Xaggee ku sugan yihiin hogaamiye
kooxeedyadii laga adkaadey..?
Inta badan
hogaamiye kooxeedyadii ku jiray isbahaysigii
fashilmay ee la dagaalanka Argagixisada ayaa
la sheegay inay isugu tageen deegaano ka
tirsan Gobalka Galguduud, iyadoo todobaadkii
hore ay gaareen deegaano ka tirsan Ceel-Buur
hogaamiyaasha kala ah Max’ed Qanyare Afrax,
Bootaan Ciise Caalin iyo Cabdi Nuure Siyaad,
waxayna saddexdoodu sheegeen in ay gebi
ahaanba ka baxeen isbahaysigii la dagaalanka
Argagixisada oo ay sheegeen in laga
adkaaday, sidoo kale waxaa magaalada
Muqdisho la sheegay in ay dooni kaga
baxsadeen Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir
Raage, waxaana la sheegay in ay iyana
gaareen degmada Ceel-Dheer oo ka tirsan
Gobalka Galguduud, waxaa iyana halkaasi ku
soo dhaweeyay nin isbahaysiga ka tirsanaa oo
lagu magacaabo Ciise ilaa iyo hadda lama
garanayo sababaha ay halkaasi u tageen, hase
yeeshee dhamaantood halkaasi ayay ka soo
wada jeedaan.
Cabdi Rashiid
Shire Ilqeynte oo isagu shalay u waramayay
saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in uu gebi
ahaanba isaga baxay isbahaysigii la
dagaalanka Argagixisada, isagoo sheegay in
hubkiisii uu ku wareejiyay Maxkamadda
Islaamiga ah ee Al-Furqaan, sidoo kale waxa
uu u soo jeediyay Bulshada Soomaaliyeed in
ay la shaqeeyaan Midowga Maxaakiimta
islaamiga ah. Waxaa Magaalada Muqdisho
haatan ku sugan yihiin Cabdi Shukri, Cabdi
Qaybdiid iyo Cumar Finish oo iyana sheegay
in ay ka baxeen isbahaysiga, waxaana
magaalada Adis-Ababa ku sugan Max’ex Cumar
Xabeeb (Max’ed Dheere) oo isagoo maqan laga
qabsaday xaruntiisii. Dhamaantood waxay
qireen in isbahaysigii la aasaasay 18-kii
Feebaraayo uu kala daatay, isla marakaana ay
sheegeen in ay ka baxeen isbahaysigaasi
Sheekh Shariif “Dowladda iyadoon la soo
dooran.ayaa hadana diyaar u nahay
wadahadal.”
Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga
ah oo ku sugan Magaalada Jowhar ayaa
halkaasi shir jaraa’id ku qabtay waxa uuna
sheegay in Ujeeda-doodu ay tahay sidii
ummadda Soomaaliyeed ay dhibka uga saari
lahaayeen isla markaana ay u heli lahaayeen
maamul iyo kala dambeyn.
Mar la weydiiyay bal inay wada hadal la
galayaan Dowladda Federaalka, waxa uu Sheekh
Shariif ku jawaabay “Weli arrintaasi sidii
ayay u taagan tahay oo waxaan diyaar u nahay
in la wada hadlo”, waxa uuna intaasi sii
raaciyay “Dowladda Federaalka aan la dooran
ayaana haddana diyaar u nahay in aan wada
hadalno”.
Sheekh Shariif waxa uu beeniyay in
ciidamadooda ay ku sii jeedaan gobolo kale,
isagoo sheegay in ay ku shaqeynayaan
rabitaanka shacabka. Ugu dambeyntii waxa uu
sheegay in ay maamul u sameyn doonaan
Gobalka Sh/dhexe.
Xaaji Bakiin “kuwa ku faraxsan waxa ka
socda Muqdisho Ilkaha ayaa looga siibayaa
Biinso…”
Xaaji Bakiin oo ka mid ah
Mas’uuliyiinta Maamul Gobaleedka Puntland
ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Puntland
aysan waxba ka quseyn is bedelada ka dhacay
Magaalada Muqdisho ee looga adkaaday
hogaamiye kooxeed-yadii. “Ciddii lagu arkaa
iyadoo sameyneysa dhaqdhaqaaq la xiriira in
ay ku taageereyso waxa ka socda magaalada
Muqdisho Xabsiga ayaa loo taxaabayaa” ayuu
yiri Xaai Bakiin waxa uuna intaasi sii
raaciyay “kuwa u qoslaya waa in ilkaha looga
siiba Biinso” “Dadkaasi waa Hawiye anaguna
waxaan nahay Daarood, Ruwaayaddaasina waxba
nakama quseeyaan” ayuu yiri Xaaji Bakiin oo
sheegay in Maamulka Putland uu joojiyay
wixii banaanbaxyo ah ee lagu taageerayo waxa
ka socda Magaalada Muqdisho.
