SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 TALOOYING TOBAN AH OO KU WAJAHAN MIDOWGA MAXKAMADAHAISLAAMIGA AH EE SOOMAALIYA

Yusuf Shabac  II

yusufshaba@yahoo.com

June 22, 2006

1. Talasaarta ilaahey, maxaa yeelay qofkii ilaah talosaarto, isaga ayaa ku filan.

2. Ku wada shaqeeya midnimo iyo waxkasta oo aad iskuwaafaqsan tihiin, isuguna cudur daara wax walba oo aadisku khilaafsan tihiin.

3. Ka digtoonaada oo ogaada in aad leedihiin cadawfara badan, oo jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,kuwo leh midabkiina, kuna hadla luqadiina iyo kuwa aansidaa ahaynba.

4. U nuglaada kuwa tabarta daran, oo aan lahayn qabiiliyo awood difaacda, waayeelka, dumarka iyo kuwa ladulmiyo. Kuna adkaada kuwa uu is khilaafayo waxa aysheegayaan iyo waxa ay ku dhaqmayaan (Munaafiqiinta).

5. Heshiis la gala dawlada fadhida Baydhabo haddii ayku qanacsan yihiin in Soomaaliya loo addoomiyo ilaahiiabuurtey. Marna ha ka aqbalina dawladda fadhidaBaydhabo in ay idiin sheegto wixii aad qabanlahaydeen, iyo in ay awooddiina ay kusoo koobaanmaxkamadaha madaniga ah.

6. Ku dhiirada in aad dunida u sheegtaan in aad tihiinawood siyaasi ah, awoodaas oo doonaysa in aySoomaaliya oo dhan u taliso, maxaa yeelay garan mayocid idinkaga xaq leh.

7. Ku dadaala in aad gobolka Banaadir iyoShabeelooyinka aad u samaysaan nidaam maamul goboleed,oo ay u siman yihiin beelaha deggan deegaanadaas oodhan.

8. Ha noqonina kuwa hadba meel u yaaca, yeesha xarunadag oo aad maalkiina iyo naftiinaba aad kudifaacdaan.

9. Haka aqbalina taageero dhaqaale iyo mid cududbakuwa aydaan weli ku kalsoonaan dhaqankooda Islaamigaah, haddii aad sidaa fashaan waxa ay kuwaasuxumaynayaan sumcadda Islaamka.

10. Xira Maxkamadaha haddii ay weli jiraan dad kaawood roon maxkamadaha oo aydaan waxba ka qaban karinhaddii ay dulmi geystaan.

Yusuf Shabac  II

yusufshaba@yahoo.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2006

TAARIIKH KOOBAN EE ISBEDELADA UGU DAMBEEYEY SOOMAALIYA::: Akhri...:

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD