-
Jaamacadda Carabta oo ka
digtay in Soomaaliya loo diro Ciidamo …
-
Banaanbax looga soo
horjeeday Ciidamo shisheeye oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho...
-
Culuma’u-diinka Gobalada Baay iyo
Bakool oo Iclaamiyey....
-
Warar ku saabsan Xaaladda Magaalada Baydhabo…
-
Maalinta Carruurta
Afrika oo shalay laga Xusey Muqdisho..
Jaamacadda Carabta oo ka
digtay in Soomaaliya loo diro Ciidamo …
Xoghayaha Guud ee Jaamacadda
Carabta Caamir Muusa ayaa si weyn uga digay in Soomaaliya loo diro ciidamo
shisheeye ah oo ka socda caalamka.
“Soomaaliya horey ayaa loogu
tijaabiyay Ciidamo shisheeye maanta u maleyn mayo in Soomaalidu ay u baahan
tahay ciidamo shisheeye” ayuu yiri Caamir Muusa oo sheegay in loo baahan yahay
in Soomaaliya laga taakuleeyo uruurinta ciidamadii hore lana siiyo wixii
tasiilaad ah oo ay u baahan yihiin.
Jaamacadda Carabta kama aysan
qaybgelin shirkii dhawaan uu Mareykanku ku baaqay ee looga hadlayay kana dhacay
Magaalada New York ee cariga mareykanka, hase yeeshee waxaa loo maleynayaa in
shirka Bisha soo socda ka dhici doona Dalka Sweden lagu martigeliyo Jaamacadda
Carabta, Midowga Afrika iyo wadamada Urur Gobaleedka IGAD.
Tan iyo markii ay qalalaa-suhu
ka dhaceen Soomaaliya Jaamacada Carabtu door muhii ah kuma lahayn arrimaha
Soomaaliya xitaa Soomaaliya sooma gaarsiin wax gargaar ah oo muuqda.
Banaanbax looga soo horjeeday
Ciidamo shisheeye oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho...
Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax kii ugu
balaarnaa oo ka dhacay Magaalada waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee
Bulshada, waxaana soo qabanqabiyay kacdoonka Shacabka, waxayna dadku wateen
boorar ay ku qornaayeen “Dooni meyno Ciidamo shisheey noocay doonaanba ha
ahaadeene” “waxaan kalsoonidii kala laabanay Baarlamaanka” “Mareykanku ha
joojiyo faragelinta uu ku wado Soomaaliya” “Itoobiya Dooni meyno” iyo eryo kale.
Culuma’udiinkii halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka
Midowga Maxaakiimta Sheekh C/qaadir Cali Cumar waxa uuna sheegay in aysan
marnaba ogolaan doonin in wadankooda ay yimaadaan ciidamo shisheey qaarad kasta
haka yimaadaane, waxa kalloo uu sheegay in ay ka hortagi doonaan ciidamo
shisheeye oo soo gala wadanka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ummadda
Soomaaliyeed ay aad uga xumaatay go’aankii Baarlamaanka ee ugu yeeray Caddowga
ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo ka hadlay k hadlay Guddoomiyaha Kacdoonka Difaaca Diinta, Axmed Qare
oo sheegay in ay naftooda u huri doonaan dalkooda iyo diintooda, ciidamo
shisheeye oo la keeno dalka Soomaaliya, “Dalka haatna waa nabad siiba Magaalada
Muqdisho marka looma baahna ciidamo shishee oo nabad suga” ayuu yiri Qamed Qare
oo intaa raaciyay waxaan aad uga xunnahay in Shariif Xasan oo aan ku soo
dhaweenay magaalada Muqdisho uu maanta Ummadda Soomaaliyeed u soo horseedo
caddowga Ummadda Soomaaliyeed, waana mid aanan ka fileyn.
Banaanbaxa oo ahaa mid si aad ah loo soo abaabulay ayaa waxaa tabinayay war
fidiyeeno ka socday beesha caalamka, waxayna si aad ah ula yaabeen Boor ay ku
qornayeen “Bush dhegahaaga iyo indhahaaga fur”.
Dadka Soomaaliyeed ayaa iyagu walwal weyn ka muujiyay in Soomaaliya waqtigaan la
keeno ciidamo shisheeye, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah macallin Wax ka
dhiga Jaamacadaha Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in waqtigaan aysan Soomaaliya
u baahneyn Ciidamo shisheeye, sidoo kale waxaa iyana arrintaani ka soo
horjeestay Culuma’udiinka Gobalada Baay iyo Bakool oo sheegay in ay la jihaadi
doonaan cid kasta oo Soomaaliya u soo horjseeda Ciidamo shisheeye.
Golaha Midnimada iyo Badbaada Qaranka Soomaaliyeed ayaa isagu waxa uu sheegay in
ay si weyn uga soo horjeedaan in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye noocaan
doonaanba ha ahaadeene, iyagoo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay ku timid is
bedel weyn oo dhinaca nabadgelyada ah kaddib markii ay Maxaakiimta ka adkaadeen
qabqablayaasha dagaalka oo iyagu hor taagnaa in ay Soomaaliya hesho nabad buuxda.
Maalinta
Carruurta Afrika oo shalay laga Xusey Muqdisho..
Shalay oo ay ku
beegneed 16-ka Juun oo ah Maalinta Carruurta Afrika ayaa xaflado lagu xusayay
maalinkaasi waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho.
Xarunta Youth Link
Somalia ayaa waxaa ka dhacay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka
qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Carruurta dibjirka ah ee ku sugan
xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha
Mashruuca Positive Attitude For Life Project Mudane Farxaana ayaa waxa uu
sheegay in ay munaasabadda maalinta carruurta Afrika aawadeed ay 460 carruur ah
oo dibjir ah ay ku gudoonsiiyeen qalab Isboorti oo isku dhan.
Qalabkaan waxaa
maalgeliyay Concern Worldwide (US) ayaa halkaasi waxaa lagu soo bandhigay ruwaad
ka hadleysay dhibaatada ay qabaan caruurta ku nool Afrika, iyadoo carruuta
qaarkood la gudoonsiiyay abaalmarino kala duwan.
Dhinaca kale
Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale xaflad lagu xusayay maalinta Carruurta Afrika oo
ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana halkaasi ka hadlay
Maryan Xuseen Owreeye oo ka socotay xarunta Ismaaciil Jimcaale oo sheegtay in
Carruurta Afrika gaar ahaan Carruurta Soomaaliyeed ay maalin walba la kulmaan
dhibaatooyin loona baahan yahay in mar kasta la siiyo daryeel, sidoo kale
xubnihii iyana halkaasi ka hadlay ayaa waxay u soo jeediyeen shacabka
Soomaaliyeed in ay il gaar ah ku eegaan carruurta Soomaaliyeed, maadama yihiin
madaxdii berito. Sawirada hoos ka eeg.





W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 17, 2006
TAARIIKH KOOBAN EE ISBEDELADA UGU DAMBEEYEY SOOMAALIYA::: Akhri...:
C/Laahi Yuusuf
iyo Sheikh Shariif Axmed oo Yemen ka ogolaaday In ay Wada Hadlaan
Madaxweynaha DFKMG iyo gudoomiyaha Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ayaa isla ogolaaday in ay...
Guji...
Jun 16
Fursadii ugu
Danbaysay ee Soo marta DFKS
Faalladii Maanta ee Xasan Dhooye....
Guji...
War-cad oo ka soo
Baxay Shirkii New York
Kulankii looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa
waxaa ka soo baxay war-cad oo...
Guji....
"Qabqablayaashii
Soomaaliya Markii ay Qaateen Lacagtii Maraykanka ayey Guryihoodii addeen...."
Waxaana Lagu Qiyaasay in $100,000 oo doolar
bil kasta la siin jirey Qabqablayaasha Dagaalka Soomaaliya....
Akhri halkan
Maraykanka oo
Sheegay in uu Diyaar u yahay la Shaqaynta "Dhammaan Garabyada Soomaaliya..."
"Maraykanku waxa uu diyaar u yahay in uu la
shaqeeyo dhamaan garabyada Soomaaliya si loo raadiyo xal nabadeed..." sidaas
waxaa yiri...
Guji...
"NSG" Waa Shirkad
Caynkee ah
Northbridge Services Group, Ltd oo ah
shirkadda ay DFKMG siisay xuuuqda bixinta shatiyada shidaalka ayaa
..
Guji....
Faallo:
Midowga
Maxkamadaha oo sii xoogaystay Iyo BFKMG ah oo ciidan u codeeyay | Mumtaz