la
Shaqaynta "Dhammaan Garabyada Soomaaliya..."
Tarjumadii SomaliTalk.com | June 15, 2006
JOWHAR |
BAYDHABO |
Sheikh Sharif Sheikh Ahmed oo ah guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga
oo lahadlaya dadweynaha Jowhar 14/6/2006
Ka Dhegeyso
Halkan |
Sharif Hassan Sheikh Aden: oo baarlamaanka ka akhrinaya in ay u
codeeyeen in ciidamo shisheeye lakeeno Soomaaliya 14/6/06
Ka
Dhegeyso Halkan |
"Maraykanku waxa uu diyaar u yahay in uu la
shaqeeyo dhamaan garabyada Soomaaliya si loo raadiyo xal nabadeed iyo sidii
markale Soomaaliya loo hir-gelin lahaa dowlad wax qaban karta" sidaas waxa
yiri Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Maraykanka Sean McCormack ka hor
inta aanu furmin shirka maanta looga wada hadlayo arrimaha Soomaaliya ee
kafurmaya USA.
"Maraykanku waxa uu taageersan yahay
hay'dda Federaalka Kumeelgaarka ah, waxana uu dhammaan dhinacyada Soomaliya
ugu baaqayaa in ay yeeshaan wadahadal loo dhan yahay oo lagu wada shaqaynayo
Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah" ayuu yiri McCormack.
Sida ay werisey wakaaladda wararka ee AFP,
McCormack waxa uu intaas ku daray "waxaa naga go'an in aan la shaqayno
jalkayaga maxalliga iyo caalamiga ah si aan u muujino arrinta naga wada
dhexaysa ee la xiriirta argaggixisada, sidii kor loogu qaadi lahaa wax ka
qabashada gargaarka bini'aadamino ee Soomaaliya, iyo sidii dadka
Soomaaliyeed loogu caawin lahaa siyaasad iyo dhaqaalle deggan." {ISHA:
AFP}
Waxaa maanta (Jun 15, 2006) safaaradda ay
Norway kuleedahay Xarunta Qaramada Midoobey ee New York lagu qabanayaa shir
ay ka qayb qaadanayaan Maraykanka, Britain, Norway, Sweden, Italy, Tanzania
iyo Ururka Midowga Yurub. Waxaana shirkaas goob joog ka ahaan doona Qaramada
Midoobey iyo Ururka Midowga Afrika. {Hoos ka akhri faallo iyo warbixin
dheeraad ah}.
Maraykanka oo
maanta (Jun 15) uu ka dhacayo shir caalami ah oo Arrimaha Soomaaliya Khuseeya.
Canab Mumtaz |
canabmumtaz@yahoo.com | Jun 15,
2006
Shir
caalami ah ayaa lagu wadaa in maanta uu ka dhaco Magaalada New York ee Dalka
Maraykanka, shirkaas ayaa looga hadli doonaa Arrimaha Soomaaliya, waxaana
soo qaban qaabisay wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka,waxaa kale oo kala
qayb qaadan doona dhowr wadan oo ka tirsan qaaradda Yurub Britain, Italy,
Norway Swedhan iyo Dalka Tanzania oo afrika ah, shirkan waxaa goobjoogayaal
ka ahaandoona Qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Afrika.
Ajandaha
shirkaas ayaa xoogga lagu saari doono sida uu sheegay Afhayeenka Wasaarada
Arrimaha dibada Sean McCormack ayaa ah Xaaladaha Cusub ee ka dhashay
Somaliya kadib markii awoodii farahooda laga bixiyay Ururkii la baxay
Argagaxiso la dagaalanka ee ay hormuudka ka ahaayeen Hogaamiyayaal hubaysnaa
xoogna ku lahaa caasimadda Soomaaliya ee Mogadisho Maxaakiimtana ay la
wareegeen talada iyo Maamulka.