Kulan Khamiis June 22, 2006 magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku dhex maray
Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda FKMG ayaa waxaa lagu kala saxiixaxday heshiis
dhex maray labada dhinac, heshiiskaas oo labada dhinac uu midba kan kale aqoon
saday.
Labada dhinac qodoba ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah:
- In labada dhinac ay joojiyaan hujuumka ay isku wadaan ee xagga militari
iyo xagga saxaafadda
- Labada dhinac uu midba midka kale aqoonsado
- in furo maxkamad la soo taagayo dembiilayaashii dagaalka (War Crime
Trial)
- Dhawridda Midnimada Soomaaliya, iyo dhawrida wadajirka Dhulka Soomaaliya
- In dadka Soomaaliyeed lagu caawiyo dib u dhiska hay'adihii qaranka, dib
u dejin iyo horumarin

Midig: M. Cali Ibrahim iyo C/lahi SH. Ismaciil | Sawirka:
SUNA SUDAN |
Heshiiskaas dhinaca DFKMG waxaa u saxiixay wasiirka Arrimaha Dibada ee
DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil, dhanka midowga Maxaakiimtana waxaa u
saxiixay Dr. Maxamed Cali Ibraahim.
Waxa ay labada dhinac isku raaceen in ay mar kale isugu yimaadaan magaalada
Khartuum July 15, 2006 si ay u sii wadaan wada hadalkooda.
Kulankan lagu wada hadalsiinayo labada dhinac waxaa soo agaasimey dalka
Suudaan, waxaana guddoominayey ururka Jaamacadda Carabta.
Goobtii saxiixu ka dhacay waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaah DFKMG iyo
madaxda carbeed.
Sawiradii hay'adaha wararka AP iyo AFP ay ka qaadeen goobtii saxiixa xabbad
joojintu ka dhacday ka daawo hoos:

M. Cali Ibrahim & C/Lahi Sh. Ismaaciil

Camar Musa, Wasiirka A/dibada sudan, & M. Cali Ibrahim

C/lahi Yusuf, Xasan Albashir, & Camar Musa

C/lahi Sh. Ismaaciil & M. Cali Ibraahim

C/lahi Yusuf

Waftiga Maxaakiimta Islaamiga
ISHA: SUDAN SUNA |Tarjumadii SomaliTalk.com | June 22, 2006
Sawirada: Yahoo News, AP, AFP
Wararkii kale ee maanta hoos ka akhri
Waftiyadii Soomaaliya oo Gaarey Khartuum

Dr. M. Cali Ibraahim |

C/Laahi Yusuuf uu yimid Khartuum | AP |
Fiidkii Habeenimadii Arbacda ayaa magaalada
Khartuum waxaa gaarey wafti kasocda Maxaakiimta Islaamiga oo ka kooban toban
qof oo uu hogaaminayo Dr. Maxamed Cali Ibraahim uuna ka mid yahay guddoomiye
kuxigeenka Maxaakiimta Sheikh Xuseen Maxamuud Jumcaale. Markii ay gaareen
Garoonka diyaaradaha ee Khartuum ayaa warsaxaafadeed waxaa halkaas ku qabtay
waftiga Maxkamadaha, waxana ay sheegeenin ay ku han weyn yihiin kulanka ay
soo qabqan qaabiyeen Suudaan, ayna shir guddoominayaan Jaamacada Carabta ee
lagu wada hadal siinayo Maxaakiimta iyo DFKMG.
DHanka kale waftiga DFKMG ayaa iyaguna ku sugan
magaalada Khartuum.
Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf,
Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan
ayaa fiidkii Arbacada waxa ay magaalada Khatruum kula kulmeen wasiirka arrimaha
dibada ee dalka Suudaan, Lam Akol, kulankaas oo loogu gogol dhigayo kulanka ay
DFKMG iyo maxaakiimtu yeelanayaan.
Dalka Suudaan ayaa waxaa gaarey xubno kasocda
dalalka Masar, Liibiya, Jabuuti iyo dalal kale oo Carab ah si ay uga qayb
qaataan dhexdhexaadinta Soomaalida.
Camar Muusa oo la hadlayey AP ayaa yiri "yoolkanagu
waa in aan bad-baadino Soomaaliya."
Tarjumadii SomaliTalk.com | June 22, 2006 |Isha:
Khartuum News, AP, Aljazeera
Ammaanka Jidka Isku Xirta Xamar iyo
Gobolada Dhexe oo aad u wanaagsanaadey...
Wararka ka imanaya Gobolada Dhexe ee
Soomaaliya ayaa tibaaxay in jidka isku xira Muqdisho ilaa gobolada dhexe uu
ammaankiisu aad u wanaagsanaadey intii ay aaggaas qabsadeen Maxkamadaha
Islaamiga. Waxaa wararku sheegeen in aad looga raystay qabqablayashii dagaalka
ee dhigan jirey Isbaarooyinka ay dadka ku baadi jireen, kuna cunaqabatayn jireen
shacabka Soomaaliyeed.
Maxaa ka soo bixi kara kulanka ay ku
yeelanayaan Suudaan Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka ..
Waxaa magaalada Khatruum ee dalka Suudan ku
sii qulqulaya wufuud ka kala socota Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo
Dowaldda Federaalka, waxaana la doonayaa in laysa soo hor fariisiyo labada
dhinac, waxaa ka soo shaqeeyay kulankaani Jaamacadda Carabta oo ay hormuud u
tahay Dowadda Suudaan. Dowlada Federaalka waxaa la filayaa in kulankaasi ay uga
qaybgalaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Geeddi iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan, halka Maxaakiimta uga qaybgalayaan toban
xubnood oo ka tirsan Midowga Maxaakiimta oo isugu jira aqoonyahano, waxgarad iyo
Dhallinyaro waxaana horkacaya Dr. Max’ed Cali Ibraahim, waxaana ka mid ah Cumar
Aadan Qaadi, Sheekh Xuseen Max’ed, Axmed Ma’xed Cabdule (Axmed Qare) iyo xubno
kale, haddaba su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay kulankaasi maka soo bixi
doonaan natiijo wax ku ool ah, hase yeeshee dadka qaarkii ayaa waxay qabaan in
natiijo sidaa ah aysan ka soo bixi karin, iyagoo u aaneynaya Dowladda Federaalka
oo dooneysa in ay ciidamo shisheeye keento dalka, iyadoo Dowladdu diidan in ay
dib ugu soo laabato Magaalada Muqdisho oo haatan aad u xasiloon, iyadoo dowladu
ka soo horjeedo in dalka lagu dhaqo Shareecadda Islaamka, inkastoo u Dastuurku
qorayo in wax kasta ay saldhig u yihiin shareecada Islaamka. Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah ayaa waxay qabaan in Dowladda Federaalka ay ku xisaabtanto is
bedelka ka dhacay magaalada Muqdisho si ay saldhig ugu noqdaan dib heshiisiin
rasmi ah oo dhex marta Midowga Maxaakiimta iyo Dowlada Federaalka.

