SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Saadaasha Amiin Caamir Maxaa uga faa’iidyesan weynay?

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Mudo afar bilood ah waxaa Magaalada Muqdish ka socday dagaalo u dhexeeyay Isbahaysigii fashilmay ee la dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, dagaalkaasi waxaa ku dhintay dad aad u fara badan, waxa uuna saameeyay guud ahaan Magalada.

Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Qorayaasha ayaa iyagu waxay ka bixinayeen saadaalo halka uu ku dameyn karo dagaalkaasi iyo waliba shaqsiyaadka wada dagaalka, waxaa horey u saadaaliyay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo saadaashiisa ku muujiyay in ragga hogaamiye kooxeedya ahi meel aysan ogeyn daadku uga imaan doono, waliba uu ku dhaartay, waxaana soo baxday in taasi dhabowday oo raggii meel lagu hayo ma lahan oo 15 sano awood  is bidayay.

Saadaasha intaa kuma ekeen, dagaalku markii uu marayay meel dhexe ayaa ninka sida aadka ah Sawir Gacmeedyada Amin Caamir isna uu Sawir saadaal ah ka bixiyay waxa uu ku dambeyn doono xaalka gaar ahaan Muuse Suudi oo xubin ka ah Isbahaysiga, waxa uuna sawir ku muujiyay markii Muuse Maleeshiyo taabacsan ay qabsadeen Isbitaalka Keysanay oo loogu adeegayay dadkii ku dhawaacmay dagaalkii ka socday magaalada Muqdisho, waxa uuna Amiin Caamri sawiray Muuse oo qoreshey Daba-Miishaar ah la saaran Dhakada kore ee Isbitaalka oo difaac ku jira, waxa uuna u raaciyay ereyo ay ka mid ahaayeen “Haddii aan dhaawacmo Isbitaalkaan ayaa laygu daaweenayaa, haddiise layga xoog roonaado waxaan ku fakanayaa doontaas, isagoo markaasi tilmaamayay Dooni Badda dhex tiil”, waxa la yaab leh in Amiin Caamir markii uu doonta sawirayay uu Muusana oranayay “iyadana ayaan ku fakanayaa” aad moodayba in Amiin uu ka warqabay in Muuse uu ku fakanayo Doon sidii ayayna ku dhacday oo Muuse iyo Bashiir Raage Doontii aya  naf bideen oo ay ku baxsadeen, oo saadaashii uu bixiyay Amiin Caamir waxay noqotay mid sawirka ka run sheegtay.

Amiin Caamri waxa uu soo sawiray sawir kale oo uu kaga hadlayo Baxsashadii Muuse iyo Bashiir iyadoo ku sugan Badweyn kuna dhex jira labo Tuyuub oo kuwa lagu dabaasho ah, waxaana u muuqda Markab weyn oo uu Mareykanku leeyahay, waxayna is dhaafsanayaan ereyadaan, Muuse ayaa ku hormaraya oo leh “War Bashiir armay ragguu haddii aan u tagno noo qabsadaan lacagtii aan horey uga qaadanay”, Bashiir ayaase ugu jawaabanaya “lacag laguu qabsado wayba roontahaye armay xabsiga noo taxaabaan”.

Labo nin oo ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamka oo sheekeysanaya ayaa mid waxa u leeyahay “war ninkii Muusaa waxa uu ku baxsaday Doon, kii kale ayaa waxa uu yiri “war ninyahow sawirkii Amiin Caamri waa naga hoos baxay waayo isagaa ayaa noo muujiyay in Muuse ku baxsan karo Doon ee maxaan uga faa’iideysan weynay”.

Kaartoonkii ugu dambeeyay oo ee uu sawiro Amiin Caamir waxa uu ahaa C/llaahi Yuusuf oo taleefan u diraya Itoobiya oo ku leeyahay “Ciidamadii waad la soo daahdeen oo mar horey ayay ahayd in ay na soo gaaraan, waxaan leeyahay ciidamada ka socda Suudaan ha noo dambeeyaan ee marka hore nala soo gaaray kuwa ka socda Itoobiya”, qof kasta waa uu fahmi karaan waxa uu ula jeedo Amiin Caamri Sawirkaasi, waayo waxa uu Aamin Caamri ku tusinayaa in C/llaahi Yuusuf oo yahay in si aad ah ula xiran Itoobiya.

Isku soo wada duuboo, waxa la sugaaba waa Sawirka dambe ee uu Amiin Caamir soo muujiyay, halka ay saadaashiisu ku dambeyn doonto, iyadoo haatan la og yahay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah, kuwasoo ku xadgudbay cunaqabeyntii hubka ee Soomaaliya, maadaama Qaramada Midoobey aysan ka soo saarin wax go’aan ah oo la xiriira cunaqaba-teyntaasi, iyadoo maalintii doraad ahayd ay Qaramada Midoobey cambaareysay wadamada ku xadgudubaya Soomaaliya.

W/D: Aamiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 19, 2006

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD