WARARKII
JUNE 18, 2006
Guddoomiyaha G/Mudug, C/Rashiid Cali Xaashi Dhuubane oo Fadwooday...
DHEGEYSO
Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay
soo galeen Magaalada”
Dad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa noo
xaqiijiyay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gawaarida gaashaaman soo
gaareen Magaalada Baydhabo, gaar ahaan iyadoo ay keentay diyaar kuwa Milatariga
ah oo ay leedahay Dowladda Itoobiya, waxaana saarnaa sida na loo xaqiijiyay 300
oo Askri oo la sheegay in ay hordhac u yihiin ciidamo kale oo la sheegay in ay
ka soo talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya. Imaanshaha Ciidamada Itoobiya
waxay xadgudub ku yihiin qaraarkii cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya, sidoo kale
waxay xadgudub ku yihiin shuruucda caalamiga ah ee u degsan Qaramada Midoobey,
Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Islaamka iyo IGAD, iyadoo ciidamadaani ay ka
soo hordhaceen xiligii loogu talagalay, waxayna dhabar jab ku noqoneysaa
Dowladda Federaalka oo iyadu sheegtay in marka hore imaanayaan ciidamo ka socda
wadamada Uganda iyo Suudaan. Xaaladda Magaalada baydhabo ayaa aad u kacsan
iyadoo si aad ah loo adkeeyay ammaanka Magaalada, waxaana la sheegay in qaar ka
tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ay isaga bixi doonaan Magaalada Baydhabo,
maadaama lagu xadgudubay Dastuurkii iyo Xeerkii u degsanaa, laguna xadgudbay
cunaqabateyntii hubka ee Qaramada. Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyagu
sheegay in ay ka hortagi doonaan ciidamo shisheeye oo la keeno soomaaliya.

Mudaharaadkii Muqdisho, June 17, 2006
Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo ku
soo jeeda Muqdisho...
Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in
wafdi ka socda Dowladda Mareykanka ay maalmaha soo socda soo gaari doona
Magaalad Muqdisho si ay wada hadal ula yeeshaan Midowga Maxaakiimta islaamiga ah
oo iyagu doonaya in ay taageero ka helaan beesha Caalamka oo uu ugu horeeyo
Mareykanka.
Wafdigaan oo heer Diblamaasiyadeed ah ayaa la
sheegay inay imaanshahooda ogolaadeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa horey u
sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wada shaqeyn dhex marto iyag iyo
Mareykanka,. hase yeeshee Sheekh Shariif waxa uu u soo jeediyay inay u
hogaansanto rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed oo iyagu kacdoon ku riday
hogaamiyaasha kooxaha oo mudo lix iyo taban sano ah xoog ku haystay shacabka
gobalka Banaadir.
Dhanaca kalana Dowladda Yemen ayaa wada sidii
ay u dhex dhexaadin lahayd Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta
Islaamiga, waxaana la sheegay in labada dhinac ay si weyn u aqbaleen.
Maxkamad Islaami ah oo laga furay
Magaalada Mahadaay…
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Mahadaay
oo ka tirsan gobalka Sh/dhexe, waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd
magaaladaasi looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah oo ka mid noqoneysa Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyagu maalin maalinta ka dambeysa ay awoodoodu sii
kordheyso, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Midowtga Maxaakiimta
Islaamiga ah. Maanta ayaa la filayaa in banaanbax lagu t aageerayoi Magaalada
Mahadaay uu ka dhacao Magaaladaasi, sidoo kale Maxkamad Islaami ah ayaa looga
dhawaaqay Degmada Yaqshiid oo ka tirsan Gobalka Banaadir.
C/llaahi Yuusuf “Haddii ay Maxaakiimtu ay Aqoonsadaan waan la kulmayna...”
C/llaahi Yuusuf oo ah
Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhyabo ayaa
si weyn u soo dhaweeyay go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka la keeno ciidamo
shisheeye isagoo sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid mar horey la sugayay.
Mar wax laga weydiiyay is
bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho ayuu C/llaahi Yuusuf ku jawaabay “Horey
ayaan u soo jeediyay in Maxaakiimtu ku ekaadaan Muqdisho aysan u gudbin gobalada
kale, waxaana haatan kula talinayaa in ay ka baxaan gobalada ay joogaan”, waxa
uu intaasi sii raaciyay “waxaan u arkaa in ay yihiin Qatar, balse waa in ay ka
haraan awooda qoriga oo ay wax walba ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad”.
“Marka ay aqoosadaan Dowladda
Federaalka ayaan wada hadal la galeynaa balse inta uu qalbigoodu ku jiro is
balaarin iyo siyaasad ku dhisan gursi wax wada hadal ah la gali meyno” ayuu yiri
C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uu qoraal ka helay Madaxweynaha wadanka Yemen,
waxa uuna C/llaahi Yuusuf sheegay in uu Madaxweynaha Yemen ka codsaday in ay
wada hadal u furaan iyaga iyo Midowga Maxaakiimta, waxaa kaloo uu sheegay C/llaahi
Yuusuf in Madaxweynaha Yemen uu u sheegay in haddii ay Dowladda Aqoosadaan
Midowga Maxaakiimtu ay wada hadal diyaar ula yihiin.
Hubkii Muuse Suudi oo wali uu ka taagan
yahay Muran Xoogan...
Warar ayaa waxay sheegayaan in Muuse Suudi
Yalaxow iyo Bashiir Raage ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho ayna ku baxeen
Dooni soo gaartay Xeebta Mariino maalintii doraad ahayd.
Ilaa iyo hadda lama oga halka ay ku
kicitimeen labadaasi xubnood oo ahaa rag ugu cad caddaa Isbahaysigii burburay ee
la dagaalanka Argagixisada kaddib markii ay ka adkaadeen Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah. Warar ayaa waxay sheegayaan in Muuse Suudi uu dhaqaaqay dhinaca
Cadale iyo Warshiid, warar kale ayaa waxay leeyihiin waxaa laga yaabaa in
doontii siday ay gaartay Markab uu Mareykanku leeyahay oo taagan xeebta.
Muuse Suudi waxa uu ka tagay hub aad u fara
badan oo isugu jira Qoryaha Lidka Diyaaradaha, madaafiicda Goobta, Gawaarida
Gaashaa-man iyo Qoryaha darandooriga u dhaca, waxaana la sheegay in
Maleeshiyadii haystay hubkaasi ay maalintii shalay ahayd isku qabsadeen
hubkaasi, hase yeeshee Muuse ayaa hubkaasi waxa uu uga tagay taliye ku
xigeenkiisii Cali Dalable.
Odoyaasha uu ka soo jeedo Muuse Suudi ayaa
iyagu waxay dadaal ugu jireen sidii hubkaasi uu u noqon lahaa hub ay leedahay
Beesha, si loogu sameeyo Maxkamad Islaami ah.
Odoyaasha iyo Kooxaha Maleeshiyooyinka ayaa
haatan waxaa u dhexeeya muran aad u xoogan, hase yeeshee qaar ka mid ah
Odoyaasha ayaa waxaa la sheegay in ay u yeereen Maxaakiimta Islaamiga ah si ay
goob joog uga noqdaan wareejinta hubkaasi si hubku u noqdo mid loogu shaqeeyo
Maxkamadda Islaamiga ah ee la filayo in looga dhawaaqo Waqooyiga Muqdisho.
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wararkii JUne 17,
2006
Banaanbax looga soo horjeeday
Ciidamo shisheeye oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho...
Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax kii ugu
balaarnaa oo ka dhacay Magaalada waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee
Bulshada, waxaana soo qabanqabiyay kacdoonka Shacabka, waxayna dadku wateen
boorar ay ku qornaayeen “Dooni meyno Ciidamo shisheey noocay doonaanba ha
ahaadeene” “waxaan kalsoonidii kala laabanay Baarlamaanka” “Mareykanku ha
joojiyo faragelinta uu ku wado Soomaaliya” “Itoobiya Dooni meyno” iyo eryo kale.