Akhri qormadii Culamada ee 2004
Sheekh Shariif oo sheegay in ay cagta marin doonaan
kooxaha ku soo gambanaya..
Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta islaamiga ah
oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa ka hadlay Maxkamadaha
Islaamiga ah ee maalin walba laga furayo Magaalad Muqdisho iyo hareeraheeda,
kuwaas oo aan hoos imaanin Midowga maxaakiimta Islaamiga ah, waxa uuna Sheekh
Shariif sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay si weyn u garaneyso Maxkama-daha ka
tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.
“Kuwa aysan la warqabin Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah waxaan u aragnaa kuwo fowdo ah oo u shaqeynaya haraadigii
Isbahaysigii, kuwaasna cagta ayaanu marineynaa” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Naadiga Qurba jooga Soomaaliyeedoo warbixin ka soo
saaray xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ..
20-kii Bishan ayaa caalamka laga xusay
maalinta Qaxootiga adduunka, hadaba naadiga Qurba joogta Soomaali-yeed ayaa soo
saaray warbixin ku aadan xaaladda Qurba jooga Soomaaliyeed lixdii bilood ee ugu
dambeysay ee sanadkaan.
Waxa uu sheegay Naadigu in ay dhaceen
37-dhacdo oo ka kala dhacay 16-dal, waxayna saameeyeen 6613, waxaana dhintay 326
qof, waxaa la xiray 1111 qof, waxaa badbaaday 5176 qof.
Naadigu waxa uu u mahadceliyay wadamada
Uganda South Africa iyo Kenya oo iyagu qaxootiga qaarkood siiyay sharciyo ay ku
joogaan wadankooda.
Mar uu ka hadlayay naadigu qaxootiga ku sugan
dalka gudihiisa waxa uu qaxootigu sheegay in ay jiraan dad ka soo qaxay dalka
Tanzania gaar ahaan Jasiiradda Zanzibar oo tiradoodu gaareyso 70-qof, sidoo kale
waxaa jira dad qaxooti ah oo ka haray dagaalkii 77 ee dhex maray Soomaaliya iyo
Itoobiya oo u badan Oromo oo ku kala firirisan dalka gudihiisa, sidoo kale
naadigu waxa uu sheegay in ay jiraan dad ku barakacay dalka gudihiisa oo
tiradoodu gaareyso 350,000 ilaa iyo 400,000, kuwaas oo uu naadigu sheegay in ay
dhibaato ku hayso dalka gudihiisa u baahan yihiin gargaar , waxaana
warsaxaafeedkaani ku saxiixnaa Guddoomiyaha Naadiga (SODIF) ADV C/raxmaan Xuseen
(Abu-Xamsa)
C/llaahi Yuusuf, Shariifka iyo Geeddi oo la kulmay xubno
ka tirsan Dowladda Mareykanka..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
oo booqasho hal maalin ah ku tagay wadanka Itoobiya, halkaas oo uu kula soo
kulmay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa maalintii shalay ahayd soo gaaray
dalka Kenya.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo
wuxuu markiiba kulan la yeeshay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo ay isla
soo qaadeen sida ugu haboon ee wada hadal loola furi karo Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah, Waxaana mar dambe ku soo biiray wada hadalkooda Guddoomiyaha
Golaha Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan.
Saddexdaan mas’uul ayaa shalay
kulan albabaadu u xirnaayeen waxay la yeesheen kaaliya Xoghayaha arrimaha
dibadda ee Afrika ee Dowaldda mareykanka, waxaana kulankaasi oo mudo saacado ah
socday la iskula soo qaaday arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda cusub ee
haatan ka taagan dalka, iyadoo C/llaahi Yuusuf uu horey u sheegay in Midowga
Maxaakiimtu ay taageero ka heleen ururo Mintid ah oo ka jira caalamka, isagoo
sheegay inay qatar ku yihiin nabadgelyada wadamada Geeska Afrika.
Warku waxa uu intaas ku darayaa
in markii uu dhamaaday kulankaasi saddex mas’uul ay u dhaqaaqeen wadanka Suudaan
halkaas oo ay kula kulmi doonaan Midowga Maxaakiimta.
Golaha Guurtida Hawiye oo