Xasan Daahir Af-Qurac oo
Madaxweyne ku xigeen ka ah Maamulka Puntland
ayaa waxa uu sheegay in is bedelka ka dhacay
magaalada Muqdisho uu yahay mid kala duwan
markii horana ay ka soo bilowdeen USC,
kadibna dagaalo dhex mareen, haatan waxa uu
sheegay in ay xirteen wax uu ugu yeeray
Shaar Maxkamadeed.
Ismaaciil Cumar Geele “Umadda
Soomaaliyeed muddo cunaha ayaa lahayey waxaa
ka fujiyey..”
Ismaaciil Cumar Geele oo ah Madaxweynaha
Wadanka Jabuuti oo u waramayay Idaacadda
British Broadcasting Corportaion ayaa ka
hadlay xaaladda cusub ee ku soo korortay
dalka Soomaaliya, isagoo arrimahaasi ka
hadlayana waxa uu yiri “Ummadda Soomaaliyeed
16-sano ayaa cunaha lagu dheganaa waxaana
arrintaasi u kacay inay wax ka qabtaan dad
muslimiin ah oo ka dhiidhiyay dhibaata lagu
hayay dadkooda”.
Mar waxa laga weydiiyay Ismaaciil Cumar
Geele in soomaaliya ay ku sugan yihiin kooxo
argagixiso, waxa uu yiri “wixii ka dambeeyay
11-kii Sibteembar Soomaaliya u malayn maayo
in ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso, labo
ama hal haddii la leeyahay way ku sugan
yihiin, waxaa ka haboon in marka hore la
eego dadka fara badan, laguna shaqeeyo
rabitaanka Ummadda”.
Ugu dambeyntii Ismaaciil Cumar Geele waxa uu
sheegay in dalka Jabuuti uu diyaar u yahay
in uu gacan ka gaysto sidii Dalka Soomaaliya
loogu soo dabaali nabadgelyo, waxa uuna u
soo jeediyay Maxaakiimta iyo Dowlada
Federaalka si loo dhameeyo arrimaha jira.
Jabhadda Midowga Xoreynta Ogaadeeniya oo
ka warbixisey dagaalo ka dhacay...
War saxaafadeed shalay ka
soo baxay xafiiska Jabhadda Midowga Xoreynta
Ogaan-deeniya ay ku leedahay Magaalada
Muqdisho oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano
ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in deegaano ka
tirsan Dhulka Ogaandeeniya ay ciidamada
Itoobiya ka gaysteen xasuuq, carig, dil iyo
kufsi kaddib markii shacabku ay diideen waxa
ay ugu yeereen maamulkeeda macanga-gga ah.
War saxaaadeedku waxa uu
intaasi ku daray in dagaalo ay ka dhaceen
deegaanka Daratoole ayna Jabhaddu ku gubtay
hal gaari oo ay saanaayeen 30-4- askari.
Waxa kaloo dagaal ka
dhacay deegaanka Juqle oo ka tirsan gobalka
Qoraxey, waxaana ciidanka Xabashida looga
dilay 20 Askari, waxaa kaloo iyana dagaal ka
dhacay halka lagu magacaabo Karin-Barqadle
oo ka tirsan Gobalka Nogob waxana ciidamada
Xabashida halkaasi looga dilay 5-askari
6-kalan waa looga dhaawacay, Guunagado oo ka
tirsan Gobalka Dhagaxbuur ayaa isna waxaa ka
dhacay dagaal waxaana Ciidanka Xabashida la
gaarsiiyay khasaaro naf iyo maalba leh,
Sidoo kale waxay dagaalo ka dhaceen
Ceelweyne, Shilaabo, Barmiilka iyo Bulaale,
waxaana Xabashida halkasi lagu gaarsiiyay
khasaaro aad u fara badan.
Warar ku saabsan Ciidamada Itoobiya ee
soo galey gudaha soomaaliaya..