Culuma’udiinkii halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka
Midowga Maxaakiimta Sheekh C/qaadir Cali Cumar waxa uuna sheegay in aysan
marnaba ogolaan doonin in wadankooda ay yimaadaan ciidamo shisheey qaarad kasta
haka yimaadaane, waxa kalloo uu sheegay in ay ka hortagi doonaan ciidamo
shisheeye oo soo gala wadanka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ummadda
Soomaaliyeed ay aad uga xumaatay go’aankii Baarlamaanka ee ugu yeeray Caddowga
ummadda Soomaaliyeed.


Waxaa kaloo ka hadlay k hadlay Guddoomiyaha Kacdoonka Difaaca Diinta, Axmed Qare
oo sheegay in ay naftooda u huri doonaan dalkooda iyo diintooda, ciidamo
shisheeye oo la keeno dalka Soomaaliya, “Dalka haatna waa nabad siiba Magaalada
Muqdisho marka looma baahna ciidamo shishee oo nabad suga” ayuu yiri Qamed Qare
oo intaa raaciyay waxaan aad uga xunnahay in Shariif Xasan oo aan ku soo
dhaweenay magaalada Muqdisho uu maanta Ummadda Soomaaliyeed u soo horseedo
caddowga Ummadda Soomaaliyeed, waana mid aanan ka fileyn.


Banaanbaxa oo ahaa mid si aad ah loo soo abaabulay ayaa waxaa tabinayay war
fidiyeeno ka socday beesha caalamka, waxayna si aad ah ula yaabeen Boor ay ku
qornayeen “Bush dhegahaaga iyo indhahaaga fur”.

Dadka Soomaaliyeed ayaa iyagu walwal weyn ka muujiyay in Soomaaliya waqtigaan la
keeno ciidamo shisheeye, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah macallin Wax ka
dhiga Jaamacadaha Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in waqtigaan aysan Soomaaliya
u baahneyn Ciidamo shisheeye, sidoo kale waxaa iyana arrintaani ka soo
horjeestay Culuma’udiinka Gobalada Baay iyo Bakool oo sheegay in ay la jihaadi
doonaan cid kasta oo Soomaaliya u soo horjseeda Ciidamo shisheeye.
Golaha Midnimada iyo Badbaada Qaranka Soomaaliyeed ayaa isagu waxa uu sheegay in
ay si weyn uga soo horjeedaan in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye noocaan
doonaanba ha ahaadeene, iyagoo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay ku timid is
bedel weyn oo dhinaca nabadgelyada ah kaddib markii ay Maxaakiimta ka adkaadeen
qabqablayaasha dagaalka oo iyagu hor taagnaa in ay Soomaaliya hesho nabad buuxda.
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 18, 2006
Isha: codka: Radio daljir
TAARIIKH KOOBAN EE ISBEDELADA UGU DAMBEEYEY SOOMAALIYA::: Akhri...:
|