warsaxaafadeed ka soo saaray is bedelka ka cusub ee ka dhacay magaalada
Muqdisho..
War-Saxaafadeed ka soo baxay
golaha guurtida Hawiye ayaa lagu sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan isla
markaana ay tixgelinayaan horumarkii ay Maxaakiimta Islaamiga ah ka sameeyeen
Magaalada Muqdisho iyo daafaheeda, hase yeeshee ay si aad ah uga xun yihiin
codeyntii Baarlamaanka ee ahaa in ciidamo shisheeye oo ay ku jiraan kuwa safka
hore la keeno dalka.
Lix qodob oo uu
warsaxaafadeedkaasni ka koobnaa ayaa lagu kala sheegay
1.
in Golaha guurtida
Hawiye ay si aad ah uga soo horjeedaan ciidamo shisheeye oo dalka la keeno
taasoo ay ku tilmaameen in dhib kale ay dalka ka abuureyso
2.
In goluhu uu aaminsan
yahay in ciidamo shisheeye aysan xal ka keeni karin Soomaaliya, laakiin ay
dhibaato abuurayaan.
3.
in Goluhu uu ka
codsanayo Madaxeyne C/llaahi Yuusuf in uu tixgeliyo xaaladaha jira isla markaana
uusan horseedin dhiig kale oo daata.
4.
Goluhu waxa uu ku
dhiiragelinayaan in aysan ku dhiiran ciidamo ay u soo diraan dalka Soomaaliya
kuwaas oo ay ku jiraan wadamada safka hore, taasina ay abuuri karto dagaal hor
alaah.
5.
Goluhu waxa uu ku
booriniayaa Maxaakiimta islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka in ay si dhaqsi ah
wada hadal iyo wada shaqeyn u bilaabaan, si xal loo helo.
6.
ugu dambeyntii goluhu
waxa uu ka codsanayaa beesha caalamka in ay caawiyaan dadka Soomaali-yeed laga
qayb-qaato xalinta dhibaatooyinkooda, waxaana war-saxaafadeedkaasi ku saxiixnaa
afhayeenka golaha Guurtida Hawiye C/llaahi Cabdule Weheliye.
Gole la magacbaxay Golaha
Siyaasiyiinta Dhallinyarada oo looga dhawaaqay Muqdisho..
Gole la magacbaxay Golaha
Siyaasiyiinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maalintii shalay ahayd looga
dhawaaqay magaalada Muqdisho.
Golahan oo uu guddoomiye ka
yahay Xasan Maxamuud Xaaji (Xasan Geela), furitaankiisii kaddib ayaa waxaa laga
soo saaray dhowr qodobo oo kala ah, waxaana soo dhaweyneynaa is bedelka ka
dhacay magaalada Muqdisho, waxaana taageersan yahay Maxkamaddaha Islaamiga ah
iyo howlaha ka wadaan dalka, waxaana u soo jeedineynaa Maxaakiimta in ay ku fara
adeegaan guusha ay gaareen, waxaana u soo jeedineynaa Dowladda Federaalka iyo
Midowga Maxaakiimta in ay wada hadal shuruud la’aan ah galaan, ugu dambeyntii
waxay soo dhaweeyeen wada hadalka ka furmaya dalka Suudan oo maanta lagu wado in
uu furmo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2006
Waraysiyo Ku Saabsan
Guddoomiyihii Baarlamaanka DGPL oo Xilkii Laqa Qaaday....
iyo Puntland oo ka laabatay Qodob ka mid ah
Heshiiskii ay la galeen shirkadda "Range Resources..."...
Guji....
Jun 21
VOA: Safiirkii USA u
Fadhiyi jirey Itoobiya oo Ka Hadlay Xaalada Cusub ee Soomaaliya & Ciidama
Itoobiya
Ka Dhegeyso VOA::
Halkan
ama
Halkan
Degmada Cadaado
oo soo dhaweyn ugu jirta Maxaakiimta Islaamiga..
»C/llaahi Yuusuf iyo
Max’ed Dheere oo Khadka Taleefanka..
»Midowga Maxaakiimta
oo sheegay in aysan aqoosan doonin
»Tikniko uu leeyahay
Cabdi Nuure oo gaaray Guri-Ceel...
»Dowladda Ku meel
gaarka ah oo wada hadal kula jirta..
»C/llaahi Yuusuf iyo
Geeddi oo si kala gooni gooni ugu..
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... June 21
Warbixin:
Xildhibaankii Sweden kaga Fakaday Waftigii Gudoomiyaha Baarlamaanka DGPL
iyo 7 Xubnood
oo soo hor dhigay Baarlamanka in xilka laga Xayuubiyo Guddoomiyaha
Baarlamanaka PL
Guji....
Jun 20
Xafladii Nugaal
University ee Minnesota U.S.A
Xaflad aad loo soo agaasimey
ayaa lagu qabtey badhtamaha magaalada Minneapolis, Minnesota...
Guji....