Wararka naga soo gaaraya Gobalada Gedo
Bakool iyo Baay waxay sheegayaan in ciidamo
Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ay soo
galeen, waxaana la sheegay in ciidama-daasi
ay is daba haystaan laga soo bilaabo Gobalka
Gedo ilaa iyo Gobalka Baay.
Dadweynaha ku nool Gobaladaasi ayaa iyagu
walaac ka muujiyay ciidamada Itoobiya ee soo
galay xuduuda Soomaa-liya, iyadoo dareenka
dadka uu yahay mid aad u kacsan.
Ciidamo aan sidaa u tiro badneyn ayaa soo
gaaray garoonka Diyaaradaha ee Magaalada
Baydhabo, iyadoo maalintii shalay gebi
ahaanba la xayiray dhaqdhaqaaqii garoonka ha
noqoto diyaaradihii ka soo degayay ama ha
noqoto dadka soo booqanayay.
Warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamo laga
keenay Puntlanad ay iyana ka soo degayaan
garoonka Baydhabo kuwasoo la doonayo in lagu
xoojiyo ciidamadii horey u joogay magaalada
Baydhabo.
Dowladda Itoobiya ayaa iyadu ka hadashay
ciidamada ka gudbay xaduuda Soomaaliya,
waxayna sheegeen in ciidamadaasi ay yihiin
Dowladda kala qayb-qaadanaya sugida
Ammaanka.
Max’ed Ibraahim Bilaal oo ka mid ah
Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa
waxa uu sheegay in dadweynaha gobalada Bay
iyo Bakool ay go’aansadeen in ay iska
saaraan Ciidamada Itoobiya iyo C/llaahi
Yuusuf waxa uu wato, waxa uuna sheegayin
haatan ciidamo ay ku uruurinayaan Magaalada
Buurhakaca si ay uga hortagaan ciidamada
Itoobiya.
Max’ed Ibraahim Bilaal waxaa kaloo u
hanjabay 125-tii Xildhibaan ee u codeeyay in
ay dalka soo galaan ciidamo shisheey,
waxaana la sheegay in qaarkood ay shalay ka
dhoofeen Magaalada Baydhabo, sidoo kale
waxaa la xiray xaruntii Idaacadda Shabeele
iyo waliba iyadoo xabsiga loo taxaabay
shaqaale ka shaqeynayay Idaacaddaasi.
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 19, 2006
Mowqifkii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Birmingham UK
Jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool magaalada
Birmingham ee UK, waxay si Buuxda u
taageereysaa ;Kacdoonka shacbiga oo ay
hogaaminayaan midowga maxaakiinta islaamiga
ah
wixii kadanbeeyay 91 waxay soomaaliya ku
sugneyd xaalad hoos u dhac dhaqaale iskaashi
bulsho la’aan, caafimaad daro iyo nabad
gelyo xumo kadib markii dowladiina lariday
mid kale oo awood lehna la unki waayey.

jaaliyadu waxay aaminsan tahay, in ay
fursadani tahay, tan ugu dhow ee qaranimo
Soomaaliyeed lagu gaari karo, maadaama
qab-qablayaasha dagaalku ay ummadda, xal
dowladnimo u horseedi waayeen isla markaana
ay mudo 16 sano ah diideen xal kasta oo la
keeno in ay aqbalaan.
Waxaan maxaakiimta iyo shacabka soomaaliyeed
ku bogaadineynaa guusha u soo hoyatey,
waxaana ku dhiirigelineynaa in ay fursadaan
si isku duubni ah ugu miro dhaliyaan.
Jaaliyaddu, waxaa kale oo ay ka soo
horjeedaa:
-in
Soomaaliya ciidan shisheeya oo la keeno saf
hore iyo dambe toona.
Soomaalidu guud ahaan iyo gaar ahaan
shacabka reer muqdisho waxay ku cibro
qaateen dhibaatooyinkii ciidamada shisheeye
ay u geysteen oo isugu jirey, naf, maal ,
dhaqan xumo iyo cudurada faafa.
sidaas darteed, waxaan beesha caalamka u
soo jeedaneynaa in ay kacdoonkaan u arkaan
mid ku saleysan doonista shacabka
soomaaliyeed laguna gaarayo amni iyo kala
danbeyn.
Waxaan kacdoonkan shacabka iyo hogaanka
maxaakiimta u rajeynaa guul.
Walaalayaal mahadsanidiin.






Jaaliyadda Soomaaliyeed Birmingham, UK