SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO


Midowga Maxkamadaha oo sii xoogaystay Iyo BFKMG ah oo ciidan u codeeyay. 

Faalladii Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com | Jun 15, 2006

Awood la’aanta iyo dhaqaale darrida ka muuqata Baarlamaanka Iyo dowlada Soomaaliya ee Hadda fadhigoodu yahay magaalada aan xassilanayn ee Baydhabo ayaa maanta miciin biday in ay markale u codeeyey Qodob dhiig badani ku daatay laguna kala guuray sanadkii hore oo ahaa keenista ciidamo shisheeye oo ay ku jiraan kuwa dalalka dariska la ah Soomaaliya ee Safka hore loo yaqaano.
 
Baarlamanka KMG ah oo u muuqda kuwo soo xaliyay mushkiladii Qodobkaas ayaa aqlabiyad xooggan ku ogolaaday in dalka loo ogolaado in la keeno ciidamo ay ku jiraan kuwa safka hore,si ay dowladu ugu guulaysato barnaamijkeeda Nabadgalyada ah ee ay ku doonayso in ay awooda dalka gacanta ugu dhigto.
 
Waxaan shaki ku jirin in wadamada dariska ah ee hadda baarlamaanka Soomaaliyeed ee baydhabo joogaa ay u codeeyeen uu heli doono jawaabo liddi ku ah codayntaas oo kaga yimaada Gudaha iyo dibadaba haba ugu darnaadeen Midawga Maxaakiimta Islaamiga ah ee hadda Isku arkay in ay Awoodda gacanta ku hayaan siyaasad cusubna la yimid Waayadan dambe,kadib markii ay kaga guulaysteen Goobo badanna kala wareegay Hogaamiyayaashii dagaal ee Dhulalkaas Maamulayey. 
 
U codaynta ciidamada shisheeye maahan igu soo orod ee waxaa ka horeeya Howlo badan oo ah in Midawga Afrika uu ka doodo arrimo dhowr ah oo ah dhaqaalahooda, tiradooda wadamada  laga kala keenayo iyo waliba in loo helo Aqbalaad ka timaada  Gollaha Amaanka ee QM iyo Maraykanka oo indho gaar ah ku haya Soomaaliya, si ay dhaqaalahooda u damaanad qaadaan taas oo iyadana qaadan doonta waqti dheeraad ah haddiiba ay ogolaadaan.
 
Maxaakiimta Islaamiga ah ku sii Socda wali Dhulal hor leh kadib markii ay soo qabsadeen sadex magaalo oo waaweyn oo ay ku jirto Caasimaddu ayaa ku niyad wanaagsan Mahadna uga haya in shacabka Deegaanadaas  iyo guud ahaan Soomaalidu in ay ku qanacsan yihiin Qorshaha ay wadaan ee ah dhul balaarsiga Nabadda Ku dhisan, Waxa ayna Maxaakiimtu Ku doodeen in haddii la keeno ciidamo shisheeye ay dhaawici doonto dadaalka Nabadeed ee ay doonayaan in ay wax walba xal iyo guul kaga gaaraan.
 
Gudoomiyah Midawga Maxaakiimta Sheik Shariif Sheikh Axmad Ayaa horay u sheegay in Dan loo keeno ciidamo shisheeeye aysan jirin maadaama caqabad loo arkayay Amaan dari ka jirtay Xamr,hadana ay Maxkamuhu gacanta ku hayaan iyagoo waliba diyaar u ah in ay wadahadal la galaan Madaxda Labada Golle ee Baarlamaanka iyo Dowlada KMG ah.
 
Laakiin Dadaaladan maahan kuwa Qancin kara Dowlada iyo Baarlamaanka waxa ayna u arkaan kuwo looga hormaray wax ay iyagu xaq u lahaayeen in ay qabtaan,waxa ayna Aaminsan yihiin in siyaasad ahaan aysan Maxaakiimtu u diyaarsanayn xiligan in ay soo raacaan talada iyo dastuurka labada Golle,waana midda ku dhalisay in ay ciidamo shisheeye door bidaan si ay Maxakiimta uga hortagaan dhul balaarsiga ay waddaan.
 
Ugu dambayntii Waxaan shaki badani ku jirin Haddii Ay dhabowdo in ciidamo shisheeye la geeyo Soomaaliya oo ay waliba ku jiraan kuwa safka hore,iyadoo aan la xaq dhowrin dadaalka Maxaakiimta Islaamiga ah oo shaqo weyn qabtay in xaalada dalka Soomaaliya ay sii xumaan doonto, iyadoo markii ugu horaysayna lagu guulaystay in Xamar Laga hor wareejiyo Hogaamiyayaal aan dal iyo dad midna rabin.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 15, 2006

Warar GooGoos ah: June 13
»Sheekh Qaasim “Haddii ay yihiin ciidamo Qaran maxay u..
»C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi maxay ka dooneen Kenya…?
»Dowladda Itoobiya oo ka codsatay IGAD in ay qayb ka
»Doodii ku saabsaneyd keenista Ciidamo oo maaanta...
»Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Siminaar u soo....
»Gumaysiga Itoobiya oo jawaasiis badan qortay.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 13
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD