Degmada Cadaado oo soo dhaweyn ugu
jirta howlgalka Maxaakiimta Islaamiga..
Wararka naga soo gaaray
Magaalada Cadaado ee Gobalka Galguduud waxay sheegayaan in degmadaasi dadweynaha
ku nool ay si weyn u hadal hayaan is bedelada ka soo cusboonaaday magaalada
Muqdisho kadib markii guulo gaareen Maxaakiimta Islaamiga ah. Ciidamadii ku
sugnaa Degmada Cadaado ayaa la sheegay in ay ku kala qaybsameen is bedelka ka
dhacay Magaalada Muqdisho ee Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana lagu
waramay in 100-Maleeshiyo ah oo wadata todobo gawaari Tikniko ah ay shalay u
dhaqaaqeen dhinaca Degmada Godinlabe, waxaana la sheegay in sababaha ay halkaasi
u tageen sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah
maadaama ay soo gaareen gobalka Hiiraan. Odoyaasha deegaanka Cadaado ayaa waxay
sheegeen in ay si aad ah u soo dhaweynayaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah,
waxayna ka cosadeen Sheekh Shariif in howlgaladooda soo gaarsiiyaan Degmada
Cadaado.
C/llaahi Yuusuf iyo Max’ed
Dheere oo Khadka Taleefanka ku wada xiiray..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
oo shalay gaaray magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in
markiiba uu la soo xiriiray guddoomiyihii hore ee Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar
Xabeeb (Max’ed Dheere) oo hada la sheegay in uu ku sugan yahay dalka Itoobiya.
Inkastoo aan la faahfaahin wixii ay ka wada hadleen Max’ed Dheere iyo C/llaahi
Yuusuf ayaa haddana warar aan u helnay waxay sheegayaan in ay ka wada hadleen is
bedeladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Jowhar, kadib markii
ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, isla markaana
ay ka adkaadeen isbahaysigii la oran jiray la dagaalanka argagixisada, kuna
fashilmay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Max’ed
Dheere oo gacan saar la leh Dowladda Itoobiya, ayaa waxaa la sheegay in uu aad u
soo dhaweeyay go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka la keeno ciidamo ka socda
wadamada safka hore, hase yeeshee wareysiyo uu horey u bixiyay Max’ed Dheere
waxa uu si aad ah uga soo horjeeday in dalka la keeno ciidamo shisheeye, isagoo
soo jeediyay in dib loo uruuriyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isla
markaana tababar la siiyo kooxaha maleeshiyooyinka. Isku soo dhawaanshaha
C/llaahi Yuusuf iyo Max’ed Dheere ayaa u muuqata sidii ay isugu baheysan
lahaayeen maadaama Max’ed Dheere laga qabsaday xaruntiisii Gobalka Sh/dhexe.
Warar kale ayaa waxay sheegayaan in hogaamiyayaashii doraad ka dhoofay magaalada
Ceel-Buur ay gaareen Dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in ay doonayaan sidii ay
door uga yeelan lahaayeen arrimaha siyaasadda ee dalka Somaaliya. Maadaama looga
xoog roonaaday dagaalkii Muqdisho.
Midowga Maxaakiimta oo sheegay in aysan
aqoosan doonin...
Guddoomiye ku xigeenka
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa waxa uu sheegay
in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay sii adkeyn doonaa ammaanka iyo
nabadgelyada magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee ku xeeran.
Guddoomiye ku xigeenka
ayaa mar wax laga weydiiyay sida ay u arkaan Maxkamadda ka furamaya gobalka
Banaadir iyo deegaanada kale ee ku xeeran ayaa waxa uu yiri “Maxkamad aan ka
tirsaneyn Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ma aqoosan doono”, waxa uuna sheegay
in furitaanka Maxaakiimtu ay u baahan yihiin shuruudo, isla marakaan waa in ay
noqdaan kuwo ay ka war qabaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.
Maxkamado fara badan oo
aan ka tirsaneyn Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ka dhisan Magaalada Muqdisho,
waxaana ka mid ah Xararyaale, Wardhiiglay iyo kuwo kale, iyadoo sidoo kale
Degmada Karaan lagaga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah.

Akhri qormadii Culamada ee 2004
Tikniko uu leeyahay Cabdi Nuure Siyaad oo
gaaray Guri-Ceel...
Wararka naga soo gaaraya
Degmada Guri-Ceel ee Gobalka Galguduud ayaa waxay sheegayaan in Tikniko uu
leeyahay Cabdi Nuure Siyaad oo xubin ka ah isbahaysigii burburay ee la
dagaalanka Argagixisada ay shalay gaareen Degmada Guri-Ceel.
Tiknikadaasi ayaa Cabdi
Waal waxa uu ku wareejiyay beeshiisa, waxaana la sheegay in imaanshaha
tiknikadaasi ee Degmada Guri-Ceel ay walaac gelisay dadweynaha degmada, maadaama
Midowga Maxaakiimta ay soo gaareen deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Odoyaasha uu ka soo jeedo
Cabdi Nuure Siyaad ayaa waxay wadaan dadaal ay doonayaan in tiknikadaasi ay ka
qayb-qaadato ammaanka degmada Guri-Ceel, iyadoo degmadaasi uu weli ku sugan
yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin ka ah guddiga Shuurada ee Maxkamadda
Islaamiga ah ee Ifka Xalan.
Dowladda Ku meel gaarka ah oo wada hadal
kula jirta Maleeshiyo ka soo gadooday...
Waxaa degmada Buur-Hakaba
ee Gobala Baay ku sugan Maleeshiyo iyo Tikniko ka soo gadooday magaalada
Baydhabo, kadib markii ay halkaasi uga soo carareen Maleeshiyooyin taageeraC/Laahi
Yuusuf oo iyagu gacanta ku dhigay goobihii ay horey u joogeen
maleeshiyooyinkaasi, waxaa socda wada hadal iyo is afgarad.
Dowladda Federaalka ayaa waxaa la sheegay in
beri ah u soo direyso ergo si ay ula xaajoodaan Maleeshiyoo-yinkaasi dibna loogu
celiy xerooyinkii ay ku sugnaayeen waxaana haatan socda wada hadal lagu
dhameynayo arrintasi, hase yeeshee Max’ed Ibraahim Bilaal oo ka mid ah
siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxa u sheegay in ciidamadaasi
aysan dib ugu laaban doonin Magaalada baydhabo, wuxuuna sheegay in ay dib ugu
laaban karaan oo keliya iyadoo magaalada ay ka baxan dhamaan maleeshiyada ka soo
jeeda Puntlanad.
C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo si kala
gooni gooni ugu kala ambabaxay..
Maalintii shalay ahayd ayaa
waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ka ambabaxay Madaxweynaha
Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed,
subixii hore waxaa baxay Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo isagu u kicitimay
dalka Itoobiya, waxaana la filayaa in magaalada Adis-Ababa uu kulan kula yeesho
Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Milless Sanawi oo ay isla soo qaadi doonaan
sidii ciidamada Itoobiya ay qayb uga noqon lahaayeen ciidamada nabad ilaalinta
ah ee loo dirayo, iyadoo haatan la og yahay in ciidamo ka tirsan Dalka Itoobiya
ay ka gudbeen xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ra’isul Wasaaraha oo isna shalay
galabnimadii baxay ayaa waxaa uu gaaray wadanka Kenya, waxaana la filayaa in uu
kaga sii gudbo wadanka Suudaan oo uu kaga qaybgalayo shir ay isugu imaanayaan
madaxda wadamada Afrika.
Dalka Suudaan ayaa horey waxa uu
sheegay in Soomaaliya uu u soo u dirayo ciidamo nabad ilaalin ah oo ka
qayb-qaata amnigii iyo kala dambeyntii.
DHegeyso VOA::: oo ka warbixinaya Soomaaliya:: June 20, 2006
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 21, 2006
Warbixin:
Xildhibaankii Sweden kaga Fakaday Waftigii Gudoomiyaha Baarlamaanka DGPL
iyo 7 Xubnood
oo soo hor dhigay Baarlamanka in xilka laga Xayuubiyo Guddoomiyaha
Baarlamanaka PL
Guji....
Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah oo aad uga xumaadey hadalkii Geedi..
. Nairobi oo laga Canbaareeyeyey Go'aankii Baarlamanka
. Xildhibaanadii ku sugnaa Magaalada Baydhabo oo..
. Dowladaha Mareykanka iyo Yemen oo ka wada hadley..
. Maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka xalan oo xukun ...
. Hay'adda COGWO oo wacyigelin dhinaca nabadda ah u..
. Somali Badan oo lagu xirxiray Garissa iyo Wajeer...
. Wasiirka Xanada Xoolaha Dawlada oo sheegay in...
. Dagaal Gunagado ka dhacay oo gumaysiga lagu jabiyay.
. Dhalinyaro ka tagay magaalooyinka oo ciidammada...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Jun 20
Xaggee ku sugan
yihiin hogaamiye kooxeedyadii laga adkaadey..?
»Sheekh
Shariif “Dowladda iyadoon la soo dooran ayaa..
»Xaaji Bakiin
“kuwa ku faraxsan waxa ka socda Muqdisho
»Ismaaciil
Cumar Geele “Umadda Soomaaliyeed muddo..
»Jabhadda
Midowga Xoreynta Ogaadeeniya oo ka...
»Mowqifkii
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham UK....
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji....
Jun 19

Xafladii Nugaal
University ee Minnesota U.S.A
Xaflad aad loo soo agaasimey
ayaa lagu qabtey badhtamaha magaalada Minneapolis, Minnesota...
Guji....